SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Abu Ciisow,Allaha xaqa ku tuso.

Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com

Qof kasta sida uu yahay lagama beddeli karo,qofka Allah ku xiran mooyaane oo isagu markii xaqa loo sheego durba qaata,dadka uu ka qaatana u duceeya,qofna lama hanuunin karo qofkii Allah hanuuniyo mooyaane,waa tii uu Rabbi rasuulkiisa sallallaahu calayhi wasallama ku yiri: Adigu (nebiyow) ma hanuunisid qofkii aad jeceshahay,laakiinse Rabbi baa hanuuniya qofkii uu doono,isagaana garanaya kuwa hanuunsan (suuradda Al-Qasas,aayad lambar 56), sidaas daradeed bay ulajeeddadaydu u ahayn in aan hanuuniyo Abuu Ciise waayo maba hanuunin karo qofna,balse waxay iga ahayd xaqa sheeg wixii aad garatayna soo bandhig,si maalinta qiyaame lay oran:maxaad walaalkaa oo khaldanaa uga bakhiishay ama uga xasadday in aad xaqa u sheegtid ama aad u soo bandhigi weyday wixii aad garanaysay,rasuulkeenana sallallaahu calayhi wasallama waa tii uu yiri ballighuu cannii walow aayah (xadiiska waxaa soo weriyay Bukhari),macnaha xataa hal aayad iga gaarsiiya,laakiin haddana arrinka dadka loo sheegayo ama la gaarsiinayo oo xaqa ah waa in ay salka ku haysa kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama.

Abuu Ciisow kulama jecli in aad qaadato sifo kasta oo xun kulamana jecli in aad istus wax ku qorto oo aadan kala jeclayn wixii denbi ah oo ka imaan kara hadalkiisa,mana ahan in dadka dhowrsan oo hadalka Allah soo bandhigayo ama hadalka rasuulka sallallaahu calayhi wasallama soo gudbinayo in lagu sifeeyo ama lala barbar dhigo dad gaallo ah oo Allah ku kufriyay oo inkiray jiritaanka Allah ama ku jeesjeesaba hadalka Allah,haddii aan xaqa la iftiimina oo la iska aamuso waxaa dhici karta in qofka khaldan wixiisa ay la wanaagsanaadaan runa u maleeyo waxa uu dadka ku dhaleecaynayo, markaana uu suntiisa ku faafiyo dadka caamada ah oo aan iyagu u kala soocneyn wixii xaq ah iyo baaddil ah.

Imaam Adahabi wuxuu kitaabkiisa caanka ah ee Al-Kabaa’ir uu cayda dadka dhowrasan ka mid dhigay denbiyada waaweyn, marka qof muslimad ah oo waliba xaqa sheegaysa in aad la barbar dhgito qof kaafirad ah oo faasiqad ah oo cadowga Allah ah oo cadowga diinta ah oo cadowga rasuulka sallallaahu calayhi wasallama waa nasiib xumo iyo jahli,Rabbi wuxuu yiri:kuwa ku tuura haweenka dhowrsan ee illowsan xumaanta ee mu’minaatka ah,macnaha kuwa haweenka muslimaatka ah caaya waxaa lagu lacnaday adduun iyo aakhiro,waxayna mudan yihiin cadaab weyn (suuradda Annuur, aayad lambar 23).

Labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan in rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:addoonku wuxuu ku hadla hadal aanu u caddayn oo uusan  ka fekerayn xumaantiisa iyo waxa ka soo gaarayo,hadalkaa daraaddiisana oo uu ugu dhowaan karo naarta,Rabbi wuxuu yiri:qowl kasta oo lagu dhawaaqayo wuxuu leeyahay Raqiib oo xafida acmaasha,iyo Catiid oo xaadirka ah oo arrimaha diyaariya (suuradda Qaaf,aayad lambar 18)

Qofka caaqilka ahi wuu og yahay waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu qorayo,wuuna og yahay in qofkaasi laga xisaabinayo maalinta qiyaame,waana la-hor keenaya wixii uu ku hadlay ama uu qoray,si uu u arko haddii ay xumaan tahay iyo haddii ay wanaag tahayba,si uu u arko khayrkiisa ama sharkiisa,Rabbi wuxuu yiri:qof kasta waxaanu laasiminay luquntiisa camalkiisa,waxaana u soo bixinaa maalinta qiyaame kitaab uu la kulmi isagoo fidsan,laguna dhihi akhri kitaabkaaga,macnaha wixii aad qortay ama aad ku hadashay,isagaa kuugu filan maanta korkaaga xisaabe (suuradda Al-Isra’,aayado lambar 13 iyo14).

Abuu Ciisow,ma waxaa isku kaaga mid ah qof gaal ah iyo qof muslimad ah,qof jaahil ah iyo qof wax garanayo,Rabbi wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (nebiyow) ma isku mid baa kuwa wax garanayo iyo kuwa aan waxba garanayn (suuradda Azzumu,aayad lambar 9),Rabbi wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (nebiyow),ma isku mid baa qof wax arkayo oo indho leh iyo qof aan waxba arkaynin oo indhoole ah (suuradda Al-Ancaam,aayad lambar 50),Rabbi wuxuu yiri: waxaad dhahdaa (nebiyow), isku mid ma’ahan wax xun iyo wax fiican (suuradda Al-Maa’ida, aayad lambar 100).

Maqaalkaygii hore waxaan ku caddeeyay in Abuu Ciise uu ka xun yahay haweenay baa xaqa sheegtay oo hadalka Allah fasirtay oo xadiiska rasuulka sallalllaahu calayhi wasallama soo bandhigtay,Abuu Ciisena intuu is celin waayay buu maqaalkiisa ugu danbeeyay shaaca uga qaaday hadal lagu inkirayo haweenka,xaqii aan sheegaayayna wuxuu ku tilmaamay oo uu yiri:indho adayg intaas la eg waligay maanan arag oo haddana qof dumar ah la timid, Subxaanallaah ma sidaas buu ahaa xaalkaagu,ma illowsan tahay haweenka saalixaatka ah in ay soo saareen niman wanaagsan oo hadalka Allah  iyo hadalka rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama ku duulayo,manhajkooduna uu yahay kitaabka iyo sunnaha rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama,kuwa shaydaanka wehel ka dhigtana ay soo saaraan niman mooryaan ah oo diintoodu qabiil yahay sheekhooduna kaabo qabiil yahay.

Abuu Ciisow marjacayga kowaad iyo meelaha ugu horreeya ee aan wax ka soo xigto waa kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama,kuma duulo marjacna kama dhigto sheekh hebel iyo daaci hebel,qof kastana warkiisa waa lagu celinaya sida uu sheegay Imaam Maalik Allah u naxariiste,qofka qabrigan ku jiro mooyaane isagoo ulajeeday rasuulka sallallahu calayhi wasallama.

Abu Ciisow haddii ay naag wax kuu sheegto ma’ahan in  aad gadoodid oo aad ciishootid oo aad carootid oo aad furka tuurtid oo aad jahawareertid,Caa’isha Allaha ka raalli noqdee oo ahayd xaaskii nebiga sallallaahu calayhi wasallama waxaa mas’alo ugu imaan jireen rag asxaabta ka mid ah,mana oran jirin naag warkeeda naga daa,waxayna asxaabta ka soo weriyeen Caa’isha axaadiis fara badan oo ka sugnaaday nebiga sallallaahu calayhi wasallama.   Caai’sha  Allaha ka araalli noqdee iyo ghayrkeeda ayaana tusaale ii ah.

Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com

:::Umubakar waxay fakarka kalamid tahay Condoleessa Rice | Abucisa
:::Jawaab: Umubakar oo ka hadashay magta dumarka | Abuuxaazim

::Umubakar: Jawaab Ku Socota Abuu Ciise

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com