W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Caruurta marka
ay cayaarayaan oo hadalku bato ayaa mid ka mid
ah wuxuu soo jeediyaa erey Soomaalidu si aad ah
u taqaan oo ah “Yeeri Yeeri Yam” Yaxaas ku
qaaday Yam”. Ereyadan macno weyn ayay ku
fadhiyaan oo wuxuu kuu tusaaleynayaa in ninka
yeer yeerka badan uu Aamuso xitaa haddii uu
yaxaas ku qaado inaadan hadli Karin oo aadan
dhihi Karin “War iga dhiga Yaxaaska”.
Markii ay Soomaaliya ay ka dhaceen Dagaalada
sokeeye waxaa abuurmay Kacaan dhinaca war
baahinta ah waxaana si aad ah u soo dhaweeyay
bulshada Soomaaliyeed oo ah iyagu kuwo ku nool
dhinaca hadalka kuwaasoo mar kasta doonaya inay
helaan war cusub,
Magaaladan Muqdisha ee aan ku noolahay waxa
waqtigii Sagaashameeyadii ka bilowday war baahin
xor ah gaar ahaan dhinaca wargaysyada kuwaasoo
dadku si aad ah u akhrisan jireen, hasa yeeshee
sanadkii 2000 markii la soo gaaray waxaa
abuurmay kacaankii Idaacadaha, waxaana Muqdisha
laga furay illaa iyo dhowr iyo toban idaacadood
kuwaasoo soo tabinayay dhacdo kasta, xitaa
warbaahinta waxay ka qayb ka qaadatay
horumarinta Dalka Soomaaliya, waxayna bulshada
tusiyeen inay keligood isku gargaari karaan,
waxaana ugu dambeeyay markii ay dhaceen
fatahaaddii Webiyada iyo daadadkii roobabka in
bulshadii Soomaaliyeed ee dibad iyo gudaba ay
dadkaas u soo gurmadaan
Dhawaan ayaa Barlaamaanka Soomaaliya wuxuu
ansaxiyay mooshin ah in dalka lagu soo rogo
xaalad deg deg ah oo muddo seddax bilood .ah
lagu maamulayo waxaana awooddii oo dhan gacanta
loo galiyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Markii muddo seddax maalmood laga joogo
go’aankaas ayaa seeftii Cabdullaahi wuxuu kula
dul dhacay qaar ka mid ah warbaahinta
Soomaaliyeed oo markiiba albaabada loo laabay,
waxay dadku markiiba yiraahdeen “Waw Seeftii
Dabdullaahi waa bilaabatay, laakiin ma ahayn
inuu warbaahinta aado waayo Bulshadu ma haystaan
wax nabadgelya ah oo habeen walba waxaa Muqdisha
ka dhacaya Qaraxyo iyo dil joogta ah, waxayna
ahayd inay xoogga saaraan dhinaca ammaanka .
Nin oday ah ayaa markii uu maqlay in dhowr
idaacadood albaabada loo laabay ayaa waxa uu
yiri “warbaahinta dalka waxay yihiin kuwo dhex
dhexaad ah ee soo tabiya wararka dalka iyo
dibaddiisa, waayo ma maqli lahayn waxa ka
dhacaya cirifka ugu shisheeya ee Dunida, mana
ahayn in dawladdu taabato warbaahinta”, Nin kale
ayaa waxa uu yiri “Warbaahintu waa kuwo wax
badbaadiya mararka qaarkood, waayo subixii
maarkaad Jaraa’idada akhrisid idaacadahana
dhagaysatid oo laagu sheego hebel baa halkaas
lagu dilay, waxaa markiiba dib maskaxdaada uga
baaraysaa yaa geystay falkaas, halk uu dilku ka
dhacay isla markiiba waxaad ogaaneysaa in
shilkaas dhacay uu yahay mid adiga dareen ku
galinaya, markiibana gurigaaga ayaad iska
joogeysaa adigoo ka cabsanaya in aano qabiil
laguu dilo”.
Xiritaankii Idaacadaha Shabeele Horn Afrik ,
Qur’anka Kariimka iyo xafiiskii Al Jasiira ee
Muqdisha ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday
bulshada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay
mid lagu deg degay, waayo waxay yiraahdeen
shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin
Nabad, Wiil dhallinyaro ah ayaa waxa uu sii daba
dhigay “Aniga shakhsiyan waxaan is lahaa
warbaahintan waxaa caburin doona Maxkamadaha
siday u joojiyeen qaadka iyo shineemooyinka ayay
u xiri lahaayeen, marka aad bay la yaab iigu
noqotey in la yiraahdo Dawladdii Federaalka ayaa
idaacadahaas xirtay”
Gabar aad u dhagaysata Idaacadaha ayaa waxa ay
tiri “War Dawladdu ma oga miyaa in caalamkii
isku fur furmay oo la helayo wab-site-yo aad
markiiba ka heleysid warkii ugu danbeeyay iyo is
gaarsiin casri ah, marka waxaan dhihi lahaa
dawladda inay faraha ka qaaddo warbaahinta dalka
ee curudka ah haddii kale waxay bulshada u
arkayaan mid caddiifad lala xiriirin karo”.,
anigoo maraya wadada black Sea ayaa waxaa iga
hor yimid nin odey ah, wuxuuna I weydiiyay “War
Maxaa dhacay oo idaacadaha loo xiray?”, markaas
ayaan ku iri “Dawladdu way diidday in wax walba
la sheego, Isbaaro Dil, Dhac iyo Qarax,”,
Markaasuu ii lsii daba dhigay “Iska Qora ama
iska Tabiya Tahniyad iyo Tacsi”, markaas ayaan
ku iri “Tacsida ayaaba la isaga daba imaan karaa
oo lagu dhihi karaa War hebel tacsidiisii maxaad
u sheegtay oo habeen hore lagu dilay meel
heblaayo?
Guntii iyo gebagabadii Saxaafadda maanta ka weyn
wax afka sharooto laga saaro, sidoo kalena laga
gudub xilligii la oran jirey “Waa Juuq la’ amase
Jabaq la’, waxaa kaloo laga gudbay hal hayskii
caruurta ee ahaa “Yeeri Yeeri Yam, Yaxaas ku
Qaaday Yam”.
Godinyahay ima Gooyseyn Haddaan Gabalkey kugu daabneyn:
bishan December waa mid taariikhda gashay waayo waa markii ugu horeysay oo..
Guji
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 17, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...