SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


OLOLAHA MAGACAABIDDA RA’ISUL WASAARAHA CUSUB EE SOOMAALIYA 

SIYAASIYIINTA AAN XILDHIBAANADA AHEYN OO FURSAD LA SIINAYO 

taysiir

abdirahman sharif

taysiir55@hotmail.com


Madaxweynaha Dolwadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu hindisay qorshe cusub oo Ra’isul Wasaaraha iyo Golihiisa Xukuumadda ay ka imaanayaan Bannaanka Baarlamaanka, taasi oo ka soo horjeedda qaraar horey ay u ansixiyeen Golaha Sharci dejinta Soomaaliyeed oo ahaa in Wasiiradu ay ka yimaadaan Gudaha Baarlamaanka. 

Qorshahan cusub ee uu soo bandhigay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu u muuqdaa sida ilo ku dhawdhaw aqalka ADC Baydhabo ee Baarlamaanku uu ku shiro ay sheegayaan mid ay durbadiiba ku kala qeybsameen xildhibaanadu. 

Iyadoo la dulfadhiyo miiska raashinka ayaa wuxuu ku booriyey Madaxweynaha KMG ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay wada qadeynayeen in Xildhibaanadu ay ka doodaan ajandahan cusub, kaasi oo suuragal ka dhigi kara markan in Ra’isul Wasaaraha iyo Golihiisa wasiirada ay ka yimaadaan meel Baarlamaanka ka baxsan, waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne C/llaahi uu u xusul duubo in Wasiirka koowaad ee xilka kaga dambeynaya Geeddi uu noqdo mid aan ka imaan Hay’adaha Sharci dejinta iyo Xukuumadda. 

Wasiir ka tirsan Dowladda uu Ra’isul Wasaaraheedu iscasilay ayaa isagoo ku sugan magaalada Baydhabo oo 240 Km dhinaca koonfureed kaga beegan Muqdisho, wuxuu Wargeyska Asharqal Awsat ugu sheegay khadka Teleefoonka in Madaxweynaha KMG ah uu ku baaqay si loo wajaho dib u heshiisiinta in fursad loo siiyo khubarada Soomaaliyeed ee aan Baarlamaanka ku jirin iney hawlaha siyaasadeed ee waddanka ka qeyb qaataan, isla markaana ay Golaha Shacabku fududeeyaan hawlaha uu Madaxweynuhu ku soo magacaabayo Ra’isul wasaaraha jagada kala wareegaya Prof. Cali Max’ed Geeddi oo isagu is casilay dabayaaqadii bishii October kaddib khilaaf dheer oo soo kala dhexgalay labadooda, kaasoo xittaa Itoobiya oo aheyd saaxiibka koowaad ee dowladda KMG ah ay ku guuldareysatay iney soo afjarto. 

Wasiirkaasi oo codsaday inaaney magaciisa Saxaafaddu adeegsanin, ayaa wuxuu caddeeyey in Baarlamaanka Soomaaliyeed, oo ka kooban 275 xubnood, ay shalayba u bilawdeen kulamo is xigxiga, si ay uga wada tashadaan qorshahan oo ugu dambeynta ay codkooda u qaadi doonaan. 

Waxaan sidoo kale qarsooneyn, in Xubnaha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen aragtida uu soo hordhigay Madaxweynaha, Wasiirkan u warramay Asharqal Awsat, isaguna wuxuu qiray iney jiraan xildhibaano aaney u laqmeynin fikraddan, kuwaasi oo ku dhaggan in la raaco qodobada uu qeexayo dastuurka Federaalka, waxeyna aaminsan yihiin in isbadal lagu sameeyo Axdiga KMG ah aanu sinnaba suuragal u aheyn. 

Waxaan la hilmaansaneyn qodobka 47-aad ee Dastuurka KMG ah, ee ay ku shaqeyso Dowladda dhisiddeeda muddo laba sanno ah loo fadhiyey dalka Kenya, kaasi oo qeexaya in Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiiradu ay ka yimaadaan asal ahaan Xildhibaanada, sidoo kalena, waxaa ku cad in Ra’isul Wasaaraha aaney da’diisu ka yaraan 40 Sanno halka wasiirada iyo ku xigeenadooduna aaney da’doodu ka yaraan karin 35 sanno, waxaa kaloo shardi ah in uu leeyahay aqoon Jaamacadeed iyo waaya-aragnimo siyaasadeed. 

Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya wuxuu bishii September ee sannadkii 2004, si lama filaan ah u magacaabay Ra’isul Wasaarahiisa iscasilay ee Cali Max’ed Geeddi, oo aan Baarlamaanka ka sii mid aheyn laakiin, waxaa kursigiisii xubinnimada Baarlamaanka uga kacay Max’ed Dheere oo ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa Hoggaamiye Kooxeedyada. Goor sii horreysay waxaa ninkaasi loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, taasi oo dadka u kuurgala siyaasada Soomaaliya ay ku fasireen nooc abaal marin ah. 

Madaxweynaha waxaa haatan hortaalla fursad ka yar 30 maalmood oo uu ku soo magacaabayo ninka dhaxli doona Geeddi, kaddib marka uu wada tashiyo la sameeyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida.  

Geeddi, waxaa lagu xaman jiray inuu yahay nin Itoobiya ay raalli ka tahay, magacaabiddiisana uu kala tashaday Madaxweynuhu saraashiisa ka arrimisa Adis Ababa, in badan aragtidaasi dadku way ku fadhi ku dirireen, laakiin, Geeddi, Maxey Itoobiya ugula talisay inuu kor uga istaago kursiga Ra’isul Wasaarenimada, haddiiba ay sax tahay fikradda ay dadka qaarkii cabsan yihiin? Siyum Mesfin Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo doorweyn ka ciyaara siyaasadda isbadbadalka badan ee Soomaaliya, booqashadii uu dhawaan ku tagay magaalada Baydhabo, macnaheedu ma wuxuu yahay inuu Madaxweynaha Guddoonsiiyey warqad uu ku qoran yahay magaca Ra’isul Wasaaraha cusub?. 

Waxaa la fahamsan yahay in Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, ay haddaba sii niyeysteen in xilkaasi aaney cidiba ka mudneyn!, rag u badan siyaasiyiintii ku magaca yeeshay Soomaaliya xiligii burburka, ayaa haatan si weyn magacyadooda looga sheegsheegaa warbaahinta iyo goobaha ay dadku ku sheekeystaan, waxaase arrintan barbar socota, talo ay soo jeedinayaan dad isu heysta iney yihiin cuqaal arrimaha Soomaaliya wax badan oo waddanka u dhashay iyo dalalka waaweyn qaar ka mid ah oo Hay’adda Qaramada Midoobay ay ka mid tahay, waxey ku leeyihiin: Mucaaradka hala siiyo xilkan si loo dejiyo hirarka Siyaasadda ee Soomaaliya?. 

Shirkii loogu magacdaray Dib U Heshiisiinta Qaran ee Muqdisho dhawaan ku soo gabagaboobay iyadoo laga daba qeylinayo, ayuu sidoo kale, Madaxweynuhu hordhigay iney Baarlamaanku cod u qaadaan, Kooxda Asmara ee Dib u Xoreynta Soomaaliya waxey iyaguna u muuqdaan inaaney diyaar u aheyd iney guddoomaan haddii loo soo hadiyeeyo xilka uu Geeddi ka tagay. 

Waxyaabaha muhiimka ah ee in wax la iska weydiiyo ay tahay, waxaa ka mid ah, Ra’isul Wasaaraha cusub abshirtiisa ma noqon doontaa mid ay soo wada dhaweyn doonaan, Erateriya iyo Itoobiya? Mise waa jugjug meeshaada joog? Fursadda la siinayo siyaasiyiinta aan Baarlamaanka ku jirin macnaheedu ma waxa uu noqonayaa, Itoobiya iney ciidamadeeda la bixi doonto?, Ma sidii hore ayaa Waranka caaradiisa xalka lagu baadi dooni doonaa mise Walaalow ayaa la fiirin doonaa markeeda? laakiin, si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi wuxuu u xusul duubayaa in Ra’isul Wasaare uu noqdo siyaasi aan Xildhibaan aheyn, Ra’isul Wasaarow halaga qaxo goobaha rayidka ee Muqdisho miyaad dhihi doontaa? Mise waxaad rajo u yeeli doontaa Soomaalida qaxootiga ku ah qurbaha xittaa iney dib dalka ugu soo laabtaan?. 

abdirahman sharif
taysiir55@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com