SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
SOOMAALIYEY, HALKEEBAAD KU SOCOTAA?..

 Qormadii Dr. C/laahi Spanish

Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Sawirka hoosena waxaa ka calaamadsan dhulka ay Ethiopia xoogga kaga haysato Soomaalida, ee ay hadda ula baxday Kililka 5aad

Dhulka Soomaalida ay EThiopia ka gumeysto si aan looga hadlin waa sababta loo malaynayo inuu Xuseen Caydiid u yiri waxaan mideyneynaa Soomaaliya iyo Ethiopia..
Akhri..


YABOOH (APPEAL)

KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 

I.  Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.

RaabehAnigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga.

     Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi  ahantii:

1.  Ninkii aadame alla u ahaayow Xamar waa la galay...

    Ninkii Ilaahay Ilaah u ahaayowna "inna Allaahu Xayyun Baaqiyun"...

2.  Masiibada "sii laba kaclaysey" waxay ku dhacday adigoo illaaway ujeeddadii dheerayd ee   cadawga ee ahayd  inuu gacanta ku dhigo, goor ay noqotaba, Dalka Soomaaliyeed.

3. Cadow loo jabo iyo Caasimad la galo, dagaalla sokeeye iyo ummad layska horkeeno, Soomaali u  gaar maaha ugumana horreyn.Guushuna wa  meerto, ninba  waa maalin. "Guuldarraduna waa guusha hooyadeed…"

     Moskow, Paris iyo Baarliinba waa la galay, maantana waa xor.

     Shuruudaha iyo duruufaha keenay in la qabsado, isla kuwaasoo kale, oo ku liddi ah, baa lagu xoreey.

4. Meles waa Abraha kale: “Dayran abaabiila” iyo dulli baa u dambeeya.

5. Khaa’imiinta Baydhaba: dad maaha, dowladna maaha. Waa maqaarsaar la sameystey oo loogu talagalay in lagu qabsado Jamhuuriiyadda Soomaaliyeed. Waanay  caddaysteen, sideedaba, marka horey kuwa dad iyo dowladba iibsadeen…

6. Cidi kuma jebin, Soomaaliyeey! Adaa isjebiyey, cadow isujebiyey!...

    Guushuna, Alla ka sokow, aday gacantaada ku jirta.

    Ismaqal, midnimo iyo kala-dambeyn baanad ku gaari. 

II.  Maxaa haatan kula gudboon Ummadda Soomaaliyeedey?

1. Kumanyaal sano Ilaahi ku soo jirey ayaa maantana jooga!... 7 jeer oo hore, tan oo kale, Ilaahii kaa  soo saarey ayaa maantana kaa samatabixin. Isagaa gargaarkiisa iyo gurmadkiisa kuula diyaar ah. Aynu ku   ducaysanno, qof kasta iyo Qaranka oo idilow, meel iyo xilli an joognaba: “Ilaahow  biqudratika maanta nagu bixi Adaan magan kuu nahay!” Guul iyo Mahdi baa Alla Agtiisa kuu yaal! Burburka iyo baabu’una cadowguu ku dambeyn. Waxaan idin leehay iskama lihi: lacalla tasina,  aad aragtaan sidii arrimihiii aan horey idiinku sii sheegay (20 sano ka hor)

2. Wisheysiga Vichy[1] ha la shaqaynina!... War, talo iyo tamar midna ha siinina. QAADACA: (no- cooperation): amar-ka-qaadasho iyo awaamiir-fulin intaba, bartay joogaana ka fogaada sidii  baras.... Waxay noqonayaan wax lixaad la’, indhiyo dhegala', guri lagaga guurey.

     Xubnaha waddaniyiinta ah, ee ka mid ah “dowlad-ku-sheega”, mudanayaal iyo mileteri Xoogga Dalka, waa inay ka baxaan oy la saftaan ummaddooda iyo Qarankooda Soomaaliyeed. Shacabka  Soomaaliyeedna waa inuusan hubka dhigin, isagana daafaco cadowga dalka soo galay.

     Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay uubta ugu dhacday xoreyntii dadka iyo dalka Soomaali-Galbeed. Askarta Soomaali u dhalatay, Soomaali-Galbeed laga keenay,     cadowga u  gargaaraysaay: ha uga dhigina abaalgud, geesiyadii naftooda idiin huray, inaad laysaan ubadkii iyo islaamihii ka hadhay!...

3.  Waddaniyiinta Dalka iyo Diintooda daafacaysa, dhulka iyo dhagaaxdaa u hiilin. Waaxidkaa u  gargaari. Waan guuleysan doonna!... Isdhiibina mayno: “Waman yaqnu min raxmatillaah illa  daalluun”. Amxaar alla ma leh lugtaana laguu qabtay, adugu Soomaaliyeey, Ilaah baad  leedahay, geesiyadaadii iyo aadanaha intiisa fiican!... ALLAA WAAXID, SOOMAALI WAA MID!..

Dr. Cumar Cusmaan Raabe
Ottawa, Canadda.

_______________________

1." Vichy" waxay ahayd dowlad-ku-sheeggii Hitler Faransa u sameeyey markii uu qabsaday, 1940, Daggaalkii IIaad ee Adduunka. Xarunteeduna waxay ahayd magalada Vichy.

Waxaana ka horjeeday De Gaulle iyo waddaniyiintii raacay ee dalka xoreeyey (1945), dowlad-ku-sheeggina dumiyey, madaxweynaheediina dil ku xukumay; kaasoo la odhan jirey General Petain, odey gaboobey ahaa, jeelka Faransiiskana ku dhintay.

____

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH