SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWITZERLAND
Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Caawa uga qeyb qaatay dhinaca khadka Taleefanka Kulan ay lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Switzerland gaar ahaan Magaalada Zürich
Zürich, 24.02.07

SomaliSwiss AxmedDhicisow, Mustaf Gobdon
somalichradio@bluewin.ch
Tel.0041.797983805


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Zürich ee dalka Switzerland ayaa waxay Caawa oo Sabti ah isugu yimaadeen Kulan looga hadlayey marxaladda adag ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay iyo sidii loogu hortagi lahaa,

Weerarka lagu hayo shacabka iyo joogitaanka Ciidammada Xabashada ay joogaan dhulka Soomaaliya iyo kuwa dabadhilifka ah ee dalka ku soo hoggamiyey cadowga,

Kulankan ayaa waxaa khadka Taleefonka si toos ah uga soo qayb galay Amiirka Muslamiinta Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kulankaas ka soo jeediyey warbixin ku saabsan Xaaladda Muqaawamada ka socoto dalka iyo sida loogu baahan yahay in qofkasta oo waddani Soomaali ah oo muslim ah,

Waa inuu kaalin wax-ku-ool ah ka qaato difaaca Diinta iyo Dalka wuxuuna ugu qayb qaadan karaa af iyo addin. Maal, Muruq iyo Niyadba,

Inkastoo aan halkan lagu soo koobi karin Khudbadii iyo hadaladii guubaabada ahaa ee Sheekhu sheegay ayaa hadana,

Sheikh Shariif wuxuu Sheegay in maanta Soomaalida gudaha iyo dibedda joogtaa boqolkiiba 70% ay fahmeen in xalka kaliya oo lagu nabadeyn kara Soomaaliya uu yahay in labada gacan lagu qaado KITAABKA QUR’AANKA, lagana dhigto dastuurka lagu dhaqayo dadka iyo dalka,

Haddii sidaas la yeeli waayo way adag tahay sidii lagu walaloobi lahaa loona heli lahaa nabad waarta,

Sheikhu wuxuu guud ahaan Jaaliyadda Swissku kula dardaarmay inay cudaddooda mideeyaan naftooda iyo maalkooduna u huraan halganka loogu jiro sidii looga saari lahaa Tigreega ku soo duullay dalkeenna Hooyo,

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay hormuudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich Sheikh Xassan Naaji wuxuu Jaaliyadda ku guubaabiyey in qofkasta uu xil iska saaro sidii uu u gudan lahaa waajibaad muqaddaska ah ee Diffaaca Diinta iyo dalka,

Wuxuuna intaasi ku daray in haddii la isku duuban yahay wax weyn la qaban karo waayo far kaliya Fool ma dhaqdo sidaas ayuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey,

Jaaliyadda Somalyeed ee wadankan Swisska gaar ahaan Zuich ayaa waxay ku ballameen in Jimco kasta ay kulmaan waxna uqabtaan taageerida ay u hayaan dadka ladagaalamaya cadowga wadanka kusoo duulay ee Tigreega,

Sidaasoo kale waxaa dhowaan kulan Banaanbax Cabasha uu ka dhici doona 09.03.007 (Maarso 9) Jineva Xarunta UN, sidaas oo kala ah uu kadhici doonaa Magaalada Caasimada ah ee Berna ee wadankan Swisska,

Dadweynaha sharafta leh ee xaqqa jecel iyo inta taageerta Maxaakiimtana waxaan kacodsaneynaa in ay nala soo xiriiraan si aan hiil iyo hooba ula garab taagnaanno Walaalaha Somalia ku dhibaateysan ee xaq udirirka ah,

SomaliSwiss AxmedDhicisow, Mustaf Gobdon
somalichradio@bluewin.ch
Tel.0041.797983805


::: C/Laahi Yuusuf Hadal uu Ka Jeediyey London, UK.... | Radiomidnimo

::: Sh. Shariif Cabdi Nuur: Dagaalama Ciidmada Itoobiyaanka


Khasaaraha Dagaalkii Dhex Maray kooxaha Hubaysan Iyo Ciidamada Ethiopia
. Muqdisho: Weerar ka fool ka fool ah oo lagu qaaday...
.Gacma Dheere oo ka codsaday Saxaafadda in aysan...
.Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo soo gaarey Muqdisho..
.FIFA oo Darbaweyne ka dalbaday in uu faahfaahin ka bixiyo.
.DKMG ah oo soo dhaweysay Go'aankii Qaramada Midoobey
.C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda dalka Belgium..
.Jabahada Xoraynta Soomaali Galbeed Oo Dagaalo Ba'an Kula

Wararka oo dhan ka akhri halkan...  Feb 24


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH
 
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...