SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Wararkii: Jan 9, 2007

  • Diyaarad Maraykanka oo Duqeysey Koonfurta Soomaaliya
    Cabdulaahi Yuusuf oo u soo jeediyey bulashada banadir in la iska iloowo…
  • Magacaabistii maamulkii Kismaanyo xiisad abuurey..
  • Qowmiyadda Oromada oo walaac ka muujiyey sida..
  • Meles Zanawi oo sheegey in in uu ciidamadiisa kala soo bixi doono ....
  • Mahadcelin loo jeediyey Shirkadda Dahab- Shiil
  • Mudaharaad Looga soo horjeedo Ethiopia oo ka dhici doona Dalka Isswiska
  • Cali Daacuun; Muqdisho iyo baqdaad waa tii Ilaahay wax kaa dheefsiiyo...
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horreysay yimid Magaalada Muqdisho, xarunna ka dhigtay Villa Somalia
  • PROF. DUFLE OO KA WARBIXIYAY HOWLAHA GUDDIGA SARE EE GUDDIGA QARANKA EE GURMADKA CAAFIMAADKA
  • Weerar Habeenkii Isniintu soo geleysey lagu qaaday ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Km4
  • Maxkamda sare ee Dawlada Fadralka oo Galkii Dacwada ee ugu horeyey la hor keenay
  • "Anigu ma garanayo meel aan karaadiyo garyaqaan ii dooda oo dacwadayda sii wada" cabdiwaxid cilmi cumar

  • ItoJan 9, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (45), Baydhabo (24), Beledweyne (16), Muqdisho (13), Kismaayo (9).. :: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....

Diyaarad AC-130 ee Maraykanka oo Duqeysey Koonfurta Soomaaliya

Sida ay werisey shabakada Telefishnaaka CBS, diyaarad kuwa dagaalka ee ah nooca AC-130 ee Maraykanka ayaa duqeeysay goobo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo sida warku sheegay maadaama diyaaradani tahay nooca halmar tuura rasaasta aadka u farabadan in goobtii lagu arkayey meyd farabadan duqaynta kaddib. Waxa warku intaas ku daray in diyaaradda Maraykanka oo ka soo kacday Jabuuti ay yool ka dhiganaysey "xubno lagu tuhmey in ay ka tirsan yihiin Al-Qaeda", waa sida warku u dhigay'e.  Khasaarada ugu weyn waxaa lagu soo waramay in ay gartey tuulada Hayo oo u dhexeysa Afmadow iyo  Dhoobley halkaas oo la sheegay in dad badani ku dhinteen.

Waxaana warku intaas ku daray in aagga Raas Kambooni ay ciidanka, taangiyada iyo diyaaradaha Ethiopia ay ka qayb qaateen weerarkii labada-maalmood, sida uu AP u sheegay sarkaal militari, halkaasna uu ka dhacay dagaal xoog weyn oo labada dhinacba ay dad badani kaga dhinteen. Waxaa warku intaas ku daray in dadka deggan Kismaayo ay arkayeen askar badan oo dhaawac ah oo Itoobiyaan ah oo lagu daabulayo diyaarado. "Waxaan arkay 50 Itoobiyaan ah oo dhaawac ah oo la saarayo hal diyaarad Helikobtar Militari oo Itoobiyaan ah", ayey tiri Farxiya Yuusuf, waa sida warku u dhigay'e, waxayna intaas ku dartay in garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu diyaariyey 12 diyaaradood oo helikobtaro ah (si loogu daabulo dhaawaca Itoobiya). [Isha warka: Eeg halkan.....].

Dhanka kale Bereket Simon oo hadalaya Ethiopia ayaa shalay waxa uu sheegay in ay Ethiopia gacanta ku dhigtay dhammaan dhulka Soomaaliya oo ay hadda hubka ka dhigis ku samaynayaan Soomaaliya. Hadalkaas oo aad uga duwan hadaladii hore ay u sheegtay DFKMG ee ahayd in ay caawino ka helayaan Ethiopia , laakiin hadda ay Ethiopia sheeganeyso in ay ayadu gacanta ku dhigtay Soomaaliya sida uu u sheegay Radiye Sawa. Horraantii toddobaadkan ayey ahayd markii xildhibaan ka tirsan DFKMG uu sheegay in dawladdu aysan hadli karin oo ay la hayste u tahay ciidanka Ethiopia - Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay DFKMG oo ka hadlaya erayada ka soo yeeray Bereket Simon.

Dhanka kale habeenimadii Isniintu soo geleysey ayey ahayd markii dabley hubaysan ay weerar ku qaadey gaari militari oo sidey ugu yaraan 70 askari oo Itoobiyaan ah, waxaana wararku sheegeen in la arkayey ugu yaraan 7 askari oo meyd ah oo ka tirsanaa ciidankaas lagu soo weeraray aagga Km4 ee magaalada Muqdisho, dableydii weerarka geystayna ay meeshii ka carareen. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri.]

Qarax xoog badan oo xalay Muqdisho ka dhacay

Jan 9, 2007: Waxaa xalay magaalada Muqdisho gil gilay qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka Suuqii hore ee Ceel-Gaab, mana aha qaraxii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii dalka laga saaray maamulkii maxkamadaha.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Baasuuke la ridey, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ahaa bam, waxaase soo baxaya dad ay dowlada federaalka qaraxaasi u qab-qabatay goor dambe oo caawa ah.

Dhinaca kale lama sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo uu geystay qaraxahan, iyaga oo qaraxanina uu noqonaya kii sedexaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho, intii maxaakiimta ay magaalada ka baxeen.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyada oo magaalada Muqdisho uu xalay ku hoyday Madaxweynaha dowladda federaalka KMG-ka Soomaaliyeed xaruntii hore ee madaxtooyada Soomaliya Villa Soomaaliya .

Dowladda Federaalka Soomaaliaya ayaa looga fadhiyaa inay nabad ku soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaalda Muqdisho oo maalmahan ay ka soo if baxeen arrimo nabadgelyo xumo.

Dhanka ka kale "Madaxweynaha DFKMG ee Soomaliya oo xalay kulamo kala gedisan la yeeshay gudiga ammaanka Qaranka iyo masuuliyiinta Dowladda" Hoos ka akhri.....

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...


Cabdulaahi Yuusuf oo u soo jeediyey bulshada banadir in la iska iloowo…

Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay ka qayb-qaataan dib u dhiska Dalka iyo soo celinta Amniga isla markaana wixii horay dhacay la ‘isna cafiyo.

Madaxwaynaha waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxaana Aminiga sugayey Dowladda iyo Ciidamo itoobiyaan ah oo qaarkood ka yimid Magaalada Baydhabo, waxaana Madaxwaynaha si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxtooyadii Villa Soomaaliya waana Madaxwaynihii ugu horeeyey "si Sharci" ah u fariista tan iyo wixii ka dambeeyey radistii Madaxwaynihihii hore ee Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre.

C/llaahi Yuusuf ayaa imaanshihiisa waxa uu ku soo beegmay xilli Magaalada Muqdisho ay ka jirto xasilooni darro iyo weeraro lagu hayo Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada itoobiya hase yeeshee illaa iyo hadda Dowladda fedaraalka ah waxba kama qaban Amniga Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan tahay Muddo 12-maalmood.

Magacaabistii maamulkii Kismaanyo xiisad abuurey..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada KIsmaayo ayaa waxay sheegayeen in Maamulkii uu dhawaan ku dhawaaqay Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiiraale oo Qas iyo Jahwareer ku abuuray Magaaladaasi ka dib markii Beelaha ku nool halkaasi ay ku qanci waayeen sida wax loo dhisay.

Qaar ka mid ah ayaa waxay soo jeediyeen in dib loogu laabto magacaabistaasi oo ay sheegeen inay tahay mid caddaalad darro ah, waxaa kaloo sheegeen in magacaabistaan loo baahnaa inay ka timaado Masuuliyiinta ugu sareysa si ay Beelaha u helaan kalsooni Buuxuda oo ku aadan Maamulka

Qowmiyadda Oromada oo walaac ka muujiyey sida..

waxgarad iyo odayaal ka tirsan qoomiyadda Oromada ayaa walaac ka muujiyey dhibaatoon maalmahaan ka soo gaarayey Koooxo Maleeshiyooyin ah oo qaarkood la sheegay in la dilay kuwa gacanta loo galiyey Ciidamada itoobiya.

Waxaana xubnahaan sheegeen in Qowmiyadda Oromada ay muddo ku nooleyd Magaalada Muqdisho iyo Deegaano kale kuwaasoo ay sheegeen in ay Dalka soo galeen xiligii Itoobiya uu xukumiyey Mingiste ayagoo sheegay inay Dalka ku lahaayeen xarooyinka kala duwan ayna ka diiwaan gashanaayeen Hay’adda Qaxootiga ee Qarqamada midowbay.

Xubnahaan waxay sheegeen in markii ee dhaceen Dagaaladii sokeeye Dadka Oromada ah ay ku kala firdheen dhamaan Gobollada Dalka ayadoo miciin biday qoysas Soomaaliyeed waxayna xubnahaan ka codasadeen Dowladda fedaraalka iyo Ciidamada itoobiya inay il gaar ah ku eegaan Qoomiyadda Oromada isla markaana waxay ka codsadeen in dib loogu celiyo Goobihii markii hore ka yimaadeen.

Nin Oromo ah ayaa Koox Dablay ah ka afduubeen agagaarka Black Sea ilaa iyo hadda lama garanayo meel ay la ‘aadeen sidoo kale Nin Oromo ah ayaa lagu dilay Degmada jowhar labo kalena gacanta ayaa lagu dhigay. Waxayna labadaan nin ay haatan ku xiran yihiinn saldhiga Booliska ee degmadda Jowhar ee Gobolka shebeelada dhexe waxayna mauuliyiinta Gobolka sheegeen in ay u gudbi doonaan Dowladda ku meel gaarka ah ee federaalka

Meles Zanawi oo sheegey in in uu ciidamadiisa kala soo bixi doono ....

Ra’iisul Wasaaraha Wadanka itoobiya Melis Zanawi ayaa mar uu u warammayey Raga wararka dira waxa uu sheegay in Ciidamada itoobiya laga soo saari doono soomaaliya labo todabaad guduhood asagoo sheegay in Ciidamada itoobiya ay markii hore ay Soomaaliya u galeen sidii ay ula dagaalami laheeyeen Maxkamadaha islaamiga ah oo uu sheegay in ay dalkooda ku marti galiyeen waxa uu ugu yeeray Kooxo Argagixiso ah oo doonayey in qal-qal galyeen Amaanka Waddanka itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Ciidamada itoobiya ay diyaar u yihiin inay howlgalkoodo ku wareejiyaan Ciidamo ka socda Midowga Afrika, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha itoobiya waxaa soo food saaray cadaadis caalimi ah oo ah inay Ciidamada itoobiya ay ka baxaan waddanka Soomaaliya maadaama ay dhameeyeen howl galkii ay u tageen Waddank Soomaailya.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda fedaraalka ay doonayso inay Waddanka sii joogaan Ciidamada itoobiya tan iyo inta laga keenayo Ciidamo ka socda Midowga Afrika si ay ula shaqeeyaan Dowladda fedaraalka ah oo ayadu aan heysan Ciidamo ku filan oo suga Amaankeeda.

Mahadcelin loo jeediyey Shirkadda Dahab- Shiil

Eheladii iyo Qaraabadii Halgmaa Abwaan Axm’ed-Nuur Ow Maxmuud Jirrab ayaa waxa ay la socodsiinayaan Masuuliyiin Shirkadda Dahab-Shiil in marxuumkaasi uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho 1-dii Janaayo-2007-da.

Ehelada iyo Qaraabada ayaa u mahadceliyey Masuuliyiinta Shirkadda Dahab-Shiil gaar ahaan intii iska xilsaartay u gargaarida Abwaankaasi ayagoo sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin gacansiintaasi waxayna Ilaah uga baryeen inuu ka ajarsiiyo Adduunka Aakhiraba.

Ugu dambeyntii waxay Shirkadda u rajeyyeen in halkaasi ay ka sii wadaan howlaha baaxadda leh ee xawilaada ah ee ay Bulshadda u hayaan.

Waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyey Xubno ay ka mid yihiin Barkhad Cawaale Aadan, Yuusuf Barkhad Ducaale, iyo Daahir Qalinle.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Madaxweynaha DFKMG ee Soomaliya oo xalay kulamo kala gedisan la yeeshay gudiga ammaanka Qaranka iyo masuuliyiinta Dowladda

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Jan 9, 2007: Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay kulamo kala gedisan la yeeshay guddiga amaanka Qaranka iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay guddigana nabadgelyada ee Ra'iisul Wasaare Geeddi uu magacaabay.

Guddiga amaanka ayaa waxay warbixin ka siiyeen Madaxweynaha xaalada nabadgelyo ee caasimada Muqdisho iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in uu gacan ka geysto sidii xasilooni waarto looga dhalin lahaa magaalada Muqdisho oo ah xudunta dalka Soomaaliya, hadii aan nabadgelyo ka jirina Muqdisho ay ka dhiganto in dalka oo dhan nabad ka jirin.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay guddiga amaanka Qaranka sida isugu xil qaameen ka shaqeynta amaanka gobolka Banaadir isagoo intaa raaciyay in sidii uu u maleynayey xaalada Muqdisho mid ka duwan uu arkay markii uu soo gaaray shalay, wuxuuna Madaxweynaha uu tilmaamay in nabadgelyada Muqdisho ay tahay mid xiligan degan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa bilaabay maanta in uu kulamo gooni gooni ah uu la yeesho waxgradka beelaha gobolka Banaadir ku dhaqan iyo qeybaha kale ee wax ka qaban kara xasiloonida Muqdisho.

Madaxweynaha ayaan la ogeyn mudada uu sii joogayo magaalada Muqdisho iyo goorta uu ku laabanayo magaalada Baydhabo, inikastoo wararka qaar ay sheegayaan in sii joogayo magaalada Muqdisho mudo aan la cayimin.

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika oo ka hadlay xaalada nabadgelyo ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Afrika ayaa waxay sheegeen in xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya ay tahay middii ugu wanaagsanayd 16-kii sano ee rabshadaha ka jireen gudaha Soomaaliya.

Golaha ayaa ku sheegay hadalkaan kulan uu ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa shalay, waxaana golaha uu carrabka ku adkeeya in Soomaaliya ay xalaadeedu tahay mid ka wanaagsan oo laga filan karo inay dowladdu fariisin ka dhigato Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka jireen dagaallo sokeeye.

Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay u qaybsanaha Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Fall ayaa hadal uu kulankaas ka jeediyay ku sheegay in loo baahan yahay in dunida ay garab siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu ku guulaysatay inay gacanta ku dhigto markii ugu horreysay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dajire Fall wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dunida ay ka codsanayaan in Soomaaliya si toos ah u soo eegaan, isla markana ay ciidammo nabad ilaalin ah u soo diraan, si ay nabadda Soomaaliya uga shaqeeyaan.

Midowga Afrika golihiisa ammaanka ayaa wuxuu ahaa golihii horay u go’aamiyay in Soomaaliya la geeyo ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Afrika.

Ismaaciil buubaa : "Maxkamadaha waxaan dhowr jeer oo hore ka codsanay inay wadahadallo nala qaataan, balse iyagoo awood is badayay ayay diideen taas…"

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda British Broadcasting Corporation qaybteeda Afka Carbiga ku sheegay in dowladdu ay mar walba u heelan tahay inay wadahadallo la furto Madaxda Maxkamadaha Midoobay ee Soomaaliya.

Buubaa wuxuu sheegay inay dhowr jeer oo hore ugu baaqeen madaxdii Maxkamadaha inay wadahadallo la furaan dowladda balse ay ka dhego adaygeen, haddana ay sheegeen inay ogol yihiin inay la hadlaan dowladda,. Isagoo sheegay in xilligaan aysan wax awood ah lahayn, balse ay la hadlayaan hadday hadal ogol yihiin.

“Maxkamadaha waxaan dhowr jeer oo hore ka codsannay si isdabajoog ahna uga codsannay inay wadahadallo nala qaataan si xiisadda Soomaaliya loo damiyo, balse iyagoo awood is badayay ayay diideen taas, waxaase cad maanta oo ayasan tabar lahayn inay sheegeen inay wadahadallo la galaan dowladda, ma cayrinayno… waan soo dhaweynaynaa… dowladda masiirkeeduna waa inay nabad ka shaqeyso” ayuu yiri Buubaa oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhanka kale; Madaxweynaha dfkmg ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho una warramayay Telefishinka Al-Jazeera ee afka Carabiga ku hadla ayaa u sheegay in Dowladdu aysan marna la hadlay Maxkamadaha madaxdoodii, isla markaana aysan hor fariisan doonin.

“Dowladda ayaa haysata dalka oo dhan, goobaha yaryar ee ay ku hareen kuna yaalla cirika koonfureed ee Soomaaliya dowladda ciidammadeeda ayaa ku baacsanaya waxaana naga go’an inaan qa-qabanno ama aan laynno inta ka hartay” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo haanta ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya oo uu soo gaaray shalay gallinkii dambe.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo 29-Milyan oo Dollar ugu deeqay Soomaaliya

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa waxay sheegeen inay ugu deeqeen lacago kala gaar ah howlaha nabad soo celinta Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan soo gaaraan Gudaha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo lagu magacaabol Solan ayaa u sheegay saxaafadda in Midowga Yurub uu goor hore ka codsaday calaamka in loo diro Soomaaliya ciidammo kale oo ka socda caalamka marka ay gaaraan gudaha Soomaaliya kuwa Afrika ka socda.

Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen inay ugu deeqeen howlaha nabad soo celinta Soomaaliya lacag gaaraysa 15-Milyan oo Dollarka Mareykanka, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay bixin doonaan haddii loo baahdo kharashaad kale.

Wuxuu sheegay sarkaalka u hadlay Midowga Yurub in Midowga Yurub uu ku talinayo in la taageero Dowladda Federaalka, duniduna ay isku shuqliso sidii ay nabad ugu soo dabbaali lahaayeen Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan dagaallo 16-sano ka taagnaa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inay ugu deeqeen howlaha nabad soo celinta Soomaaliya iyo ciidammada nabad ilaainta ah ee loo dirayo 14-Milyan oo Dollarka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay inta badan isku shuqlisaa xilliyadaan dambe inay howlaha Soomaaliya horay u sii hijiso, si Soomaaliya ay uga dhalato nabad lagu naaloon karo.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


Mudaharaad Looga soo horjeedo Ethiopia oo ka dhici doona Dalka Isswiska

Waxaa la ogaysiinayaa bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadanka Iswisska in uu dhici doono mudaaharaad aad iyo aad u balaaran oo looga soo horjeeda jogitaanka ciidanka Ethoipia dalka soomaaliyeed Waxa uu mudaaharaadkan ka dhici doonaa xararunta UNKA ee Geneve Palais des Nation Genf . Banaabaxan ayaa dhici doona maalinta sabtida taariikhdu markay tahay 13/01/07 saacadu markay tahay 14:00 galbnimo ilaa 16:00 waxaa lagu war gelinaa dhamaan jaliyada iswisska in ay kasoo qab galaan. Laxiriir: webmaster@calayaale.com

Digniin ku socta kuwa Mudaharaadka lagu taageerayo Ithopian Uk ka dhici doona

Salaamulaahi Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu : Waxaa Nasiib daro ah in la qabto Mudaharaad lagu Taageerayo Dawlada Ithopia falkii ay ku gashay Wadanka Soomaaliya waxaa nasiib daro ah in dadka soo abaabulay aysan aqoon macnaha Mudaharaad waayo waxaa Mudaharaada qof wax tabanaya balse Taageero iyo Mudaharaad isma galaan waxaan kula talinayaa kuwa damiir laawayaasha ee soo abaabulay inay ka waantoobaan waxa ay ku jiraan waxaana hubaal ah in Maanta Soomaaliya ay ku soo duuleen cadow aan u naxeyn shacbka Soomaaliyeed balse Umad walba waxa ay leedahay kuwa calooshood u shaqeysta yaal ah aan aqoon qiimaha Wadniyeed waxaan kaloo ka digeyaa cawaaqib xumada ka iman doonta waxaan kaloo u sheegaya dhamaan shacbka Soomaaliyeed ee ku nool Uk amase Great Britan inaysan dhag jalaq u siin waxa loogu yeeray u xalaaleynta xoog ku joogida Cadowga Soomaaliyeed ee aan kala aqoon kan Raacsan iyo kan aan raacsaneyn waxaan kaloo u sheegaya shacbka Soomaaliyeed ee ku sugan Aduunyada intiisa kale inay meel uugu soo jeestaan cadowga dalkeena ku soo duulay ee raba inaan noqono Kilinka 21 aad waxaan leeyahay Ummada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka inay iska caabiyaan cadowga wax walba oo ay sameyn karaan iney sameeyaan waxaan hubaal ah in Cadawga dharbaaxo ku soo socto balse waqtigeedi uu dhaw yahay

Wabilaahi tawfiiq .

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Finspury Park London ( Sakariye Xaaji Maxamed Axmed ) 
email:
maysaxa@hotmail.com


Cali Daacuun; Muqdisho iyo baqdaad waa tii Ilaahay wax kaa dheefsiiyo...

Jan 8, 2007: Siyaasiga soomaaliyeed ee cali Maxamed axmed c.dhuux (cali daacuun ) ayaa ka dayriyey xaalada uu maanta dalku marayo oo uu ku tilmaamay meel halis ah islamarkaana sheegay isagoo ku cabairaya fikirkiisa .

''Sida ii Muuqata maraxalada siyaasadeed ee uu maanta dalku ku sugan yahay waxay u muuqataa khatar,lamana dafiri karo in dowlada fdkmg ah lagu soo dhisay dalka kenya hadii dib loo raaco mudadii lasoo dhaafay xaalad la oran karo Murugo ,maantana waxay iila muuqataa maalin daran haday jirto maalin kasii daran ''.

Sidoo cali daacuun ayaa intaas ku daray ''lama dafiri karo in ciidamada itoobiya ku sugan yihiin dalka soomaaliya waxaan u dhaafayaa taariikhda sababihii ay kusoo galeen dalka itoobiyaaku umana malaynayo inay si Howl yar ku bixi doonaan ''

Cali maxamed axmed (cali daacuun ) ayaa Hadalkiisa kusoo Afmeeray ,''soomaalida waxaa la gudboon sidii ay u Fahmi lahayd inay ka baxdo xaalada halista ah ee (acupionka) ee ay ku jirto .

Si kastaba ha ahaatee cali daacuun oo ah siyaasi soomaaliyeed ayaa welwel walaac xoogan ka muujiyey siyaasada iyo xaalada dalku marayo oo uu ku tilmaamay mid halis ah .

Madaxweynaha dowlada FKMG soomaaliya c/laahi yuusuf oo kasoo degey garoonka weyn ee magaalada muqdisho.

Madaxweynanaha dowlada fkmg soomaaliyeed c/laahi yuusuf axmed ayaa maanta markiisii ugu horeeysey kasoo degey garoonka weyn ee magaalada muqdisho islamarkaana ay soo dhoweeyeen masuulyiinta dowlada ka joogay magaalada muqdisho iyo gwaarida gaashaaman ee xukumaada itoobiya iyo kuwa dfkmg iyadoo ay usoo gelbiyeen xaruntii hore ee villa soomaaliya.

Waxaa la xiray wadooyinka magaalada muqdisho qaar ka tirsan sida wadada maka al-mukarama ,wadada km4,wadada aada airporka magaalada iyo wadooyin kale ,taasoo dhamaantoodna lagu arkaayey ciidamada ku hubaysan gawaarida gaashaaman ee xukuumada itoobiya islamarkaana xataa ay u diideen inay saxaafada xorta ah ee ku sugan magaalada muqdisho inay u gudbaan garoonka weyne ee magaalada muqdisho halkaas oo uu kasoo degayey madaxweyne c/laahi yusuf.

Sidoo kale waxaa c/laahi yusuf ay baaburta dagaalka iyo ciidamada itoobiya oo ay weheheliyaan kuwa dfkmg ahi usoo gelbiyeen xaruntii hore ee villa somali ,halkaasoo uu ku sugan yahay ,islamarkaana ma jiraan wax hadal ah oo uu madaxweynuhu ka jeediyey xaruntaas .

Dhinaca kale waxaa isna waxyar kadib kasoo degey garoonka magaalada muqdisho raysal wasaare cali maxamed geedi oo kasoo kicitimay dalkaasi kenya magaalada nairobi. [Warar dheeraad ah hoos ka akhri...]

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii ugu horreysay yimid Magaalada Muqdisho, xarunna ka dhigtay Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay manta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaliya, waxan la dajiyay Madaxtooyadii hore ee Soomaliya (Villa Somalia).

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayay tani u noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya uu yimaado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliy, waxaana xubnahaas ka mid ahaa wasiirka Arrimaha gudaha isla marka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Xuseen Maxamed Caydiid, waxaana dhanka kale goobjoo ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha shacabka Reer Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa harqiyay manta dadweyne fara badan oo soo dhaweynaya Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kaddib madaxweyne Yuusuf loo qaaday dhanka Madaxtooyada Soomaaliya oo uu haatan ku sugan yahay.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia dadweyne kale oo aad u fara badan, waxaana shacabka qaarkood ay isku dayayeen inay arkaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo qaarkood aysan weligood arkin.

Xarunta Madaxtooyada oo u daggan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo aad u hubeysan, waxaan xiran dhammaan waddooyinka soo gala madaxtooyada iyadoo dadweynaha la sii daynayo balse la xayirayo gawaarida, waxaana ciidammada booliiska ay ku sugan yihiin albaabka hore ee Villa Somalia iyagoo kala hagaya shacabka doonaya inay arkaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku yimid diyaaradii ka dambeysay middii Magaalada Muqdisho keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isaguna isla saakay ku soo laabtay Magaalada Muqdsiho kuna soo maray Madaxweynaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya xilliga u haray uu ku shaqeyn doono Magaalada Caasimadda ah isagoo ay fariisin u noqonayso Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Qore: Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

PROF. DUFLE OO KA WARBIXIYAY HOWLAHA GUDDIGA SARE EE GUDDIGA QARANKA EE GURMADKA CAAFIMAADKA

Gudoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Gurmadka Caafimaadka Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) ayaa manta warbixin ka bixiyay howlaha uu guddigaas qabtay tan iyo intii la magacaabay illaa iyo manta, iyagoo sidoo kalena soo saaray baaq ku wajahan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka.

Prof. Dufle wuxuu sheegay in wacyigelinno fara badan oo ay shacabka ugu sheegayaan inay dib ugu soo celiyaan dhaawacyadii lagala baxay isbitaallada ku yaalla dalka markii ay dagaallada socdeen dib loogu soo celiyo isbitaallada si daaweyn ay u helaan.

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Caafimaadka Prof. Dufle ayaa daboolka ka qaaday in markii guddigaan la dhisay uu kormeerro kala duwan ku sameeyay isbitaallada magaalada Muqdsiho iyagoo indho-indhey ku soo sameeyay isbitaallada iyo dadka waxqabadka caafimaad u baahan ee ku jira isbitaallada, waxaana uu sheegay Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle) inay si gaar ah u indho-indheeyeen dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagala baxay markii dagaallada ay soo gareen caasimadda isla markaana guryaha la geeyay oo dib loogu soo celiyay Isbitaalka.

Mar uu Prof. Dufle u warramayay xaafadda ayuu sheegay in wacyigelinnadii ay sameeyeen ay wax weyn ka tartay in dib loogu soo celiyo dhaawacyadii guryaha lagu haystay Isbitaallada waaweyn iyadoo halkaas ay uga billaabatay daweyn caafimaad oo toos ah.

“Dadkii iyagoo dhaawaca ahaan loola cararay guryahooda sababo cafimaad awgood ayaa waxay dadka qaarkood billaabeen inay dib ugu soo celiyaan isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana isbitallada dib loogu soo celiyay ka mid ah Isbitaallada waaweyn ee Madiina iyo Keysaney oo uu guddigu booqday” ayuu yiri Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle).

Prof. Dufle ayaa dhanka kale sheegay in guddiga uu yeeshay kulan 03/01/2007 wuxuuna sheegay in guddigaan uu ka wadahadlay howlaha horyaalla iyo sidii uu u wajihi lahaa, maadaama guddigaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi 02/01/2007.

Sidoo kale Prof. Dufle ayaa sheegay in guddiga uu maanta yeelanayo kulan kale oo ay kaga wada hadlayaan howlaha horyaalla guddiga, waxaana uuna sheegay Prof. Dufle in guddiga ay horyaallaan howlo aad u fara badan isla markaana uu wajihi doono howlahaas maalmaha soo socda.

Howlaha guddiga horyaalla ayuu sheegay Prof. Dufle inay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

 Dayeelka, Daweynta iyo dib u soo celinta dhaawacyadii ay dadku kala baxeen isbitaallada dalka oo dhan, si daweyn loogu bilaabo loogana daweeyo dhaawacyada ay qabaan.

 Sidii looga hortagi lahaa halista cudurrada faafa loo laga baqo qabo inay ka dillaacaan goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen.

 In la howlgeliyo dhammaan goobaha caafimaad sida isbitaallada, MCH-yada iyo goobaha kale ee caafimaad.

 Wax u qabshada dadka ay fatahaadaha waxyeellada u geysteen, kuwaasoo guddiga uu ka kaalmeyn doono dhanka caafimaadka.

BAAQ:

Prof. Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle) ayaa wuxuu sheegay in guddiga Qaran ee Gurmadka Caafimaadka uu u soo jeedinayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha ka shaqeeya cafimaadka baaqyo kala duwan:

Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan guddigu wuxuu u soo jeedinayaa inay dadka dhaawacyada ah ee ku dacdarreysan guryaha la geeyo isbitaallada ugu dhow gobol walba si loogu daweeyo, waayo waxaa ku sugan halkaas Dhaqaatiirtoodii oo u heellan inay daweeyaan.

Dadweynaha Xamar waxaan u soo jeedinaynaa inay dadka dhaawacyada ah ee ay guryaha ku hayaan ay geeyaan isbitaallada magaalada Muqdisho si looga daweeyo dhaawacyada ay qabaan oo qaarkood ay yihiin kuwo halis ah.

Sidoo kale Shacabka Gobollada dalka ku nool waxay ugu baaqayaan inay geeyaan goobaha caafimaad ee gobolladooda ku yaalla si loogu daweeyo dhaawacyada ay qabaan dadka guryaha lagu haysto ee dhaawacyada ay ka soo gaareen dagaalladii dhawaan ka dhacay dalka.

Dhanka kale, Hay’adaha caafiamadka ka shaqeeya ayaa guddiga wuxuu ugu baaqayaa inay dadka Soomaaliyeed ee qaba dhaawacyada kala duwan ee ka soo gaaray dagaalladii ka dhacay dalka inay la soo gaaraan dawooyin iyo qalab kale oo lagu daweeyo.

Sidoo kalena waxay ugu baaqeen Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa iyo Localka ahba inay sameeyaan kaalmooyin kala duwan oo ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed ee ay fatahaadaha waxyeellada u geysteen oo weli la dhibaatooyinaya xaaladihii kala duwanaa ee ka soo gaaray fatahaadihii ku dhuftay dhawaan.

Waxaa soo tebiyey: Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Weerar Habeenkii Isniinta lagu qaaday ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Km4

Jan 8, 2007: Koox dabley ah ayaa weerar gaadmo ah xalay ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo maraayay wadada ee KM4, ee magaalada Muqdisho,halkaasoo la isku weydaarsaday rasaas iyo waxyabaha qarxa.

Dad goobjoog ahaa inuu weerarku ku bilowday kadib markii qarax weyn oo gilgilay deeganada u dhow KM4 uu dhacay kadibna rasaas xoog leh oo in muddo ah socotay ayaa ka dhax bilaabatay labada dhinac, iyadoo socotay ilaa xili dambe.

Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay dad rayida ah oo dhaawac ka soo gaaray weerarkaas, waxaana la sheegay inuu qof rayid ah ku dhintay , laakiin lama oga qasaaraha dhabta ah ee kal gaaray labada dhinac, iyadoo qraxii koowaad la sheegay in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah

Qore: Xuurshe

Prof. Ibraahim Xasan Caddoow oo sheegay inay wadahadallo la qaadanayaan Dowladda Somalia

Jan 8, 2007: Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in Ibraahiim Xasan Caddoow oo maxkama\daha u qaabilsanaa dhanka Arrimaha dibadda uu ku baaqay inay wadahadallo la yeelanayaan dowladda federaalka.

Ibraahiim Xasan Caddoow oo ahaa sarkaalkii sidan badan u diiddanaa inay dowladda federaalka la hadalaan ayaa u sheegay wakaaladaha wararka qaarkood inay ogol yihiin inay la hadlaan Dolwadda Federraalka Soomaaliya si loo dhameeyo dagaallada halakeeyyay Soomaaliya.

Sarkaalkaan oo warbixintaan siiyay wakaaladda wararka ee Yemen SAPPA ayaa wuxuu sheegay in aan loo baahnay in dagaallada la sii wado, balse ay ka wanaagsan tahay in la dhammeeyo khilaaf walba oo keeni kara inay dagaallada sii socdaan.

Maxkamadaha ayaa waxay ogolaadeen inay wadahadallo la qaataan Dowladda iyagoo aan gacanta ku hayn hal magaalo oo ka tirsan dalka Soomaaliya, waxaana la ogyahay inay diideen iyagoo gacanta ku haya 7-gobol oo dalka ka tirsan iyo weliba laba magaalo oo ka tirsan Gobolka ay dowladdu dagganayd ee Bay.

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa Waxay sheegayaan inay ku sugan yihiin sidoo kale Yemen xubno ka tirsan Maxakamdaha Midoobay oo la sheegay inay yihiin saraakiil sarsare oo magacyadooda la qariyay.

Axmed Abul-Qureyb oo ah wasiirka Dibadda ee Yemen ayaa sheegay inay dowladdiisu ku dadaalayso inay wadahadallo cusub u furaan Maxkamadihii laga awoodda badiyay iyo Dowladda Federaalka oo gacanta ku haysa gobollada dalka oo dhan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Maxkamda sare ee Dawlada Fadralka oo Galkii Dacwada ee ugu horeyey la hor keenay

Anigu ma garanayo meel aan karaadiyo garyaqaan ii dooda oo dacwadayda sii wada sida waxaa yiri cabdiwaxid cilmi cumar

Waxaan ku talin lahaa cabdiwaxid hadii uu ku kensan wayo garyaqaanka todobadan cisho ee maxkamdu u qabatay in laga joojiyo gunada iyo fadhiyada barlamanka isagoo quursanaya maxkamda sare ee dawlada una arka md sharci ga wafaqsanayn sida waxaa yiri sharmake maxamed hashi gaani

Waxaaa shalay magalada baydhabo ka bilabmatay gal dacwadeed ii ugu horeyey ee ay qaado maxkamda sare ee dawlada fadaralka

Dacwadan oo u dhaxaysay labada xildhibaan eelawada dhariyeyi sharmaake maxamed xaashi gaani oo isaga lagu dhariyey nayroobi bishoii 12/06/2005

Halakas oo ay goob jog ka ahayeen adaxwaynaha dawlada fadralka iyo gudoomye ku xigeenka barlamanka dawlada fadaralak waxaa kale oo goobta joogay raysalwasre kuxigeenka ,waxaa kale oo goobta joogay xubnahii beesha calamka oo ay ka midka ahayeen qaramada midoobay midowga yurub ,jamcada carabta iyo midowga afrika

Cabdiwaxaid waxaa lagu dhariyey magaada muqdisho huteelka saxafi oo sharif xasan goobjoog ka ahaa dhartisa

Dacwadan haatan bilamatay aya dad badan waxaa ay u arkayaan in ay dawladu ay waxii hada ka danbeyeya ay si toosa u hawal galayso kaas oo la filayo in dhawaan mdo todoba cisho ka dib dawwadan ay goaaan ka gaadho maxkamdu

Sharmake maxamed xashi gaani ayaa ka warmaya sida uu u arko dacwadan kaladhaxaysa cabdiwaxid cilmi cumar waxna uu yiri aniga waxaan ku socdaa sharci rasmiya oo la wad ogaa layguna dhariyey hadanan sharci ku socon ma rabo in aan ka mid noqdo xubnaha barlamanka balse waxaa aan arintayda u arkaa in la lumiyey sharcigii lagu soo dhisay nayroobi kaas oo aan marnaba aqbalayn sida loogu tumanayo ,anigu ma ihi dadka xooga wax ku radsanaya ee waxii ay beeshu ii ogolatay ayaan rabaa waxaa dabada igawadana oo ila duuban waa beesha aan ka soo jeedo ha noqoto xildhibano ama wasiiro ama ugaasyada beesha

Cabdiwaxid waxaa uu u haystaa maxkamda sare ee dawlada mid aan hab yarate anan waxba ka jirin sharciga na ka fog isla markana uu u arko mid aan waxba ka jirin oo uu quursanayo waxnan rabaa in indhhiisa iasgoo kala haya waagu ku baryo arkana awooda dawalada sida ay u shaqaynayso

Waxaa uu moodaya cabdiwaxid in dawladu anay wax awooda lahayn oo uu quursanayo waxnan maxkamda talo ugu soo jeedinay in ay ka joojiso kalfadhiyada barlamanka iyo in laga joojiyo gunada barlamanka haatan uu qaato

Maxkamda ayaa sheegtay in ay ka fiirsan doonto mar sadexaad hadii cabdi waxed ka soo bixi wayo todobadan cisho ee hatan loo qabtay in uu ku keensado garyaqaan dacwadiisa wada In ay furi doonto dacwada sida uu qabo qodobka 54 xeerka habka madaniga soomaliyeed una fasxaya in uu qareen keensado taas oo laba jeer la faray in uu keensado qareenkisa .

Cabdi waxed cilmi cumar ayaa shalay isagu ka gaabsaday in u saxafada la hadlo oo uu ka hadlotodobadan cisho ee looqabtay taas oo uuu isagu ka daklbaday in la siiyo 40 cisho si uu ku keensado garyaqaan u dooda hase yeeshe waxaa ka diiday maxkamdii oo sheegtay in hore waqtihore la gu siiye mantana aan laga aqbali Karin sida aad donayso ayaa lagu yiri

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Prof. Geedi oo goor dhow dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Jan 8, 2007: Ra'iisul wasaaraha dowlada federaalka Somalia Prof, Cali Maxamed Geedi ayaa goor dhaweyd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ka yimid magaalada Baydhabo oo uu halkaas kulan kula yeeshay madexweynaha Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed , isagoo ra'iisul wasaaruhu warbixin ka siiyay madexweynaha kulankii uu kula soo qaatay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kaaliyaha xog-yaha arimaha dibada ee Mareykanka ee Africa Jendayi Frezer iyo waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

Imaatinka Cali Maxamed Geedi ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili habeenkii xalay ahaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidamada Ethopia ee ku sugan Muqdisho, taasoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Abdiaziz Mohamed Warsame (Dooli)

Waxaa soo tebiyey:
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


Ciidamada Ethiopia oo markale Lagu Weeraray Muqdisho
.Midowga Yurub oo ku cadaadinaya Mareykanka in uu..
.Dowladda Federaalka oo ku kala qaybsan..
.C/llaahi Yuusuf oo ugu hambalyeeyey Meles..
.Baladweyne oo uu ka dhacay banaanbax..
.Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho..
.Nin Oromo ah oo lagu dilay degmada Jawhar
.Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf oo kulan..
.Yemen oo shaaca ka qaaday in mas’uuliyiin..
Wararka oo dhan ka akhri... Jan 8

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH