SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

Baarlamaanka Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi....

Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:

Waxaa beryahan cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya DFKMG ee Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi, khilaafkaas oo siyaabo kala duwan lagu macneeyey ayaa waxaa wararku tibaaxeen in arrimaha ugu waaweyn ee sababay ay ka mid yihiin:

  1. Geeddi oo la sheegay in uu meel ku dheegi waayey lacag gaareysa $35 million oo doolar oo Sucuudigu ugu soo dhiibey Soomaalida
  2. Xukuumadda Geeddi oo ku guul daraysatay in ay laba sano iyo bar dalka ku gaarsiiso nidaamka Federaalka sida ku cad axdiga Soomaalida loogu soo qoray Nairobi..
  3. xukuumadda Geeddii oo ku guul daraysatay soo dhisida dastuur qaran
  4. iyo  arrimo kale....

Dadka saadaaliyada siyaasaadda Geeska Afrika ayaa muujiyey in aysan suurtagal ahayn in ay wada shaqayn karaan Yuusuf iyo Geeddi, waayo waxaa suuqa u gashay in Geeddi malaayiin lacag ah dibadaha dhigtay halka Yuusuf uu madaxweyne in uu ahaado uun rabo oo uusan qaadan wax lacag ah musuqmaasuq ah.

Waxaa dadkaas siyaasadda odorosa ay muujiyeen in Meles Zenawi u fekerey qaab ay Geeddi iyo Yuusuf ku wadashaqayn karaan in ay tahay in Sucuudigu uu u yeero Yuusuf iyo Geeddi, una sheego in markii hore Geeddi loo dhiibey $35 million (oo ah lacagta la sheegay meel ay martay in la waayey) in markaan aan lacagtaas lagula xisaab tamin Cali Geeddi, balse Yuusuf loo dhiibo $37 million.

Haddaba haddii Yuusuf aqbalo arrintaas, waxaa taariikhdiisa ka bixi doonta ah "Odaygu musuq maasuq lacageed shaqo kuma leh". Waxa kale oo uu markaas si dadban u aqbal in Zenawi qorshaynayo in uu Yuusuf meesha ka saaro oo Geeddi laga dhigo madaxweyne.

Taasi waa tii Yusuf iyo Geeddi. Balse haddii arrinta sidaas lagu xalliyo maxaa la gudboon baarlamaanka Baydhabo?

In badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in aysan jirin baarlamaan xor ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, oo ay toos uga amar qaataan Zenawi, loo sheego marka baarlamaanka la xirayo, marka laga doodayo qodob iwm.

Waxay dadka sidaas aaminsani tusaale cad ka dhiganayaan maalmaha ugu dambeeyey inta jeer ee kulamadooda dib loo dhigay iyo sida aysan wax cod ah u lahayn. Mar kasta o ay damcaan in ay doodaan in Geeddi loga yeero Addis Ababa, oo ay sugaan fariimaha Zenawi.

Haddaba, Su'aashu waxay tahay haddii Geeddi iyo Yusuf lagu heshiisiiyo $72 million oo shacabka Soomaaliyeed aysan waxba ka arkin, markaas baarlamaanka Baydhabo shacabka Soomaaliyeed ma u muujin doonaan in ay xor yihiin oo gebi ahaanba ma is casili doonaan, inta ay xuluumada casilaan, si uu u burburo qorshaha Zenawi... Taas oo sharaf u noqon doonta xubnaha baarlamaanka ee sidaaq qaata.. waa haddii ay run ka sheegayaan dimoqraadiyadda ay sheeganayaan...

La arki doona waxay sameeyaan xildhibaanada ku sugan Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com