SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOGOLDHIGGA GANACSIGA  
(DURUUS TAXANE AH)

CUTUBKA 4AAD

GANACSI IS-KAASHATO 
 
DULUCDA CUTUBKA

nayruus

Marka aad akhriso cutubkaan waxaad fahmi doontaa mawduucyadaan soo-socda: 
 

  • Ganacsiga Is-kaashato, faa’iidadiisa iyo faa’iido-darradiisa.
  • Heshiiska is-kaashatada ganacsi dhex mara.
  • Xuquuqda iyo waajibaadka Is-kaashatada ganacsi.
  • Faraqa u dhexeeya bur-burka heshiiska Is-kaashatada ganacsi iyo bur-burka ganacsigooda.

    GANACSI IS-KAASHATO

Ganacsi Is-kaashato waa ganacsi ay ku dan-wadaagaan labo ama in ka badan oo dad ah, oo gala heshiis qoraal ah ama mid hadal ah, ujeeddadooduna tahay in ay ganacsadaan si ay u helaan faa’iido. Ganacsiga Is-kaashato wuxuu ugu yaraan ka bilaamaa labo (2) qof, ugu badnaana waxay ku xiran tahay hadba dal kasta qaanuunka uga daggan tirada ugu sarreysa ee Is-kaashatada.

      Tusaale, waddanka Pakistan, Is-kaashatadu kama badnaan karto taban (10) qof, haddii ay ku dan-wadaagaan ganacsi Bangi, haddii-se Is-kaashatadu ku dan-wadaagto ganacsi aan Bangi ahayn tiradoodu kama badnaan karto labaatan (20) qof. Waddanka Soomaaliya, ganacsi ahaan way ka jirtaa Is-kaashatooyin fara badan oo dan-wadaag ku ah ganacsiyo kala duwan, laakiin qaanuun ahaan ma jiro imminka xeer qeexaya tirada ugu badan ee Is-kaashato oo ganacsi ku dan-wadaagi karta.

      Ganacsiga Is-kaashato waa midka labaad ee qaab-urureedyada ganacsi. Wuxuu ka ballaaran yahay, ka hanti badan yahay, kana shaqaale badan yahay ganacsiga halka qof (Sole Proprietorship) leeyahay. Wuxuu dhanka kale ka yar yahay; ballac ahaan, hanti ahaan iyo shaqaale ahaanba shirkadda Saamileeyda (Joint Stock Company). Kolka ganacsiga Is-kaashato waa meel dhaxaad kaasoo ka weyn dhan walbaba ganacsiga halka qof leeyahay kana yar dhan walbaba ganacsiga shirkadda Saamileey.

ARRIMAHA ASAASIGA U AH GANACSI IS-KAASHATO

    1. Ugu yaraan waa in ay ganacsiga ku dan-wadaagaan laba qof.
    2. Waa in ay Is-kaashatadu gashaa heshiis Af ah ama mid Qoraal ah.
    3. Waa in uu yahay ganacsi waxa lagu shuraakoobay.
    4. Waa in uu ganacsigu yahay mid faa’diido in laga helo loo abuurey.

    Kh)Waa in ay jirtaa is aamin ka dhexeeya Is-kaashatada si uu mid walba mid kale wakiil uga noqdo oo, mid walba hawlaha ganacsiga wadi karo isagoo wakiil ka ah kuwa kale.

FAA’IIDOOYINKA GANACSIGA IS-KAASHATO 

Ganacsiga Is-kaashatadu wuxuu leeyahay faa’iidooyinkaan soo-socda:

Si fudud ayaa loo asaasi karaa

Ganacsiga Is-kaashato, sida kan halka qof leeyahay oo kale, si fudud ayaa loo asaasi karaa. Ma jirto shuruuc iyo qawaaniin adag oo ka baxsan Is-kaashatada oo ku lug leh asaaska ganacsigooda. Kaliya wuxuu ku xiran yahay iyagoo isu-yimaada, heshiis gala, deetana ganacsiga bilaaba.

Waxaa lagu bilaabaa raasummaal badan 

Raasummaalka ay Is-kaashatadu ku bilaabaan ganacsigooda aad ayuu uga badan yahay kan lagu bilaabo ganacsiga uu halka qof leeyahay. Raasummaalku wuxuu bataa mar kasta oo ay badato Is-kaashatadu, dhanka kale, raasummaalka ganacsiga hal qofi leeyahay wuxuu ku kooban yahay hal qof.

Talo iyo xifad isku xiran

Soomaalidu waxay tiraahdaa; “Is-kaashato ma kufto”. Waxay kaloo tiraahdaa “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”. Waa run, sababta oo ah, qof walba oo Is-kaashatada ka mid ah wuxuu leeyahay; xirfad, waayo-aragnimo, awood iyo aqoon u gaara. Wuxuuna qof walba oo ka mid ah Is-kaashatada maankiisa ku biiriyaa horumarinta ganacsigaas, taasoo suurta galin karta in uu ganacsigaas gaaro liibaan waarta. Faa’iidadaas way ka maqantahay ganacsiga halka qof leeyahay.

Wuxuu soo jiitaa deyn-bixiye-yaasha

Ganacsiga Is-kaashatadu wuxuu aad u soo jiitaa haayadaha deynta bixiya, sababta oo ah, haayadaha deynta bixiya haddii lacagta ay ku leeyihiin Is-kaashatada ka badato hantida ganacsiga ugu jirta, waxay deyn-tooda ka magtaan hantida gaark ah uu u leeyahay mid waliba oo Is-kaashatada ka mid ah. Sidaas darteed haayadaha deynta bixiya wal-wal kama qabaan helitaanka deyn-tooda.

Ku biirinta shaqalaha xirfadda leh Is-kaashatada 

Haddii mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya shirkadda Is-kaashatada loo arko in uu yahay shaqaale aqoon, xirfad iyo hawl-karnimo badan oo socod-siinta shirkadda kaalin libaax ka qaata, waxaa loo dallacsiiyaa in uu ka mid noqdo Is-kaashatada, isagoon wax raasummaal ah ku darsan, si uusan meel kale u aadin.

Si fudud ayaa lagu baabi’in karaa

Ganasiga Is-kaashatada waxaa sahala in la bur-buriyo ama la joojiyo, sababta oo ah, uma baahna joojintiisu shuruuc iyo qawaaniin adag. Kaliya waxay ku xiran tahay joojintiisu Is-kaashatada oo ku heshiisa in ay joojiyaan, laakiin shirkadda saamileeyda in la joojiyo ama la baabi’iyo aad ayey u adag tahay, waxaana ku baxa joojinteeda waqti iyo lacag.  

CUDUR-DAAR 

Waxaan Akhriste-yaasha sharafta leh uga cudur-daaranayaa dib-u-dhaca ku yimid casharradii Barashada Ganacsiga ee aad sida tooska ah halkaan ugala socon jirteen, anigoo rajaynaya, in hadda wixii ka dambeeya aan idinkugu soo gudbin doono si talan-taalli ah asbuuc walba, haddii Alle Qadaro.   

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE 

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Qaybo kale oo ka mid ah Cutubkaan oo shaarraxaya; faa’iido-darrada Is-kaashatada ganacsi, Heshiiska is-kaashatada ganacsi dhex mara iyo Xuquuqda Is-kaashatada ganacs.. 
 

Qoraha: S. Nayruus
Goobta: Karachi, Pakistan
E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com 
Mobile-ka: +92-345-8118910. 

ILAHA XOG-URURINTA 

  1. A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer
  2. Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
  3. Business Research Methods     By: Emory.
  4. An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell
  5. Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.
  6. Business Law       By: Ronald A. Anderson.
  7. Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.
  8. Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid. 
    Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.
  9. The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.

http://www.somalitalk.com/maanso/49.html

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2007

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Booraama

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay... Akhri..


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com