SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's

Cali Maxamed Geeddi oo Is-casiley

Ra'iisulwasaarihii DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo maanta (Oct 29, 2007) dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa xilkii iska casiley... Geeddi waxa uu ka soo laabtay Itoobiya halkaas oo laba maamlmood gudihiis uu kula kulay Mels Zenawi.

Maanta waxaan halkan ka cadaynayaa in aan is casiley, kana baxayo dawladda, ayuu Geeddi u sheegay xubnaha baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo.

Geeddi markii uu ku soo laabtay Baydhabo waxa uu xarunta madaxtooyadaha KMG u ah DFKM ugu tegey madaxweynaha DFKMG iyo guddoomiyaaha baarlamaanka, halkaas oo uu ugu dhiibey waraaqaha is casilaadda. Kaddibna waxa uu la hadlay baarlamaanka oo uu si rasmi ahna ugu sheegay in uu is casiley.

Geeddi waxa uu baarlamaanka DFKMG ka hor yiri: "Maanta (Oct 29, 2007) waxaan rabaa dhaqan cusub in aan u bilaabo baarlamaanka anigoo ka degaya xilka ra'iisul wasaaranimada DFKMG, taas oo ka mid ah dib u heshiisiinta iyo geedi socodka nabada Soomaaliyed"

Geeddi waxaa hadaladiisii ka mid ahaa hadal lamacne ahaa "meelna uma socdo", laakiin ay shalay faafisay Al-sharqul awsad ayaa sheegay in Geeddi raadinayo dal siiya magan gelyo siyaasadeed... Warkaas hoos ka akhri...

Warkii shalay waakan::: Oct 28, 2007

Lataliyaha Madaxwaynaha DFKG ee Soomaaliya: "Cali Maxamed Gaadi waxuu soo gaarsiiyay madaxwaynaha inuu xilka iska casilayo..."

Wargaysa afka dheer ee al sharqalawsat ee kasoo baxa dalka uk , kuna soo baxa luqada afka arabiga ah ayaa waxaa uu waraysi la yeeshay  Lataliyaha madaxwaynaha DFKMG somalia cabdulrizaq aadan ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu sheegay wariyaha jornalka, khalid maxamud oo ku sugan magalada qahira ee dalka masar , " ra'isulwasaraha somalia cali maxamed geedi waxaa uu khadka talafoonka ah kula soo xiriiray madaxwaynaha somalia cabdulahi yuusuf waxaa uuna usheegay inuu istaqaaladiisa usoo gudbin doona marka uu soo gaaro baydhabo malinka bari ah".

Joornalku waxaa uu sheegay isaga oo hadalka kasoo qaadaya lataliyaha madaxwaynaha cabdulrizaq aadan , in geedi uu maalinka biri ah oo la filayo inuu soo gaaro Baydhabo isla markaana uu kulan la qaato madaxwaynaha DFKMG somalia , waxaana uu sheegay aadan, in hadii kulankaasi dhoco geedi uu madaxwaynaha si rasmi ah ugu dhiibi doono qoraalka uu ku cadaynayo inuu jagadiisa iska casilay , markaas oo la filayo inuu madaxwaynuhu aqbalo is casilaada geedi.

Joornalka al sharqalawsat oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay , in ay tahay markii ugu horaysay oo uu sarkaal sare oo dowlada (FKMG) ka tirsani si rasmi ah ugu dhawaaqo in Geedi jagada iska casili doono , iyadoo inta badan xukuumada iyo barlamaanku waa sida uu joornalku udhigaye,  ay kasoo horjeedaan sii socoshada dowladiisa , tasoo xilkeeda uu qabtay bishii oct sanadkii 2004.

Waxaa uu joornalka alsharqalawsat faaladiisa ku tilaamay hadii ay dhacdo istiqaalada geedi , inay soo afjarayso daahsoonan afaysay dhamaan dhinacyada somaliyeed taasoo ku aadan mustaqbalka geedi , oo ku sugan dalka ethopia halkaas oo kulano iridadu u xiran yihiin kula galay ra'isul wasaraha dalka ethopia maliz sanawi iyo wasiirkiisa arimaha dibada musfin, kuwaas oo Geedi kulan la yeeshay 2 jeer hal asbuuc gudahood.

Hadii Geedi xilka katanaasulo, waxuu ka hordhacayaa kulan ay barlamaanku yeelan lahaayeen oo ay kaga xayuubin lahaayeen xilka ra'isul wasara nimada oo uu hayo , ayuu yiri joornalku , isagoo intaas kusii daray war uu ka helay dad somaliyeed oo arintaan ku hawlan oo sheegay "Geedi ma rabo in xil ka qaadistiisu umuuqato jab siyaasadeed , hadii uu ku guul daraysto sida la filayo inuu helo 139 xubnood oo aqbasha inuu ahaado ra'isul wasare halka uu barlamnku ka kooban yahay 275 xildhibaan .

Geedi oo magan galyo siyaasadeed raadinaya.

geeddi

Joornalka sharqalawsat waxaa uu sheegay inuu helay macluumaad cadeeyay in Geedi uu kulan la yeeshay sarkaalo kusugan safarada maraykanka ee ethopia iyo safiirada dalalka yurub qaarkood si uu ugu helo isaga iyo 12 kamida familkiisa iyo kalkaaliyaashiisa gaarka magan galyo siyaasadeed .

وتلقت «الشرق الأوسط» معلومات عن إجراء جيدي مفاوضات مع مسؤولين فى السفارة الأميركية وبعض سفراء دول الاتحاد الأوروبي فى إثيوبيا للحصول على لجوء سياسي له ولنحو 12 من عائلته ومساعديه المقربين منه.

Dhinaca kale waxaa wasiiro dowlada ka tirsan iyo xubno barlamnka ku jira ay sharqlalawsat u cadeeyeen in madaxwaynaha dowlada kumeel gaarka ahi , iminka ku hawlan yahay kulamo uu la leeyahay beelaha somaliyeed si loogu heshiiyo ninka loo magacaabayo jagadaas oo badali doono cali maxamed gaadi , wargayska sharqlawsat oo tilmaamay in rag badani u hanqal taagayaan jagadaan ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada gacma dheeri uu ka mid yahay dadka rajada wanaagsan qaba .

QORAALKA OO CARABI AH.... AKHRI

tarjumid. | somalinews center | cairo egypt. | afmedd@gamail.com


Adis Ababa: Geeddi oo Mar labaad la kulmay Zenawi

Wararka ka imanaya Addis Ababa ayaa sheegaya in Cali maxamed Geeddi uu mar labaad magaalada Addis Ababa kula kulmay Zenawi laba maalmood gudahood.

Ilaa hadda shaaca lagama qaadin waxyaabihii uu Zenawi kala hadlay Geeddi.

Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007



XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com