SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma...
Waa kuma Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Maxaase ka Taqaan Taarikhiisa

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2007


Waa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan Qormadaan waxaa idiin sahashay SomaliTalk.com

Mahad oo dhan waxaa isla leh EEBE wayne nabad galiyo iyo naxariisa Rasuulka korkiisa ha haato, Akhristayaal waa qayb kale oo ka mid ah qormooyinka WAA KUMA ee aan ku soo qaadano dadka caanka ah ee umada dhexdooda sida wayn ugu caanka ah.

Dad badan ayaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano ka dib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, waa ninka ugu hadalka iyo soo jiidashada wacnaa bulshada dhexdooda, taas ayaa waxay horseed uga dhigtay in uu helo taageerayaal aad u badan.

Soomaalida inteeda badan waxay ku tilmaamaan nin furfuran xushmeeyana xuquuqda dadka iyo warbaahintaba cadaalad iyo niyad sami ku dheehan tahay siyaasadiisa, reer galbeedka iyo dowladaha kale ee afrikaanka ah marka laga reebo Ethiopia waxay ku tilmaamaan Moderate qof aan sii xag jirsanayn oo dhex dhexaad ah, balse dadka siyaasada islaamka indha indheeyo waxay ku tilmaanan hadalkaa inuu yahay hadal lagu kala fogaynayo oo khilaaf looga dhex abuurayo siyaasiyiinta islaamiga ah ee maxaakimta.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ku tilmaamaan inuu yahay shaqsiga kaliye ee ummada isu keeni kara, ahna nin ay hogaamintiisu daacadnimo ku dheehan tahay.

Qormadaan maanta waxaan ku soo qaadanayaa Waa Kuma Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha golaha shuurada Maxaakiimta islaamiga ah ee Soomaaliyeed, maxaase ka taqaan taariikh nololeedkiisa iyo waliba sida uu ugu soo biiray Maamulka Islaamiga ah ee soomaaliya ka arimin jiray 6 bilood oo 60-dan sano u dhiganta sida ay dadka qaar ku tilmaamaan .

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed Shiikh Shariif Shiikh Axmad waxaa uu ku dhashay magaalada Mahadaay taariikhdu markii ay ahayd, 25kii bishii July ee sanadkii  1964, waxaa uu wax barashada diinta islaamka markii hore ka soo qaaday dhanka suufiyada waxaana uu ka soo jeedaa reer u badan suufiyada sida ay daabacday Webisteka Aljazeera.net sanadkii hore isagoo quraanka kariimka ah dhigtay sanadihii 1970kii.

1988 ayaa waxaa uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka qalin jabiyay Schoolkii Shiikh Suufi ee raacsanaa Al Azhar.

1992 -dii markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa Sheekh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu wax barasho heer jaamacadeed ah ka helay dalka Sudan oo uu soo bartay Kuliyada waxbarashada balse waxaa uu wax barasho u aaday oo kale dalka Liibiya.

1994tii ayaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaaa uu magaaladaTripoli ee xarunta dalka Liibiya ku biiray Jaamacada Maftuuxa isagoo ka soo bartay kuliyada Shareecada iyo waxaa la sheegaa in shiikhu ku takhasusay maadooyinka Afka carabiga iyo waliba Juquraafiga waxaana uu ku hadlaa afafka Carabiga iyo Engliska marka la tago Afka hooyo ee Soomaaliga.

1998 ayaa waxaa la sheegaa in uu dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay  Sheekhu waxaana uu daganaa xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ka dib ayaa waxaa uu u wareegay dhanka gobolka Shabeelada Hoose 2002 isagoo madax ka noqday maxkamad islaami ah oo ku taalay magaalada Jowhar oo uu gacanta ku hayay Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere gudoomiyaha gobolka banaadir ee iminka, waxaa la sheegaa in Shiikh Shariif Maxkamadii uu ka talin jiray ay faldanbiyeed ku soo oogtay Maxmed Dheere oo ahaa xiligaasi ninka ugu awooda badnaa waxaana uu ku amray in shiikhu magaalada isaga baxo maadaama uu danbi ku xukumay oo ka galay qof rayid ah.

Waxaa uu yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya oo ay hareeyeen falal amni daro ah waxaa uu go'aasaday in dhalinyarada soo bar baaraysa ee ku nool xaalada xamar ee ka xarimnayd nabada inuu wax baro oo uu macalin uu u noqdo sid ay uga bad baadaan dhibka ay abuurayaan dhib falayaasah  waxaana oo macalin ka noqday dugisga Sare ee Juba ee magaalada Muqdisho oo ku yaalay xaafada Yaaqshiid.

Shiikh Shariif isagoo macalin School ah ayaa waxaa dhacday in wiil yar oo 12 sano oo ka mid ah ardadiisa uu ku dhaco shabakada Mooryaanta dadka madax furashada ka qaatada, arintaasi marka ay dhacday ayaa Shiikhu aad uga xumaaday waxa dhacay, waxaana uu go'aan ku gaaray EEBE isagoo kaashanaya in wiilkaasi laga soo xoreeyo xaaraan ku naaxyaashii afduuka u gaystay waxaa uu ku dhaqaaqay howshaasi geesimimada leh isaga iyo dhawr nin oo kale waxayna nasiib wanaag ku guulaysteen in ay soo daayaan wiilkaasi yar mooryaantii afduubka u haysatana waxay ka kala dhigeen kuwo cagta wax ka daya oo kala firxada, waxaana uu helay Shiikh Shariif Shiikh Axmed kalsoonida umada sama doonka ah,isla markiiba waxaa ay dhiseen maxkamad islaami ah oo la dagaalanta burcada ka dib markii uu taageero wayn ka helay Shacabka iyo waliba ganacsada oo uu u waynaa Xaaji abuur Cumar Cadaan.

Sheikh Shariif Shiikh Axmed iskama noqon masuul xil loo dhiibay balse waxaa uu ahaa nin markiisii horeba soo bartay qaanuunka iyo maamulka taas ayaa waxaa ay u sii sahashay qabashada, waxaana uu noqday 2004 dadka ugu cad cadaa maxaakinta islaamiga ah ee magaalada muqdisho isagoo si deg deg ah uga hor maray dad ku soo jiray maxaakinta isaga .

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Daawo: Waraysi Aljazeera la yeelatay Sheikh Sharif oo lagu tarjumey English... DAAWO

2005  ayaa waxaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed loo magacaabay gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed  oo ay ku jireen ku dhawaad 16 maxkamadood oo ku yaalay dhamaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar ka mid ah.

18kii Febwaury 2006 waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalo u dhexeeyo Maxaakimta islaamiga ah ee Shiikh Shariif Gudoomiyaha ka ahaa iyo hogaaniyaashii dagaalka ee muqidhso

Shiikh Shariif ayaa waxaa uu ahaa nin ku taami jiray in Shareecada Islaamiga ah laga hir galiyo dhamaan dalka soomaaliya taas oo u rumoowday ka dib markii June 6dii  2006 magaalada Muqdisho ka saareen Hogaamiyaal kooxeeyadii lafta dhuunta gashay ku noqday rajo soo celinta soomaaliya mar kasta oo ay arkaan maamul dowladeed ee soomaaliya 16 sano ka dib markii ay bur burtay dowladii dhexe ee   Soomaaliyeed.

24kii June 2006 Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa oo noqday gudoomiyaha golaha fulinta maxaakinta islaamiga ah ee soomaaliyeeed.

Markii Shiikh Shariif Maxaakimta islaamiga ah ee Soomaaliyeed ay gobolada koonfurta soomaaliya 80% gacanta ku dhigeen marka laga reebo Baydhabo oo ay ku sugnayd DFKMG ah ayaa waxaa sii siyaaday taageerada ay shacabku u hayeen isagoo ka helay taageero meelo aan hoos imaan maxaakinta sida Gobolada Puntland iyo Somaliland, iyo waliba xitaa meelo kale .

27kii August 2006 ayaa markii ugu horaysay Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka dhoofay Muqdisho ee caasimada soomaaliya isagoo gaaray magaalada Khartuum ee dalka Sudan isago halkaasi kula kulmay madaxda Sudan bale 28kii Isla bishaasi ayaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

29 October 2006   Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa gaaray Buur habaka oo ay xiligaasi isku hor fadhiyen maxaakinta islaamiga ah iyo waliba ciidamada DFKMG ah oo garabsanayo kuwa Ethiopia

16 Decmeber 2006 magaalada sacna ayaa waxaa heshiis aan caano caano badan lahayn kala saxiixday Maxaakinta oo uu horkacyay Shiikh Shariif,iyo Dhanka dowlada oo uu ka horkacyay Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Maalmo yar ka dib ayaa waxaa bilowday dagaalkii u dhexeeyay maxaakinta islaamiga ah iyo Ciidamada Ethiopia oo garab siinayo dowlalda KMG .

28 December 2006 magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka baxay Shiikh Sharif iyo dhaman maxaakinta islaamiga ah subaxaasi ay ka baxayeen muqdisho ayaa isaguu u waramayay Tv-ga Aljazeera waxaa uu yiri Shiikh Shariif '' dhamaan ciidameedna waan ka saarnay muqdisho waxaana badalay taatikadii dagaalka ee aan awal ku jiray'' waxaana uu gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. balse dhawr maalmood ka dib way isaga baxeen kismaayo ka dib markii uu Shiikh Shariif salaadii ciida dadka ku tujiyay kismaayo.

22 January 2007 Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya soo gaaray ka dib markii ay ciidamada Kenya ka soo kaxeeyeen xadka u dhexeeya Soomaaliya ka gadaal markii sida uu shiikhu sheegay in Yemen ay ka shaqaysay inoo halkaasi yimaado,markii oo Nairobi dhawr asbuuc joogay oo uu la kulmay madax ka tirsan safaarada maraykanka aya waxaa uu u wareegay dhanka Yemen isagoo ka dibna uga sii baqoolay Qadar isagoo iminka ku sugan dalka Eritrea.

Dadka ayaa waxay is waydiinayaan Shiikh Shariif goorma ayaa uu soo laaban doonaa, qaar ayaa waxay leeyihiin wax kasta oo la jecel yahay ma raagaan balse wadadii ay dadka bareen ayaa wali jirta sidaa darteed waa macquul inuu dib u soo laabto hadii uu soo laban waayase waxaa uu falay jid cidii marta ay bad baadayso sidii ay Soomaaliya oo 16 sano bur bur iyo kala danbayn la'aan ku jirtay ay ku soo celiyaan, 25kii bishaan May 2007 Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi Mecheil Renbeeger ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku yiri '' maxaakinta islaamiga ah waxay dalka ku soo celiyeen kala danbayn iyo nabad balse waxay la yimaadeen xag jirno taas oo sababtay in lala dagaalo'' caalamka oo dhan ayaa sheegay in ay ku soo celiyaan Soomaaliya Nabad.
 
Waxaan ka raali galin hadii aan wax khadlay anigoo aan kas u samayn .
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2007

 

Tixraac: Wikipedia.org Sreach Aljeera.net,


Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay.
Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.

 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH