SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Mucaaridka Kenya Oo Cambaarayn Dusha Kaga Tuuray Xukumada Kenya Oo ciidamada Ethiopia ku Wareejisay Maxaabiista Maxaakiimta Islaamka
  • Gaashaan ;Shaqaalaha Dowlada Loo Qaadanayo Laguma Qaybsan Doono Waxa Loo Yaqaano 4.5 Ee waxay Noqon Doontaa Aqoon.
  • Dowlada Suudaan Iyo Dowlada KMG ah oo Isku Afgartay in dib loo Bilaabo Wadahadaladii Maxaakiimta islaamka iyo DFKMG
  • War Murtiyeed ka soo baxay Kulan Suxufiyiin uga Socda Magaalada Muqdisho

Mucaaridka Kenya Oo Cambaarayn Dusha Kaga Tuuray Xukumada Kenya Oo ciidamada Ethiopia ku Wareejisay Maxaabiista Maxaakiimta Islaamka

Qore: yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Mas’uul sare oo ka tirsan Mucaaradka Wadanka Kenya ayaa cambaareeyey Talaabada Xukuumada Kenya ay ugu gacan gelisayn Dowladda KMG ah ee ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Ethiopia Xubno looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen Gollaha Maxaakiimta Islaamka oo shalay gelinkii dambe laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Mr.Faarax Macalim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Kenyan People’s Party (KPP), ayaa ku tilmaamay xadgudub arrinta ah in dad aan wax dembi aan galabsan in lagu eedeeyo inay ka tirsanaayeen Mujaahidiinta Dagaalyahanada ee Gollihii Maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed .

Mud,Faarax Macalin oo la hadalayey Saxaafada Kenya ayaa sharaxaad ka bixiyey sida loola dhaqmay 34-ta nin oo Dowlada Kenya u xirnaa, kuwasoo uu sheegay inay ku socotay Dacwad markii lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen GMIS dagaal la galay Dowlada Federaalka KMG iyo Ciidamada Ethiopia

Faarax Macalin ayaa carabka ku adkeeyey sida naxariis darada ah ee loola dhaqmay maxaabiistaas oo uu sheegay inay Indhaha, Gacmaha iyo Lugaha ay ka xirnaayeen markii Ragaasi shalay laga dhoofinayey Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, isagaoona intaa raaciyay in gardaro aheyd waxyaabaha iminka Raggaasi lagu heysto, Islamarkaana talaabada xukuumada Kenya ay qaaday ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.

Dhinaca kale Afahayeenka Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya C/raxmaan Diinaari ayaa xaqiijiyey warkan isagoo sheegay in Dowlada kmg ah ee soomaaliya loo soo gacan geliyey in ka badan 30 Ragg oo ka tirsanaa Gollaha Maxaakiimta Islaamka ee Dagaalka lagalay Dowlada,waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaa sii raaciyay in xubnahan ay ku jiraan Ragg sar sare oo kamid ahaa saraakiisha maxaakiimta.

Afahayeenka Dowlada waxa uu sidoo kale sheegay in talaabadan loogu soo wareejiyay Xubnahaasi Dowlada ay ku timid dalab ay Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya u gudbisay Dowladda Kenya, si loogu soo gacan geliyo dhamaan Maxaabiistii ka tirsaneyd GMIS, isagoona Afahayeenka xusay inay warcad ka soo saari doonaan Dowladu kmg ahi xubnahan ay usoo gacan gelisay xukuumada kenya.

Gaashaan ;Shaqaalaha Dowlada Loo Qaadanayo Laguma Qaybsan Doono Waxa Loo Yaqaano 4.5 Ee waxay Noqon Doontaa Aqoon.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah Gudoomiyaha Gudiga qaranka Ee shaqaalaha rayidka ah ee dowlada ayaa ka war bixiyey sida ay shaqaalaha dowlada loo habayn doono islamarkaana loogu salayn lahaa aqoontooda ,isagoo sheegay inaysan sida soomaalidu hada dabeecad ka dhigatay oo ah in wax kasta loo qaybsado waxa loo yaqano 4.5 ay gudigooda ka xaaraansan tahay .
Gaashaan ayaa intaas ku daray heerka gudigu soo jiray islamarkaana carabka ku adkeeyey inuu gudigani samaysmay waqtigii 1960 kii iyadoo xiligaasna uu ku salaysnaa xata hadii dwoladan federaalka ee hada jirta ay waqtigeedu dhamaado ay jiri doonaan howlahoodana sii wadan doonaan .

''ma jiri doonto waxa loo yaqaano soomaalidu hada ku dhaqanto ee inaadeeroow islamarkaana waxanu tix gelin doonaa aqoonta iyo heerka uu qofkani garsiisan yahay ,sidoo kalena waxaanu ku dhaqmi jiray weligayo xiliaydii aan kasoo shaqeeyey shaqada iyo shaqaalaha haweenka ka shaqeeya shaqada shaqalaha hadii ay Uur yeelato ilaa laga gaaro bisha 8aad ee Uurkeda waa la fasixi jiray ilaa iyo inta cunuga ay dhashay ka gaarayo 3bilood taasina waa xaqdhowrka qofka haweenka ah ees shaqaalaha ahi leeyahay '' ayuu yiri mr gashaan .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inay xiliaydii dowladii milatariga ee siyaad barre ay la tartameen dhowr jeer wadamada carabta ee ciraaq ,masar iyo wadamo kale islamarkana ay iyagu soomaali ahaan ku gulaysteen abaal marinta Tix gelinta iyo xaquuqda shaqaalaha soomaaliyeed .

Mud; maxamed faarax ciise gashaan oo kasoo qayb galay kulanka Ergooyinka saxaafadeed ee jamhuuriyada jabuuti ,som-land,punt-land iyo dhamaan gobolada dalka badankooda ee ka socda hotel saxafi ayaa dhamaan ku booriyey warbaahinta soomaaliya inay ka howl galaan dalka sidii loo gaarsiin lahaa horumar iyo weliba sida xaqiiqda looga sheegi lahaa dhacdooyinka islamarkana dib u dhiska dalka ay warbaahintu uga qayb qadan lahayd ,isagoo xusay inay saxaafadu tahay seef labo af leh oo dhinacna wax ku goysa dhinacna wax ku dhista taasina ay ku tusayso in ay ka qayb qaadan karaan dib u dhiska dalkooda .


Dowlada Suudaan Iyo Dowlada KMG ah oo Isku Afgartay in dib loo Bilaabo Wadahadaladii Maxaakiimta islaamka iyo DFKMG

Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Suudaan Ayaa isku Afgartyay In Ay Suudaan Dib u billowdo Dhexdhexaadintii Ay ka Dhex wadday Dowladda Soomaaliya iyo Golaha maxaakimta islaamka.

Sida Ay qortay wakaaladda wararka Khaliijka Ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ka dalbatay Suudaan In Ay Soo Cusbooneysiiso dadaalladii Ay ugu Jirtay Is waafajinta Aragtida kala Fog ee Dhinacyada Soomaalida Dib usoo celinta Diblomaasiyadeed iyo ka taakuleynta Dowladda Soomaaliya Dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo Kaqeyb qaadashada Ciidamada Nabad Ilaalinta ee la keenayo Soomaaliya .

Hadalkan Ayaa Yimid kadib kulan uu raysal wasaare Geedi la qaatay Habeenkii Xalay ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Suudaan Cali Cismaan Maxamed Daaha .

Cali karti Waziiru dowlaha wazaaradda Arrimaha Dibadda dalka Suudaan oo saxaafadda la hadlayay kulanka kadib Ayaa sheegay In Madaxweyne Ku xigeenka Suudaan Uu muujiyay Intii kulanka lagu Guda Jiray Sida ay suudaan uga Go’antahay in ay sii waddo Xal u Raadinta Dhibaatada Soomaaliya iyo Kaalmeynta Shacabka Soomaaliyeed .

Waxaa kaloo Uu Madaxweyne ku Xigeenku Tilmaamay In Suudaan ay Goosatay In ay mar kale dib u bilaabo Howlihii Dhexdhexaadinta ee ay ka Dhex wadday Soomaalida Taasoo uu sheegay In La billaabi Doono Xilliga ugu Dhaqsiyaha badan ee leysku Afgarto..

Raysal Wasaare cali maxamed Geeddi Ayaa ku Tilmaamay kulanka uu la qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Suudaan Cali Cismaan Maxamed Daaha Mid Miro Dhal ah isla markaaana Looga hadlay Arrimaha la xiriira Dib u heshiisiinta Dhinacyada Soomaalida iyo sidii Dowladda Suudaan Ay Shacabka Soomaaliyeed garab Uga Siin Laheyd Sugidda Amaanka iyo Soo Celinta xasiloonida Soomaaliya.

War Murtiyeed ka soo baxay Kulan Suxufiyiin uga Socda Magaalada Muqdisho

Maanta oo ah 21-ka January oo ku beegan maalinta loo asteeyay maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa haddii aan nahay ergada Kullanka Madax-Banaanida Fekerka ee ka socdo Muqdisho, go’aansanay in anu soo saarno war-murtiyeedkan.

Saxaafaddu waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay awoodda afaraad ee uu qaran waliba leeyahay. Sidoo kale waxaa la sheegaa in ay hormuud ka tahay horumarka ay ummad waliba gaarto.

Waxaan cadeyneynaa in nabad waarto iyo nidaam dimuqradi ah ey ku xiran tahay xurmado loo hayo madax-banaanida fikirka, gaar ahaan Xoriyadda Saxaafadda, sida ku cad qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. Sidaas darteed, waxaa xusid mudan dadaalku ay saxaafaddu muujisay u dhabar adeeg hawlaheeda ay ugu adeegto ummadda. Waxaan, sidoo kale, si wada jir ah u dhaleeceyneynaa xadgudubyada ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda sida xariga sharci darada ah, dilka, handadaada iyo xanibaada loo geysto dadka ka shaqeeya saxaafadda iyo xiritaanka, faafreebka iyo hakinta xarumaha warbaahineed.

Waa laga maarmaan ah in la xaqiijiyo in xarumaha warbaahintu ay ka madax-banaanadaan faragelinta siyaasadeed ama dhaqaale si ummadda Soomaaliyeed ee u oomaan xoggo madax-banaan oo la isku haleyn karo ay helaan.

Waxaan dhaleeceyneynaa xariga aan sharciga ku dhisnayn ee suxufiyiinta wargeyska Haatuf ee magaalada Hargeysa. Waxaan ka walwalsan nahay xirnaanshaha Idaacadaha Warsan iyo Baydhabo. Waxaan ugu baaqayna dhamaan dhinacyada ku xadgudbaya xoriyadda saxaafadda in ay ka joogsadaan xadgudubyada ay sameynayaan.

Inkastoo kicinta fowdada iyo abuurista naceyb ay tahay in laga soo horjeesto, haddana waxaa laga doonayaa in nidaamyada siyaasadeed aysan isaga darsoomin madax-banaanida saxaafadda iyo wararka khaldan ee dacaayadda ah (propaganda). Jiritaanka Ummad Xor u ah masiirkeeda waxaa uu ku xiran yahay jiritaanka saxaafad xor ah.

Saxaafaddu waxaa ay qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa dib u dhiska qaranka iyo horumarka dalka. Saxaafadu waxaa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa sidii loo xasilin lahaa dalka si loo gaaro nabad, sharci iyo kala dambeyn. Haddaba, ficil kasta oo saameyn ku leh shaqada saxaafadda waxaa loo baahan yahay in si buuxda lagala tashado saxaafadda ka hor inta aan talaabo la qaadin.

Saxaafad fircoon waxaa ay bulaali kartaa marka ay jirto saxaafad mas’uul ah oo xurmeyneysa nidaamka caalamiga ah ee saxaafadda. Si loogu gudbiyo xoggo tayaysan ummada waxaa laga maarmaan ah in saxaafadu ku dadaasho anshax, kana dhowrsato ficilada wax u dhimi kara sharafta suxufiga sida eexda, danaysiga, qabyaalada, iyo IWM, waana in ay muujiyaan midnimo iyo xirfad wanaag si ay ugu gudbaan waqtigan adag.

Waxaa ansixiyay Kullanka Madax-Banaanida Fekerka ee Muqidisho

Qore: yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: Jan 22, 2007

shariifMadaafiic Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada, warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la dhaawicin A. Cayrow.. Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri... 20/1

Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo.. Akhri... 19/1
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH