SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Sidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya

HAMZA ADAN MACALIN (CAAQILKA)

waxaa lagu xalinkaraa sadex wax yaalood oo kala ah

in dadka diinta labaro

in dadka labaro wax barashada maadigaa

in dadka labaro wadanimada iyo taariikhda wadanka

waxaan jeclaan lahaa sadexda qodob oo aan dooranay in sharaxaad kabixino sida aan ayaga uga duulno

1 in dadka diinta labaro waa arin waajiba oo nawada saaran qofkasta oo muslina ilaahay ayaaku waajibiyay soomaalidna dhamaantood waa wada muslin marka sidaas ayuu qodobkaan muhiim ka ah ku dooranay

2 in dadka labaro waxbarashada maadigaa si marka ugu horaysa uu u anfaco naftiisa kadibna uu wax u taro diintiisa dadkiisa iyo dalkiisa sidaas ayay wax barashada maadigaa lagama maar maan u noqotay in dadka labaro

3 in dadka labaro wadaninimda sida aad lawada socotaanba waa shay aad iyo aad qaali u ah waad wada ogsoontihiin waxaa jira wadama badan oo laba qodob oo ay ku dhaqmeen hormar ku gaaray sida reer galbeedka inkastoo qodob aad iyo aad muhiim ah uu ka maqanyahay qodobkaas oo ah KITAABKA ALLE intaas ayaa hormarkooda ka maqan marka hadii aan anagu aan qaadano sadexda qodob oo isku duuban waankasii hormaraynaa sabab too ah waxaan ku darsanay qodob ilaahay raali kayahay oo ah ku dhaqanka shareecada islaamka midakale wadaninimada waxaa lagu bartaa taariikhda wadanka oo kakooban CADAWGA WADANKA SAAXIIBADA WADANKA IYO TAARIIKHDA WADANKA markii uu qofku ogaado cadawgiisa iyo saaxiibkiisa waxaa sahlanaanaysa in uu mar walba dantiisa raacdo oo wixii halis u ah naftiisa dalkiisa iyo dadkiisa uu ka dheeraadaa si uu u gaaro meesha uu tiigsanaayo oo ah in uu hor mar gaaro qofku hadii uu leeyahay wadaninimo way adkaanaysaa in uu damiirkiisa lunsho marka walaalayaaloow aan isku dayno in aan kulansano sadexda qodob an kor ku soo xusay kuwii kulansada allaha naga dhigoAAMIIN AAMIIN AAMIIIN

YAA LAGA RABAA IN AY QABTAAN SADEXDAAN SHAQO ?

1 in dadka diinta labaro waxaa laga rabaa cumulamada dadkana waxaa laga rabaa in ay bartaan shaqsi ahaantooda diinta islaamka marka hore alle ayaa mahad iskaleh waxaan rabaa in aan halkana culimada somalida uga mahad celiyo meel kasta oo ay joogaan booskooda waa ay ka soo baxeen waxaana leeyahay hakadaalinina dacwada alle wax lafaafiyo dacwada alle ayaa ugu wanaagsane

2 in dadka labaro waxbarashada maadigaa waxaa laga rabaa marka ugu horaysa waalidiinta iyo macalimiinta waalidiintu hadii aysan ilmahooda wax barin waxaa halkaas ku lumaaya ilmahooda oo aan la jaan qaadi karin da ajrta la jiilka ah marka waxaa aad iyo aad u wanaagsan in ilamaha wax labaro si uu mustaqbalkooda u wanaagsanaado hadii aan u soo laabto macalimiinta aygana waxaa lagaraa in ay ku dadaalaan ardayda ay wax barayaan in ardayga ay waxbaraan uu u helo waxbarasha tayaleh intaas ayaan macalimiintana ku waaninaya

3 in dadka labaro wadaninimada iyo taariikhda wadanka waxaa laga rabaa macalimiinta iskuulaada sabab too ah qofa hadii uu yaqaano taariikhda wadankiisa wadamada cadawga ku ah wadankiisa iyo kuwa saaxiibka la ah wadankiisa lagamayaabo in uu bohol ku dhaco marka qofkasta oo soomaaliya waxaan ku waaninayaa in uu barto taariikhda wadankiida si uu uga feejignaano cadawgiisa maqaalkana wuxuu ku wajahanyahay qofkasta oo soomaaliya wixii aan ku gafana hala iga raali noqdo mahad sanidiin

Waa: fariin ku socota soomaalida oo dhan....

Email: caaqilka707@hotmail.com
GUDOOMIYAHA URURKA GURMAD HAMZA ADAN MACALIN (CAAQILKA)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com