SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Xaabsade Caruu la tegay Col ayuu la yimi Dhulkiisiina Xoraysay

Qoraa    sare   Cabdirisaaq Cumar Ismacil (sheekhaduun
sheekhaduun@hotmail.com

Ma ahan inaanu inaynu u riyoono sidii dad aan wax kala garan karin, ma han inuu calwasaadku inoo hogaamiyo inaynu rumaysano riya maalmeedkeena walaahooga ku dhisan .Waxaa dad badani isweydiinayaan sababta Xaabsade keligiis xilka looga qaaday maadaama uu ahaa oday muddo dheer Maamulka Puntland iyo Deegaanada Sool isku hayey. haddaba, suaashaas jawaabteeda waa ay fududahay oo horaa loo yiri Nin kuu ciil qabaa wanaag lagama fisho. Col Xaabsade wuxuu ka mid ahaa Raggii xiligii Kacdoonka Puntland ka jiray ee Cadde Muuse Jabhada ahaa ka soo herjeeday oo weliba Ciidamo daacad u ah C/Laahi Yuusuf u soo daabulay dhanka gobolka Sool, taasoo markaas xoojinaysay xulufonimada C/Laahi Yuusuf iyo Xaabsade si loo soo celiyo Maamulkii Boosaaso oo markaas gacanta ugu jiray
Jabhadda Beesha Cadde Muuse.

 Dagaal iyo halgan dheer kadib C/Laahi wuxuu si buuxda u soo celiyey midnimadii Puntland, isagoo kaashanaya Taageerayaalbadan oo xulufo Siyaasada kula ahaa waxaana ka mid ahaa berigaas Xaabsade, Seefta Banaanka iyo Xaaji Bakiin, cabdishakuur, Ibaraahim janaraale, Saciid Caduur raggaas oo sida weyn ugu dhar dhigtay in C/Laahi Madaxweyne Puntland si buuxda u xukuma noqdo. Horaa waxaa loo yiri wax rag u roon rag bay u daran yihiine, taasi waxaa si aad ah uga caraysnaa Ragga hadda talada Puntland haya ee Cadde Muuse u horeeyo oo isaga u arkayey in C/Laahi ay uga daran yihiin Ragga hiilada iyo Ciidamada iyo siyaasaddaba ku taageeray ku taageeray.

Sikastaba wax ha u dhaceene wuxuu muddo ka dib ku guulaystay Cadde Muuse iyo Jabhadii GBP ee mucaaradka ku ahayd Maamulkii C/Laahi in Xukunka gacanta u galo.

Waxaa markaas uu kala doortay Cadde Muuse inuu dhaqso uga aarsado qaab Maamul iyo inuu la sugo waqtiga oo uusan deg deg u bilaabin aargudashadiisa.
Xaabsade waxaa Wasaaradii uu hayey lagu bilaabay qeyb qeyb in loo gooyo oo loogu biiriyo Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Xaabsade wuxuu si kulul uga carooday Markii hawlhii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga sadexloo kala gooyey, waxaana laga gooyey Amaankii oo Madaxtooyada la hoos geeyey, dabadeedna waxaa la gooyey Maamulkii Gobolkada oo la hoose geeyey Dawladaha Hoose. Markaas ayaa waagu ku baryey Xaabsade oo uu soo xasuustay Dhagartii iyo dakanadii xiligii C/Laahi Yuusuf xulufada la ahaa uu ka galay Cadde Muuse. iyo beeshiisa Waxaase is waydiin leh xagee kaga tegay sinjaarkisii ama saxiibdisii Xasan Mariini Iyo Afweyne Cali dheere ma waxay saxiib ku hayeen xilkii hayey keli ahtan waxaa ceeb aan weligidoo hari dooninin ah in joornaal hal maalin ka soo baxa lagu aflgaadeeyo xaabsde oo ah oday soomliyeed laguna sawiro isagoo garaabo qaad doc taal oo gacanta u hoorsanayao Somliland wax aana qoonyhan ku fekerein ama qoraa hadaba akhristood aan kaa qosliyee waxaa wargysankaan madax ka ah Saciid fraax yare oo Soomliya aad loogua yaqaan oo ah saxafi ruug cada ah madaxana ak ah Gudiga Saxitaanka puntlanad ma loo qadaan karaa waxaas oo kale ayuu qori kara a mise caadifda qabiilka iyo xilka yar ayaa ka keneay

Mid ka mid ah Taageerayaashii C/Laahi Yuusuf ee xulufada Siyaasadeed la ahaa waqtigii Madaxweynaha uu ka ahaa Puntland ayaa iagoo aad u kacsan yiri "Raggii Puntland bud-dhigaha u ahaa ee Odayaasha waxaa ka haray Xaaji Bakiin oo Xabsade teg oo Seefta Banaanka Xamar ayuu baagamuundo ku yahay intii kale Puntland ayey iska fadhiyaan shaqo la'aan" Sidaas waxaa ku hiraabay mid ka mid ah raggii soo daadihinayey Maamulkii C/Laahi ee miisaanka xoogan ku lahaa shacabka Puntland. waxaa la is weydiin karaa rag badan oo maanta aamusan inay sugayaan inta dawanku yeerayo, kama ahan fulaynimo aamusku waxayse ku doodaan dadka ha na soo gaaro, si dhow loo milicisan karaa kooxa marqaanka iyo lacagta dhexdabaalanyaa ma sii ahaan karaan kuwa ay u lug xirnaanto siyaasadda Puntland ee iminka karkaraysa,. haddi Cadde meesha ka baxo xagee aadayaan wiilasha marqaanku.

Haddaba, maanta waxaa talada gacanta ku haya hal Beel, Hal Ruux Iyo hal Guri Sida muuqatana waxaa soo ifbaxaya ifafaalo kala ququbasho Maamul iyo burbur Beelihii Wadajirka u dhistay Maamulka Puntland. Ma ahan oo keliya Xaabsade carada iyo ciilka ragga la tegey keligiis ee waxaa maqan qeybo badan oo culeyskooda iyo miisaankooda leh sida Sanaag ayaa ruxmaysa iyaduna oo guux ba'an ka jiraa Bari ma badbaado qabto, Nugaal ka daran iyana Mudug meel fiican u muuqato.

wargayska Dadla la magbaxay ayaa haboon inaynu u dhugano si furan, maxaa ku hoos jira , ma noqnayaa mid bedela Wargayska Kaah Bari oo isago isha keliya lahaa. jawaabtu waa iska cadahay wax kale ma ahan wargayska ayaa ah mid ay leeyihiin ragga maskadda u ah Maamulka Cadde kuwaas oo ku bariihiyey Puntland meesha ay maanta gabalaaxdo. ee ah kala yaaca siyaasadde iyo mid Bulsho iyo mid Difaac. yaa kuu bayaanshee yaa qora wargayskan ? waxaa qalinka ku dooga La Talihii Xaabsade waa Afweyne Cali dheere oo sii xagxaganaya saxiibkiis Xabsade , Xasan Saciid Mariino xilli badan uu Gabaad amni u ahaa Xabsade waqtigii uu madaxda ka ahaa ururu u dooda Xaquuqda Adamaha oo la oran jiray Dulmi Diid , balse Ururkaasi aanu iminka ka hadli wax loogu yeero xaquuqda Aadamiga tan iyo intuu Xasan mariino ka mid noqday Bud-dhigayaasha siyaassada Puntland. fikirka wargaysdakn ayaa ah maskaxdii Saciid Faarax oo isagu aaminsan inuu guul ka joogo hamigiisii mudadda dheer mana ahan nin dhaliila maamulkan isagoo hore loogu yiqiin inuu puntland dhaliil marwalba dusha ka huwiyo

Xaabsade waa tegey, waxaa joogaa waa raggii guuldaradda dhigay ee dhaawacay siyaasadda iyo haybadii Puntland ku faani jirtay kuwaas oo weli ku sii indha adaygaya inay sax yihiin, maxay sugayaan ma inta kacdoon iyo carradda reer Puntland ugu soo gelayso aqalka Madaxtooyadda. wargays lagu laray magac dadka ma badbaadinkarayaa fashilinka siyaasadde ee maamulka uu madaxda ka yahay Cadde. waxay dad badani qabaan kolkuu Madaxweynuhu dalka ku soo noqday haduu shaqadda ka eryi lahaa xubnaha la karaahsaday ee ka mid ah xukumadiisa meesha maanta dalku marayo waa ka roonaan lahaa.
gabagabadii Xabsade caruu ku tegey, Col ayuu la yimid dhulkiisii ka xoraysay ragay is dirireen. ayaase Laascaanood dib u xoraynayaa , Ma Afqurac, Ma Tima cadde , Ma ina Cali shire.........Ma.......Ma ........ Ma  Gaagaab, Ma awaare,Ma Cadde  Mise Saciid Faarax yare Mise wargayska Dadka............

  Qoraa    sare   Cabdirisaaq Cumar Ismacil (sheekhaduun
sheekhaduun@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com