Shiikh Sharif,
Yeynan Ku Dhaamin(Wasakhayn) Ameerikaanka Iyo
Dhagar Qabayaasha U Adeego.
Abdallah
Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Soomaliyey
idinkana Maanka ku haaya, nabadaynta dalkiina in
aynan ku jirin gacan dad kale, nabad iyo karaama
aad heshaana waxaa ka horeyso, in aad idinka oo
isku duuban u guntataan xoreynta dalkiina,
difaacida diinkiina iyo dadnimadiina,
Soomaaliyeey meel iska dhiga riyada ah, in uu
dalkiina nabad ku soo dabaalo nin umuuraha
dalkiisa amar kaga qaadnayo General Tigree ah oo
ay weli ku taalo Qoloftii hooyadiis ku dhashay.
Qayla-dhaanta
ka soo yeerayso reer galbeedka oo uu Amerikaanka
ugu horeeyo, waa bilowgi dhamaadka dowlad ku
sheega uu horkacayo Col Cabdulahi Yusufka aanan
ka xishoon in uu dalkiisa ku soo hogaamiyo
jayshka dowlad cadow ku ah danaha dalkiisa iyo
dadkiisa.
Hadalkan
hordhaca ah, macnihiisa ma'ahan in reer
galbeedka doonayaan in dalka Soomaaliyeed ka
ambaqaado dowlad xor u ah maareynta arrimaha
ummadda Soomaaliyeed.
Reer galbeedka
waxaa beyahanba lagu yaqiin,caadana u ahaa, sida
lagu arkay qaabki ay ula dhaqmeen madaxweynihi
Afgaanistaan Camiil Burhaani-diin rabaani, kolki
uu soo horkacay ciidanki Maraykanka ee afka
dhulka u daray nidaamki Daalibaan , in ay
isagana ku yiraahdeen hilfahaada horay u qaado ,waxaynu
haynaa Mr Karazaay aad u jilcan, kaagana haboon
la dhaqankeena waqtigan xaadirkaa,sidoo kale
qolyooyinka(Camiilada) ciidamada Maraykanka ku
soo hogaamiyay dalka Ciraaq,waxay ula dhaqmeen
sidaas iyo si ka xun ,sideedana markaan runta
isu sheegno, waa taariikh soo jireen ah, in
camiilka kolki laga dhargo, loo tuuro dibada,
sidi maro duug ah.
War iyo
dhamaantiis ,waxaa beryahan ummadda Soomaaliyeed
jahwareeriyay ,warar fara badan oo reer
galbeedka ku sii daayeen mediyaha(Iclaanka),
iyaga oo wararkan hor u dhac uga dhigayaan sidi
ay uga takhalusi lahaayeen Dowlada Cadbullahi
Yusuf iyo Geedi ,una yareyn lahaayeen awooda
faraha badan ee dowlada Tigreeda ku leedahay
dalka Soomaaliya waqtigan xaadirkaa, una abuuri
lahaayeen kooxa cusub oo u adeego danahooda.
Hadaba annaga
oo isku dayeyno in ka jawaabno Su'aal wareer ku
abuurtay dadka Soomaaliyeed oo ah ,Maxay reer
galbeedka wada hadal ula fureen Shiikh Shariif
waqtigan, iyaga oo gacanta ku haayo dowlad
diyaar u ah in ay u adeegto, oo ay ku dhan
yihiin jawaasiisti u fududaysay in ay Tigree soo
galaan dalkeena, cagtana mariyaan nidaamki ay
abuureen Isutagga Maxaakimta Soomaaliyeed,
Muqdishana ka arriminayay mudda lix billod ah?,
waxaa iyadana meesha ku jirto, inta aanan u
gudbin ka jawaabida su'aasha hore ,maxay reer
galbeedka wada hadal ula furi waayeen isutagga
Maxaakimta Soomaaliyeed inti uu gacantooda ku
jiray dhulka Soomaliyeed intiisa badan?
Ar aan idiin
sheegno war xiisa leh,jawaabna u ah su'aalahan
aan iska weydiinay arrimaha Soomaalida ,sina uga
maqan maanka dadka Soomaaliyeed, reer
galbeedkana aad uga nixiyay ,maqalkeedana uu
anfariir ku reebay naftooda ,kuna noqotay
xaqiiqo aynan malaysanaynin oo ka dhacday dalka
Soomaaliyeed.
Waa sidee ,waa
maxay xaqiiqadaas, waa iyada oo reer galbeedka
mar kaliya ku soo tooseen, wiilal is xilqaamay
oo ku guulaystay gacan ku dhigida dalkooda iyo
maareynta dadkooda (hadafkooda, Soomaaliya oo
lagu xukumo shareecada ha ahaadee ama kursi doon
ha ahaadee) iyaga oo aanan ku tiirsanayn dal
reer galbeed ah iyo hay'ad reer galbeed ah toona,
sina u garab maray dabinki dadka Soomaaliyeed
loo dhigayay in ay ku dhacaan mudda lix iyo
toban sanadood ah,iyada oo fulinta dabinkaas loo
adeegsanayay ,qabqablayal dagaal,NGO yada faraha
badan ee laga furay dalkeena meel walbo ,saxaaafad
bahdilan inteeda badan ,iwm.
Waa xaqiiqo ,taageersanow
ama diidanow ,sax u arag ama khalad,annaga oo
aan u hoos ugu daadegin ka hadlida khaladaadki
Siyaasadeed oo ay galeen Madaxda sar-sare ee
isutagga Maxaakimta ,waxaa hubaal ah in raggi
horkacayay Maxaakimta mudadi ay dalka xukumayeen
in uu dalkeena(Caasumadeena) noqday, dalka
kaliya ee adduunweynahan xor ka ah, fulinta
awaamirta ka soo baxdo dalalka ree galbeedka .
sidaa darteed
Ameerikaanka iyo reer galbeedka waxay Shikh
Shariif Shikh Axmed u doonteen in ay ceebeeyaan
muddadaas taariikheed ee Soomalida ka diiwan
geliyeen baalasha lagu qoro taariikhaha adduunka
,waxayna doonayaan in ay Shikh shariif ka
dhaadhiciyeen in uu dalka dib ugu soo noqdo,
kana qeyb qaato sidi dowlad ku sheeg Salbalaaran
looga dhisi lahaa dalka Soomaliya ,dowladaasna
ay ahaato mid bedasho dowlad ku sheega ay hadda
horboodayaan jawaasiisti loo adeegsaday
burburinta iyo ku tumashada karaamada ummadda
Soomaliyeed kolki ay ogolaadeen in uu Milis
sanaawi sariirti lagu marti geliyay isaga oo
diif ah ,maanta nagu yiraahdo ,cidnana marti
ugama ihi ku jiifkeeda.
Ujeedada loo
doontay Shikh Shariif waa in isaga lagu beer
laxawsado jago dowladeed oo wasakhaysan, si uu
ula mid noqdo kuwa maanta dalkeena ku soo
hogaamiyay Tigreeda na qabsatay,halkaana ay ku
dhamaato taariikhdi wacneed oo ay maxaakimta ku
qoreen baalasha Soomalida iyo in ay Soomaliya ka
jireen rag bedeli karo masiir(jid) xumaaday oo
ay keeneen wiilal Soomaliyeed oo u badan juhalaa
aan wax badan ka aqoon qiimaha ay leedahay
diinta Islaamka, keddibna Soomaaliweyn lagu
yiraahdo waa ummad aanan jirin, kuna kooban
xoogaa yar oo dhuuntooda maro ,ama jago ceebeed
oo la siiyo, laguna fadhiyo taariikh kooban.
Aan u dego ,yoolka
qoraalkan oo ah ,in aan Shikh Shariif iyo
jameecadiisa uga digno in ay aqbalaan qaabka ay
wax u doonayaan Reer Galbeedka waqtigan
xaadirkaa, oo iyada ah in dalka Soomaliya laga
bixiyo gacanta ku meel gaarayaasha hadda maamulo
dowladi lagu soo dhoodhoobay magaalada Mbagathi
ee dalka Kenya, keddibna la dhiso koox cusub oo
dadka Soomaliyeed loogu sheego in ay bedeleen
kooxihi ay intooda badan diidanaayeen, laguna
bedelo kooxo ka tirsanaa maxaakimta iyo kooxo
kale oo aan weli la soo bandhigin ,laakin hubaal
ah in ay reer galbeedka meel ka mid ah
waddamadooda ugu diyaar-san yihiin shaqsiyaad la
mid ah, Karazaygi Afgaanistaan loo soo
magacaabay oo kale.
Shikh Shariif waxaan ugu yeeraynaa in uunan
aqbalin jago ceebeed iyo in uu shuruudiisa ku
ekeeyo .
Xabasho oo
dalka ka baxdo ,dowlad la soo dhisaana ay ku
xirnaato shirweyne Soomaliweyn la isugu keeno,
laguna qabto dalka gudihiisa iyo in isaga intaas
keddib uu soo dhoweynayo hogaanki ay Soomalida
si madax banaan ugu doortaan dalkooda, si looga
koro ceebeyn loo geysto taariikhdi wacnayd oo ay
sameeyeen isaga iyo kooxdiisa.
Intaa keddib Shiikha waxaan ku wargelinayna ,hubaalna
ah, in aynan shuruudahiisa aqbalayn dowladaha
reer galbeedka ,taasna ay soo gabagabynayso
jiritaanka dowladan lagu keenay dabaabadaha
Tikreeda dushoodo, asbaaba badan awgood.
Waxaan isku
dayaynaa in aan soo koobna asbaabaha soo dedejin
karo, burbur dhaqsiyo oo ku yimaado dowladan
xanbaarsan, sirta Soomaali-weyn looga soo
maleegay Addis-Ababa,Nayroobi iyo caasumadaha
dalalka reeer galbeedka oo kulligoodba isku
bahaystay neceybka ay u qabaan dalka Soomaliya
oo uu ka hergalo, xukun salka ku haayo ku
dhaqanka shareecada Islaamka ama ugu yaraan
dowlad horkacayso Soomali xor u ah maareynta
waddankooda.
Burburka DFKM
waxaa soo dedejinayo asbaabahan.
- 1)DFKM
waxaa horboodayo madax aynan jirin mabda'a
kaliya oo kulmiyo.
-
2)dowladaha faragelinta ku haayo arrimaha
Soomaliya oo aan ka mideysnayn qaabka loo
furdaaminayo howlaha ay dalkeena uga haayaan
shaqsiyaad midba qolo ka mid ah qolooyinkan
u shaqeeyo.
-
3)Ameerikaanka oo ku qanacsanayn gacanta
muga weyn oo ay Tigreeda ku leedahay
awaamir-siinta dowladda hadda ka ariimiso
dalkeena.
- 4)Milis
Sanaawi iyo Tigreediisa oo aanan ogolayn in
ay Soomali ka ambaqaado dowlad dhexe oo xoog
leh, kana arrimiso dalka Soomaaliyeed oo
dhan .
- 5)
soomaalida oo aan ku heshiin Karin dowlad
daciifa hoosteeda.
-
6)Talyaaniga oo aanan doonayn in looga saro
maro gacan ku lahaashada mustaqbalka
Soomaaliyo dowlad ka taliso dalkeeda iyo
dalal kale oo reer Yurub ah oo iyagana sidaa
si u eg u dhaqmo beryahan, marki laga hadlo
arrimaha Soomalida, keddib marki ay
dalalkooda ku abuureen Soomali daciif ah oo
dalkeeda ka fuliso dana guracan oo ay
dalalkaas ka leeyihiin dalkeena.
- 7) Col
cabdullahi Yusuf oo aanan ku cibra qaadan
muddadi dheereed oo ay Soomalida ku jireen
dhib ku dabadheeraaday ,iyo isaga oo maanta
isu haysto hogaamiya mayal adag ee gaaray
hadafkiisa ,maantana fulin karo in uu
Soomaaliya u daadihiyo dhinici uu doono.
- 8)Wasiirka
Kowaad oo isagana col Cabdulaahi Yusuf u
haayo xarash ,ogna sidi uu uga soo shaqeeyay
in uu ka takhaluso wasiirnimadiisa kolki ay
DFKM deganeed magaalada Baydhabo, haddana is
mooday nin muruq ku leh deegaanka Muqdisho ,baari
fogaadana u ah Tigreeda ka arrimiso dalkeena.
War iyo
dhamaantiis ,aan idin xasuusiyo in ay maanta
Soomalida gaareen guul weyn oo aanan maanta
xisaabka ugu jirin, dad badan oo saadaaliyo
arrimaha Soomalida halka ay ku danbeyn doonaan ,aadna
u jeclaa in ay arkaan dalkooda oo lagu dhaqo
shareecada Islaamka.
Waa su'aale,
guushaas maxay tahay,guushaas waa in dadka
Soomaaliyeed intooda badan aqbaleen in dalkooda
lagu xukumo ku dhaqanka shareecada Islaamka,
iyaga oo aanan arrimaha ka fiirinayn, waayo
qolada horkacayso maxaakimta , ama qoladan ma
yihiin dad wacan oo nagu hogaamin karo diinta
Islaamka ,balse ummadda Soomaaliyeed waxay wax
walba ku soo koobeen, meelna ugama harno
Kitaabkaas Ilaahey oo kor loo qaaday,waxaa kale
oo ay dadka aamineen ruuxi ka been sheego diinta
Islaamka, in uunan ka harayn qolooyinka ka soo
horjeedo in dalkeena lagu dhaqo shreecada
Islaamka.
Haddaba waxaan
qoraalkan ku soo gunaanadayaa Soomaaliyeey nafta
khayr u sheega ,waayo ilaahey wuxuu balan qaaday
in wax walba oo fiican,oo aan la imaano in uu
noogu bedalayo waxyaaba badan oo fiican ,waxaana
hubaal ,waa sida aan aniga u arkaa in aad la
timaadeen wax fiican ,aadna aqbasheen in
dalkiina lagu xukumo shareecada Islaamka, sidaa
darteed qolooyinka dabaabadaha lagu keenay iyo
qolooyinka keenayba waa na dhaafyaan goor dhow
haddii Ilaahey Idmo ,waxaana haddii Ilaahey idmo
,mar dhow dalkeena ka aarimin doono, kuwa si
niyad san ugu istaago difaacida dalkooda iyaga
oo aanan luqunta labada garab u dhaxeyso ku
sidan qool ah qabiil jeceyl iyo kursi jeceyl
midnaba. 28/01/2007
Abdallah
Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faain:
SomaliTalk.com | Jan 29, 2007