SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Bayaan: ka soo baxay Beesha Sade ee Denmark

rhus 17.02.2007 

Shirweyne ay qabanqaabisay jaaliyadda beesha Sade ee ku dhaqan dalkan Denmark, ayna  kasooqaybgaleen siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ka tirsanaan jiray ciidamaddii Xoogga  Dalka Soomaaliya iyo qaybo kale ee bulshada beesha Sade, ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada rhus ee dalkan Denmark . 

Shirkaas oo loo qabtay kuna saabsanaa in aqoon iyo talo lais weydaarsado loogana wada hadlo xalaadda murugada leh ee dalkeenii Soomaaliya ku suganyahay maanta ayaa, dood dheer ka dib waxaa kasoo baxay baaqan ku wajahan bulshada soomaaliyeed guud ahaan iyo weliba ninka soomaalidu u taqaan Cabdullahi Yuusuf, balse magaciisa dhabta ahi yahay: Qaran-Dumiye 

      1. Dawlad ku sheegga Xabashidu Nairoobi kusoo dhoo-dhoobtay ee ninka haatan ku caan baxay Qaran-Dumiye balse soomaalidu u taqaan Cabdullahi Yusuf iyo kooxdiisu waxay u beddeleen jabhad dib-u-dagaalsiin iyo inay dib u oogto colaad sokeeye iyo dhiig hor leh ee bulshada walaalaha ah oo 17 sano soo dhiig baxaysay dib uga aloosanta .
         
      1. Waxaa qof kasta ee wax garad ah u cad, in CabdullahiYuusuf weligii, illaa iminkadan aynu joognaba uusan weli ka gudbin dhaqankiisii qaran burburin ee uu kasoo bilaabay jabhaddiisii SSDF oo ahayd tii horseedda burburintii qarankii soomaaliyeed. Dhaqankiisa imminka ayeyna taasi ku caddahay inuusan uba dhaqmi karin hab masuul qaran ama madaxweyne, balse dhan kasta ee aad ka eegtaaba waxaa ku cad, inuu yahay hormuud jabhad qabiil.
         
      1. Jabhadnimadiisa qabiil waxaa kaloo ka marqaati furaya, inuu sharciga deg-degga ah (Martial-law) ee uu kusoo rogay dalka, iyada oo caadiyan sharcigaa loo adeegsado in nabadgelyada dalka lagu sugo, inuu isagu u adeegsaday inuu dalka ku ballariyo maamuleyaal beeleed o jabhaddiisa SSDF, si ciidan beeleedkaasi dalka oo dhan u hanto! Taloxumadaasuna ay ku salaysantahay maah-maahdii been abuurka ahayd ee beeshiisu oran jidhay:

        Intii-Madax-madow-iyo-Majeerteen-baa-is-leeg 

Waxaannu hadaba Mr.Cabdullahi Yuusuf iyo beeshiisa Majeerteen u sheegaynaa:

  • Dawladda Itoobiya inaysan ahayn Majeerteen.
  • Dawladda Itoobiyana waxaannu u sheegaynaa:

           beesha Majeerteen waa hal qabiil oo qabaailka soomaaliyeed ka mid ah, ma matasho mana  matali karto Soomaaliya 

  1. Waxaa kaloon Asafe Kebede ogaysiinaynaa:
  • Soomaalidu inaysan qaadan Karin kana soo horjeedo, in hubkan kusoo degay magac dawlad soomaaliyeed, inta laga soo dejiyo magaalada Boosaaso ee ah deegaanka beesha Majeerteen, markaa loo qaybiyo beeshii halkaa degganayd oo qura (Majeerteen), dabadeedna ciidankii Majeerteen ee sidaa lagu soo hubeeyay lagu magacaabo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, isla markaana gobollada kale ee ay beelaha soomaalied degaan, oo ay ka mid tahay magaalo madaxda Muqdisho, ciidankaa hubaysan ee Majeerteen beelihii halkaa degganaa oo dhan ku amro, in hubka laga dhigo.
     
  • In dekeddii iyo garoonkii Muqdisho, Boosaaso looga keeno nin, isagoo magac Majeerteen ku socda madax looga dhigo, markaana uu beelihii halkaa deegaan ahaan u lahaa uu ku amro inay hubka dhigaan isagana ka amar qaataan!. Hadaba Cabdullaahi Yuusuf iyo kooxdiisa Majeerteen waxaannu u sheegaynaa inaanay taasi ahayn mid shaqaynkarta oo soconaysa lagana yeeli mayo!
     
  • Xal uma aragno in, iyada oo gobolladii koonfureed uu Majeerteen dab horleh ka aloosay, maamulka iyo nabadda waqooyi ka jirta uu Cabdullahu Yuusuf iyo kooxdiisa beesha Majeerteen ay dab iyo fidno ka aloosaan, sidii ninkii intuu oodda qaadi waayay, midda kale sii dul saaray.

Waxaan hadaba xal u aragnaa kuna talinaynaa: 
 

  1. In la beddelo jawiga ah in ciidan Majeerteen xal lagu raadiyo, balse la dhiso ciidan soomaaliyeed oo maamul iyo magic qabiil ka madax bannaan.
  1. Si dadku u aamino hub ka dhigiddu inay ku salaysan tahay soomalinimo iyo soocelin ammaanka bulshada oo dhan, waa in hub ka dhigidda laga soo bilaabo deegaanka Majeerteen ee puntland ee isagu sida gaarka ah isu hubeyey weerarkana ku haya gobollada Soomaaliya oo dhan, kadibna deegaamada kale loo soo jeesto.
  1. Marba hadii dawlad ku sheeggu aanay ahayn mid military ah, Cabdullahai Yuusuf waa inuu joojoyaa oo faraha kala baxaa, magacaabidda madaxda iyo maamullada gobollada dalka. Waa inuu xasuusto, maskaxi haddii ay ku hadhay,wixii lagu heshiiyay inay ahayd dawlad Federal- ah oo gobol waliba u madax bannaanyahay dhismehiisa maamulka hoose. Sidaa darted asafe waa inuu masuuliyiinta soomaaliyeed  iyo beelaha gobolladaa deggan uu talada iyo goaamada dhismaha ismaamulkooda iyaga daayaa, asna ku ekkaadaa wixii madaxweyne ku meelgaar ahi qaban jiray.
  1. Illaa ay gobollada koonfurteed nabad iyo degganaasho ka gaarayaan, in beesha Majeerteen ee Cabdullahi yuusuf ay waqooyi farogelinta iyo dagaal oogidda ka joojiyaan
  1. Si loo badbaadiyo looguna daneeyo bulshada soomaaliyeed ee maatada ah, oo ku nool magaalada Muqdisho, waa in Cabdullahi yuusuf ciidamadiisa Majeerteen iyo xulafadooda Itoobia laga raro oo ay ka guuraan Muqdisho, haddii Asafe iyo kooxihiisu nabadgelyadooda u baqayaan, markaa waa inay, si ku meel gaar ah, Baydhabo ugu guuraan.
  1. Waxaannu taageero buuxda la garab taaganahay goaamadii kasoo baxay madaxda beesha Sade ee Kismaayo-Gedo-Caabud-Waaq iyo Balanballe, Oo ay maamulka iyo hoggaamada ku dhisteen.
  1. Haddii uu doonayao inuu rayi ka dhiibto maamullada gobollada beesha Sade, Cabdullahi Yuusuf waa inuu la tashado kana amar iyo talo qaato xildhibaannada iyo siyaasiyiinta beeshu baarlamaanka ku meel gaarka ah usoo magacaabatay oo la jooga Baidhabo, balse waa ku xad gudub beesha Sade kana yeeli mayso, Cabdullahi Yuusf inuu SSDF Boosaaso maamul u sameeyaan beesha Sade meel kastaba ha degtee. .
  1. Ugu dambayntiina, Soomaaliya dib-u-heshiisiin daacad iyo dhab ah waa in loo qabto, goobna looga dhigo magaalada Baydhabo.

Intaa haddii Cabdullahi Yuusuf uu fahmi waayo kana madax adaigo, markaa waxaannu Cabdullahi Yuusuf u sheegaynaa, Soomaaliya iyo bulshadeeda, ciidan ka kooban dhafoor qiiq iyo amxaaro oo is kaashanaya inaan lagu xukkumi Karin.. 

Hadaba inta aan waqtigu isasooxirin: 

Cabdullahi Yuusf haddi wax garaad ihi kugu haray, dib u fakar dibna uga fiirso falalkaaga iyo tillaabooyinka ad qaadayso. Khaaimul-waddanka markii aad noqotay oo aad horseedday burburkii qarankii soomaaliyeed waad talo xumayd, hadda oo aad Itoobiya dalkii soomaaliyeed gacanta giddigii u gelisayna maankii baa kaa tegey wax aannu kugu tilmaanona garan mayno! 

  1. Dr. A.F. Ducaaleh
  2. Col. Maxamad A. Dhoorre (LG)
  3. Mr. Daahir Xalane Nooli
  4. Col. Cabdisalaan Cali Nuur
  5. Mr. Axmad cartan Maxamad
  6. Mr. Cabdullahi Cabdulqaadir
  7. Mr. Jamaal Cabdi Dhoorre
  8. Col. Maxamuud Cilmi Rooble
  9. Mr. Casair Shiikh Faarax

La xiriir: bse25713@vip.cybercity.dk

Soomaaliya ha noolaato 
Wa-Billahi-Tawfiiq

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH