SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ILama Guursan Kartid Waa Gaalnimo 

By: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 
 
 

بِسْم اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصَّلاْةُ والسَّلاْمُ                        عَلَىْ نَبِيّّنَاْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ. 
 

مَاْ يُجَاْدِلُ فِيْ آيَاْتِ اللهِ الاّ الّذِيْنَ كَفَرُواْ /  الآية / سورة غافر / 4

Dood Kama Keeno Aayaadka Alle Gaalada Mooyaane

Waa cutub kamid ah buug dhawaan haddii Alle SW idmo inagu soo beegan buugaas oo lagu magacaabo:

حِرَاْبَةُ النِّسَآءِ

Isbaaradii Dumarka

Waxaan shaki lahayn in mowduucani yahay mowduuc xasaasi ah dad badana uu qalbigoodu ka guuxayo in mar uun laga hadlo. Halka qaar badan oo dumarka kamid ahna aynaan marnaba jeclaysanayn in baabkan la furo iyagoo ka baqaaya in isbaarada ay u dhigteen raga, garoobyada iyo caraamisha laga geeriyoodayba laxaaqo sidii ku dhacday isbahaysigii shaydaanka ee xaaraanta ku haystay magaalada Muqdisho mudo lix iyo toban sano ah.

Arintaan waxaan ula jeedaa haddaad gaalnimo rabtana gaalow haddaad muslinimo rabtana islaamku wuxuu ku faro raac:

لِيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَنْ بَيّنَةٍ وَيَحْيَىْ مَنْ حَيَّ عَنْ بَيّنَةٍ / سورة الأنفال / 42

Qofka halaagsamaaya si cad ha u halaagsamo, qofka noolaanayana si cad ha u noolaado.

Dadka danaynaya oo isugu jira rag iyo dumarba gaar ahaan raga doonaya inay labaystaan, garoobyada iyo carmalada laga geeriyooday ayaa inta badan aad u hadal haaya sidii arinkan xal loogu heli lahaa sidaa darteed ayaan walaalaha usoo xulay qaybtaan si ay uga faaidaystaan ee ka faaiidaysi wacan. 
 

Waxaa burburay guryo badan wuu ila guursaday darteed, waxaa aad u batay waxa layiraahdo qudbo sirada, waxaa kaloo dhacda in ay dumarku baroordiiq ugu yimaadaan gabadha lala guursado iyagoo waliba sida musiibo inay ku dhacday oo kale ku dhawaaqaya:

إنَّاْ للهِ وَإنَّاْ إلَيْهِ رَاْجِعُوْنَ

Gabdho soo muslimay oo u haystay in aanay wax dhibaato ah lahayn maadaama sharcigu qabo ayaa kolkii ay ogaadeen xaasaskii in lala guursaday kabtoodii kor loo tuuray oo la furay gabdhihii soo muslimay iyagoo ku sigtay in ay diinta dib uga laabtaan haddaan  Alle SW sugin iimaan adagna aanu celin lahayn. Maxaad u malayn dulmiga intaa la’eg sow Rasuulku SCWW ma oran:

(دَعْوَةُ الْمَظْلُوْمِ  مُسْتَجَاْبَةٌٌ, وَإِنْ كَاْنَ فَاْجِراً, فَفُجُوْرُهُ عَلَىْ نَفْسِهِ). رواه الطّيالسي/حسن.

)Baryada qofka dulmani waa la aqbalaa, haba ahaado qof danbi fale ah oo naftiisa uun kagalay.) 
 

Kolkaa maxaad u malayn qof hadda soo islaamay oo Alle SW marti u ah. 
 

Shaacirkuna wuxuu yiri: 
 

     لاتََظْلمَنَّ إذاْ مَاْ كُنْتَ مُقْتَدِراً   فَالظُّلْمُ عَقَبَاْهُ إلَىْ النّدمَ 

  تَنَاْمُ عَيْنَاْكَ وَالْمَظْلُوْمُ مُنْتَبِهٌ  يَدْعُواْ عَلَيْكَ وَعَيْنُ الله لَمْ تَنَمِ 
 

Wax ha dulmin [xitaa] adigoo awooda sababtoo ah dulmigu ciribtiisu waa shalleyto, indhahaagu way iska hurdaan, midkii la dulmiyayna wuu soo jeedaa wuuna ku habaarayaa, oo isha اللهna ma huruddo.

Waxaa layaab leh xagee buu dumarku kamaray  kalaamkii Alle SW ee ahaa:

فانْكِحُواْ مَاْ طَاْبَ لَكُمْ مِنَ النِّسَآْءِ مَثْنَىْ وَثُلاْثَ وَرُبَاْعَ ، فإنْ خِفْتُمْ ألاّ تَعْدِلُواْ فَوَاْحِدَةً أوْ مَاْ مَلَكَتْ أيْمَاْنُكُمْ. / الأية / سورة النسآء / 3      

Guursada wixa idiin wanaagsanaaday ee dumar ah labo, sadex iyo afar, haddaad ka baqdaan inaydaan cadaalad samayn mid ku ekaada ama waxa ay milkisay midigyadiinu.                              

Sideedaba wax gaalaysiintu masahlana qofka gaalnimo muujistase daahirkiisa ayaan ku xukumaynaa siduu yiri Cumar ibnul-khadhaab RC:

إنَّ نَاْساً كَاْنُواْ يُؤْخَذُوْنَ بالوَحْيِ فِيْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ ، وَإنَّ الوَحْيَ قَدْ انْقَطَعَ ، وَإنَّمَاْ نَأ خُذُكُمْ الآنَ بِمَاْ ظَهَرَ لَنَاْ مِنْ أعْمَاْلِكُمْ ، فَمَنْ أظْهَرَ لَنَاْ خَيْراً أمَّنَّاْهُ وَقَرَّبْنَاْهُ ، وَلَيْسَ لَنَاْ مِنْ سَرِيْرَتِهِ شَيْءٌ ، اللهُ يُحَاِسُبُهُ فِيْ سَرِيْرَتِهِ ، وَمَنْ أظْهَرَ لَنَاْ سُوْءاً لَمْ نَأمَنْهُ وَلَمْ نُصَدّقْهُ وَإنْ قَاْلَ : إنَّ سَرِيْرَتَهُ حَسَنَةٌ / رواه البخاري.

Dadku waxaa wax looga qaban jiray waxyiga intuu Rasuulku SCWW goob joog ahaa, waxyigiise wuu go’ay, waxaanse hadda wax idiinkaga qabanaynaa waxa inoo muuqda ee camaladiina ah, qofka inoo muujista wax wanaagsan waan nabad gelinaynaa waana soo dhawaynaynaa, waxa u qarsoona waxba inagama gelin, Allaa xisaabinaaya waxa u qarsoon, qofka inoo muujistase wax xun aamin kama nihi mana u rumaynayno haba yiraahdo:  waxa u qarsoon waa wax wanaagsan.

Waxaa wax aad lala yaaba ah in dumarkii ducaada ahaa ee dadka diinta gaarsiinaayay iyo kuwa aan diin waxba ka garanaynin ay arintaani kawada siman yihiin iyagoo had iyo goor ku hadaaqa qofka aan kitaabka Alle SW aan wax ku xukumin waa gaal kolka aayada aan kor kusoo xusnay ee kahadlaysa guurka badana ay si cad aan laalaab lahayn u diida. Horaase looyiri Wadaad wuxuu kugu dilaa dad u eki Abeesana dhul u eki.

Waxaa jira qaabab badan oo lagu gaaloobo ayaa hadana dad badan caado ka dhigteen inay ku dhacaan gaalnimadaa iyagoo aan ku baraarug sanayn.

Xudayfa RC wxuu yiri:

الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.

Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.

Kolkaa bay waydiiyeen sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:

إنَّ أولئكَ كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.

Kuwaasi nifaaqoodu way qarsan jireene, kuwanise wayba caddaysteen.

Waxaa mar walba igu soo dhaca hadlkii uu yiri Allaha u naxariistee Sh. M. Axmad Rooble Boqolsoon: Wallee Xijaab badan oo naarta dhexdeeda ku ololaaya waa la arki doonaa. Isagoo layaabanaa dumarka xijaaban qaar badan oo kamid ah sida ay u dhaqmayaan. Waxaa suurowda in dumar badan Alle aktii aan soorooyinka kaniisadaha jooga aan wax kaga duwanayn iyaguna ay muslimiin isu haystaan والعياذ بالله.

Qaar dumarka kamid ah baaba sii xag jira oo aan diidmo kaliya ku ekeyne aflagaado iyo jees-jees ku darsada sida gabar ninkeedii eriday wuu ila guursaday darteed. Intaasi kuma gaabsane waxay tiri: bahalka aad meelo kale kusoo walaaqday orodoo igala tag, tani waa jaxdi cad oo laga madax adaygayo laguna jees jeesayo aayaadkii Alle SW waana gaalnimo cad oo aan geed laisugu soo gabban.

Sida aayaadka Alle SW ay salafku u wanayn jireen iyo sida talaacubka aan diinta ku hayno waa wax aad iyo aad u kala fog. Bal u fiirsada sida salafkii suubanaa ay aayaadka Alle SW u dhaqan gelin jireen:

ولله على النّاس حج البيت من استطاع إليه سبيلا ،  ومن كفر فإنّالله غني عن العالمين  / آل عمران/ 97

    Alle SW wuxuu dadka ku waajibiyay inay u xajiyaan baytka Alle qofka awooda  baytka xagiisa wado, qofka gaaloobase Alle SW wuu ka deeqtoon yahay adoomadiisa.

Wuxuu yiri Cumar RC isagoo aayada Alle SW dhaqan gelinaaya:

لَقَدْ هَمَمْتُ أنْ أبْعَثَ رِجَاْلاً إلَىْ هَذِهِ الأمْصَاْرِ فَيَنْظُرُواْ كُلَّ مَنْ كَاْنَ لَهُ جِدَّةٌ وَلَمْ يَحُجَّ فَيَضْرِبُواْ عَلَيْهِمُ الجِزْيَةَ مَاْ هُمْ بِمُسْلِمِيْنَ مَاْ هُمْ بِمُسْلِمِيْنَ / رواه سعيد ابن منصور في سننه والبيهقي. وفي رواية: فَلْيَمُتْ إنْشَآءَ يَهُوْدِياً وَإنْشَآءَ نَصْرَاْنِياً.

Waxaan doonay inaan u diro rag degmooyinkan si ay usoo eegaan qof kasta oo awood leh oo aan xajin inay saaraan jisyo muslimiina ma’aha muslimiina ma;aha. Warin kale ayaa waxay leedahay: Ha dhinto hadduu doono isagoo yahuudi ah ama hadduu doono isagoo kiristaan ah ( kolley waa ahlu-kitaab).

Waxaan shaki lahayn dad badan oo muslim sheeganaaya in jisyo lagu xukumi lahaa haddii ragii rag ahaa joogi lahaayeen. Taasoo macnaheedu tahay toos baa muslim loo ahaan lahaa ama toos baa loo gaaloobi lahaa. Maxaa guryaha muslimiinta ahlu kitaab miiran joogaan iyagoo aan ku baraarug sanayn. Kolka halkaa waxaad ka ogaatay inaysan ciyaar ciyaar gelin aayaadka alle SW iyo sunnada Nabiga SCWW.

Sheikh Cabdul Casiis IbnuBaaz RC markuu ka

hadlaayay waxyaabaha islaamka buriya  wuxuu ku sheegay kitaabkiisa:

الْعَعِيْدَةُ الْصَّحِيْحَة ُوَمَاْ يُضَاْدُهَاْ.

مَنْ أبْغَضَ شَيْئاً مِمَّاْ جَآءَ بِهِ الرَّسُوْلُ صَلَّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ وَلَوْ عَمِلَ بِهِ فَقَدْ كَفَرَ لِقَوْلِهِ تَعَاْلَىْ : ذَلِكَ بِأنَّهُمْ كَرِهُواْ مَاْ أنْزَلَ اللهُ فَأحْبَطَ أعْمَاْلَهُمْ / سورة محمّد / 9

Qofka u carooda wax kamid ah wixii uu rasuulku SCWW uu layimd haba ku camal falo wuu gaaloobay sababtoo ah Alle SW wuxuu yiri: kuwaasi waxay naceen wixii Alle SW soo dejiyay kolkaa buu Alle SW camalkoodii buriyay.

Wuxuu kaloo yiri Sheikhu RC isla kitaabka:

مَنْ اسْتَهْزأ بِشَيْئٍ مِنْ دِيْنِ اللهِ ثَوَاْبَهُ أوْ عِقَاْبَهُ كفر والدليل قوله تعالى : قل أبالله وآياته ورسوله كنتم تستهزءون * لاتعتذروا قد كفرتم بعد إيمانكم -- الآية * / سورة التوبة / 65- 66

Qofka ku jeesjeesa wax uun diinta kamid ah abaalmarintiisa ama ciqaabtiisa waa gaal, waxaana u daliil ah hadakii Alle SW:

Waxaad ku tiraahdaa: Alle, Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa miyaad ku jees-jeesteen * Ha cudur daaranina waad gaalowdeen iimaankiina dabadii.

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.    

 Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com