SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XUSEEN CAYDIID: Ma Dhagax baa, mise waa Alwaax?

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Email: ingiriis@yahoo.com

Feb 28, 2007


Madaxweynaha dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi ee Itoobiyaanku ay taageeraan, Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wareysi uu siiyey Tifatiraha Afrika ee Idaacadda BBC-da, Martin Plaut waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Xuseen Maxamed Caydiid oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee dowladdiisa uusan u haysan inuu yahay ‘nin caadi ah.’

Col Cabdullaahi Yuusuf, waxa uu yiri “Hussein Aideed cannot be a normal man” oo macnaheedu yahay “Xuseen Caydiid ma noqon karo qof caadi ah.”

Martin Plaut ayaa sii weydiiyey Col Cabdullaahi Yuusuf sida uu dowladdiisa ugu jiro qof aan noqon karin caadi, taasoo Korneelku kaga jawaabay “haddii Xuseen Caydiid ku hadlay waxa aad ii sheegtay oo ah waa laysku darayaa Soomaaliya iyo Ethiopia, uma haysto qof caadi ah.”

Haddaba, haddii la eego maangalka Aristotelian logic, qof kasta oo bini’aadam ah (human-being) wuxuu noqon karaa caadi ama qof aan caadi ahayn. Waxaa dhici karta inuusan mararka qaar qofku caadi noqon karin sababo xanuun iyo xaalado kale oo la soo gudboonaada aawadeed.

Sidoo kale, xayawaanka ama xoolaha waxaa lagu tixgeliyaa inay sidooda caadi ku yihiin. Haddiise ay la soo gudboonaadaan xaalado dheeri ah,  waxaa sida badan laga yaabaa inaysan caadi noqonaynin, xaaladahaas oo ay la wadaagaan ibni’aadamka sida xanuunada oo kale.


C/laahi Yuusuf oo sheegay Xuseen Caydiid in uusan ahayn caadi
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso

aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA

Marka la eego perspective of philosophy, bini’aadamka oo dhan waa dad mandaq ah oo sababeysan, fekerkooduna ku saleysan yahay maangal (logical thought). Farqiga u dhexeeya ibni’aadamka iyo xoolaha ma ahan oo keliya garashada iyo caqliga. Inkasta oo bini’aadamku ka garasho sarreeyo xoolaha, haddana waxaa jira xayawaan garasha leh, sida Libaaxa, Yeeyda iyo Eeyaha.

Xoolaha marka la bireynayo wey gartaan in la qalayo oo waxay leeyihiin rationality. Sidaa aawadeed ayaa dardaarankii Nebi Muxammad (CSW) waxaa ka mid ahaa « Ka qariya xoolaha middidada aad ku qaleysaan.» Waxa taas ay caddeyn buuxda u tahay in bini’aadamku waxa uu dheer yahay xayawaanka ay tahay karaamada uu Alle karaameeyey oo keliya.

Laakiin, haddii la yiraahdo qof bini’aadam ah ma noqon karo caadi (normal), waxa taas macnaheedu yahay inuusan ahayn noole (being). Sidaa awgeed, maadaama uu Col Cabdullaahi Yuusuf qeexay in Xuseen Caydiid uusan noqon karin caadi, waxa biya-dhaca hadalkiisu noqonayaa in Xuseen Caydiid uusan ka mid ahayn noolaha (being).


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Haddii hoos loo sii dhugto hadalka Col Cabdullaahi Yuusuf, Xuseen Caydiid ma noqonayo bini’aadam (human), mana noqonayo noole (being). Haddaan raacno Korneelka, wuxuu Xuseen Caydiid noqon karaa shey (thing).

Haddaba, dadka sida adag wax u naqdiya (critical thinkers) waxay is weydiin karaan; Xuseen Caydiid ma Dhagax baa, mise waa Alwaax? Jawaabta su’aashan waxaa laga sugayaa Col Cabdullaahi Yuusuf.

Waxaa wararku sheegayaan in Xuseen Caydiid oo ka jawaabaya hadalka Col Cabdullaahi Yuusuf uu bixiyey jawaab kulul oo aan sax ahayn. Waxa uu yiri “haddii uu jiro qof aan caadi ahayn waa Cabdullaahi Yuusuf.”

Waxaa cad in Xuseen Caydiid uusan fahmin nuxurka hadalka Col Cabdullaahi Yuusuf oo uu u qaatay in la yiri wuu waalan yahay oo keliya, balse uusan gadaal u dhugan ama si critical ah u falanqeynin weedha oranaysa ‘cannot be normal man.’

Website-ka Onkod News ayaa akhristayaashiisa waxa uu weydiiyey inay ka soo tala-bixiyaan Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Xuseen Caydiid kooda waalan. Waxaa akhristayaasha badankood ay isku raaceen in labadooduba ay waalan yihiin oo aysan fayoobayn!

Dadka Soomaaliyeed badankood ayaa is weydiinaya Xuseen Caydiid ma wuxuu caadinimada (normality) ka baxay markii uu Madaxtooyada ku wareejiyey Col Cabdullaahi Yuusuf? Mise horey ayuusan caadi u ahayn (abnormal).

Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu caado u leeyahay inuu hadba ku awrkacsado ama ku qunsado howlihiisa koox cusub, sida uu ka bartay taliska hadda ka taliya Ethiopia. Kooxihii kala duwanaa ee uu horey ugu qunsan jiray ayaan hadda la socon.

Nimankii uu dhawaantan ku awrkacsaday ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Dheere, Maxamed Qanyare, Cabdi Waal, Cabdi Qaybdiid iyo Bootaan Ciise Caalin, raggaas oo caawa ay noloshu ciriiri ku tahay, loona diiday inay idaacadaha ka hadlaan.

Dadweynaha ku nool gobollada Waqooyi Bari oo la yaabay falsafadda Col Cabdullaahi Yuusuf uu ku shaqeeyo ayaa waxay yiraahdaan, “Ama Yeeyga raac oo Yaahuu noqo ama Yemen u dhoof oo yaabanow, ama yoolka baro oo Yabaqa dhaaf.”

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Feb 28, 2007


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com