SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Madaafiicda Itoobiya weli ma i daba socdaan

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Sanadkii 1980-kii ayay ahayd aniga oo dhiganaya Dugsi Dhexe, markii ay Diyaaradaha Xabashidu nagu soo weerareen Magaalada Dhuusa-Mareeb oo xarun u ahayd Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaybtiisii 21-aad.

Diyaaradaha Xabashida Madaafiicdii ay tuurayeen waxay khasaarooyin naf iyo maalba lahaa u gaysteen dadkii deganaa halkaasi, waxaana xiligaasi bilowday inay dadweynuhu isaga qaxaan Dhuusamareeb una cararaan dhulka Baadiyaha, waayo waagaas ma jirin Tuulooyin iyo Degmooyin loo cararo, sababtoo ah ciidamada Xabashida weerar ayay ku qaadayeen degamooyinka gobalakasi.

Anigoo geed harsanaya ayaa waxaan sheekeysayay Wiil Dhallinyaro ah oo aan iskuulka isla dhigan jirnay, markaas ayaa waxa uu yiri “War ninyahow sidaan miyaa noo dambeysay, oo cid naga difaaceysa ma jirto ciidamada Itoobiya”, waxaanse ugu jawaabay, “Dowlad ayaan haysanaa iyada ayaana naga difaaceysa”. Dhowr weerar markii ay nagu soo qaadeen diyaarihii Xabashida Dowladdii waqtigaa waxa ay Dhuusamareeb iyo degmooyinkii kalaba keentay hubka Difaaca Cirka, kuwaas oo ku qasbay Diyaaridihii Xabashida in aysan haleyn meelihii ay doonayeen in ay duqeeyaan. Habeenkii ayaa dadweynuhu waxa ay raashinka iyo waxa ay u baahan yihiin ka soo doonan jireen, waayo maalintii waxaa laga cabsi qabay duqeynta diyaaradaha ciidamada Xabashida, waxayna dadku intooda badan adeegan jireen habeenkii, mar ay soo dhow dahay Salaadda Subax ayaa Magaalada laga kala carari jiray.

Waqtigaas waxaa laga joogaa 27-sano, xiligaas maskaxda kuma heyn in ay Ciimada Itoobiya Muqdisho dadka Soomaaliyeed ku garaaci doonaan, waxaana xaqiiqo ah in xiligaas qaxiii aan bilaabay aan weli ku jiro, si aan uga gambado Madaafiicda Ciidamada Xabashida.

Maanta, Dowlad Soomaaliyeed ayaa soo hor kacday Ciidamada Xabashida, waxaana shacabka la yaab ku noqotay in marka Madaafiic lagu tuuro Ciidamada Xabashida ay ka aarsadaan bulshada kale ee rayidka ah, kuwaas oo ku garaaca qoryaha waaweyn noocyadooda kala duwan, dhamaan mas’uuliyiinta Dowladdana waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ku saxsan yihiin in ay jawaab ka bixiyaan marka la soo weeraro, waa la yaab in la arko Dowlad raali ka ah in ay dadkeeda laga aarsado, waa mid ay Taariikhu qori doonto.Tusaale, Dalka Ciraaq Ciidamada Mareykanka ee ku sugan waxaa maalin walba lagu weeraraa xarumahooda, kamana aarsadaan dadka rayidka ah, balse waxay baacsadaan kooxaha weerarada ku haya, inkastoo Dowladda dalkaasi aan ilaa iyo hadda afkeeda laga heyn in Bulshada laga aarsado, waxa ay gaystaan kooxo faro ku tiris ah. Dadka Muqdisho waxa ay galeen waqti mugdi ah, waxayna dadka qaarkiis yiraahdaan “Ha la yaabin, dadkaan iyaga ayaa doortay in madaafiic lagu garaaco” waayo waxay haysteen nabad iyo xasilooni waxayna dalbadeen Dhibaato iyo xaq.

Ciidamada Xabashida waxay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho dhowr goobood, marka mid ka mid ah la weeraro dhamaantood waxay bilaabaan in ay madaafiic ku garaacaan shacabka Rayidka ah oo iyagu 16 sano la soo daalaa dhacayey Dhibaato aad u fara badan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Gacama Dheere oo shalay aan kula kulanay Hotel Ambassador ayaa waxa uu saxaafadda ka dalbaday in aysan buunbuunin qaxa dadka, haddaba wixii shalay dhacay akhristo ma kuula muuqdaa mid la qarin karo, qasaaraha uu gaystay?.

Qof marka uu mas’uul yahay oo uu arko bulshadiisa oo maalin walba qasaaro naf iyo maalba leh soo gaareysa, waxa uuna markiiba goostaa in uu iska casilo xilkaasi, hase yeeshee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed uma eka kuwo sidaasi yeeli kara, dadkuna waxay is weydiinayaan waxa ku habsaday oo damiirkii ka qaaday.

“Malaha Dowladdu waxay u timid ay dadka laydo, maxaa yeelay waxaana sidaas ku leeyahay, haddii ay wax qabaneyso ama ay amniga soo celineyso waxay ahayd in ay ciidamada Booliiska iyo Milatariga koontaroolada Muqdisho soo dhigaan si ay amniga u sugaan, basle taas ma aysan sameyn, oo xeryo inta ay degeen ayay yiraahdeen, haddii nala tuuryeeyo waan tuuryeyneynaa ciddi ka dambeysay, markaasna tuuryadoodii waxay baabi’neysaa dad rayid ah, marka qof kasta oo caqli u saaxiib ah waa uu fahmi karaa in aan dan laga laheyn dadka rayidka ah” sidaas waxaa ku dooday wiil ka tirsanaa dadka rayidka ah ee wax ka degan Xaafadda Shiirkole ee Degamada Hodan.

“Ciidamada Itoobiya, ma ahan kuwo ka naxaya shacabka Soomaaliyeed, waayo waa caddow soo jireen ah oo mudo dagaal kala dhexeeyey dadka soomaaliyeed, waxayna taariikhdu xusnaa in laga soo bilaabo sanadkii 1516-kii soo jirtay coladda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna haatan Itoobiya fursad u heshay inay soo cago dhigato Muqdisho oo ay in badan ku taameysay si ay u layso shacabka dhibtu aafeysay 16-ka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwa soo horkaceyna Itoobiya oo maalin walba lagu hor laylanayo dadkooda, Taariikhda ayaa xusi doonto, waxayna baal madow ka geli donaan tanaxa Taariikhda” waxaa sidaa sii raacsaday Haweenay iyana wax ka degan X. Gaashaandhiga

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2007

Dib u Qooraanso: Bulshada Soomaaliyeed waxay haatan ka sheekeeyaan lixdii bilood waxyaalihii ay heleen Guji


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH