Kee Daran, Xaabsade iyo Xulufadiisa Laascaanood Qabsaday; iyo
Xabashida iyo Xulufadeeda Xamar Heysta
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Xaabsade iyo xulufadiisa Laascaanood qeybsaday ma ka daran yihiin
Xabashida iyo xulufadeeda Xamar heysta? Soomaalideenna oo caqligii ka
guuray waxay intooda badan qabaan intii qabiil kale farogelin lahaa dhul
qabiilkoodu ka soo jeedo in Yuhuud, gaalo kale ama Abasiiniya qabsato!
Waa caqli bannaanka ka taagan diimaha iyo xadaaradaha. Laakiin
Soomaalidii hore ee ay hogaanka u hayeen dadka caqliga badan waxay dhihi
jireen, “intii Baaniyaal cuni lahaa; Cali ha beeseysto.”
Ilaahay baan ku dhaartee, markii la bixiyey magaca ah Puntland waan
ka naxay. Markaan weydiiyey waxa micnaha magacu yahay waxay
dhaafiwaayeen iney bixiyaan macnayaal kala duwan sida dhulka ilaahyada;
kii uduga iyo kuwo kale. Hadduu macnaha loo badinayo noqdo kan
ilaahyadii Fircoonnadii hore haddee waad garan kartaan dambigey ku tahay
diinta iyo dhaqanka Soomaalida. Maxaan ula baxney magac aynaan aqoon?
Ilaah baan ku dhaartaye, marka laga reebo Ingiriiska loo qoray, magaca
“Somaliland” baa aad uga macquulsan kan Puntland. Inkastoonanba hubin
wuxuu ka soo jeedo erayga Soomaali laftiisu haddana ma jiro qof yiri waa
magac laga urin karo shirki ama micno xun. Waxaa intaas dheer xitaa
haddii magac Soomaali la ogaado inuu leeyahay micno khalad ah, innagu
dambi kuma lihin ileyn waxaynu aragnay iyadoo naloo ku yeerayo oo wax
kama qaban karno.
Waxaan soo qaatay dastuur-ku-sheegii ay markaas Puntland qorteen
waxaan u akhriyey qodob qodob waxaana goostay inaan buug-yare ka
sameeyo. Waxaan iskaga daayey waa dastuurkaas oon waxba ka duwaneyn kii
60-kii mana ahayn wax iyaga ku gooni ah.
Magacaas iyo madaxdii Puntland qabsatay dartood ayaa igu reebay
walaac ah in dadweynaha loo hogaamin doono wax aan aakhiro iyo adduun
midna dan ugu jirin. Intaan boggagga internetka ee Soomaalidu si fiican
u soo caan bixin waxaan tagi jiray meelo ay reer Puntland isugu
yimaadaan waxaana ka hor oranjiray ineysan dadkooda ku dirin diinta
sidoo kalana aysan Soomaalida kale iyo iyaga la kala dhexdhigin xumaan
iyo nacayb ee loo baahanyahay in Soomaali la isu keeno. Waxaa marar
badan shirarkaas joogay niman ka soo jeeda Puntland oo qaarkood hadda
dowladda federaalka jagooyin sare ka sheegtaan, qaar mucaarad ku ah iyo
qaar maamul goboleedka Puntland mas’uulo ka ah.
Sanadkii 2001-dii baa mar qolya reer Puntland ahi shir iyo
dhaqaalo-aruuris iskugu yimideen markii la sheegay Moorgan oo boqolaal
wiil wata oo ka soo kacay Ceelbarde kuna jeeda Kismaayo. Markaas
Kismaayo waxaa heystay Dooxada Jubba. Waxaan dadkii ku boorriyey inaan
dagaaloogayaashaas midkoodna faa’iido keeneyn sidoo kalana aysan macno
sameyneyn kala taageeriddooda. Waxaan xusay inaan midkoodna dan u wadin
qabiilkiisa ee ay ilaashanayaan dano shakhsiyeed. Markey taladeydii
diideen ayaan ku iri waayahee maxaad wiilashaas u halaageysaan ileyn
dhowr boqol oo wiil xitaa haddey Kismaayo qabsadaan ma heysan karaane!
Waxaan tusaaleeyey xitaa iney wiilashooda iyo dhaqaalahooda u turtaan
haddey waanadeydii dhegaha ka fureysteen. Markaas dooxada Jubba waxay
taageero ka heysteen Xamar, Shabeelaha Hoose, iyo Gedo halka Moorgaan ay
taageero ugu sokeysay Puntland, qof qurbo jooga ama kuwo xeryo qaxooti
ku jira. Nin janan ah, oo dowladdii Mbagathi ka gaaray meesha ugu
sarreysa ee jago ciidan oo markaas meesha fadhiyey, baa isagoo igu
xumeynaya yiri, “niman badan oo jaamacado milatari ka soo baxay baa
meesha fadhiya!” Wuxuu ka wadaa ma iyagoo saraakiil ah baan anoo weligay
ciidan noqon kala talinayaa weerar iyo duullaan! Anna waxaan ku iri
haddey intey qabsadaan ay bil ama wax la mid ah heystaan adaa iga caqli
badan! Ilaahay wuxuu qaddaray in Moorgan uu Kismaayo qabsaday laakiin
laga saaray 24 saac gudahood isagoo si dirqi ah ku baxsaday. Waxaa
Moorgan dagaalkaas looga qabsaday saraakiil la socotay iyo gaarigiisii
khaaska ahaa.
Marka laga reebo dagaalkii Al-Itixaad iyo SSDF u dhaxeeyey, Puntland
waxay ka mid ahayd meelaha Soomaaliya ugu nabadgelyo iyo dhexmar badan.
Somaliland iyadu waxay gashay dagaal sokeeye oo bilo badan socday. Xitaa
dagaalkaasi wuxuu keenay in dadka reer Waqooyigu kala soo degijireen
alaabaha Boosaaso kaddib markii Berbera xirantay ama dadka qaarkiis ka
deysteen iney wax kala soo degaan. Waxey Soomaali iskaga markhaati
kacday in laga soo bilaabo 1991 ilaa markii Puntland la sameynayey in
USC iyo dagaaloogayaasha Xamar ay ahaayeen siyaasiyiintii ugu xumaa
Soomaaliya oo geliyey dagaalkii sokeeye ee ugu dheeraa uguna qaab
darnaa. Caqligu wuxuu keenilahaa in qabiilkii dani ka heyso aakhiro iyo
adduunba inuu qaado waddo kale oon taas ahayn laakiin nasiib-darro dad
badan oo reer Puntland ah waxay u arkeen in magacaas iyo maamulkaasi u
horseedi doono barwaaqo, horumar iyo isu-keen Soomaali weyn. Yaan loo
qaadan inaan takfiir ahay ama aan leeyahay dadka waan ka saxsanahay
laakiin waxaan u arkayey maamulkaas daruur cadaab ah oo maray ahaataba
galaafandoonta dadkaan ka soo jeedo. Halka dad badan u arkayeen iney
tahay horumar oo keeni doonto in maddaalahoodu uu Soomaali oo dhan
gacanta ku dhigidoono oo arrimaha Soomaaliya looga dambeyndoono,
kheyraadka dalkana iyaga gacantooda geli doono. Saacadan aan maqaalka
qorayo waxaa dhici karta in qaar badan oo iyaga ka mid ahi weli
fikirkaas qabaan!
Marka haddaan qodobeeyo maamulkaas ka hor sida Waqooyi Bari ahayd iyo
sidey hadda noqotay:
- Diin-jacayl ay kala mid ahaayeen Soomaalida kale. Dhibtii iyo
dagaalkii sokeeye ayaa keenay in dad badani fursad u helaan iney
daalacdaan diinta Islaamka.
- Waxay markaas ahayd meelaha ugu nabadda badan Soomaaliya.
- Dad markii hore ka soo jeeday Puntland oo ka soo qaxay Xamar iyo
Koonfurta kale oo camiray magaalooyinkii Puntland taasoo keentay
iney si xad dhaaf ah u fidaan.
- Nabadda iyo fiditaankii magaalooyinka ayaa keenay in dad kale
oon dhulkaas ka soo jeedin ay yimaadaan oo ka qeybqaataan ganacsiga
oo cirka isku shareeray.
- Ma jirin argagixiso-la-dirir. Marka dadka musaafurka ahi
meesheey rabaan haka yimaadaan, cidday rabaan ha ahaadeen, cidna
lama hadli jirin. Qof kasta wuu xasuustaa dadkii ka soo qaxay Xamar
oo u dhashay Somaliland sidii loogu soo dhoweeyey gobolladaas markey
ku nasteen iyagoo ku jeeda Somaliland.
- Waqtigaas kaddib waxay lumiyeen Kismaayo oo dadka qaarkiis
dhahaan waxaa sabab u ah xurguf dhexmartay Moorgan iyo C/hi.
- Toban sano ku dhowaad dhaqaalihii Puntland waxaa loo qoondeeyey
sallaan lagu gaaro kursi Soomaaliyeed. Ma jiro ama waa yaryahay
dagaalooge Xamar ama Baydhabood oon kiishka loogu shubin lacagta
dekedda Boosaaso. Haddaan magacaabo waxaa ka mid ah: Muuse Suudi,
Qanyare, Xuseen Ceydiid, Caato, Maxamed-dheere, Shaatiguduud,
Aadan-madoobe, iyo kuwo kale. Ugu dhowaan, kuwaas kulligood waa ka
soo horjeedaan korneylka hadda. Maxaa marka dhaqaale-bixintaas laga
dheefay?
- Maamulkaas oo la isku qabsaday markuu dhammeystay 3-dii sano ee
ugu horreysay waxaana ku daatay dhiig badan oo micno-darro ah.
- Wuxuu maamulkaasi jaranjaro u noqday Meles Zenawi oo la’aa
meeluu kasoo galo qabsashada Soomaaliya. Inkastoo dagaaloogayaasha
kale iyo weliba kuwa Waqooyiga Soomaaliya laftoodu ka qeybqaateen
laakiin waxaa kaalinta koowaad ka ciyaaray maamulka Puntland markaas
haystay.
- Si kasta oo Soomaalidu qabiil iskugu xumeyso laakiin magacaas ka
hor dadku waxay na dhihi jireen waxaad tihiin dad kala dambeeya oo
martida soo dhoweeya oo Soomaali Weyn ogol laakiin isla annagii baa
hadda naloo baxshay, “Ashahaado-la-dir (PIS), Tigree-keenooyin,
qabiil-ku-dirir, isloweynayaal iyo magacyo kale sababtoo ah
maamuulkaas dartiis.
- Kala-fogaan Soomaalida dhexdeeda ah.
- Guurtidii Puntland waxay isku raaceen in aan Harti aan
Majeerteen ahayn haweysan karin madaxtinimada Puntland! Dhulbahante
wuxuu ka hadlikaray madaxweyne-ku-xigeen! Weli ma garan sida dad
odayaal sheeganaya aay waxaas oo kale shirar uga dhaheen. Waxaase ka
sii daran sida Hartiga kale waxaas u aqbalay? Haddii Xaabsade uu mar
hore waxaas oo kale aqbalay waxay ku fiicneyd inuu ceyrintana
aqbalo. Oo haddii Hartigii dad noo xigay aan saas ku niri ma u
maleyneysaan in korneyl C/hi u ogolaanayo in Geeddi ka falo
xukumaddiisa wuxuu rabo? Qodobkaan iyo kuwa kale waa kuwa muujiyey
in guurtida Somaliland ay ka caqli bateen kuwa Puntland markey nin
Samo-roon ah madaxweyne ka dhigteen.
- Iska daa Soomaalida kalee waxaa la yaab leh in dadkii ay isku
halka wax ku qeybsadeen oo marka arrimaha Kismaayo laga hadlayo ay
reer tolkey jeebka kala soo baxaan magac ah “Kablalax” iyagoo
siyaasad ku doonaya ayaa kuwii magacaas sheeganayey waxaa Zenawi ku
leynayaa dhulka Soomaali Galbeed. Lama hayo qof siyaasi ah ama odey
reer Puntland ah oo ka hadlay ama cambaareeyey. Waxay u egtahay
xitaa haddii dadkaas ay leeyihiin iney “Kablalax” isla yihiin
yimaadaan Boosaaso in hay’adda diinta la dagaasha ee “PIS” ay u
celineyso Zenawi. Kablalax! Ilaahay kab iyo lax idin ka dhig. Bal
lacagta ay dagaaloogayaasha oo leynayey qabiilladooda ay siinjireen
mey siiyaan walaalahooda xaq-u-dirirka ah ee iska xoreynaya reeryada
Tigreega?
- Haddiiba kuwii Kablalax sheeganayey ay u turiwaayeen
xaq-u-dirirkaas ayaa Somaliland laftoodu waxay dadkaas u iibsadaan
sidii xoolihii isagoo maamulka Riyaale Zenawi kaga raadinaya weji.
- Reer Puntland waxay cadaawad aan micno ku fadhiyin la gashay
qabiilka Sade ee Kismaayo hadda hor booda. Soow maaha qabiilkey isku
halka wax ku qeybsadeen? Marka nimanka horbooda Soomaaliya iyo
Puntland haddey dadkoodii cadow uga dhigeen dadkii dad u xigey sidee
looga akhrisanayaa iney qabiillada kale wax la rabaan?
- Xamar waxaa Xabashida iyo xulufadeeda (Mbaghati) ku soo
dhoweeyey Abgaal khaasatan Harti Abgaal. Muranka C/hi iyo Geeddi
wuxuu keenikaraa in “mataanaha Harti” ay kala xarig furtaan oo
colloobaan! Ileyn shacabku waxay u dhaqmeen sida xoolihii oo kale.
Maxamed-dheer iyo C/hi Yuusuf baa labada Harti isku diri kara ama
isku keeni kara!
- Sameyntii magacaas (Puntland) iyo madaxdaas aan tobanka sano ka
digeyney wuxuu keenikaraa burbur Soomaaliyeed iyo in Somaliland ku
hadaaqdo goosasho taam ah. Qabsashadaan Laascaanood ee hadda khasab
maaha iney noqoto mid sii waarta maxaa yeelay siyaasadda Soomaaliya
ayaa is-gadgaddis badan. Waxaa dhici karta iney maalmo arrintu si
kale noqoto laakiin waxaan anigu ka hadlayaa waa mustaqbalka. Haddii
reer Laascaanood doortaan Somaliland, ma filayo iney jirto qof
Soomaali ah oo ka hor istaagi kara. Arrinta waxaa cirka ku shareeray
waa dhaqaalaha Puntland. Wixii dekedda ka soo baxa qaar waxaa lala
aaday Xamar iyo Baydhabo intii kalana waxay soo dhaafi weyday
Boosaaso, Garoowe, iyo Gaalkacyo. Marka qofka siyaasiga ahi ma laha
samirka shacabka oo kale marka meeshey hogashu uga hilaacdo ayuu
haleelayaa. Marka tagidda Xaabsade waxaa ka mas’uul ah maamulka
Puntland. Maaddaama dadka reer Sool qaar la socdo Somaliland waxaa
fiican inaan shacabka reer Puntland dagaalka ku ordin ee la isugu
yeero dadka Sool degen lana weydiiyo waxay rabaan. Hadday u bataan
iney Somaliland raacaanna iyagey jirtaa haddii kalana waxaa lagu soo
celinayaa Puntland.
- Puntland oo laba jeer laga raayey. Ilaahay baan ku dhaartay
wixii aan 9 sano ka hor ka baqeyey baa noqday waddo halaq mareen ah.
Sidee kheyr looga filayaa in niman madaxii caddaaday sidii geedka
suumahagalaha ah ay inta Soomaali iyo caalamkoo dhan la hadlaan
dhahaan, “Shimbiraale argagixisaa joogta!” Ama, “Laascaanood waxaa
qabsaday shisheeye!” Waxaanan garaneyn goorta ay Xaabsade iyo
Riyaale noqdeen wadaado ama sida gaaladu u taqaan “argagixiso!.”
WALLAAHI odayaasha Soomaaliyeed waa ka xishoon jireen beenta xitaa
iyadoo diintu u fasaxeyso markii nafta la badbaadinayo. Waxaa jiray
nin odey ah oo ka soo jeeday Puntland oo ahaa hogaamiye qabiil iyo
ciidan in ay qolyo ay is dagaalayeen qabteen. Nimanka markaas qabtay
mey garaneyn ninkuu yahay marka hadduu been sheegilahaa wuu badbaadi
karay laakiin magacii ay maqli jireen buu u sheegtay. Markii odeyga
loo geeyey odayaashii kale ee nimankii wax soo qabtay bey ku dhaheen
halkaas istaag waxaan ka showreynayaa wixii lagaa yeelilahaa.
Odeygii wuxuu yiri, “intaas baan jiraa oo weligay faq la igama
qarsan ee xitaa ka hadla dilkeyga laakiin wax ha iga qarsanina.”
Odeygii intii faqii laga qeybgeliyey baa la iska sii daayey. Ka
warran shacabkeennii oo dhan baa inta talada laga qariyo waxaa la la
aadayaa Addis Ababa! Marka, ma u maleyneysaan in hogaamiyayaal
ceynkaas ahi ay dadkooda meel kheyr leh ku furayaan?
- Cadde Muuse markii maxkamaduhu soo fariisteen Bandiiradley
waxaad Gaalkacyo soo galisay Tigree marka haddii Xaabsade soo watay
ciidan Somaliland ah maxaa la yaab ah? Mise innagu waxaynnu sameynno
oo kasta waa fiican yihiin? Waxaan ka rabaa in qof kasta oo Puntland
ka soo jeeda uu arrinta si fiican u fiirsado. Xabashi beynu Xamar
iyo Gaalkacyo keennay; Xaabsadana waxaynnu ku dacaayadeyneynaa
ciidamo Somaliland ah buu soo watay! Kee na xiga Somaliland iyo
Xabashi? Soow kuma fiicna “intii Baaniyaal cunilahaa Cali ha
beeseysto?” Haddeynaan ka damqeyn Xabashida Xamar iyo Baarlamaankii
Baydhabo joogta maxay tahay waxa aan uga damqeyno Xaabsade iyo
Somaliland oo Laascaanood heysta?
- Qofku dambiilaha ah waxaa lagu yaqaan kalmad buu iskaga dhegaa.
Culumadu waxay dhahaan markuu nabi Yacquub (CS) wiilashiisha ku
lahaa waxaan ka baqayaa in Yuusuf (CS) ay uubato/yeey cunto ayaa
wiilashii dambiilayaasha ahaa inta shirqool sameeyeen bey kalmadii
jeebka kala soo baxeen iyagoo aabbahood ku leh wiilkii waxaa cunay
uubato/yeey! Marka C/hi iyo Cadde markii inta wax khaldaan ay
dhaqaalaha waddanka lumiyaanba waxay jeebka kala soo baxeen
sheekadii uu Bush sameeyey ee ahayd argagixiso baan la dagaaleynaa!
- Arrinta Puntland waxay u muuqataa halkii ay mareysay muddo hore
oo kale mar inta qolo degeneyd Puntland inta tiro dad ah, xoolo, iyo
barwaaqo isla heshay ay istuseen ineysanba binu Aadam ahayn ilaa
gabar ka dhalatay ay ku dhaanteysay:
- aabboow ina hebeloow
- aadane ka weynaanney
- ee ilaah-yare ma noqonnaa!
Dabadeedna Ilaah baa usoo diray addoomahiis qaar ka mid ah dabadeedna
ciidankii daraawiishta ee Sayidka baa cagta mariyey. Marka hadda inta
canshuurtii dekedda Boosaaso iyo caarad-dhuub uu Meles Zenawi Soomaalida
u qeybiyo si ay isagu laayaan, isla helnay, baan u heysannaa inaan
Soomaali oo dhan afduubi karno oon saan rabno ka yeeli karno.
Waxaan maqaalka ku soo gabagabeynayaa, belaayo noogama horeyn magaca
Puntland iyo madaxdii timid. Waxaan xoogga saarnay inaan diintii iyo
dadkeedii la dagaalno. Waxaan sumeynay badihii innagoo raadineynay lacag
aan Soomaaliya madaxweyne uga noqonno. Dadkii dad noo xigey ayaa
Xabashidu Shilaabo, Godey iyo Soomaali Galbeed ku leyneysaa innagood
mooddo inaan ku faraxsannahay. Wakaas Sade nalooka dhigay cadow. Wakaas
aan Habar Gidir baabi’iney oon leennahay waxaan ka aarsaneynaa dhibkii
ay Soomaali u geysteen. Wataas aan hadda reer Waqooyigii leennahay waa
“Soomaali-diid!” Yaa Soomaali nala noqon kara dadkeenna Xamar Xabashi
soo galiyey? Yaa wax ku falaya magaca Soomaali ee uraya?! Khilaafka
Geeddi iyo C/hi baa keenikara in Abgaalkuna colaad u qaadaan reer
Puntland. Sidaan horay u iri colaad u dhaxeysa labo dagaalooge ayaa
keeni karta in labo qabiil colloobaan marka aan ka fiirsanno cidda na
metesha. Hadda waxaa suurtogal in inta C/hi iyo Aadan-madoobe is qabtaan
la arko Raxanweyn iyo reer Puntland dagaal iskugu soo dhiganaya! Marka
waxaad mooddaa inaan diintiinna la dagaalnay aanna rabno inaan iska
horkeenno dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan u maleynayaa in waxa na
horbooda iyo kuwa odayo sheegta ay aaminsanyihiin wixii tolku isku
maaweelin jiray ee ahayd, “inta madaxa madoow iyo Majeerteen baa is
le’eg,” Haddii nimankaas waalani aysan waxaas aamminsaneyn maxay mar
walba wiilashooda meel dagaal macno-darro ah ka socdo u geeyaan sida
Kismaayo, Xamar iyo Bakaaraha, Baydhabo? Maalin dhoweyd Xaabsade iyo
reer Sool Laascaanood ku jira baa mid badda Boosaaso jiraafta wuxuu
iskala orday wiilal yar yar oo ehelkiis ah oo uu dagaal ku bilaabay
ciidanka Somaliland. Taasi waxay tusineysaa in wiilashaas laga
dhaadhiciyey ineysan jirin cid iska kiin celin karta ama aan cidna ka
naxeyn. Marka wiilal badanna waa laga laayey qaarna waxaa loo qabsaday
maxaabiis ahaan. Isla haddeer wiilashii oo kale baa baadiyaha laga soo
aruurinayaa oo la leeyahay kaalaya iska cesha Somaliland! Horta miyeysan
u jeedin Xaabsade iyo wiilasha reer Sool ee la socda Somaliland? Marka
arrinta noocaas ah waxay u baahantahay caqli iyo tartiib.
Marka arrinta Laascaanood kuma fiicna sida hadda labada maamul
sameynayaan. Marka dadweynaha reer Puntland waxaan kula talinlahaa iney
maqlaan dadka waxgarad ka ah. Intaas oo jeer baan u soo jeediyey iney
iska bedelaan nimankaas fadhiidka ah. Waxaa degaanka jooga intaas oo qof
oo Ilaahay ku manneystay hoggaan-wanaag. Waxaan ku talinlahaa inaad iska
tuurtaan wax-iskuma-falayaasha Soomaali oo dhan cadowga nooga dhigay
halka Zenawi iyo gaalada kale yihiin ehelkeen.
F.G. Qoraalkan micnihiisu maaha in madaxda aan sheegayo ay ka
xunyihiin kuwa qabiillada kale. Qof kasta wuu ogyahay dagaaloogayaal waa
walaalo qabiil kasta ooy ka soo jeedaan. Maddaama ay Soomaalidu mareyso
xaalad xun oo qofna uusan wax ka maqleyn qof qabiil kale ah ayaa waxaa
fiican inaan la hadalno gobolladaan ka soo jeedno. Qabiilkii dadkooda
meel fiican u horseeda waxay la mid yihiin iyagoo qeyb ka mid ah dadka
Soomaaliyeed meel fiican u hogaamiyey.