SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


DANMARK: Suldaan Qiilmawaaye oo soo dhoweeyay Maamullada Jubbooyinka loo sameeyay

A. Abdullaahi | Denmark

Laga soo billaabo markii uu Madaxweynaha DFMG Mudane Cabdullaahi Yuusuf uu u magacaabay maamulo gobollada Jubbooyinka, ayaa waxaa soo baxayay baaqyo ka imaanayay Jaaliyadaha ka soo jeeda Jubbooyinka,iyagoo ka bixinayay aragtidooda ku aaddan isbaddalladan cusub.

Haddaba, waxaa noo suurtogashay inaan la kulanno Suldaan Maxammuud Saciid Qiilmawaaye oo isagu ka soo jeeda Gobolka Jubbada hoose, isla markaasna ka mid ahaa ganacsatadii Soomaaliya caanka ahaa ayaa si weyn isagu u soo dhoweeyay baaqii madaxweynaha ee la xiriiray guud ahaan dib-u-heshiisiinta soomaalida dhexdeeda, sidoo kalena wuxuu Suldaanku si diirran ugu soo dhoweeyay maamulka dhowaanta loo magacaabay guud ahaan gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka.

”waan soo dhoweynayaa baaqa dib u heshiisiinta ee uu madaxweynuhu ugu yeeray guud ahaan soomaalida dhexdeeda, soomaalida way ka daashay dagaal iyo colaad, waxaa la gaaray waqtigii soomaalida ay heshiin lahaayeen, waxaana la gaaray waqtigii aan dib u soo celin lahayn qarankeenii iyo sharaftii ay lahayd dadkii soomaaliyeed, si kal iyo laab leh ayaan u soo dhoweynayaa maamullada laga sameeyay gobolladda jubbooyinka” ayuu yiri Suldaanku oo ku sugnaa dalka Denmark wixii ka danbeeyay sannadkii 1995-kii, isla markaasna wax ka dhiga kana talo-bixiya arrimaha waxbarashada ee Dugsiga hoose/dhexe ee ku yaalla magaallada Odense.

Suldaan Maxammuud Qiilmawaaye ayaa walaac daran ka muujiyay qaraxyada iyo degganaansho la’aanta ka jirta koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaallada Muqdisho, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintan yiri:

”garan maayo waxa ay ka macaashayaan kuwa dhibaatada iyo colaadda la sii daba-jooga soomaalida tabaalaysan, yey maslaxad ugu jirtaa maatada ku dhimanaya maalin kasta magaallada Muqdisho, waxaan qabaa in dowladda lagu taageero guud ahaan dhismaha dalka iyo soo celinta nabadda” ayuu yiri suldaan Qiilmawaaye oo tilmaamay in sannadihii 16-ka sanno ay noogu filan yihiin waayo-aragnimo iyo cashar dadka caqliga u saaxiibka leh ay wax ku fahmaan.

Suldaan Qilmawaaye ayaa muujiyay ahmiyadda ay dhammaanteen noogu fadhido in la helo dowlad soomaaliyeed, nidaam iyo kala danbeyn buuxda, si aan u gaarno mustaqbalka dhow nidaam doorasho xor ah.

Ugu danbeyntii, wuxuu suldaanku u soo jeediyay Jaaliyadaha ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka inay markasta gobolladaas la garab istaagaan taageero buuxda, isagoo dhinaca kalena uga mahad celiyay sidii quruxda badnayd ee ay u soo dhoweeyaan una taageereen guud ahaan Dowladda FKMG  iyo maamulladii dhowaanta halkaas loogu magacaabay, kana digtoonaadaan kuwa markasta diiddanaa nidaam iyo kala danbeyn inay dadka Soomaaliyeed helaan.

A. Abdullaahi
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH