SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 26, 2007
  • DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya
  • Muran Ka Taagan Maraakiib La Sheegay in ay Ka Yimaadeen Dalka Jabuuti oo Xoolo Nool Ka Qaadaya Boosaaso....
  • Caasha Axmed Cabdalla "Waxaa la igu Colaadinayaa Fikirkeyga...."
  • Kooxaha Muqaawamada oo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay....
  • Markab laga afduubtay Hay’adda WFP…..
  • Cabdulaahi Yuusuf oo ka dalbadey Golaha Amaanka ee Afrika oo….
  • Shiikh Kashka: "Xabaduhu kala ma Macaana ee yaan la Qaxin Dadka..."
  • Maxaa ka jira in Maraykanku ay Reer Laasqoray su'aalo Weydiiyeen....
  • Kumanaan Ciidamo Ethiopian ah Oo Hor Leh Oo Soo Gaaray Magaalada Afgooye Ee Sh/hoose....
  • 50- haween ah oo ay siminaar uga furtay Hey'adda Fero Muqdisho....

DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


Muran Ka Taagan Maraakiib La Sheegay in ay Ka Yimaadeen Dalka Jabuuti oo Xoolo Nool Ka Qaadaya Boosaaso....

Wararka ka imanay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dekeda Boosaaso ay kusoo xirteen maraakiib la sheegay in ay ka yimaadeen dalka Jabuuti, maraakiibtaas oo halkaas ka qaadaya xoolaha nool. Waxaana arrintaas ka dhashay muran xooggan kaddib markii lagu soo waramay in shacabka leh xoolaha markii hore loosheegay in xoolaha looga bedelanayo laacag adag ee ah doolarka, laakiin markii dambe loo sheegay in xoolaha dadka looga bedelanayo lacag shilin Soomaaliya.

Waxaa kale oo shacabka reer Puntland ay aad uga welwelsan yihiin in lacagtaas Shilin Soomaaliga ah ay tahay lacag macmal ah oo lagu sameeyey Puntland. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in arrintaan ay lug ku leedahay Dawlad Goboleedka Puntland.

Haddaba si aan arrintaas wax uga ogaano ayaan waraysi kooban la yeelanay Daahir Ciiro, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga ramaas (RPP). Waraysigas hoos ka akhri....

Caasha Axmed Cabdalla: "Waxaa la igu Colaadinayaa Fikirkeyga..."

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlaamanka ahna xildhibaanad si aad ah uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Siyaasadda ay ku dhaqmeyso Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in si malin walba ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay kala kulanto hanjabaadyo iyo arimo kale.

“Waxaa la igu colaadinayaa waa fikirkeyga aan kaga soo horjeedo ciidamada Itoobiya” ayay si kulul u tiri oo sheegtay in Xildhibaano la mid ah sidaas oo kale iyana loo handado.

Caasha Axmed Cabdala waxay sheegtay in aysan marnaba ka hari doonin mowqifkeeda ku aadan arimaha Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Caasha ayaa Baarla-maanka hortiisa kaga hadaashay hanjabaadyada mar kasta loo gaysto, waxayna ka dalbatay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay arrintaasi fiiro gaar ah u yeeshaan, waxayna sheegtay in aysan markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah lagula kaco. [Warbixin dheeraad ah ee xildhibaanada hoos ka akhri...]

Kooxaha Muqaawamada oo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay..

Qaraal ay Web-Site soo dhigeen kooxaha Muqaawamada ee dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku sheegeenin wixii haatan ka dambeeya uu dagaalku noqon doono mid ay xarumahooda ugu tagi doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Qoraalka ayaa waxaa loogu digay Ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee u soo socda Soomaaliya in ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo aysan weligood ka soo kabsan, waxayna Dowladahaasi ka codsadeen ina y dhex dhexaad ka noqdaan arimaha Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxaha Muqaawamada ay dagaal ka fool ka fool ah ku qaadeen xaruntii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay qasaare naf iyo maalba leh, wasaaradda Gaashaandhiga ayaa haatan u muuqata mid ay faarujiyeen dhamaan dadkii deganaa oo markii hore halkaasi ku ahaa Qaxooti.

Markab laga afduubtay Hay’adda WFP…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xaafuun ee Gobalada Puntland waxay sheegayaan in markab raashin geeyey Puntland oo u rarnaa Hay’adda WFP ay afduubteen koox dabley ah kana afduubeen aagga Raascasayr ee magaalada Caluula, markabkaan ayaan la garaneyn halka ay Kooxda Dableyda ahi la aaday ayaa haddana waxaa socda dadaal la doonayo in lagu sii daayo markabkaasi.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay kooxda dabaleyda ahi u afduubatay markabkaas, waana markabkii labaad oo raashin u siday hay’addaasi oo lagu afduubto xeebaha Soomaaliya, sanadkii 2005-tii ayay ahayd markii markab mucaawino u siday hay’adda WFP xeebaha Xarardheere, kaas oo la haystay mudo aad u fog ayaa aakhirkii waxaa lagu sii daayey madax furasho.

Markabka hadda la afduubay oo magaciisa la yiraahdo MV Rozen, waxa uu intii aan la afduubin uu Puntland ku dejiyey raashin lagu qiyaasay 1,800 oo tan. Wararka ugu horeyey ee ka soo baxaya afduubkaasi ma xaqiijin markii la afduubayey markabka ay saaaraayeen dhammaan shaqaalaha markabka oo ka kooban 12 qof, oo lix kamid ah ay yihiin reer Sri Lanka iyo lix ah reer Kenya.

Intii ay xukunka haysteen Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa hal mar la afduubtay markab, kaas oo si xoog ah lagu soo dhacshay, iyadoo kooxdii afduubatayna loo diyaarinayey in la soo taago Maxkamad balse ay meesha ka baxeen Maxaakiimtii Islaamiga ahaa, oo inta badan sugay ammaanka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Cabdulaahi Yuusuf oo ka dalbadey Golaha Amaanka ee Afrika oo…

Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Dalka itoobiya ayaa waxa kula la yeeshay Saraakiil ka socotay Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Qaaradda Afrika waxaana kulankan la ‘iskula soo qaaday sidii uu Golaha uu u dedejin lahaa in Soomaaliya la keeno Ciidamo Nabad ilaalin ah .

C/laahi Yuusuf waxa uu u sheegay Golaha in haddii aan la dedejin Ciidamdaasi in Soomaaliya ay ku sii siqi doonto qalalaaso iyo Dagaalo Sukaye hase yeeshee Golaha waxa uu sheegay inaysan heynin ilaa iyo haatan Khashkii ay ku howgali la haayeen, waxayna sheegeen in ilaa iyo haatan la hayo 1-Milyan oo Doolar waxaana lagu waramay in Ciidamdaasi ay ku howlali karaan 6-Bilood ugu horaysa 70-Milyan oo Doolar.

Warar ayaa waxa ay shegayaan in Dowladda Maraykanka ay kacaga jiidayso in ay Bixiso Kharashka ku baxaya Ciidamadaas sidoo kale waxaa iyana ka cagajiidaya Dowladdaha ku bahoobey Midowga Yurub waxaa kaloo iyana kaalintooda aan qaadan Dowladaha ku jira Jaamacadda Carabta iyo wadamo kale.

Shiikh Kashka: "Xabaduhu kala ma Macaana ee yaan la Qaxin Dadka..."

Waxaa maalintii labaaad si rasmi ah ugu socda Hoteel Naasa-hablood ee Magaalada Muqdisho, siminaar lagu baranayey Anshax Dhaqameedka Saxaafada oo ay soo qabanqabaabisay Hay’ada {EAMI-S}, islamarkaana Maalgelisay Hay’adada CARE /USIAD. Siminaarkaan oo socondoona ilaa iyo 28-ka bishaan aynu ku jirno ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya 35 Suxufi oo ka kala socda Gobolada Koofureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya. Waxaana Casharo kala duwan ka bixinayey Xubno loo soo xuley dhinaca sharciga oo ay ka mid yihiin Prof, C/llaahi Xayle iyo Sh, Maxamed Sh, Axmed Kashka.

Gudoomiyaha Hay’ada EAMI-S C/qaadir Walaayo oo Suxufiyiinta la hadlaayey ayaa waxaa sheegey “in siminaarkan uu si is dabajoog ah u socon doona ilaa iyo mudo lix bilood loona baahan yahay Suxufiyiinta inay ka faa’iideystaan casharada ay bixinayaan Macallimiinta loo soo xulay, si mustaqbalka loo helo Saxafi tayeysan oo ku shaqeeya Anshaxa Saxaafada. Maxamed Sh,Axmed Kashka oo maalintii shaley cashar siinayey Suxufiyiintan waxaa uu kala hadlay isagoo qaab diini ah ugu wacdineyey Dhaqanka wanaagsan muhiimada uu u leeyahay qofka wariyaha ah, Carabka Dhibaatooyinkiisa iyo waxa looga baahan yahay Qofka hadlaya ee Suxufiga ah, waxayna si wanaagsan ugu khashuuceen waxyaabihii uu kala Hadley suxufiyiinta, isagoo dhaliilaya qaabka wariyeyaasha qaarkood wax ay u soo gudbinayaan ayaa wuxuu yiri “Xabaduhu kama macaana kuwii hore ay isweydaarsanyeen, Hogaamiye kooxeedyadii iyo Maxkamadaha Islaamiga, mana aysan qixin dadku ee dadka ha qixinina oo dejiya”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Maxaa ka jira in Maraykanku ay Reer Laasqoray su'aalo Weydiiyeen...

Toddobaadkii tegey ayey ahayd markii idaacadda SBC ee ka hawl gasha magaaalada Boosaaso ay faafisay in ciidamada Maaraykanku ay su'aalo weydiiyeen kalluumaysatada reer Laasqoray. Idaacaduu waxay faafisay sidan: "Ciidamada Marines-ka Maraykanka ayaa baaritaan ku sameeyey kalluumaysatada deegaanka (degmada Laas Qoray ee gobolka Sanaag) ee isticmaasha doonyaha yaryar ee waxana ay weydiiyeen su'aalo la xiriira aqoonta ay u leeyihiin Al-qaacida, Maxaakiimtii iyo ururrada la midka ah, waxana ay sidoo kale dadkaas weydiiyeen oo ay tuseen masawirrada Osama Bin Laden, Ayman Zawahiri iyo xubnaha kale ee lagu raad joogo."

Hadalkaas waxaa beeniyey idaacadda RadioSanaag oo sheegay in warkaasi uusan sal lahayn. RadioSanaag waxa uu yiri: "arrintaas Hadaba wararka ay baahisay idaacada SBC ee ka hawlgasha magaalada boosaaso ayaan sal iyo raad toona lahayn, kadib markii aan la xiriirnay masuulyiin ku sugan magaalada laas qoray taaso ay xaqiijiyeen inaan arintaa haba yaraatee wax ka jiraa aysan jirin, Arintan ayaa dadka degmada Laasqoray layaab iyo filan waa ku noqotay waxayna sheegeen inay tahay mid wax loogu dhimayo sumcada iyo amniga Gobolka Sanaag guud ahaantiisba."

Ma jiro war ka soo baxay DGPL ama Dawladda Maraykanka oo arrintaas ku saabsan.


Waraysi Kooban oo aanu la yeelanay Gudoomiyaha Xibiga Ramaas [RPP] Daahir Ciiro oo ka hadlaya maraakiib la sheegay in lagu gurayo xoolo badan...

Ramaas CiiroSomalitalk.com: mudane Daahir waxaad sharaxaad ka bixisaa maraakiibta ku xiran dekeda Bosaso oo la sheegay in lagu gurayo xoolaha.

Daahir Ciiro: Sida aanu la socono waxaa jirta in lacagtii shilin somaliga ahayd oo dhibaatadu ka haysatay ummadda la sii kordhiyay dhibaatadaas oo ahayd in guri kasta loo dhigtay Foto Copy lagu daabacanayo lacag macmal (Falso) ah oo loogu talagalay in masaakiinta danyarta ah hantidooda lagula wareego.

Sidoo kale waxaa jirta in xoolaha nool ee dalka marka ay ka baxayaan ay dalka ku soo noqon jireen iyaga oo lagu soo badashay lacag adag arintaas oo naruuro u ahayd ganacsatada danyarta ah oo lacagtooda ku soo badalan jiray badeecooyin kala duwan si ay ugu faa iideeyaan bulshada danyarta ah.

Hadaba xisbiga ramaas waxa uu shacabka soo bandhigayaa in ay ka digtoonaadaan oo ayan oran awal nalooma sheegin maraakiibta loogu talagalay in xoolaha nool looga badasho shacabka dan yarta ah hantidooda.

Anaga xisbi ahaan waxaan shacabka ugu baaqayaa in aad ka hortagtaan dhibaatooyinkaas keenaya musuqmaasuqa dhaqaala darida ah oo ay abuurayaan kooxda isku bahaysatay siyaasad xumida baahday ee ka jirta Puntland.

Somalitalk.com: Mudane ma noo sheegi kartaa halka iyo meesha ay maraakiibtani ka yimaadeen iyo halka ay ku socdaan.

Daahir Ciiro: Sida aanu la socono Maraakibtu waa kuwo ganacsi waxayna ka soo jeedaan Jabuuti, waxa ay ku socdaana maahan ganacsi xor ah ee waa ganacsi dadban, mana ahan mid laga wada faa'iidaysan karo bulsho iyo xukuumadba ee waa mid u danaynaya dad gaar ah oo xukuumada u badan.

Somalitalk.com: Makiinadaha lacagta lagu samaynayo ee la sheegay in la keenay meelo badan oo ka mid ah Puntland sidee idinka ka xisbi ahaan u aragaan muxuuse ka badalay dhaqaalihii wadanka.

Daahir Ciiro: Anaga ka xisbi ahaan makiinadaha lagu samaynayo lacagta Falso-da ah waxaan u aragnaa in lagu baaranayo dalka iyo dadka danyarta ah oo dawlad la'aantu haysay mudada dheer hadana uu maamulkoodu gacanta ku hayo samaynta been abuurka lacago falso ah oo dadka lagu baaranayo mana ogolin wixii dadka iyo dalka wax u dhimay anaga ka xisbi ahaan, Sida lawada ogyahyana saamayn wayn ayuu ku yeeshay dhaqaalihii wadanka oo waxaad arkaysaa in maanta uu xataa doolarkii kor u kacay maciishadiina uu lug ku yeeshay.

Somalitalk.com: ugu danbayntii maxaad ugu baaqyasaa shacabka puntland iyo kan Somaliyeedba.

Daahir Ciiro: Dhamaan Soomaalida waxaan ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan waxyaalaha ku keenaya dhaqaalaha diciifaya ama hoos u dhacaya oo ay mas'uulka ka yihiin danaystayaasha siyaasadeed. Wabilaahi tawofiiq.

Somalitalk.com: Mahadsanid mudane Daahir Ciiro, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga ramaas, oo lagala xiriiri karo Tel#:747090 ama Email Daahirciiro@hotmail.com


Kumanaan Ciidamo Ethiopian ah Oo Hor Leh Oo Soo Gaaray Magaalada Afgooye Ee Sh/hoose.

Axad, Feb 25, 2007: Ciidamo Ethiopian-ah oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman, ayaa soo buuxdhaafiyey Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose iyo nawaaxigeeda, kuwaasi oo la arkayey iyagoo fariisimo ciidan ka sameysanaya halkaasi.

Ciidamadan, ayaa la sheegayaa in ay ka soo gudbeen Magaalada Baydhabo, iyagoo qorshahoodu yahay in ay xoojiyaan Ciidamada kale ee Ethiopia iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kumanaan qoys oo ka barakacay Caasimadda, si ay naftooda ugala baxsadaan Madaafiicda aan loo meel dayin ee lagu garaacayo xaafadaha Magaalada, ayaa walaac iyo cabsi daran ka muujiyey Ethiopian-ka soo duldegay.

Deegaanka Carbiska oo inta badan dadka ka qaxay Muqdisho ay ku sugan yihiin, ayaa Ciidamadu ay fariisin ciidan ka sameysanayaan, inkastoo qorshuhu yahay in ay usoo gudbaan si deg deg ah gudaha Magaalada Muqdisho.

Xaaladda xasilooni ee Caasimadda, ayaa si aad ah looga dayrinayaa iyadoona boqolaal gawaarida rakaabka qaada ah lagu arkayo wadooyinka magaalada iyagoo ay ku raran yihiin alaabo aad u tira yar oo ay sitaan Boqolaal qoys oo u badan haween iyo caruur oo ka qaxaya Qaraxyada xiriirka ah ee Magaalada ka aloosan.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Prof, cali khaliif galaydh: Iska Hadloow Ina Igare Dowlada Kmg Ah Ayaa Sidaa Ka Dhigan.

Siyaasiga caanka ah ee soomaaliyeed prof.cali khaliif galaydh ayaa qaadacay shirka dib u heshiisiineed ee ay iclaamiyeen dowlada kmg soomaaliyeed ,ee lagu wado in lagu qabto magaalada muqdisho 45-cisho kadib .

Pof. Cali khaliif galaydh oo waramayey qaar kamida warbaahinta muqdisho ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inay dowlada kmg ahi ay tiraahdo wax mucaarid ah ma lihi ,keligay ayaana shir qabsan doona waxay ka dhigan tahay, iska hadloow ina igare ,oo weliba sii raaciso dowladu waa lagu dhan yahay oo beelaha soomaaliyeed ayaa 4.5 u qaybsaday ,macno keeni mayso taasi sababta oo ay tahay cid raacsani ma jirto dowladan ayuu sii raaciyey cali khaliif galaydh .

Sidoo kale prof-ka ayaa intaas ku daray in hadii xataa shirka la qabto aysan waxba kasoo baxayn oo ay tahay nin keligii durbaan meel cidla ah ka tuntay .

Hadalkan dr.cali khaliif galaydh ayaa soo baxay kadib markii ay shaacisay dowlada fkmg ahi inay shir weyne dib u heshiisiineed ku qaban doonto magaalada caasimada ee muqdisho 45-cisho kadib islamrkaana ergooyinka ku casuuman shirkaasi ay dhowaan soo soo gaari doonaan magaalada muqdisho .

Hadalkan kasoo baxay dowlada kmg ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada muqdisho ay ka jiraan qaraxyo iyo barakac ay dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada muqdisho kasii barkacayaan xaalad amaan xumo darteed

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

C/laahi Yuusuf Oo Wacad Ku Maray In Dowladiisu La Dagaalami Doonto Kooxaha Weerarada La Beegsanaya Ee Muqdisho Jooga .

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somaliya, C/laahi Yuusuf Axmed, oo haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladiisu la dagaalami doonto kooxaha soo weeraraya fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia.

Madaxweyne Yuusuf, ayaa wacad ku maray in ay Dowladda iska difaaci doonto kooxaha soo weerar taga, hadii ay shacabka ku dhex dhuumaalaysanayaan iyo hadii kaleba .

Isagoo la hadlayey Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA, ayaa Madaxweynaha waxa uu carabka ku adkeeyey in Dowladda KMG ay qaadi doonto talaabooyin ay ku xakameynayso dhibaatooyinka amaan xumo ee ka jira caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Arimaha shirka dib u heshiisiinta ee ay dowladu iclaamisay dhowaan isagoo sheegay mar uu ka hadlayey arintaas ,waxa ka qeybgali doona shiraka dib u heshiisiinta Qabaa'ilada Soomaalida ee 16-kii sano soo dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu tafaasiil ka bixiyey Imaanshiyaha Ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa, ayaa qiray in ay ilaalin doonaan fariimisaha Dowladda KMG, islamarkaana ay tababar siin doonaan Ciidamada Dowladda kmg ah.

"Ciidamada Nabad-ilaaliyaasha Africaanku uma imaanayaa Dalka in ay shacabka la dagaalamayaan" ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu soo hadal qaaday Maamulada dalka ka jira ayaa Col. Yuusuf waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay Dowladdu aqoonsadeen, islamarkaana Dowladdu ay aqoonsan tahay, balse Maamulka Somaliland looga baahan yahay in ay maraan wadada Puntland oo ay aqoonsadaan Dowladda KMG.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, oo safar ku tagay Magaalada London ee caasimadda dalka Britain, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay Saraakiil ka tirsan Xukuumadda wadankaasi.

Yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabadalla Oo Sheegtay In Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Baydhabo Ay Si Xun Ula Dhaqmeen ..

Feb 25, 2007: Marwo Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla ayaa maanta shaaca ka qaaday sida ay xildhibaanada soomaaliyeed ee jooga magaalada baydhabo aysan uga hadli karin fikirkooda xorta ah islamrkaana sheegtay in dhibaato badan ay kala kulanto ciidammada dowladda ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya ee Baydhabo iyada laf ahaanteeda iyo xildhibaano kaleba .

Xildhibaanad Caasho oo maanta kulankii baarlamaanka ka hadashay ayaa sheegay in dhibaatooyin fara badan ay kala kulanto ilaalada madaxtooyada, waxayna sheegtay inay baaritaanno aan sharci ahayn oo badan lagu sameeyo.

sidoo kale waxay sheegtay xildhibaan caasho in aysan sharci ahayn in wiil yar oo askari ah oo wadada taagan inuu mudanayaasha baarlmaanka baabuurtooda baaro ,taasina ay ka hor imaanayso sharciga sacurty-ga waxaana loo baahan sida shar cigu yahay in loosoo maro .

"Ciidammada ilaalada madaxtooyada ee baydhabo jooga waxaan kala kulanaa waxyaalo badan oo uusan sharicigu qabin iyadoo marka aan jidka marayo ay igu yiraahdaan istaag waan ku baaraynaaye, markii ay baaritaan igu sameeyaan kaddib ayaa haddana waxaa iiga soo baxa meel ku dhow ciidammo kale oo baaritaan kale igu sameeya" ayay tir Caasho Axmed Cabdalla oo sheegtay in baaritaannada qaarkood aysan sharci ahayn.

Sidoo kale xildhibaan caasho ayaa intaas ku dartay "Waxaa la ii geystaa aflagaadooyin iyo weliba in qoryaha la ii cabaysto oo la i yiraahdo waanu ku dileynaa , arintaas oo aan i qaban ,waxaana la yaabanahay qof xildhibaan ah iyo askari waxa isu keeni kara''

Xildhibaannada ayaa waxay sidoo kale sheegtay in wixii hadda ka dambeeya haddii falalkaas lagula kaco ay is difaaci doonto, basle ma aysan sheegin waxa uu is difaaceedu noqon karo.

si kastaba ha ahaatee xildhibaan caasho axmed cabdalla ayaa la tuhunsan yahay inay kamid tahay siyaasyiinta soomaaliyeed ee sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadda madaxweynaha dowlada kmg ah ee c/laahi yuusuf.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


50- haween ah oo ay siminaar uga furtay Hey'adda Fero Muqdisho

Hay’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO) ayaa hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho uga furtay 50-haween ah siminnaar ku saabsan Doorka haweenku ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo horumarinteeda.

Siminnaarkaan oo socon doona muddo 5-casho ayaa waxaa horay loo soo qabtay laba maalmood oo lagu golol xaarayay siminaarkaan halka lagu qaban lahaa iyo waxyaabaha loo hadli lahaa, waxaana saddex maalmood uu ka socon doonaa Hotelka Saxafi ee Muqdisho.

Siminnaarka ayaa waxaa maalgeliyay Safaaradda Dalka Switzerland ku leedahay dalka Kenya, waxaana qanqaabiyay Hay’adda FERO xafiiskeeda Muqdisho, iyadoo haweenka ka soo qaybgalay ee 50-xubnood ah ay ka kala yimaadeen 20-xubnood oo ka yimid maamulka Gobolka Banaadir iyo 30-kale oo ka yimid Ururrada Samofalka ee ka shaqeeya Arrimaha Haweenka.
 
Guddoomiyaha FERO Sahro Ugaas Faarax oo siminnaarkaana furtay ayaa sheegtay in haweenka 50-ka ah ee siminnaarka uu u furmay ay ka faa’iidaysan doonaan doorkooda maamul, midkooda siyaasadeed, midkooda dhismaha nabadda iyo horumarinta dalka iyo xuquuqdooda sidii ay u raadsan lahaayeen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay siminnaarka u furmay haweenka Soomaaliyeed qaarkood, kaasoo aan rajeynayo inay ku baran doonaan maalmaha uu socdo sidii ay door wanaagsan ugu yeelan lahaan dhismaha nabadda dalka iyo sidoo kale horumarinta nabadda” ayay hadlkeeda ku billowday Guddoomiyaha FERO Mss. Sahro Ugaas Faarax.

Sahro Ugaas ayaa waxay sheegtay in haweenka ay baran doonaan qaabkii ay xuquuqahooda kala duwan u raadsan lahaayeen, isla markaana ay ugu dhiiran lahaayeen dib u dhiska dalka, iyadoo sheegtay in haweenka siminnaarka ka soo qaybgalay ay ka muuqato niyad wanaag aad u weyn, taasoo u muujinaysa madaxda FERO in haweenka Soomaaliyeed ay u bisil yihiin inay raadsadaan xuquuqdooda dib u dhiska dalka iyo nabaddana ay ka qaybqaataan.

Faadumo Olol oo ah madaxda Hay’adda FERO ee Muqdisho ayaa dhankeeda sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay in tababar ay u sameyso Hay’addeeda 50-haween ah oo ka kala yimid qaybaha haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay ka soo bixi doonaan siminnaarkaan marka uu dhammaado faa’iidooyin ballaaran sida inay haweenku u duubtaan inay ka shaqeeyaan nabadda, inay xaqooda raadsadaan iyo inay dalka dib u dhiskiisa qayb weyn ku yeeshaan, sidii ay horayba qayb weyn ugu lahaayeen.


Warbixin: Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.. Akhri..

Siminaarka oo maalin walba soconaya muddo 6-saacadood ah ayaa waxaa casharrada lagu bixinayo ka mid ah:

1- Xuquuqaha kala duwan ee haweenka ay leeyihiin, sida: Diinta, iyo Dhaqanka

2- Qaybtii ay haweenku ku lahaayeen dhismihii dowladahii ugu dambeeyay ee sida: TFG-dii iyo TNG-da.

3- Ka qaybqaadashadii haweenka in la helo dowlad.

4- Muhimadda isku codeyntooda

5- Dhisidda isku-tiirsanaan ka dhexeysa haweenka Soomaaliyeed

6- Ku guulaysiga inay sameystaan xiriir iyo iska warqab.

Gabagabadii Guddoomiyaha FERO Sahro Ugaas Faarax ayaa waxay sheegtay inay u rajeynayso haweenka ka qaybgalaya siminnaarkaan inay si weyn uga faa’iideystaan siminaarka isla markaana faa’iida ay ka helaan siminnaarka wax ugu qabtaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:002521-5573321
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH
 
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...