SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BARAN

Warbixin:- Jidka Higlaaley ee Isku xidha Gebi iyo Oogo Ee Gobolka Sanaag oo guulo laga gaadhey  

Badhan:  Jidadku waa kaabeyaasha dhaqaale kuwa ugu muhiimsan, sidaa darteed ayaa bulshooyinku xoogga u saaraan wax ka qabadka jidadka. Gebi ahaan wadooyinka Gobolka Sanaag ayaa ah kuwo aan wax shaqo ah laga qaban oo raf ah oo marka safar dadweynaha Gobolku marayaan kala kulma dhibaatooyin.

Degaanka Gebiga oo ah degaan magaalooyinka waawayni ku yaalliin , lehna biyaha joogtada ah , waxa ka baxa labo waddo oo ku xidha degaanada gobolka ee muhiimka ah ee kala ah Xeeb , Buur iyo dhul daaqsimeedka oogada.

Jidadkaasi ma helin wax dayactir ah tan iyo  burburkii dawladda dhexe, waxana waxyeello u geystey roobab , taasoo keentay in bulshada degaankan isu socodkoodu uu yaraado.


Muuqaalka jidka Higlaaley iyo hawsha la qabtay

Tusaale ahaan jidka Geeldoora muddo si rasmi ah looma isticmaalin , dhibaatooyinkaas awgeed, halka jidka isku xidha oogada oo ah degaanka xoolaha ugu badani ku dhaqan yihiin ee halbowlaha u ah isku xidhka magaalooyinka waaweyn ee suuqa u ah xoolaha , subagga , hargaha iyo caanahaba si dhib ah loogu maro , oo qofka ay mar mar ku kallifto inuu Boosaaso ka soo wareego.


Dalcadda Qaar-yare

Laga bilaabo bohosha Gebidheer ilaa Saar ayaa ah boholo, dhagax iyo qarar dhib ku ah gaadiidka.

Sababta Keentay hawlgalkan:

Markii bulshada degaanka Gebi iyo Oogo ay arkeen dhibaatada ka haysata isu socodka, ee saamaysay dhaqaale ahaan, waxbarasho ahaan , caafimaad ahaan iyo isdhexgalka bulshaba , ayaa dhallinyarada ku nool Ceelbuh iyo Badhan qaar ka mid ah waxay bilaabeen iney la tacaalaan dhibtaas.


Duqa Badhan iyo Suxufiyiin oo maraya jidka Higlaaley

Sidaa darteed ayay u bilaabeen sanadkii 2001-dii sahanka waddo ka dhow , kana dhib yar jidka isku xidhi jirey Gebiga iyo Oogo. Oo safarka  gaadiidka ku qaadan jirtey masaafo dhan 75km iyo ammin  5-6 saac ah.

Waxyaalaha la qabtay.

  • 1. Waxa soo baxay koox dhallinyaro ah oo u heellan hirgelinta jidkan cusub ee Higlaaley, kuwaas oo xooggooda & hantidooda geliyey jidkaas.
  • 2. Waxa la daah furay jidka Higlaaley oo ka dhow , kana dhib yar , kana toosan jidkii hore, isla markaana soo dhex mara degaan biyo iyo isgaarsiin leh.
  • 3. Waxa shaqo joogto ah lagu fuliyey inta  badan oo jidkaas ka mid ah , intaas oo ah inta hadda la isticmaalo.
  • 4. Waxa bulshadu ka baratay furitaanka jidkaasi  faa'iidada wax wada qabsiga iyo iskaashiga.
  • 5. Waxa bilaabmay gaadiid joogto uga shaqeeya Gebi ilaa oogo , iyo qaar kale oo joogto u keena xoolo, subag, caano iyo hargo, arintaas oo wax weyn ka bedeshay dakhliga qoysas badan.
  • 6. Dad badan oo xanuuno la dhibaataysan ayaa si dhib  yar loo keenay Isbitaalka Badhan, mar mar na Dhakhaatiirta ayaa kormeer ku soo mara degaanada Oogada sida : Ceelbuh, Xingalool, Sibaaye iwm, ka dib markii si sahlan ay jidkan u adeegsadeen.


 Mid ka mid ah dalcado shaqo wanaagsan laga qabtay.

Ka Faa'iidaystayaasha: 

Jidkan Higlaaley waxa ka faa'iidaysanayaa bulshada Gebi iyo Oogo , kuwaas oo la filayo iney si buuxda oo sahlan isula xidhiidhi doonaan , taasoo kordhinaysa heerka aqooneed , caafimaad iyo dakhli ee bulshadaas markii hore kala qoqobnayd.


Bohosha Gebi meesha buundada u baahan (Higlaaley).

Waxa la filayo Mustaqbalka.

  • 1. In la helo jid ka dhow , kana dhib yar kii hore, kaasoo masaafadiisu tahay 55km , iyo ammin ah 1:30 – 2 saac.
  • 2. In degaamada Gebi iyo Oogo ay si rasmi ah isugu furmaan, taasoo la filayo in balshadu horumar dhinacyo badan gaadho.
  • 3. In himilada bulshada Gebi iyo Oogo ay sare u kacdo ,yididiiladooduna soo noqoto.
  • 4. Ganacsiga u dhexeeya bulshada degaanka oo xoogaysta
  • 5. In Buundo la saaro Bohosha Gebi (Higlaaley)  , si ay u dhamaystiranto isku xidhka jidka Higlaaley
  • 6. In la helo qalab ku habboon oo lagu hirgelin karo jidka inta yare e ka dhiman.


Muuqaalka Bohosha Gebi ee buundada u baahan (higlaaley).

Caqabado.

  • 1. Qalab yaraan.
  • 2. Bohosha Gebi oo u baahan in Buundo la saaro ama la dumiyo , si jidka Higlaaley u noqdo mid toos ah.

Sidaa iyo wasalaamo calaykum.

C/risak Haji | LaasqorayNet

Faafin: March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com