SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 21, 2007

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan rasaas ay rideen Ciidmada Itoobiya..
  • Maxaabiis lasheegay in ay ka tirsanaayeen Maxaakiimta oo ay ku jireen Oromo iyo Ereteriya oo laga soo dejiyey Garoonka..
  • Dowladda Mareykanka oo wada Qorshayaal ay ku dooneyso in ay meel isugu keento
  • Maxamed Dheere oo shaley Dowladda ku wareejiyey 25 Gaari oo tekniko ah
  • Geedi oo la sheegey in uu u tagey Suudaan sidii ..

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan rasaas ay rideen Ciidmada Itoobiya..

Warar dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya rasaasatii Ciddamadii itoobiya ay ku rideen Dad rayid ah oo ku sugan Suuqa Xoolaha kadib markii Nin dhalin yaro ah uu ku riday Rasaas waxaana dhacaday in Ciidamada itoobiya aysan u aabi yeelin Dadkii halkaasi ku sugnaa waxaana haatan la xaqiijiyey in ay ku dhinteen illaa iyo 8-Ruux oo la sheegay in ay ku jireen Caruur iyo Dad waayeel ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 7-Ruux iyadoo Goobtii Rasaastaasi ay ka dhacday ay gaaf wareegayeen Kooxo Meleyshiyo oo ah u Caraysnaa waxayna digniin ku bixiyeen in Wadadaasi ay soo mari karin ciidamda itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka.

Dadwaynaha Deegaanka oo waayadan la kulmay iska horimaadyo u dhexeeya Ciidamada itoobiya iyo Kooxo Meleyshiyo ayaa waxa ay ku baaqeen Dadkaasi in halkaasi aysan soo marin Wax Ciidamo ah tan iyo inta xaalada iska badelayso.

Habeen hore ayey ahayd markii Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu soo weeraray Hoobiyayaal illaa iyo haatan Dowaladda fedaraalka ah kama hadlin khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay Xaruntaasi waxayna warkeedu ka soo koobtay in Khasaaro uu gaaray Darbi ka mid ah Darbiyada Madaxtooyada.

Maxaabiis lasheegay in ay ka tirsanaayeen Maxaakiimta oo ay ku jireen Oromo iyo Ereteriya oo laga soo dejiyey Garoonka..

Waxaa Maalintii shaley Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyey Maxaabiis la sheegay in ka tirsanaayeen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga oo la sheegey in ay qabteen Ciidamada wadanka Kenya , waxaana Maxaabiistaan laga qabtey Xuduuda u dhaxaysa soomaaliya iyo Kenya waxaana lagu waramey in ay kujireen Rag u dhashey Oromo iyo Ereteriya

Tirada Maxaabiista ayaa lagu sheegey 60 Qofka waxaana markii la dejinayey lagu wareejiyey Ciidamada Dowladda Fedraalka iyo Kuwa Itoobiya , waxaa la saarey Gawaari ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya islamarkaana Indhaha way ka xirnaayeen lama garanayo halka loo qaadey Maxaabiistaas.

Afhayeenka Dowladda Fedraalka Cabdi raxmaan Diinaari ayaa Xaqiijiyey Maxaabiistaas oo uu sheegay in laga soo qabtey xuduuda u dhaxeysa soomaaliya iyo Kenya

Waa markii ugu horeysey oo Maxaabiis ka tirsan Maxkamadaha lakeeno magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo ka tirsanaa Maxaakimta oo ka soo jeedey Gobolada Puntland kuna sugna muqdisho loo qaadey Deegaanadoodii ka dibna la siidaayey iyadoo kuwii dhaawaca ahna isla markiiba la geeyey Isbitaalada.

Dowladda Mareykanka oo wada Qorshayaal ay ku dooneyso in ay meel isugu keento

Dowladda Mareykanka oo wadi qorshe lla isku soo hor fariisinayo Rag ka tirsan Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka sii loo yareeyo Nabadgelyo xumida ka jira soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho

Dadaalkan ayaa la sheegey in lagu cadaadinayo Dowlada fedraalka ka dib markii.Dowladda Mareykanka Joojisey lacag deeq oo dowlada Mareykanka ugu tala gashey Dib u dhiska soomaliya waxayna llacagtas ay gaareysey ilaa iyo 40 Milyan oo doolar

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna soo dhaweeyey in ay wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta si loo gaaro Dib u heshisiin dhab ah isla markaana ay u sahlanaato in dalka ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo taageero siiyey Dowladda Fedraalka sidoo kale waxaa wada hadalada taageerey Jaamacadda Carabta oo iyana dooneysa in Maxaakiimta laga Qayb geliyo Wada hadalada

Maxamed Dheere oo shaley Dowladda ku wareejiyey 25 Gaari oo tekniko ah

Maxamed Cumar Xabeeb oo ka mid ahaa Hogaamiya kooxeedyadi looga awood roonaadey Muqdisho mar ay dagaal lagaleen Maxkamadaha Islaamiga ayaa shaley Dowladda Federaalka ku wareejiyey Ilaa iyo Shan iyo Labaatan Tekniko ah, waxaa ka qayb galey Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka soomaaliyeed Gen Ismaciil Qaasim Naaji iyo Mauuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalaka

Maalmahan waxaa socdey In ay Hubka wareejiyaan Hogaamiya kooxeedyada oo muddo 16 sano ku jirey Dagaaladii ka dhacayey Soomaaliya, iydoo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay in hub wareejinta ay ku xigi doonaan Bulshada iyo Ganacsatada

Ilaa iyo Dowladda federaalka ma soo saarin wareegto lagu amrayo in hubka gacanta dowladda lagu soo wareegiyo ka dib markii wareegtadii ay hore u soo saartey dib ula noqotey ka dib markii qaar ka mid ah bulshadda ay soo jeediyeen in dalka si siman hubka looga qaado

Geedi oo la sheegey in uu u tagey Suudaan sidii ..

Ra段isul wasaare Cali Max弾d Geedi iyo Wafdi oo hogaaminayo ayaa u ambabaxay Dalka Suudaan ka dib markii uu martiqaad ka helay Dowladda Wadankaasi Afhayaanka Dowladda C/raxmaan Diinari ayaa Saxaafadda u sheegay in Ra段isul Wasaaraha uu u tagay Wadanka Suudaan sidii Dowladdaasi oga warbixin lahaa xaalada Soomaaliya iyo isbadelkii dhawaan ka dhacay Dalka ka dib markii Maxaakiimta islaamiga ah laga saaray Goobihii ay ka talinaayeen markii arrintaani ay iska kaashadeen Ciidamda itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka.

Wara ayaa waxa ay sheegayaan in Ra段isul Wasaaraha uu Dalka Suudaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa wadahadaladii u dhexeeyey Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka hase yeeshee Ra段isul wasaare Geedi waxa uu horay u sheegay insan horfariisan doonin Maxakadaha islaamiga ah isagoo sheegay in Maxkamadaha ay meesha ka baxeen,wara kale ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladu Carbeed ay wadaan sidii meel la段sugu keeni lahaa Dowladda fedaraalka iyo Maxaakiimta islaamiga ah waxana Dalka Yeman ku sugan Mas置uliyiin ka tirsan Maxkamadah islaamiga gaar ahaan Ragga ku jiray Golaha Fulinta.

Dowladda fedaraalka ayaa waxaa saaran Cadaadis Caalimi ah oo ah in wada xaajood lala furo Golahii Maxaakiimta islaamiga ahaa oo iyagu la dhihi karo waxa ay qayb ka noqon karaan xasilinta Waddanka gaar ahaan Caasimadda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Jan 21, 2007

shariifMadaafiic Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada, warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la dhaawicin A. Cayrow.. Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri... 20/1

Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo.. Akhri... 19/1
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH