SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..
Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...


Mudaaharaad ka dhacay Dalka Sweden Caasimadiisa Stockholm

(Feb 4, 2007): Maantay waxaa banaanbax balaaran lagu dhigay magaalada Stockholm dalka Sweden. Banaan baxaas oo ujeediisu ahaa in loog asoo horjeedey duqayntii ay maraykanku duqeeyeen Soomaaliya iyo qabsashada ciidamada Itoobiya ay qabsadeen Dalka soomaaliya, iyagoo ku sheegay in Itoobiya aysan qabsan karin Somaliya ee Maraykanku gacan ku siiyay.

Dadka ka soo qayb galay banaan baxaas balaaran oo tiradooda lagu qiyaasay 2000 (labo kun oo qof) ayaa isugu yimid bartamaha magaalada halka lagu magacaabo Sergel torget sidoo kale waxaa toos ugala socday Öppna kannalen TV in ka badan 20,000 (labaatan kun oo qof) Isku imaad kadib waxay dadku socod ku mareen faras magaalaha caasimada iyagoo socodkooda oo qaatay saacad iyo bar ku tageen safaarada Maraykanku ku leeyihiin Dalka Sweden.

Banaan baxayaashu waxay wateen boorar ay ku muujinayeen shucuurtooda iyo codbaahiye yaal ay dhagaha dadka reer stockholm ku maqashiinayeen BUSH WAA DHIIGYO CAB, MELEZ WAA EEY UU WATO BUSH, CADAALADA HORTEEDA HALAGU DAL DALO MELEZ iyo erayo kale oo caro leh oo ka dhan ah Bush iyo Zenawi.

Markii la tagay dhismaha safaarada Maraykanka iyadoo Boolisku dhinacyada ka socdaan si ay u xakameeyaan amaanka ayaa la bilaabay in la gudo galo barnaamijka iyo qudbooyinka lasoo diyaariyay.

Waxaa ka hadlay goobtaas wakiilo ka socday wadamada Britain, Maraykanka iyo Italy, waxayna halkaas kasoo jeediyeen khudbooyin aad u kulul xamaasadna ay ku dheehnayd.

Waxaa xusid mudan inay kasoo qayb galeen xisbiyada wadankaan maamula, ururada xuquuqda aadanaha iyo ajaanib kale oo faragelinta qaawan kasoo horjeeda. Waxay goobtaas ka cadeeyeen inaysan jirin wax sharci ah oo dhigaya in somaliya la qabsado, ayna tahay sharci daro aduunka loo bilaabay taasoo horseedaysa in sidii xayawaankii xoog laysku adeegsado. Sidoo kale waxaa halkaas laga cadeeyay hadii sidaan lagu sii wado siyaasada caalamka in lagu kala tagayo waxa loo yaqaan United Nations.

Sidoo kale waxaa goobta soo xaadiray dhamaan Saxaafada gudaha,dibada iyo kuwa madaxa banaan, iyagoo qaarkood wararka toos u tabinayay.

Ayaayado quraan ah, Nashidooyin, Gabayo, buraanburo iyo suugaan kale oo lagu dhaleecaynayo ayaa laga aqriayay kuwaas dadka dhamaantoon ilmo ka keenay.

Kadib markii lasoo gabagabeeyay mudaharaadkaas waxaa la qabtay aqoon is waýdaarsi kusaabsan sida aqoonyahanada, culuma'udiinka iyo qaybaha kale ee bulshada ay isugu duba ridi lahaayeen dagaal dhinackasta ah oo lagala hortago Cadawga Xabashida iyo Maraykanka.

Dadka ka hadlay aqoon iswaydaarsigaas waxaa ka mid ahaa Prof. Cabdi Siciid Samatar, Eng. Cumar Aftooje iyo aqoonyahano kale oo ka kala yimid wadamo badan.

Aqoon iswaydaarsigaas oo ku dhacay jawi aad u wacan iyadoo ay kasoo qaybgaleen inta badan dadkii ka qayb galay banaanbixii maalintaas la qabtay.

Aqoonyahanada ayaa si xalad iyo cilmi ku jiro aqoontooda isku waydaarsaday dhamaantoodna waxay xuseen inay lagama maarmaan tahay in lala diriro cadawga iyadoo qaab kasta lagula dirirayo.

Waxaa lagu soo qabagabeeyay aqoon iswaydaarsigaas in diinta islaamku tahay asalka iyo halka laga duulayo dadka iyo dalkana u noqonaysa doonta badbaadada halgank cadawga lagula jiro laf dhabar u ah.

Feb 4, 07: Xabashida iyo magaalooyinka: Galkacyo (71), Baydhabo (50), Beledweyne (42), Muqdisho (39), Kismaayo (35).. Sarbeebtii Diinaari

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2007


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri
sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri
swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH