SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya oo noqotay looma ooyaan!!

C/laahi Maxa'ed Faarax-
Email:alhiiraani@hotmail.com

Soomaaliya ayaa mareysa marxaladii ugu liidatay tan iyo markii ay qaadatay xornimada 1960kii ,dalku waxa uu soo maray isbadolo fara badan hase ahaatee marna kama liidan sida hada uu yahay sababtoo ah dalku waxa uu lahaa xiliyadii hore Dowlad ilaashata qaranimadeeda,balse hada ayaa waxa uu waayey wax ilaaliya dalki iyo dadkii iyo diintoodaba.

Iska daa in ay uu helo wax ilaaliya ee waxaa ay u soo horkaceen kuwii isku sheegayey saraakisha ee wax u soo bartay dalkaan in uu qabsado cadowgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya,tan ayaa ka danbeysay markii soomaaliya loo maleegayey shirqoolo fara badan oo looga gol lahaa sidii dalkaan gacanta loogu galin lahaa Dowlada Masiixiga ah ee Itoobiya taas oo hir gashay ka dib markii la helay qof isagu u qalma fulinta howshaas.

C/laahi Yuusuf ayaa noqday shaqsiga loo wakiishay inuu fulinta arrintaa,isagoo ahaa ninkii ugu horeeyey ee isagu hada ka hor isku dayey in uu gacanta u galiyo Itoobiya qaybo soomaliya ah taas oo dhacday xili uu lahaa dalku Dowlad adag oo matasha dalka iyo dadkaba.

Waxaa hada la gaaray xiligii ay ka faa'deysan lahaayeen Cadowga Soomaaliya taasoo ay markiiba ay fuliyeen ayna qabsaden Soomaaliay taas oo ku timid duulaan wayn oo ay soo qaadeen isbaheysiga SALIIBIYIINTA CAALAMIGA ah.

Daba dhilifyada Itoobiya ee uu hogaaminayo C/laahi yuusuf ayaa in badan waxa ay ku dhawaaqayeen in ay khatar ay ka soo socoto ku dhaqanka shareecada islaamka taas oo ay ugu danbeysay safarkisii ugu danbeeyey ee uu ku tagay hogaamiya kooxda EMBAGTHI carigi ingiriiska taas oo uu sheegay in ay joogaan ingiriiska dad uu ku tilmaamay in ay taageersan yhiin kuwa iyagu raba in ay gaarsiiyaan dalalka rerr Yurub iyo Mraykanka diinta islaamka taas oo uu sheegay in ay tahay jariimo wayn,ayna tahay dadkaas in ay wax ka qabato Dawladda Britain,hadalkaan ayuu ka sheegay meel uu kula hadlayey dad badan oo Soomaaliya ah.

Ka dib markii dalku uu ka baxay gacanta ayeysan jirin cid ka hadashay marka laga reebo Culumada islaamka ee ku nool daafaha caalamka,mana jirto cid ka hadshay oo ah siyaasiyiinta majaraha u haysa caalamka ,qaar ka mid ah waxa ay soo dhaweeyeen gumeysiga qabsaday soomaliya sida M/waynaha Masar oo isagu si cad u sheegay in uu fahan san yahay sababta ay Itobiya u gashay Soomaaliya.

Qaar kale ayaa ka aamusay halka kuwo kalena ay qayb ka ahaayeen duulaankaas,wuxuuna duulaankaan ayaa isagu qayb ka ah kan ka socda calaamka islaamka iyadoo aan horay ula soconay in loo qabsaday Afgaanistaan ka dibna ciraaq gacan lagu dhigay falastiina horay loo baabi'iyey naf iyo maalba meesha hadana loo miciyo lisanayo iiraan iyo dowlado kale.

Xubin isagu ka tirsan Jariirada Al ahraam ee ka soo baxda dalka Masar ,una qaabilsan Arimaha istiraajiijiga ee Afrika oo la yiraahdo Dr: HANI RASALAAN ayaa yiri: "Ma aqaan sababta looga aamusay soomaliya ma dadka soomaalida ah baan ahayn muslim mise soomaaliya ayaan ahayn meel istiraajiiji ah oo aan ahmiyad lahayn".

Markii la weerarayey dalka Ciraaq 2003 ayaa waxaa jiray hadal afka ah oo ka imanayey qayb ka mid caalamka inkastoo aysan jirin wax ficil ah oo lagu hor istaagayey duulaankaas dulmiga ahaa.

Soomaaliya ayaa ilaa hada cid u hadasha aysan jirin iyada oo xabashidu iyo waxa raacsan ay maalin kasta ku xasuuqayaan dadka soomaalida dalkooda,ayna jirto in xitaa dadku aysan xor u ahayn cibaadadooda iyo diintooda midna,intii ay haysteen ciidamada Tigreega ayaa waxa ay mamnuuceen xijaabka gabdhaha iyaga oo ka fiiqaya Indha Sharerka islamarkaasna ugaarsanaya dadka diinta.

Su'aasha la is waydiinayo ayaa ah yaa u ooynaya soomalaiya oo hada ku sugan marxalad khatar ah

Waxaan waydiisaneynaa in ilaah u hiiliyo xaqa uuna hoos u dhigo dulmiga

C/laahi Maxa'ed Faarax-
Email:alhiiraani@hotmail.com .
Nairobi Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com