SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 2, 2007
  • Weerar Qoryaha Hoobiyeyaasha Ah Oo Maanta Lagu Qaaday Dekedda weyn Ee Muqdisho..
    C/llaahi Yuusuf oo waqti gaar ah u qabtay shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu...
  • Weerar lagu qaaday Guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho.
  • Nin ay si xun u jirdileen ciidamada Itoobiya oo la soo dhigay Meydkiisa agagaarka....
  • Dowladda Imaaraadka Carabta oo 3-Milyan oo Doolar ugu deeqday Dowladda Federaalka
     

Madaxweynaha Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya Soomaaliya?


PRESIDENT Yoweri Museveni yesterday flagged off the UPDF contingent to Somalia, sternly warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.| New Vision, Uganda

PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have heard that you went to doctors who found out that you do not have these dudus (HIV/AIDS). Take care of your lives when you go to Somalia. You have had enough women here.”

Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa shalay (March 1, 2007) khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark Soomaaliyeed.

Museveni waxa uu luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS. Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya. Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."

Jariidada New Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka Soomaaliyeed.

Nin oday ah oo Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya Soomaaliya."

Weli ma jiro mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.

Ciidamada uu dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605, waxaana dumar ka ahaa saddex.


Weerar Qoryaha Hoobiyeyaasha Ah Oo Maanta Lagu Qaaday Dekedda weyn Ee Muqdisho..

Qaraxyo isadaba jooga ah oo ka dhacayey qoriga hoobiyeha ayaa maanta gil-giley degmada xamar ja-jab ee magaalada muqdisho ,iyadoo uu dhaawac kusoo gaaray inta la og yahay halkaasi 6 qof oo 2 caruur tahay .

Weerarkan isdaba jooga ah oo ahaa rasaasta qoriga hoobiyeyaha ah ayaa waxaa dhacay ilaa 6qarax islamrkaana sadex kamida ay ku dhaceen degmada xamar ja-jab iyo nawaaxigeeda halka inta kalena ay u gudbeen agagaarka dekedda weyn ee magaalada muqdisho oo sida aanu ku helano warar dheeraad ahi ay sheegayaan ay kooxaha weerarka gaysanayaan ay bar tilmaameed ka dhiganayeen dekadda weyn ee muqdisho .

Sidoo kale Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa ahaa kuwo rayid ah oo madfac uu ka dul habsaday hoyga ay ku noolaayeen oo ku yasala xaafada Xamar ja-jab, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyadaasina ay halis yihiin.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray halka madaafiicda hoobiyuhu ku dhacayeen oo loo malanyo inuu khasaaruhu intaas ka badan karo.

Weerarada hoobiyeha ayaan la ogayn cidda ka dambaysa ilaa iminka iyadoo aysan jirin cid sheegata weerarada kala duwan ee lagu qaado bar tilmaameedka fariisimada dowlada kmg ah iyo ciidamada Ethiopia .

Si kastaba ha ahaatee weerarkan hoobiye ayaa kusoo beegmay xili maanta la filaayey inay garoonka weyn ee magaalada muqdisho kasoo degaan ciidamada yugaandha oo maanta la filaayey inay soo gaaraan caasimada magaalada muqdisho .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com



C/llaahi Yuusuf oo waqti gaar ah u qabtay shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed la hadlayey Golaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay haatan ku howlantahay sidii ay u qabanqaabin lahayd shir weyne dib u heshiisiin, waxa uuna daboolka ka qaaday in 16-ka Bisha April ee fooda nagu soo haysa la qaban doono shirweyne dib u heshiisiin Soomaaliyeed, kaas oo uu sheegay Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in shirkaasi ay ka qaybgali doonaan 3-Kun oo Ergo oo uu sheegay in ay ka kala imaan doonaan dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibaddiisa iyo Aqoonayadanada.

C/llaahi Yuusuf mar uu ka hadlayey Xalaadda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in qalalaasaha ka socda Muqdisho ay wadaan kooxihii ka haray Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Dowladdu waxa uga qaban doonto, xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho. C/llaahi Yuusuf waxa uu u soo jeediyey Golaha Baarlamaanka inay u hawlgalaan sidii loo qaban lahaa shirweynahaasi, sidoo kale waxa uu sheegay in uu u ambabixi doono dalka Dibaddiisa, balse ma uusan cararaabin halka uu gaari doono.

Weerar lagu qaaday Guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho.

Shalay barqanimadii ayaa koox dabley ah oo wadatay saddex gaari waxay weerar ku qaadeen Guriga Maariyaha Dekedda Cabdi Jiinow oo ku yaala Xaafadda Ceel-Tubaweyne ee Degmada Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi ku dhintay afar qofood oo ay labo ka mid ah ahayd ilaalada guriga, halka labada kalana ay kala ahaayeen qof ka soo yeeshay guriga iyo nin ka tirsanaa kooxdii dableyda ahayd ee weerarka soo qaaday.

Weerarkaan oo socday dhowr daqiiqo ayaa kooxda dableyda ahayd waxay halkaasi kaga tageen ninkii laga dilay, ilaa iyo haddana lama garanayo ciddii ka dambeysay weerarkaasi, hase yeeshee waxa uu ka mid yahay weerarada lala beegsanayo shaqsiyaadka u shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaana dilal noocaan oo kale ah ka dhaceen Magaalada Muqdisho oo itooda badan la sheegay in ay ahaayeen dad u shaqeeya Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale qarax banbaano oo lala damacsanaa Taliyaha guutada labaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Ibraahim Cabdi Aadan ayaa isna ku fashilmay agagaarka Lambar Afar, kadib markii bamkaas oo lagu soo qariyey Gaarigacan dusha uu ka saarnaa Qare la jarjarayey, waxaana markii dambe halkaasi yimid ciidamo Dowladda Federaalka ah oo qaaday bamkii iyo dad kaloo ak taagnaa.

Nin ay si xun u jirdileen ciidamada Itoobiya oo la soo dhigay Meydkiisa agagaarka....

Maalintii shalay ahayd ayaa nin meyd ah oo da’diisa lagu qiyaasay in uusan ka yarayn 40 jir ayaa laga helay afka hore ee Dekedda Magaalada Muqdisho, ninkaas oo si xun loo garaacay ayaa markii dambe lagu dilay rasaas, ilaa iyo haddana lama garanayo ciddii ka dambeysay, hase yeeshee dadka oo la wareystay waxay sheegeen in ninkaasi ay si xun u jirdileen Ciidmada Itoobiya ee ku sugan Bacaadka Keydka Shidaalka ee Dekedda weyn ee Muqdisho, halkaas oo fariisin u ah.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqleen rasaas, waxaana la sheegay in dadka tirsan ay halkaasi gaareen uguna tageen ninkaan oo qaarka dambe ka duugan madaxana dhaawacyo uga yaalaan.

Ninkaan lama garanayo in uu ciidamada Itoobiya u tagay iyo in ay ciidamada Itoobiya ka soo qabsadeen deegaano kale, waxaana falkaan aad uga carooday daweynaha Soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid ay Ciidamada Itoobiya si kas ah u sameeyeen. [Warbixin dheeraad ah ka akhri hoore]

Dowladda Imaaraadka Carabta oo 3-Milyan oo Doolar ugu deeqday Dowladda Federaalka

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay daboolka ka qaaday in Dowladda Imaaraadka Carabta ay 3-Milyan oo Doolar ugu deeqday Dowladda Federaalka.

Geedi waxa uu sheegay in lacagtaasi ay Dowladda Imaaraadku ku soo iibin doonto Shidaal iyo Raashin, uu Cali Max’ed Geeddi sheegay in ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu haysato.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dhawaan raashinkaasi iyo shidaalkaasi uu soo gaari doono dalka, waxaa kaloo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabtu ay waqtiyada dhow bixin doonto lacago kale oo ay Dowladda Federaalka ugu talagashay.

Cali Max’ed Geedi waxa kaloo uu Baarlamaanka uga warbixiyey safarkii uu ku tagay dalka Faransiiska oo uu sheegay in uu halkaasi kaga qaybgalay shir ay isugy imaadeen Dowladdaha ku hadla afka Faransiiska oo lagu soo qaaday xaaladda Soomaaliya iyo waliba sidii loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Weerar Lala Beegsaday Hoyga Maareeyaha Dekedda Weyn Ee Muqdisho .

Weerar loo adeegsaday qoryaha yar-yar iyo kuwa waaweynba ayaa saaka kooxo hubaysani si kedis ah ugu qaadeen hoyga maareeyaha dekedda weyn ee magaalada muqdisho Mr. Cabdi Jiinow oo ku yaala Degmada Yaaqshiid ee waqooyiga magaalada Muqdisho...

Wararka ayaa intaas ku daraya in halkaasi ay ugu yaraan labo qof ay ku geeriyoodeen weerarkaasi oo mid ka mid ah uu ahaa ilaalada guriga halka kan kale lagu sheegay inuu ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday iyadoo ay jireen tiro dhaawacyo ah, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan goobta, gurigu ku yaalo.

Sidoo kale weerarka loo gaystay guriga maareeyaha mr,jiinoow ayaa sida wararku sheegayaan ay iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday , ilaalada guriga maareeyaha dekdda islamrkaana uusan xiligaas ku sugnayn mr,jiinoow xilagaas gurigiisa

Si kastaba ha ahaatee Maareeyaha dekada ayaa la sheegay inay isku hayb kasoo jeedaan Ra'iisul wasaaraha Dowlada kmg ah Prof.Geedi isla markaasna uu horey maamule uga ahaan jiray shirkadda Camel ee maamuli jirtay Dekeda Ceel cadde & garoonka Cisaley ee uu iska lahaa Ganacsade Bashiir Raage.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Dil Naxariis Darro Ah Nin Loo Gaystay Oo Meydkiisa Lasoo Dhigay Agagaarka Dekedda Weyn Ee Muqdisho
.

Meydka nin si naxariis darro ah loo diley oo ay dushiisa ka muuqato dab ayaa saaka lagu arkay agagaarka Xaafadda Sheelaro ee agagaarka dekedda weyn ee Magalaada caasimada Muqdisho.

Meyadkan oo markiisii hore laga soo qaaday dalcada Buurta Aansalooti, iyadoo madaxa uu ciida loo geliyey inta kalena bananaka u taalo , waxaana buurtaasi ilaalo ka haya ciidamada dowladda Ethiopia oo ay fariisin ku leeyihiin .

Dadkii soo qaaday Meydka ninkaan ayaa waxa ay ku eedeeyeen dilkiisa in ay ka dambeeyeen ciidamada dowladda ethiopia, inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay ciidamadaasi.

Goob joogayaal meydkaas dul tegey ayaa caddeeyey in meydkaasi ay rasaas dhowr xabo ah kaga taalo dhowr meelood islamarkaana uu ka kala jaban yahay luqunta iyo dhabarka .

Muuqaalka ninkaan ayaa waxa uu ahaa nin weyn oo da,diisa lagu qiyaasi karayey ilaa 50-60jir, iyadoo dadweyne fara badan ay halkaasi soo buux dhaafiyeen , kuwaasi oo si aad ah uga walwalsanaa jirdilka iyo dilka loo geeystay ninkaasi sida naxaruiis darada ah .

Xaaladada magaaada caasimada ah ee muqdisho ayaa kasii daraysa islamrkaana u muuqata mid gashay xaalad murugo badan oo wel wel iyo cabsi ku reebtay dadka rayidka ee nabada jecel.

Si kastaba ha ahaatee dilka naxariis darada ah ee meydkan ka muuqatay ayaa loo aanaynayaa amaan xumada ka jirta magaalada muqdisho ,iyadoo dilka dadku sii marayo labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay ilaa 8qofood oo siyaabo kala gooni gooni ah loo diley .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Muqdisho: Wargelin ku socota dhamaan Injineerada soomaaliyeed

Sheekh Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...
.DFKMG: xaruntii Gaashaandhiga noqon doonto saldhiga..
.Ciidamada Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii Gen. Cali
.Banaanbax looga soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye
.Taliyihii Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay...
.Shan qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
.Wafdi ka socda Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 28

Ururkii TAYO oo TAF isu beddeley: Feb 28

Baaq ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqooyiga Amerika


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com