SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 8, 2007

Labo Askari Oo Ciidamada Dowlada Ka Tirsan Oo Lagu Diley Km-4

Labadan askari oo ciidamada Dowlada kmg ka tirsanaa ayaa Arbacadii lagu toogtay Isgoyska no,4 ee magaalada Muqdisho, xili ay ciidamadu halkaas ka wadeen howlo baaritaan hubeed ah .

Kooxo hubeysan ayaa waxay rasaas ooda kaga qaadeen labadan asakari oo geriooday ,kooxahan ayaa la sheegay in ay wateen gaari yar oo muraayado madoow leh .

Goobjoogayaal ku sugnaa meesha dilku ka dhacay ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay rasaas ooda kaga qaadeen askartan kooxahan hubaysan islamarkaana ku carareen gaarigii ay wateen .

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa dhaq-dhaqaaq howlo baaritaan ka wada deegaanada Isgooyska NO.4 ilaa Zope iyadoo ay hakad galeen isu socodka gaadiidka dadweynaha islamarkaana xiray wadadaas lagu diley askarta dowlada.

Waxaa sidoo kale lagu arkayay xaafadaha ku dhow dhow deegaanaasi iyadoo gaadiidka isaga kala goosha xaafadaha muqdisho oo isticmaalaya wadooyinka xaafadaha dhex mara.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalinimadii dorraad ahayd shirkii beelaha hawiye ay kaga dhawaaqeen inaysan ciidamada punt-land aysan meteli Karin ciidamo qaran islamarkaana ku tilmaamay ciidamo beeleed ,waa siday hadalka u dhigeene.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


C/llaahi Yuusuf oo ka codsadey Maamul Goboleedka Pundland in ay bixiyaan ..

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah Madaxwaynaha Dowladda fedaraalka ah oo haatan ku sugan Magaalda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kulan Gaar la yeeshay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimo la xiriira Xaaladda Soomaaliaya iyo Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in la qabto 16-Abriil ee fooda nagu soo heysa.

Kulankaani ayaa waxaa ka dhashay Dood aad u balaaran oo la xiriirta Shirka dib u heshiisiinta ka dib markii Madaxwaynae C/llaahi Yuusuf Axmed uu Maamula Goboleedka ka codsaday in ay 3-Milyan oo Doolar ku kaalmeeyaan Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si loogu fuliyo Hab sami u socodka Shirka, hase yeeshee Maamulka Goboleedka Puntland waa uu diiday bixina lacagtaasi, isagoo sheegay in ay tahay lacag aad u fara badan oo uusan awoodin Maamulka waxaa markii dambe la isku afgartay in Maamulka uu bixiyo lacag gaaraasa 2-Milayan oo Doolar sidoo kale waxay dood ka dhalatay markii Maamul Goboleedka uu Madaxwaynaha ka codsaday in Ergooyinka Shirka dib u hashiisiinta ka qaybgalaya in Maamulka Goboleedka Puntlanda uu ku yeesho Ergooyin gaareysa ilaa iyo Kun Ergo waxaase arrintaanii diiday Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay Maamulka in Tixgalin gaar ah la siin doono maadaama ay Dowladdu fedaraalka ay gacan siiyeen - waxaana jira warar sheegaya in Puntland ay shirkaas uga soo qayb geli doonto qaab beel ahaan ah oo aysan maamul ahaan uga soo qayb geleyn.

Shirka dib u hashiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa iyo 3000-Kun oo Ergo, Madaxwaynaha Dowladda fedaraalka ayaa la filiyaa in uu kulamo la yeesho Isimada Maamulka Goboleedka Puntland iyagoo kawa hadalaya Shirka dib u hashiisiinta warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Goboleedka uu ka codsaday Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed in Shirka dib u hashiisiinta lagu qabto Magaalada Boosaaso waa hadii Magaalada Muqdisho Shirkaasi lagu qaban waayo dhinac Amaanka aawadeed, waxaa muuqata in Magaalada Muqdisho aysan suurtagal ahayn in Shirkaasi lagu qabto maadaama Magaalada Muqdisho ay wali ka socdaan Dagaalo iyo Qaraxyo lala beegsanyo Xarumaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada itoobiya.

Weerar toos ah oo xalay lagu qaaday Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdisho….

Habeenkii xalay ahaa ayaa Koox Dablay ah oo ka tirsan Kooxaha Kacdoonka kawada Magaalada Muqdisho waxay Weerar ku qaadeen Hutel Ambaasatoor ee Magalada Muqdisho.

Weerar oo socday Dhowr Daqiiqo ayaa waxa aan la ogeyn Khasaarihii ka dhashay ka dib markii Hubka Culus la isweydaarsaday, warar ayaa waxay sheegayaan Shan Qof oo la sheegay in Rayid ahaayeen lagu dhaawacay Weerarkaasi waxaana ku jiray Qof Dumar ah.

Hotelka ay Degan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowladda fedaraalka ah oo uu ku jiro Wasiirka arrimaha Gudaha Max’uud Max’ed Gacma-Dheere waana Weerarkii 3-aad oo lala beegsado Hotelkaasi iyadoo Maamulka Hotelkaasi uu dhowr jeer ka cowday Weerarada lagu hayo Hotelkaasi kuna tilmaameen mid lagu bur-burinayo Ganacsigooda.

Ciidamadii ku xareysnaa Bali-Doogle oo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho..

Ciidan lagu qiyaasay ilaa iyo 4000-Kun oo mudooyinkaani Tababar ku qaadanayey Garoonka Bali-Doogle ayaa la filayaa in ay Berito soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan howlo dib loogu soo celinayo Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan oo Gacan ka heli doona Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Uganda ayaa waxaa kaloo ka qayb qaadan doonaan howlo hub ururin baahsan oo ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.

Dadka u kuur gala arimaha noocaan oo kale ayaa waxay sheegeen in `ay ka dhalan karto iska horimaad sababa in uu daado dhiig fara badan maadaama Bulashada ku nool Magaalada Muqdisho ay Ciidamadan u arkaan kuwa Beeleed ka dib markii Odayaal ka tirsan Beelaha Hawiye ay sheegeen in Ciidamadaan ay yihiin kuwa laga keenay Pundland oo aysan aheyn kuwa Qaran waxayna ka codsadeen Dowladda in ay Ciidamada ay noqdaan kuwa lagu qaybsado`sidii horay loogu soo hashiiyey ee 4.5.

Tirada Ciidamada Uganda ee ka jooga Soomaaliya oo gaareysa…

Tirada Ciidamada Uganada ee haatan ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaarayaan 700-Boqol oo Askari iyadoo maalamaha soo socda ay Dalka soo gaari doonaan Tiro intaa la ‘eg.

Ciidamadaan oo haatan Degan Dugsigii hore ee Xarada Tababarka Xalane ayaa Sarkaal u hadlay waxa uu sheegay in Ciidamada Uganda ay dhex-dhexaad ka noqon doonaan arimaha Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa Taageero sii doona Dowladda fedaraalka waxa kaloo lagu wadaa in ay yimaadaan maalmaha soo socda Ciidamada iyagana ka socda Burindi, Gaana, Nayjeeriya iyo Al-Jeeriya inkastoo aan meel la isla dhigin Kharashka ku baxaya Ciidamadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo isgoyska KM4 dil gaadmo ah loogu geystey laba ka mid ah ciidamada howsha ka waday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

Laba ka tirsan ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayay kooxo hubeysan si gadmo ah ugu dileen xili ay howgalo baritaano ah ka wadeen isgoyska KM4 halkaasoo ay ku kala hagayeen isku socodka gaadiidka isgoyskaas isticmaala.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidammada booliiska ah ee toogashada lagu dilay ay ahaayeen kuwo u diidayay wadada dhanka Airport-ka aadda gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana la sheegay inay toogteen kooxo bustoolado ku hubeysan oo watay gaari min bus ah , iyadoo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ka soo dagayaan maalintii labaad ciidammo ka socdo dalka yugaandha .

Kooxaha hubeysan ee geystay falkaas dilka ah ayaa waxay ka boobeen labadii qori ee ay haysteen iyadoo aan la garanayn halka ay abbaareen markii ay falkaas naxdinta leh geysteen.

Ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo faro badan ayaa la soo dhoobay isgoyska KM4 markii uu falkaan dhacay, waxaana loo diiday inay gaadiidka isticmaalaan waddadaas, waxaana tani ay keentay in gaadiidka dadweynaha ay ku hakadaan Tarabuunka.

Ma ahan markii ugu horresay oo kooxo hubeysan oo aan la garanayn ay toogasho ku dilaan qaar ka mid ah ciidammada Booliiska Soomaaliya, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ahayd dhawaan bamboo lagu tuuray ciidammada Booliiska oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ee Gobolka Banaadir.

Dhacdooyinka ay ku ugaarsanayaan kooxahaan ciidamada Booliiska iyo saraakiisha nabad sugidda Soomaaliya ayaa soo kordhaya iyadoo dhawaan lagu dilay Muqdisho mid ka mid ah nabadsugidda Soomaaliya.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666


Macaamiisha Telcom Mobile oo Telefoon Lambar-koodu uu Noqon Doono 8-Raqam

Laga billaabo 15 March 2007, Macaamiisha Telcom Somalia ee isticmaala   adeega Telcom Mobile Numbers-koodu waxuu noqon doonaa 8 Digits “6YXXXXXX”   Y = 2, 3, 5 (Lixdii number ee hore XXXXXX & labo Digit oo cusub oo horgale ah sida 62 oo noqanaya Telcom Mobile macaamiisheeda Muqdisho).

Dhinaca addeega Interconnectivity-ga ee Shirkadaha kale ee dalka waxay iyana inagu soo wici doonaan sidatan:

Telcom Mobile National Destination Code
Mogadishu Puntland Somaliland
062 063 065
 
Macaamiisha Dibadaha waxey inagu soo wici doonaan sidatan:
Telcom Mobile  International Destination Code
Mogadishu Puntland Somaliland
+252 62 XXXXXX +252 63  XXXXXX +252 65 XXXXXX

Hadaba waxaa macaamiisha Telcom Mobile la ogeysiinayaa inay la socdaan isbedelkaan oo dhacaya maalinta 15/03/07 haddii alle idmo. 

Wixii Faahfaahin dheeri ah, saacadaha shaqada, kala xirrir Xafiiska farsamada ee Telcom Mobile: 62272165, 62270003 ama 62370005.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com 
Muqdisho Somaliya
 


War-saxaafadeed taageero ah oo uu soo saaray guddoomiyaha Xisbiga Somali National Congress Part C/shukri Cali Xirsi

KU: Dhamaan Saxaafadda gudaha iyo dibedda

07/03/2007

War-saxaafadeed

Anigoo ku hadlaya magaca ururka Somali National Congress Part (SNCP), waxaan hambalyo iyo taageeraba ujeedinayaa beelaha Hawiye oo talooyinka saliimka ah soo jeediyay iyo go’aanka ay qaateen.

Waxaan sidaasoo kale ujeedinayaa shacabka iyo siyaasiinta Soomaaliyeed inay si buuxda u ayidaan oo ay taageerodooda u muujiyaan talooyinka iyo fikradaha suuban ay soo jeediyeen beelaha Hawiye.

Waxaan halkaan baaq caalami ah ujeedinayaa in bulshada caalamka intii ay arrimaha murugeysan ee Soomaaliya faraha ka bixin in ay sida ugu dhaqsaaha badan ay Soomaaliya ugu soo jeestaan oo ay u soo diraan ciidan caalami ah oo ka tirsan UN-ka oo dhaxdhaxaad ka ah arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya isla markaana ay hormuud u noqdaan dawladaha reer galbeedka ah. Ciidanka UN-ka ah oo dhaxdhaxaadka ah waxay kalsooni ka heli doonaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed min Raas kambooni illaa Raas Caseyr in ay si nabad ah ay hubka ugu dhiibtaan oo ay u soo jeestaan sidii miiska wadahadalka ay u soo fariisan lahaayeen oo ay uga katashan lahaayeen aayaha Soomaaliyeed oo ay kasoo baxdo halkaas dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo ku timaado rabitaanka shacabka Soomaliyeed.

Fikirkaasna wuxuu yahay xalka keli ah oo looga bixi karo xaalada cakiran ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku habsatay daawo u noqon kara sidaasna lagu heli karo nabad waarta iyo hormar.

SOOMAALIYA HANOOLAATO.

CABDISHUKRI CALI XIRSI
GUDDOOMIYAHA URURKA SNCP
Xafiiska Muqdisho, Somalia

Waxaa soo tebiyey:

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623


Dowlada Kmg Ah Oo Qaadacday Shirkii Beesha Hawiye Shalay Yeelatay .

Iyadoo shalay Beelaha Hawiye oo kulan ku yeelatay Muqdisho ay si weyn u qaadacday Shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee la qorshanaynayo, ayaa Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ay kullankaasi ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin haba yaraatee.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma Dheere, oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, ayaa waxa uu kullankaasi ku tilmaamay mid shaqsiyadeed oo aysan Beelaha Hawiye uwada dhameyn.

"Kullankaasi waa mid shaqsiyaad ay wateen oo dano gaar ah laga leeyahay" sidaana waxaa ku gaabsaday Wasiirka Arimaha Gudaha Gacma Dheere.

Wasiir xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle, oo warbaahinta ka hadlayey ayaa kullankii shalay ee Beelaha Hawiye ku tilmaamay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aysan iyagu dheg jalaq u siin doonin qodobadii xasaasiga ahaa ee kasoo baxay.

Salaad Jeelle waxa uu intaasi ku daray in kullanka loo baahnaa in dhammaan wakiilada Beelaha hawiye ay ka qeyb galaan, "Aniga Ergadeyda kama qeyb galin kullanka, sidaasaana muujinaysa in aan loo dhameyn kullanka" ayuu sii raaciyey.

Salaad Cali Jeelle, oo isaguna ka tirsan xubnaha Beelaha Hawiye Dowladda ugu jira, ayaa waxa uu amaanay qodob ka mid ah qodobada kulanka laga soo saaray oo ahaa in Beel-Beel kale la dirirsan aysan jirin maanta, waxaana uu sheegay in Beeshii aan colaad kula jirin beel kale ay Dowladdu tixgelin siin doonto, islamarkaana ay qeybaha hore kaga jirto shirka Dib u heshiisiinta.

Hadaba Baaq iyo Qodobadii laga soo saaray Shirkii Beelaha Hawiye ayaa waxa ay u qornaayeen sida tan : -

SHIRWEYNAHA BEELAHA HAWIYE

Ku: Dhammaan beelaha Somaaliyeed.

Ku: Dowladda Federaalka

Ku: Beesha Caalamka

Ujeeddo: Baaq furan

1. Hordhac

Ka dib 16-sano oo dowlad la'aan iyo fowdo baahday dalku ku jiray, marka laga reebo 6-bilood oo ay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed (GMIS) ku soo celiyeen kala-dambeyn iyo amni dalka intiisa badan, ayaa dalka hadda waxaa ka jira colaado ay sababeen dib-u-heshiisiin la'aan iyo joogitaanka ciidada Ethiopia ee aan ku imaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa intaasi dheer in Somalia weli lagu sii hagayo waddo aanay ka soo baxeyn maslaxadda Ummada Soomaaliyeed.

Hadaba si looga gudbo caqabadahaasi taagan waxaa kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye isugu yeeray Golaha dhaqanka ee beelaha Hawiye oo wadatashi dheer ka dib soo saaray warmurtiyeedka soo socda:

2. Xadgudubyada Dowladda FKMG:

. Keenista dalka ciidamo Itoobiyaan ahoo aan ogolaansho looga heysan Barlamaanka Soomaaliyeed, xabgudubna ku ah go�aankii Golaha ammaanka 1725 ee qeexayey in cidamada shisheeye ee dalka imaanaya aysan manaba ka mid noqon ciidamada dalalka safka hore.

. Soo rogista sharciyo xaalad deg-deg ah oo aan u adeegeneyenin degenaanshaha iyo xasiloonida dalka, halisna ku ah xoriyadda muwaadiniinta iyo hantidooda.

. Ku xadgudubka qaawan ee mabda'a awood-qeybsiga 4.5 ee ay dowladdu ku dhisan tahay..

. Magacaabista maamullada goobollada iyo degmooyinka taas oo si cad u jebineysa axdi-qarameedka.

. U aqoonsiga maleeshiyo-beeleed gaar ah ciidan qaran taasoo dhaawaceysa is-aaminkii bulshada xilligan xasaasiga ah.

. Ku garaaciska dadka rayidka ah madaafiic iyo hoowiyeyaal aan loo aaba yeelin geystayna dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh oo fara badan.

. Ku dhawaaqista shir dib u heshiisineed oo aan marnaba daaweyneynin is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira isla markaana lagu marin habaabinayo beesha caalamka, soomaalida iyo tubta toosan ee loo mari lahaa dib u heshiisiinta.

. Dhaca hantida dadka danyarta ah.

. Boobkahantida guud iyo baneysashada midda sida gaarka ah loo leeyahay.

BAAQ

Haddaba ayada oo laga duulayo arrimahaas kor ku xusan ayey Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye waxa ay soo saareen soona jeedinayaan baaqa soo socda:

Bulsho Weynta Soomaaliyeed

1. In bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogtaba gacmaha is qabsato meelna uga soo wada jeesatoilaalinta midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

2. In laga fogaado wax kasta oo horseedi kara dib u soo laabashada dagaalladii sokeeye ee sagaashameeyadii dhex maray beelaha soomaliyeed.

Dowladda FKMG

1. In laga joojiyo shacabka iyo maatida madaafiicda lagu garaacayo.

2. In la joojiyo lagana noqdo xukunka iyo shuruucda amniga ee deg-degga ah, kuwaas o ka soo horjeeda dastuurkakhatarna ku ah xoriyadda, sharafta, nafta iyo hantida muwaadiniinta.

3. In dowlad aan dhexdeeda heshiis ka aheyn, dadkeedana heshiis la aheyn qaban Karin shirweyne dib u heshiisineed.

4. In beesha hawiye ay halkaan ku cadeyneyso in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kula jirto beelo kale oo soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in dolwdda FKMG dib u heshiisiin siyaasadeed la furto guud ahaan xoogagga siyaasadda ee ka soo horjeeda gaar ahaana dowladda dhexdeeda iyo maxkamadaha Islaamiga

5. In qaabka xulashada ciidamada qaranka iyo magacaabista talisyadooda kala duwan uu noqdo mid isku dheeli tiran beel ahaan, muujinayaa ciidan qaran, isla markaaana dib loogu celiyo Puntland maleeshiyaadkii laga soo daabulay maadaama ay dowladdu tahay federal.

6. Ka hor inta aan la bilaabin barnaamijka hub ka dhigista waxaa lagama maarmaan ah in la helo qorshe iyo siyaasad cad oo la isla ogol yahay oo hubka looga dhigayo dalka oo dhan si siman, mana ogolin in beel khaas ah loo adeegsado hub ka dhigista beelaha kale ama hubkoodaba gacanta loogu geliyo.

7. In dowladda FKMG ka laabato magacaabidda maamullada gobollada. Ka hor inta aan maamul lo loo dhisin ogbollada iyo degmooyinka dalka waa in la is ogolaado qaabka loo dhisayo iyo wadiiqada loo marayo, si looga fogaado is maandhaaf siyaasadeed oo horseedi kara colaad hor leh.

Beesha Caalamka

1. In xoogga la saaro sidii looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka sharci-daradda ku qabsatay, kuwaas oo la hubo in joogitaankoodu uusan marna u adeegeynin xasiloonida gobolka.

2. Inay u howlgasho sidii ay uga dhici laheyd dalka soomaaliya dib u heshiisiin siyaasedeed oo dhab ah taa soo dhex marta dhinacyada siyaasadda isaga soo horjeeda laguna qabto meel dhex dhexaad ah.

3. In beesha caalamku ka fiirsatotaageeridda dhaqaalle iyo tan siyaasadeed ee maamul keligii talis ah, iyada oo la ogsoon yahay dhibaatooyin maamullada noocaas oo kale ah caalamkana ay ka sii suulaayaan.

4. In shacabka Soomaliyeed ee dhibaatooyinka isdaba joogga ah la tabaaleysan lala soo gaaro kaalmo baniaada�nim oo waxtar leh.

Waxaa soo tebiyey: Yaasiin maxamed cali (fayin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Madaxweynaha Uganda Muxuu Kula Dardaarmay Ciidankiisa aadaya Soomaaliya?


PRESIDENT Yoweri Museveni yesterday (March 1, 2007) flagged off the UPDF contingent to Somalia, sternly warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.
| New Vision, Uganda

PRESIDENT Yoweri Museveni said: “I have heard that you went to doctors who found out that you do not have these dudus (HIV/AIDS). Take care of your lives when you go to Somalia. You have had enough women here.” | Source: Newvision

Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa (March 1, 2007) khudbad dardaaran ah waxa uu u jeediyey ciidamada militariga Ugandha ee aadaya Soomaaliya. Wixii ugu weynaa ee uu kala dardaarmayna waxay ahayd dumark Soomaaliyeed.

Museveni waxa uu luqadda afka Sawaaxiliga isagoo kula hadlayey ciidamada u socda Soomaaliya uu ku yiri: "Waxaan maqlay in ay idin bareen dhakhaatiir kuwaas sheegay in aydin qabin bahalkaas loogu yeero HIV/AIDS. Naftiina u taxadara marka aad tagtaan Soomaliya. Dumar idinku filan waxaan ku haynaa halkan."

Jariidada New Vision ee ka soo baxda Ugandha oo arrintaas ka hadleysey waay tiri: Madaxweyne Yoweri Museveni oo la dardaarmayey ciidamada u ambabaxaya Soomaaliya waxa u didgniin culus ku siiyey in ay iska ilaaliyaan la macaamilka (xagga jacaylka/galmada) dumarka Soomaaliyeed. [warning the soldiers against illicit love affairs with Somali women.]

Nin oday ah oo Soomaali ah oo hadalkaas loo sheegay ayaa yiri: "Madaxweynaha Uganda waxa uu u gafey Mujtamaca Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, hadalkasuna waa mid dhalin doona cadaawad dheer oo dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Ugandha ee imanaya Soomaaliya."

Weli ma jiro mas'uul Soomaaliyeed oo hadalkaas ka jawaabey.

Ciidamada uu dardaaranka siinayey madaxweyna Ugandha ee u ambabaxayey Soomaaliya waxay tiradoodu ahayd 1,605, waxaana dumar ka ahaa saddex.



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com