SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHURO


Office Telephone: 252 2 520013/ 252 2 427310/252 2 409125
E-mail: shuro4rights@gmail.com
Hargeisa, Somaliland


Ku:  Daahir Rayaale Kaahin
      Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland
      Xarunta Madaxtooyada
      Hargeisa, Somaliland
Og:  Ururada Xuquuqda Aadamaha Adduunka  
Og:  Saxaafada Madaxabanaan – Gudo iyo Dibad 

UJEEDO:  KU XADGUDBKA XUKUUMADA S/LAND EE XUQUUQDA IYO XORIYADAHA DASTUURIGA OO MARAYA MEEL AAD U XUN

Mudane Madaxwayne,

Isku-xidhka heer qaran ee ururada xuquuqda aadamiga Somaliland (SHURO-Net) waxay aad iyo aad uga walaacsan yihiin xukuumadda Somaliland oo beryahan dambe si joogto ah u caadaysatay ku tacadiga xuquuqda iyo xoriyadaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta Somaliland.  

Isku xidhka ururada xuquuqul aadamaha heer qaran ee kulmisa dhamaan ururada xuquuqda aadamiga Somaliand oo si feejigan oo taxadar badan isha ugu haysa guud ahaan waayaha xuquuqda aadamaha dalka, ayaa waxanu xogogaal unahay dhacdooyin laf jab ku ah xaqa iyo xoriyadaha ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo aaladaha xuquuqda aadamaha adduunku oo si xidhiidh ah uga dhacayay tan iyo bilowgii sanadkan 2007 dalka Somaliland kuwaasi oo dhamaantood ay si toos ah ugu kacaysay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaheeda sharci fulintu.  

15/03/2007 abaaro 11:30 a.m ayay ciidanka booliska magaalada Hargeisa xoog ku kala dareeriyeen dadwayne mudaharaad salmi ah ku marayay wadada wadnaha magaalada, dadka mudaharaadayay oo dhamaantood ahaa dadka ka ganacsada hilibka magaalada Hargeisa ayaa waxa ay astaan ahaan u wateen qaar ka mid ah xoolihii (geel) ay qaliin ahaan u soo iibsadeen, iyagoo sheegay in ay rabaan cabashadooda in ay la hortagaan xarunta madaxtooyada Somaliland si ay ugu gudbiyaan waxa ay ka cabanayaan madaxwaynahooda Mudane Daahir Rayaale Kaahin maadaama ay madaxdii qaranka ee ka hoosaysay waxba uga qaban waayeen.  

Ciidamo boolis ah oo ku hubaysan qoryaha AK47 xidhana dirayska rasmiga ah ee ciidanka booliska Somaliland ayaa markiiba waxa ay mudaharaadayaasha oo isugu jiray haween iyo rag waayeel ah ay ku bilaabeen garaacis fool xun, waxayna markiiba xabsiga u taxaabeen 21 ruux oo isuga jira 10 haween ah iyo 11 rag ah. Nasiibdarada kale waxay mudaharaadayaasha ku dhacday in ka yar shan saacadood oo kali ah markii ay ku xidhanaayeen saldhiga dhexe ee magaalada Hargeisa abaaro 5:00 p.m. ayaa Gudidda Nabadgalayada Gobolku ay  xukumeen mudaharaadayaashii.

Sida ay soo diiwaangaliyeen kormeerayaal ka tirsan Isku-xidhka Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland (SHURO-Net), waxa min seddex bilood oo xadhig ah ay gudida nabadgalyadu ku xukuntay dadka ay magacyadoodu hoos ku qoran kuwaasi oo isla 6:00 p.m. loo qaaday xabsiga magaalada Gabiley. 

#

Magaca

Da’da

Shaqada

Tirada Caruurta

Tilmaamo Gaar ah

1

Sahra Muuse Jaamac

40 jir

Hilibley

11

Umul aan afartan bixin, ilmiheedii markii la xukumay ayaa lagaga reebay saldhiga dhexe

2

Caasha Ibrahim

45 jir

Hilibley

8

 

3

Canab Jaamac

42 jir

Hilibley

10

 

4

Khadra Xuseen Abdi

35 jir

Hilibley

8

 

5

Hodan Cali

28 jir

Hilibley

Nil

Gashaanti

6

Koos Cumar Max’ud

39 jir

Hilibley

8

 

7

Nasra Cawil Xasan

26 jir

Hilibley

Nil

Gashaanti

8

Amina-Nimco (buurmadaw

27 jir

Hilibley

Nil

Gashaanti

9

Hinda

29 jir

Hilibley

4

 

10

Luul Nuur

 

Hilibley

3

 

Sidoo kale gudida nabadgalyada gobolku waxay min lix bilood oo xadhiga ku xukuntay dadka ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, kuwaasi oo iyagana markiiba loo dhaadhiciyay xabsiga mandheera oo ku yaal jidka u dhexeeya Hargeisa/Berbera, xabsigaasi oo 93 Km dhinaca waqooyi bari ka xiga caasimada Hargeisa. 

#

Magaca

Shaqada

Tirada Caruurta

Tilmaamo Gaar ah

1

Axmed A/lahi Muse

Tagsiile

11

Bukaan socod qaba cudurka Qaaxada, oo sida ay muujinayaan cadaymaha dhakhtarku dawadii uga socoto cisbitaalka TB Hargeisa

2

Xasan kayse

Hilible

4

 

3

Maxamed Dhamac

Hilibe

6

 

4

Baashe Xasan Dheere

Hilible

5

 

5

Shabeel Shugri

Hilible

5

 

6

Ismail Gaagaale

Hilibe

3

 

7

Fanax

Hilible

2

 

8

Mustafe Waaraad

Hilible

3

 

9

Kayse Raage

 

10

 

10

Axmed Nuur Carale

Hilible

8

 

11

Dool Xaashi Cabdi

Hilible

4

 

Ma aha markii ugu horaysay ee hay’adaha sharci fulinta Somaliland ay sifo shariciga iyo dastuurka dalka u yaal kabaxsan ay ku burburiyaan ama kaga hortagaan mudaharaad salmi ah oo  dadwaynaha rayidka ahi ugu soo bandhigayaan cabashooyinkooda xukuumada. Dabayaaqadii January ee sanadkan 2007, ayay booliska magaalada Hargeisa xoog kala hortageen kooxo dhalinyaro arday ah oo mudaharaad salmi ah ku soo bandhigayay sida ay uga xun yihiin xadhiga suxufiyiinta wargeyska Haatuf, shan arday oo ka tirsan mudaharaadayaashii oo ay boolisku xabsiga u taxaabeen ayay  Gudida Nabadgalyada Gobolka oo adeegsanaya xeerka nabadgalyada guud (Public Order Law) oo sanadkii 1999 baarlamaanku xaaraantinimeeyay in lagaga dhaqmo dalka waxa ay ku xukumeen min lix bilood oo xadhiga ah, isla markiibana waxa loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera .

Sidoo kale Horaantii February ee isla sanadkan 2007 waxa ay ciidanka booliska xabsiga u taxaabeen koox mujaahidiintii SNM ka mid ah oo iyagu si nabadgalyo ah shir jaraa’id ugu soo bandhigeen fikirkooda sida ay uga xun yihiin xadhiga suxufiyiinta Haatuf iyo ku xadgudbka xukuumadda ee xoriyada Saxaafada. Kooxdan mujaahidiinta ah oo boolisku ku kala xidhay dhawr saldhig oo ku kala yaala xaafaadaha magaalada Hargeisa ayaa dhawr habeen ka dib iyadoo aan la horgaynin maxkamad sharci ah loona sheegin sababta lagu soo xidhay ay boolisku iska sii daayeen.

Isku-xidhka Heer Qaran ee Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland (SHURO-Net), waxa uu aad uga walaacsan xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee sida joogtada ah ay u gaysanayasa xukuumada Somaliland taasi oo marka lagu daro khilaafka adage ee kadhashay dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay isku maandhaafsan yihiin golayaasha wakiilada iyo xukuumada iyo seddexda xisbi qaran waji gabax ku ah geedi socodkii raadqaadka ahaa ee nidaamka curdinka ah ee dimuquraadiyada Somaliland, dhacdooyinka murugada leh ee ku tumashada xuquuqda aadamaha iyo wada shaqayn la’aanta goloyaasha qaranka, dagaalo sokeeyo oo si googoos ah uga dhacay bilihii u dambeeyay deegaano ka mid ah dalka, iyadoo dhinaca kalena  doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada xiliyadoodii aad u soo dhawaadeen ayaa arimahan dhacayaa waxay abuuri karaan qalalaase siyaasadeed oo si fudud u baa’bin kara tacabkii 16 sanadood ee ina dhaafay ay dadwaynaha reer Somaliland ku soo tacbayeen.

Hadaba Isku-xidhka Heer Qaran ee Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland (SHURO-Net), waxay si kulul u cambaaraynayaan qaabkii ay ciidanka booliska Somaliland ula dhaqmeen mudaharaadayaashii hilibla ahaa iyo qaabkii looxukumay.

Ururka isku-xidhka xuquuqul aadamigu wuxuu ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in si degdeg ah ooda looga qaado dhamaan dadka hiliblayaasha ah ee 15/03/07 ay boolisku ka qabqabteen magaalada Hargeisa hadii aan loohaysan  dambi kale.

Waxaa kaloon usheegaynaa xukuumadda inay joojiso dhaqanka ku tacadiga xuquuqda aadamiga oo ay beryahan danbe caadaysatay iyo in xukuumadu si dhakhso ah u kaladirto gudidan nabadgalyada oonu ogalayn jiritaankooda distoorka dalka uyaal. 

Waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa inay ixtiraamto distoorka dalka iyo baaqyada caalamiga ah ee xuquuqul Aadamaha islamarkaana kafeejignaato waxkasta oo wax udhimi kara sumcada iyo aqoonsiga Somaliland.

Agaasimaha Fulinta
isku-xidhka Ururada xuquuqul aadamaha Somaliland
Mubarik Ibrahim Aar 
Email: shuro4rights@gmail.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh SHURO

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com