SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka

Wargays lagu Magacaabo Seattle Weakly ayaa soo faagey dabagalna ku sameeyey xogta runta ah ee wiil Soomaaliyeed oo loo magacaabey safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, waxaana uu wargaysku baaritaan ku heley in wiilkaasi oo iibiyo dukaan taleefoonada laga dirsado uu been ka sheegey waxbarashadiisa markii uu ku andacoodey inuu ka qalin jebiyey Jaamacadda washington oo iyadu beenisey arrintaas. Kooshin Maxamed oo 28-jir ah, ayna isku beel yihiin Madaxweyne C/hi Yuusuf waa safiirka rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya uga wakiilka ah Mareykanka waxaana sidaa xaqiijiyey shaqsiyaad uu ka mid yahay Slade Gorton oo hore uga tirsnaaa aqalka Senate-ka ama Odayaasha ee Mareykanka oo sheegey inuu ula shaqeeyo la taliye-ahaan sidoo kalena waxaa wargaysku soo heley inuu Kooshin dhowaan ka soo laabtey Washington oo uu Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka hor dhigey mashruuc ku kacaya $316 Milyan oo dollar oo dawladda Mareykanka laga doonayo inay ku taageerto Soomaaliya.


Dubious Diplomacy

Slade Gorton says that 28-year-old Seattle grocer Koshin Mohamed is an official Somali representative to the U.S. But the State Department says otherwise.

Read here...

Sida uu wargaysku qorey waxaa Kooshin uu dareenka saxaafadda markii ugu horreysey soo jiitey bishii hore mar uu shir jaraa’id ku qabtey xarunta Machadka Discovery (Discovery Institute) iyadoo ay gacan siinayaan wakiilo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Republican-ka xubnahaas oo lagu yaqaanno inay aad u taageeraan siyaasaddaha arrimaha dibedda ee Madaxweyne Bush.

Agaasimaha Machadka Discovery Bruce Chapman ayaa maalintaas shirka jaraa’id ka sheegey in dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya u xulatey ‘wiilkan wejiga-cusub leh inuu u noqdo safiirkeeda Mareykanka u jooga’ Agaasimaha Machadka ayaa sidoo kale xaqiijiyey Sen. Slade Gorton uu u keeney si uu u baro inuu yahay safiirka dawladda Soomaaliya uga wakiilka ah Mareykanka.

Qaabka loo soo Magacaabey Kooshin Maxamed iyo in loo soo xusho isaga oo ah wiil 28-jir ah oo aan aqoon waxbarasho iyo waayao-aragnimo diblomaasiyaadeed lahayn inuu qabto mid ka mid ah hawlaha ugu culus diblomaasiyadda ee inuu dalka Mareykanka safiir ka noqdo waxaa aad ula yaabey oo dhaliiley David Shinn oo Arrimaha Africa ka dhiga Jaamacadda George Washington hore u ahaa safiirka Mareykanka u jooga Itoobiya. Waxaana uu yiri ‘waxaa jira nidaam anshax (protocol) oo diblomaasiyaddu leedahay, kaasina ma waafaqsana magacaabista la yaabka leh ee Maxamed’. David Shinn waxaa uu sheegey in isaga ay la tahay in dawladdu ay soo magacaaban doonto dad kale oo fadhin doona washington iyo New York-ba. Isaga oo sii raaciyey in weliba uu dhowaan la kulmay saraakiil dawladda ka tirsan oo labadaas magaalo kala degan. Wiilkaas ayaa dhinaca kalena waxaa soo food saartey fadeexo ku saabsan inuu been ka sheegay waxbarashadiisa. Shir jaraa’idka loogu talo galay ayuu Kooshin ka sheegey inuu ka qalin jebiyey Jaamacadda Washington (University of Washington) isaga oo weliba soo bandhigey sawirro muujinaya labiska la xirto maalinta xafladda qalin-jebinta ee Jaamacadaha.

Hase yeeshee baaritaan uu sameeyey wargayska SEATTLE WEEKLY ayuu ku ogaadey in diiwaanka Jaamacadda uusan ku jirin, sidoo kalena ay Jaamacaddu xaqiijisey in Kooshin Maxamed uusan Jaamacaddooda ka qalin jebinnin. Markii Wiilka Safiirka loo magacaabey beentiisa indhaha laga saarey oo loo sheegey waxa ay Jaamacaddu ka tiri wixii uu sheegtey, ayuu Maxamed hadana been kale uu ku mar-marsiinyoodey, isagoo leh waa la ii diidey inaan qalin jebiyo oo waan dhamaysan kari waayey arrimo dhaqaale darteed’ waxase arrintaas ku gacan seyrey, oo uu wargeysku xiriir la sameeyey Bob Roseth oo u hadlayey Jaamacadda Washington isagoo sheegey inaysan Jaamacaddu cidna ka hor istaagin inay qalin jebiso duruufo dhaqaale dartood. Fadeexad kale ayaa ahayd markii uu shaqsiyadda wiilkaas uu si aad ah u weerarey sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibedda ee Mareykanka oo dhowr jeer ay kulmeen Kooshin ‘danjire’ Kooshin Maxamed, waxaana sarkaalkaas oo wargeyska u diidey inay magaciisa fafiyaa yiri “waxa nikani samaynayey waa inuu meelaha car-cararaayey oo marba qof u tegaayey, isaga oo isku dayaya sidii uu ku soo geli lahaa Dhismaha (Wasaaradda A. Dibedda). "Ninkani wax xil ah ma hayo, wuxuuna sheegtey dhowr darajo oo kala du-duwan oo uusan ahayn”.


Seattleite may serve as Somali diplomat

Sarkaalkaas oo ku tiiq-tiiqsanaya magac-dilka safiirkeenna dalka Mareykanka ayaa hadana isaga oo ka hadlayey waxa laga yeelayo codsiga mashruuca lagu dalbanayo kaalmada Mareykanka ee uu Kooshin sheegey inuu u gudbiyey wasaaradda Arrimaha dibedda waxaa uu yiri “waxaas looma tixgelin doono sidii warqado rasmi ah oo dawladeed, dawladda Soomaaliya waxaa kulan macaamilnaa oo aan u marnaa noogana wakiil ah Safaaradeenna Nayroobi” Sarkaalku ma uusan dafirin inuu Kooshin Maxamed oo ah safiirka Soomaaliya ee Mareykanka uu lug ku lahaan karo dawladda KMG ah ‘Inuu dad ka yaqaanno waa ay suurowdaa” “waxaa ay u dhowdahay inuu yaqaanno madaxweynaha” Wargayska oo ka hadlaya halka Kooshin ka soo jeedo gobol ahaan iyo xiriirka kala dhexeyn kara madaxweynaha, ayaa ogaadey in wiilka safiirka shegtey uu ka soo jeedo qoys caan ka ah gobollada Puntland sida uu u sheegey.

Wargayska ayaa Kooshin ka soo xigtey in awoowgiis oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cilmi Jaamac uu gobolladaas ka ahaa ‘shaqsi aan caadi ahayn’ sida loo yaqaanno ama uu caanka u yahay darteed.

Wargayska ayaa markaasna ka hadley sida Somaaliya ay u tahay dal u kala qaybsan gobollo hab qabiil ku dhisan., Madaxweyne C/hi Yuusufna uu hore Puntland madaxweyne uga ahaan jirey labadooduna ay isku beel yihiin, waxaana uu wargeysku qorey in Kooshin uu marka uu madaxweynaha ka hadlayo uu uga hadlo sidii ‘adeerkiis’ oo kale. Wargaysku waxaa uu ka soo xigtey Safiirka inuu aabihiis uga sheekeyn jirey madaxweynaha hadda, xilligii uu dawladdii M. S.Barre mucaaradka ku ahaa.

Wiilka safiirka ahi waxa uu wargayska u sheegey isaga oo ka hadlaya madaxweynaha “Aabahay ayaa ka sheekeyn jirey, waxa uu dhihi jirey Ninkaani waa mustaqbalkeenna”

Maxamed ayaa wargayska u sheegey in riyadiisa inuu safiir ka noqdo dalka Mareykanka ay billaabatey sanadkii 2001-da isagoo 23-jir ah, markaasi uu markii ugu horreysey la xiriirey C/hi Yuusuf oo madaxweyne u ahaa Puntland, waxaana uu sheegey inuu madaxweynuhu ku yiri “Kooshin...! waan aqaannaa reerkiinna, wakiil waad iga noqon kartaa”

ENGLISH VERSION: READ: Dubious Diplomacy

Daawo: Video:  Koshin Mohamed oo Iska dhigaya Safiirka Soomaaliya...

Waxaa Diyaariyey
C/qaadir C. Gutaale

Afeef: Isha Maqaalka: aayaha | Waxaana sii shaaciyey: sahal samantar gadiid wagaar55@yahoo.com | March 4, 2007
 


koshin
Kooshin Maxamad
Kooshin oo lagu magacabey Safiir
Jan 2, 2007 | Isha: GO

Qoraal aan ka soo xigenay website-ka Discovery Institute  ayaa waxa uu qorayaa in Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf  ka codsadey Kooshin Maxamad in uu nqodo safiirka u fadhiya dowlada Somalia cariga Mareykanka.

Kooshin Maxamad oo lagu sheegey in uu dagen yahay magaalada Seattle ee wadanka Mareykanka ayaa iska leh shirkad ganacsi isla markaana ka soo baxey sida ku cad xogta laga qorey University of Washington.

Website-kan ayaa sheegey in Kooshin xilkan loogu doortey kadib markii howlo muhiim ah u qabtey DFKMG ah isla markaana shacabka degan seattle la socodsiin jirey talaabooyinka dowlada isla markaan sharxi jirey khatarta argagixisada u leedahay wadanka Somalia iyo caalamka oo dhan.

Koshin Maxamad ayaa horey u ahaan jirey kaliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Cabdulahi Yusuf gaar ahaan USA sida uu qorayo qoraalka halkan ku xusan

DFKMG ah ayaan wareegto arintan la xiriirta soo saarin isla markaana websitekan kama muuqato waregto uu sixiixey Madaxwayne Cabdulahi Yusuf.

Halka ka akhri Qoralka Website-ka
Isha: GO
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com