SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


BAAQ NABADEED IYO CAMBAARAYNTA COLAADDA

KU: ergooyinka nabad raadinta deegaanka Darroor

KA: Jaaliyadda reer Soomaaliland ee ku nool Sweden, gaar ahaan Caasimadda Stockholm. 

24 feb 2007

Stockhom/Sweden 

Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan caasimadda dalka Sweden waxa ay aad uga tiiraanyeysanyihiin dagaalladii sokeeye ee dhawaanta ka oogmay deegaanka darroor iyo khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay dagaalladaas.

 Jaaliyadda Sweden waxa ay tacsi u dirayaan agoontii iyo haweenkii ay abbayaashood iyo raggoodu ku le’deen xabbaddii abtiyaashood, walaalohood iyo xigaalkood.  Sidoo kale waxay jaaliyaddu u ducaynaysaa dadkii ku dhaawacmay dagaalkan sokeeye, iyadoo Alle weyne u waydiinaysa bogsiimo jidheed iyo mid qalbiga ahba. 

Jaaliyadda Sweden waxay u arkaan colaadda ka aloosantay  deegaanka Darroor mid aan khasaare mooyaane macno kale u lahayn dadkaas walaalaha ah aakhiro iyo adduun toona. Sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa in ay taas nala gartaan, ilaahayna ay u toobad keenaan, wixii ismaandhaaf ahna ay ku xalliyaan wada hadal. 

Jaaliyaddu waxa ay cambaaraynaysaa ergooyingii nabad raadinta ee xagaagii dhaweyd kala dhex galay labada beelood ee hadda isaga soo dhex tagay intay hawl qabyo ah soo dhoob dhoobeen. 

Sidoo kale waxay jaaliyaddu canaanaysaa golaha guurtida Somaliland oo aad mooddo in aanay fahmin shaqada ay ku cunaan mushaharka oo ah tan oo kale. Maxay ka qabanayaan guurtidu magaalada Hargeysa miyaanay shaqadooda ugu mihiimsani ahayn in ay ka hor tagaan colaadaha, kuwa dhacayna ay dhakhso wax uga qabtaan. 

Jaaliyaddu waxay ugu baaqaysaa ergooyinka nabadda ee ku sugan deegaanka Darroor iyo kuwa tegi doonaba: 

  • In ay salka u dhigtaan sidii ay mushkiladdan uga keeni lahaayeen xal waara.
  • Waa in aanay kala tegin ilaa ay hubsadaan in nabaddu aslaaxday 100%.
  • Waa in ay dadka ku kala saaraan Kitaabka Alle, isaga ayaa caddaalad ahe.
  • Waa in ay dhexdhexaad u ahaadaan labada beelood oo aanay cidna u xaglin. Ciddii la duri karo dhexdhexaadnimadooda ama dano siyaasadeed lagu tuhmayana laga saaro ergooyinka.
  • Waxaanu ku boorrinaynaa jaaliyadaha reer Soomaaliland ee qurbaha in ay ergooyinka nabadda u diraan dhaqaale degdeg ah si halkaas looga hirgeliyo nabad waarta. Arintaasi way ka bilaabantay dalka Sweden, ka dib markii Jaaliyadaha Sweden ay isugu yimaaddeen kula degdeg ah.
  • Waxaanu ugu dambayntii u hambalyeynaynaa dhammaan dadka iyo beelaha u gurmaday deegaanka Darroor si ay u qaboojiyaan colaaddan nasiib darrada ah.

    NABAD IYO WADA NOOLAANSHO 

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:

Maxamed Xirsi Guuleed: 0046(0)73-7596464 

Baaqan waxaa saxeexay dadka hoos ku qoran oo ka qaybgalay shir magaalada Stockholm ka dhacay 24 feb 2007. 

  1. Cabdiraxmaan Cismaan Liibaan
  2. Mustafa Maxamed Cige (M Dhegajuun)
  3. Maxamed Faarax
  4. Xasan A. Maxamed Halac
  5. Mustafe Cabdi Xasan
  6. Maxamed-bashiir Jaamac
  7. Cabdikariim Ducaale
  8. Maxamed Xirsi Axmed
  9. Maxamuud Xuseen
  10. Ismaaciil Maxamed Qaasaalli
  11. Maxamed-bashiir Axmed
  12. Mubaarig Cali Maxamed
  13. Saciid Muuse Ismaaciil
  14. Cabdilqaadir Xasan Axmed
  15. Maxamed Xirsi Axmed
  16. Axmed Yuusuf Abokor
  17. Sheekh Ibraahin-keyse Cumar Jaamac
  18. Maxamuud Abu Koodh
  19. Maxamed Maxamuud
  20. Sh Maxamuud Xasan Cali
  21. Aadan Maxamuud Kaahiye
  22. Cabdiwahaab Xuseen Cali
  23. Xasan Daahir
  24. Sakariye Siciid Ismaaciil
  25. Cabdikariim Cabdillaahi Cawaale
  26. Axmed Xasan Dubbe
  27. Khadar Siciid
  28. Daahir Cabdi Muuse (Daahir Dheere)
  29. Cabdiraxmaan Maxamed
  30. Cabdiraxmaan Jamac Ismaaciil
  31. Maxamuud taysan

Abdibashir Ali
abdibashir@hotmail.com

Faafin: Feb 26, 2007


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH