SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaggee Mareysaa Soo Celinta Maalkii Dadweynaha kaga Maqnaa Shirkaddii Dalsan
  • Qormadan waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiisey gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in ay lacag u dhiibatey Dalsan....

Qiyaastii Kow-iyo-toban bilood ayaa laga joogaa markii hal subax lagu soo waaberiistey xawaaladdii Dalsan oo irridaha loo laabay. Subaxnimadaas dadkii eheladoodu lacagaha maalintii ka horeysey ugu xawileen waxay la kowsadeen xafiisyadii shirkadda oo qufullo waaweyn lagu dhejiyey. Dadkii hore lacagaha ugu darsadayna waxay ka warheleen in xawaaladii gebi ahaanba la xiray.

Layaab ayey dadweynaha Soomaaliyeed ku noqotay arrintaasi. Dad ayaa markiiba isku qanciyey xisaab xir ayaa laga yaabaa in ay shirkaddu samayneyso oo berri la furi doono. Laakiin arrintu waxay noqotay in berri ay dhashay maalmo, toddobaadyo iyo bilo oo aan ilaa iyo hadda wax juuq ah laga maqal maamulkii shirkaddii Dalsan.

Markii hore maamulka shirkaddu waxay u muuqdeen kuwo la aamini karo, sababtaas oo keentay in dadweyne aad u farabadan ay ku aamineen wixii hanti ay lahaayeen in ay ku darsadaan. Waxaase hadda muuqata arrintaas mid ka duwan oo ah in lacag laga helo ha joogtee aysan dadweynaha ka qancin sababta hal maalin ay irridaha ugu laabeen xawaaladii u shaqayneysey qaabka bangiga oo lacagaha sidaas loogu aaminey. Su'aalaha ugu badan oo dadweynuhu is weydiinayaan waa: "Maamulka Dalsan maxay dadweynaha lacagta u dhiibtey waqti u siin waayeen si ay lacagohooda ula baxaan ka hor inta aysan albaabada u xirin."

Maamulka shirkaddii Dalsan waxa cadayn ah kama aysan bixin hantidii maguuraanka ahayd ee shirkadu lahayd, xafiisyadii sida rasmiga ah u shaqayneyey iyo qalabkii shirkadu meesha ay ku dambeeyeen. Sidoo kale Maamulku cadayn kama bixin ciddaa gacanta ku haysey khasnadihii lacaguhu kusoo dheceen maalmihii ugu dambeeyey ee shirkadaas iyo khasnadihii guud ee kaydka u ahaa shirkadda, xisaab-xirkeedii iyo waraaqihii bangiga ee xisaab xirkii shirkadda ee gebi ahaanba intii ay shirkaddu furnayd si loo arko meesha ay cilladu ka dhacday.

Waxaa jira warar sheegaya in shirkaddii Dalsan markii saacado guduhood albaabada loo xiray in magacii laga bedeley oo la furay shirkad ama shirkado kale, arrintaas oo baaritaan dheer iyo xaqiijin badan u baahan, waayo waxa hadda la hayaa warar aan weli si rasmi ah looga xaqiijin maamulkii Dalsan iyo maamulka shirkadaha cusub ee lagu tuhmayo in laga furay hantidii Dalsan. Haddii arrintu aysan sidaas ahayn, maxay maamulka Dalsan ay uga hadli waayeen sida wax u dheceen." Taas waxaa dheer in halkaas oo ay ka soo bexeyso arrin ah in maamulka shirkadda ay tahay in lagula xisaabtamo raasumaalkii lacagihii loo dhiibtey iyo faa'iidadii ka dhalatay lacagaas.

Waxaa la ogyahay in dad aad u farabadan oo Soomaali ah ay hantidoodii ku aamineen maamulkii shirkadii Dalsan. Dadkaas oo isugu jira rag iyo dumar, dad da'yar iyo cirroole. Dadkaas waxaa ka mid ah kuwo lacagtaas kasoo kasbay shaqo aad u adag oo habeen iyo maalin ah oo dhididkoodu ku baxay oo ay kaga soo shaqeeyeen shaqooyin adag, xilliyo adag iyo weliba dalalka qurbe ah iyagoo lacagtaas tashiilay si ay mar uun ugu aayaan ku aaminey Dalsan oo ay qiyaasayeen in ay aamin ahayd.

Dad badan oo lacag ku darsaday ama ku aaminey Dalsan ayaa waxaa la sheegay in ay la soo dersey dhibaatooyin dhaqaale oo aad u xanuun badan, qayb waxay dantu ku khasabtay in ay kasoo bilaabaan xusul duubkii ay biilkooda kula soo baxayeen meeshii ay joogeen 10 sano ka hor, arrintaas oo xaq darro weyn ku ah maamulka shirkadda Dalsan ama shirkadaha ka farcamay oo aan xil iska saarin sidii ay dadkii lacagaha u dhiibtey ugu celin lahaayeen maalkoodii.

Haddii aan dib u jaleecno su'aasha ah "Xaggee Mareysaa Soo Celinta Maalkii Dadweynaha kaga Maqnaa Shirkaddii Dalsan", jawaab arrintaas weli looma hayo, lamana oga xilliga ay maamulka Dalsan garwaaqsan doonaan dhibaatada ay sababtay in hal maalin (Bilowgii bishii May 2006) ay albaabada u xireen shirkaddii Dalsan ee dadweynaha u dhexeysey ama hantidu u taaley.

Anigoo ah gabar Soomaaliyeed oo lacag u dhiibatey Dalsan, waxaan dhammaan dadweynihii lacagta u dhiibtey Dalsan ku baraarujinayaa in aysan ka aammusin maalkooda sidaas lagu duudsiinayo.

Qormadan waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiisey gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in ay lacag u dhiibatey Dalsan....

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 6, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com