SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 26, 2007

  • Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga iyo xarigii guddoomiyaha sare ee maxkamada iyo xil ka qaadistii xeer ilaaliyaha qaranka.

  • Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood oo kulan la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

  • Kulan dhex maray C/llaahi Yuusuf  iyo Cali Max’ed Geedi

  • Dowladda Federaalka oo hub ka dhigis isku sameyneysa

  • Dad ku dhintay Gaari tacshiirad ay huwiyeen kooxo dabley

  • Ciidamada DFKMG oo amar ku siiyey dadka degan inta u dhexeysa Carafaat iyo Qabuuraha Barakaat in ay halkaasi isaga baxaan

  • Qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho

  • Maalintii saddexaad oo uu xabsiga ku jiro weriye Xuseen Xasan Dhaqane

  • Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho

  • Qoraal u baaqaya maamulka Gobolka Sool ee P/L oo ay soo saareen ururka Suxufiyiinta (SOMJAK)

  • Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.


Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood oo kulan la qaatay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf

  • Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan shidaalka Soomaliya iyo Lacag dhan 35 million oo uu bixiyey Sucuudiga oo la sheegay in aan la soo gaarsiin Madaxweynaha DFKMG

Iyadoo uu waayadan khilaaf u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu khilaafkooda sii xoogeystay markii la soo xiray guddoomiyihii Maxkamadda sare, isla markaana xilkii laga qaaday xeer ilaaliha guud ee qaranka ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in Odoyaal iyo siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood ay wadaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen labada dhinac, waxaana maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada kulan ku yeeshay odoyaashaasi iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa khilaafkaasi. Kulankaan oo saacado qaatay ayaan la ogeyn wixii ka soo baxay.

Dhowr arrimood ayaa la sheegay in uu khilaafkooda saldhig u yahay Madaxweynaha DFKMG iyo Ra’isul Wasaaraha, waxaana khilaafkooda koowaad la sheegay in uu ku saleysan yahay arrimaha shidaalka, maadaama uu horey C/llaahi Yuusuf in uu ahaa madaxweyaha Puntland heshiis ula galay shirkad ka soo jeeda dalka Shiinaha, iyadoo Cali Max’ed Geedi oo doonayo in heshiisyadaasi uu siiyo shirkado kale, sidoo kale khilaafkaanni waxa uu kaloo salka ku hayaa lacago la sheegay in ay bixisay Dowladda Sucuudiga oo la sheegay inay gaareyso 35 Milyan, taas oo lagu waramay in madaxweynaha aan la soo gaarsiin, khilaafku waxaa sidoo kale la sheegay in uu sii xoogeystay markii la soo xiray guddoomiyaha Maxkadda Sare, isla markaana xilka laga qaaday Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana la filayaa in labada dhinac u baqooli doonaan Baydhabo si ay u tagaan Baarlamaanka hortiisa, waxaase la sheegayaa in heshiisiintooda ku hawlantahay Dowladda Itoobiya.

Kulan dhex maray C/llaahi Yuusuf  iyo Cali Max’ed Geedi

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa kulan saacado qaatay wada yeeshay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi sidaan ka soo xiganayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kulankaan oo la iskula soo qaaday arrimo farabadan oo la xiriira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ayaa la sheegay in kulankaasi uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen oo qaatay saacado aad u dheeraa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta madaxtoonyada ayaa waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay si ka fool ka fool ah isku soo hor fariistaan labada mas’uul tan iyo markii uu khilaafku soo kala dhex galay.

Mudooyinkaanba waxaa madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ka dhexeeyay khilaaf dhinacyo badan lahaa, sida arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga iyo xarigii guddoomiyaha sare ee maxkamada iyo xil ka qaadistii xeer ilaaliyaha qaranka.

Dowladda Federaalka oo hub ka dhigis isku sameyneysa

Madaxweynaha DFKMG oo maalmahan kulamo la yeelanayey saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa la isku raacay in hubka gacanta ugu jira dhamaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo saraakiisha in dib loogu soo celiyo Dowladda Federaalka.

“Dowladnimo ma ahan in wasiir uu haysto ilaa iyo dhowr tikniko ah” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in hubka  loogu tagalay in ay gacanta ugu jiro hay’adaha loogu talagalay.

Waxaa maalmahan jiray  khilaaf ku saabsanaa hubka faraha badan ee ay Dowladdu gacanta ku hayso, gaar ahaan mas’uuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada, waxayna warar qaar sheegayaan in hubkaasi uu carqalad ku yahay nabadgelyada dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Hubka Dowladda waa in uu ahaadaa mid lagu og yahay meel gaar ah, marka loo baahdana la soo bixin karo” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah saraakiisha Dowladda mar ay la kulmeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxaa Magaalada Muqdisho hubka yaala lagu qiyaasay ilaa iyo dhowr boqol oo tikniko ah, waxaadna arkeysaa marka aad magaalada dhex marto tikniko is daba yaaceysa.

Dad ku dhintay Gaari tacshiirad ay huwiyeen kooxo dabley

Kooxo hubeysan ayaa gaari xamuul ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaanada Gelinsoor iyo Cadaado ku rasaseeyay iyagoo ugu horeyntiiba ku dilay darawalkii gaariga oo intaa kadib gadoomay oo ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku jajabeen.

Gaarigan ayaa guud ahaan waxaa ku dhintay sadax qofood oo labo ka mid ah shalay lagu aasay deegaanka Cadaado halka mid ka mid ahna loo qaaday Baladweyne, iyadoo dhaawacii gaarigaasina la dhigay isbitaalka Cadaado.

Kooxaha hubeysan ayaa dhac u geystay intii badbaaday iyo hantidii gaariga saarneyd kuwaasoo aaney jirin ciidamo daba galay ama looga dacwoodo inkastoo deegaanadaasina ay joogaan ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia oo dusha kala socda deegaanadaasi, ayaa hadana kooxo hubeysan ay dhac iyo dil u geystaan gaadiidka isticmaala wadada isku xerta Muqdisho iyo gobolada Dhexe.

Ciidamada DFKMG oo amar ku siiyey dadka degan inta u dhexeysa Carafaat iyo Qabuuraha Barakaat in ay halkaasi isaga baxaan

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka digniin siiyeen dadka degan Carafaat ilaa iyo Qabuuraha Barakaat, waxayna u sheegeen in ay si dhaqsi leh uga guuraan halkaasi mudo saacado ah.

Dadweynaha ayaa markiiba bilaabay in ay guryahooda ka cararaan, waxaana la arkayay Magaalada Muqdisho oo gawaaridu is dib dhaafeyso, kuwaas oo siday dad ka soo barakacay goobahaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay dadka ku wargeliyeen in ay ciddii ay ku arkaan goobahaasi ay madaxa ka toogan doonaan, waxayna taasi walwal ku abuurtay dadweynaha deegaanka, waxaa deegaankaasi degan dad kor u dhaafaya boqolaal kun.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay dadku deegaanku sheegeen in digniintaasi ku eg tahay iyaga qora, balse aysan ahayn mid ka timid Madaxda sare ee Dowladda, waxaana guryaha qaarkood arkeysaa dad hor dhooban oo iyagu sheegay in aysan garaneyn meel u qaxaan, waxayna qaarkood ku hanjabeen in ay qaxitaanka ka xigaan geeri.

Digniintaan ayaa waxay timid markii dhawaan xero ku taala Qabuuraha Barakaat lagu soo weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda halkaas oo lagu gaarsiiyey khasaare isugu jira naf iyo maal

Waayadanbaa dadweynaha Magaalada Muqdisho waxay ku jireen barakac aad u xoogan waxayn intooda badan dadka ka qaxay Muqdisho degeen in inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho

Ilaa iyo saddex qarax ayaa laga maqlay qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxa uuna qarixiii koowaad ka dhacay agaagaarkii Dugsigii sare ee 21-ka October, waxanaa lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidmada, mana la garanayo khasaarihii uu keenay qaraxaasi, sidoo kale qarax banbaano ayaa laga maqlay inta u dhexeysa isogysada Aadan Cadde  iyo Hawl-wadaagl, waxaanala sheegay in ciidam ka tirsan Dowladda lagu tuuray bam oo ay ku dhaawacmeen labo askari, sidoo kale agagaarka SOS ayaa isna waxaa qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu gaystay khasaare, hase yeeshee ciidamada Itoobiya ayaa goobtii isku gadaamay oo diiday in dadku halkaasi u soo dhawaadaan.

Waayadan dambe waxay Magaalada Muqdisho marti u noqotay qaraxyada iyo iska hor imaadyada, waxayna khasaare ka soo gaartay dad fara badan oo aan waxba galabsan.

Maalintii saddexaad oo uu xabsiga ku jiro weriye Xuseen Xasan Dhaqane

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne waxay sheegayaan in maalintii saddexaad uu xabsiga ku jiro weriye u shaqaynayey Idaacadda Internet-ka ah oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Dhaqane, waxaana la sheegay in xarigaasi uu ka dambeeyey maamulka gobalka Hiiraan, oo iyagu ku eedeeyey weriyahaasi in uu faafiyey warar ku saabsanaa maamulka gobalkaasi, hase yeeshee maamulka Idaacadaas ayaa sheegay in Xuseen Xasan Dhaqane uu gutay waajibaadkiisii balse lagu haysto caburinta saxaafadeed.

Maamulka Idaacadda ayaa waxay ka codsdeen maamulka Gobalka Hiiraan in ay si dhaqsi leh u sii daayaan weriyahaasi.

Waayadan dambe waxay weriyaashu bartilmaameed u noqdeen maamulada ay hadba ka hoos shaqeeyaan, ha noqdan kuwa maamul gobaleedyad iyo kan Dowladda Federaalka, iyadoo mudo todobaad ka badan ay weli hawada ka maqan tahay Idaacadda ka hawl gasha Muqdisho kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay soo weerareen Idaacadda.

Hay’adda SWACRO oo raashin gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Hay’adda SWACRO (Somali Women and Children Rescue Organization) ayaa deeq raashin gaarsiisay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Wakiilka SWACRO ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow ayaa waxa ay sheegtay in raashinkaasi ay ugu talagashay Hay’addu dadka ku dhibaateysan duleedka Magaalada Muqdisho kana barakacay dagaalada, waxay kaloo sheegtay in raashinkaasi uu ku soo beegmay xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mayow waxay sheegtay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Hay’addu raashin deeq ah gaarsiiso dadka ku barakacay dagaalada.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda SWACRO ay deeq raashin gaarsiisay dad ku jira xero qaxooti oo ku taala degmada Afgooye.

Hay’addaan oo qaabilsan dhinaca Haweenka iyo Carruurta ayaa waxay dhawaan sidoo kale dugsiyo lagu barto Qur’aana Kariimka ka furtay deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho. Hay’addaan oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa mas’uuliyiinteeda waxa ay noo sheegeen in Hay’addaani deeqo kala duwan gaarsiin doonto dhamaan gobalada dalka.

amiin khasaaro
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Qoraal u baaqaya maamulka Gobolka Sool ee P/L oo ay soo saareen ururka Suxufiyiinta (SOMJAK)
 
Ururkan oo saldhigiisu yahay dalka Kenya ayaa waxa uu si qoto dheer ula socdaa dhaqdhaqaaqyada warfidiyeenada iyo waxyeelada iyo dhibaha loo gaysto.
ururka ayaa goordhawayd na soo gaadhsiiyey nuqul kamid ah Baaq-nabadeed ku aadan in Lasiidaayo wariyayaasha lagu xidhxidhay magaalada laascaanood, waayo tixgalinta wariyaha waa muhiim si uu uguto shaqadiisa iyo hawshiisaba.
 
Gudoomiya ku Xigeenka C/rashiid Maxamed Xaashi (Duqa) ee Ururka Somali Journalists Association in Kenya oo deegaankaa si gaar ah u yaqaana ayaa arinka xidhigan ku tilmaamay mid liidaya dhammaanba bahda warfidiyeenka soomaaliyeed, waxaa haboon in hadii uu wariyuhu danbi galo looladhaqmo si haboon islamarkaana wax ka qabanaysa hawshiisa, laakiin hadii xalka u danbeeya laga dhigo kan u horeeya oo wariyaha waaran la'aan xabsiga la jiifiyo taasi waa tilmaam garashada waydaarsan, Tifatiraha Radio laascaanood Faysal Khaliif barre oo aan aad u aqaano waa wariye badanaa jecel in uu muujiyo xaqiiqda iyo sida wax u jiraan mana haboona in wariyaha xaqiiq raadinta lagu xidho.
 
Dhanka Maamulka p/L iyo kan gobolka Sool waxaa lagudboon in ay feejigaan dheeraad ah wakhtigan yeeshaan waayo xili kulul ayuu dalku ku jiraa, maan gaabkuna uu ga faa'iidaysan karo dhanka xun, waana xiliga ay adeegtaan basaasiintu , waxaa kolkaa haboon in dhinackasta loo war hayo iyo dhaqdhaqaaq walba.
waxaa maamulka gobolka la gudboon in ay xoriyadiisa u siidaayaan tifatiraha Radio Laascaanood inta baadhitaanka lagu jiro.
 
Afhayeenka ururka C/Raxmaan Xuseen Furre ayaa isaguna dhankiisa ku tilmaamay xadhigan mid lagu degdegay, waxana uu intaa ku daray wa in la hubsadaa kiiska xadhig hortii wariyahana la xaqdhowraa.
 
Canab Cabdi Axmed oo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dalka kenya u qaabilsan waaxda diiwaangalinta Xadgudubyada ayaa sheegtay in ay diiwaanka wariyayaasha lagu xadgudbay ku dari doonto falkan xadhiga loogu gaystay Faysal khaliif barre hadii aanu maamulka gobolka sool talaabo wanaagsan qaadin wariyayaashna aysan siidayn.
 
dhamaanba xubnaha ururka ee bahwaynta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya waxay ugu baaqayaan maamulka P/L in ay xadhiga ka siidaayaan wariyayaasha ku xidhan jeelka magaalada Laascaanood ee G/sool .
 
Ismaaciil Cabdi Maxamed (shekeeti)
C/rashiid Maxamed Xaashi (Duqa)
Cnab Jaamac Cumar
Liibaan C.salaan Maxamed
C/raxmaan xuseen Furre
Ibraahim Daa'uud C/lle (Gentelman)
Fu'aad Xaaji Cabdi wali
Axmed Ciise Qulaan
C/Qani Makhtal Maxamed
Mahad Maxamed warsame
Canab Cabdi Axmed
Maxamed Cabdi Bootaan
Khadra Caydiid Maal 
 
Qoraalkani waxa uu ka soo baxay
Xafiiska ururka SOMJAk ee kenya 
AHMED HANAD 
EMAIL. hanadyare05@hotmail.com
Tell.0254.722900252,Nairobi Kenya


Barnaamijkii Radio Xoriyo

25 September 2007.  

 
  • Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay. 
  • Waxyeellooyin kala duwan oo dadwaynaha loo gaystay.
  •  Oromo oo ciidammada Itoobiya xidhxidheen.
  •  Waraysi Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee K/Afrika
  • Mudane Maxamed Cabdi Diiriye(Qooqaani).

======================            

 
 
Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Sagaalladu waxay u dheceen sidatan;
 
22/09/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo guamysigu leeyahay oo ku sugnaa Maygaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Isla 22/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu miray Karin-bilcille, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
21/09/07 waxaa Qamuuda lagu weeraray malleeshiyo cadowga u shaqaynaysay oo halkaas ku sugnayd, waxaana laga dilay 3, 2 kalana waa laga dhaawacay.
 
Isla 21/09/07 Maygaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumayisgu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
19/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu miray Caws-macaan, oo Fiiq ka tirsan, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Sidoo kale 19/09/07 Dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Laan-dheer, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada guamysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 19/09/07 waxaa ciidammada gumaysig weerar mir ah loogu gaystay Dundumo-cadka, oo Fiiq ka tirsan, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Sidoo kale 19/09/07 Uubataale, oo Doollo ka tirsan, waxaa lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu leeyihiin, waxaana halkaas lagaga gubay hal baabuur oo Uuraal ah, iyadoo ay ku dhinteen qiyaastii 60 askari oo baabuurkaas saarnaa, isagiina uu bas-beelay.
 
18/09/07 dagaal adag oo ka dhacay Dhabiley, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 16 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 15 askari.
 
Sidoo kale 18/09/07 dagaallo dhawr ah oo ciidammada gumaysiga lagula galay 3 tuulo oo u dhaw Kurtunle, oo Doollo ka tirsan, waxaa ciidammada guamysiga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 18/09/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumayisga ee ku sugan Yoocaale, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Sidoo kale 18/09/07 dagaal ka dhacay Balli-wariiri, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 18/09/07 waxaa ciidammada gumaysiga lagu miray Ilka-dacawo, oo Fiiq ka tirsan, waxaana loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Waxyeellooyin kala duwan oo dadwaynaha loo gaystay.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxyeellooyinkan ayaa isugu jira dil, xidhay iyo aqallo gubis.
 
21/09/07 Malayko, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo nin oo lagu kala magacaabi jiray;

1-    Cabdi-faadi Maxamud Dhagawayne iyo

2-    Cabdi-amaas Muxumed Siciid

 
27/08/07 waxay ciidammada gumaysigu tuulada Hodan-wayne ku dileen labada nin ee kala ah;

1-    Wali Dayib Urur iyo

2-    Khaliif Dayib Urur

 
18/09/07 magaalada Sagag waxay ciidammada guamysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen, oo dhaawac xun gaadhsiiyeen gabadh lagu magacaabo Xamdi Aaden Dhagacadde
 
14/09/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Sagag ku xidhxidheen xubno ka tirsanaa malleeshiyada Dabaqoodhiga ah ee cadowga u shaqaysa, kuwaasoo la xidhxidhay, ka dib markii ay diideen hawlgallo dagaal oo loo diray, waxayna kala yihiin;

1-    Maxamed-yare Maxamuud

2-    Goodaad Sh Maxamed

3-    C/jibbaar Sh Maxamed

4-    Khaliif Cumar Yuusuf

5-    Maxamed Axmed Quluc iyo

6-    Cabdi Axmed Seenyo

Waxaa sidoo kale isla taariikhdan magaalada Sagag lagu xidhxidhay dad shacab ah, waxayna kala yihiin;

7-    Cabdi-mandad Xuseen Gurey

8-    Xasan C/llaahi Xareed

9-    Maxamed Baddal

10-                       Maxamed Yuusuf

11-                       Nuur Carab iyo

12-                       Xasan Axmed Qoolaab

 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 19/09/07 waxay ciidammada guamysigu Aqallo Soomaali ku gubeen degaanka Meermeersane, oo degmada Awaare ka tirsan. Aqallada la gubay waxaa lahaa;

1-    Maxamed Cabdi Sugaal iyo

2-    Xaashi Cabdi Sugaal

 
Oromo oo ciidammada Itoobiya xidhxidheen.
 
Ciidammada Itoobiya ayaa xabsiyada u taxaabay dad badan oo u dhashay qowmiyada Oromada, kuwaasoo lagu eedeeyay inay taageeraan ururka dagaalka kula jira xukuumadda Meles ee OLF, sidaasna waxaa sheegay xildhibaan ka tirsan xisbi Oromo ah oo sheegta inuu mucaarad ku yahay xukuumadda EORDF.
 
Xildhibaankan ayaa sheegay inuu hayo magacyada in ka badan 40 qof oo la xidhxidhay labaatankii maalmood ee u denbeeyay, iyadoo lagu eedaynayo inay gacan-saar la leeyihiin Ururka OLF.
 
Xilidhibaankan, oo madax ka ah ururka magaciisa loo soo gaabiyo OFDM, ayaa sidoo kale sheegay inuu hayo magacyada dad tiradoodu gaadhayso 149 qof oo la xidhxidhay bishii ina dhaaftay. Wuxuu kaloo intaas ku daray in dadka uu magacyadooda hayo ay yihiin oo kaliya kuwa ay ehaladoodu u soo gudbiyeen, balse waxaa suuragal ah buu yidhi in dad muddadaas gudeheeda la xidhxidhay  ay intaas uga badan yihiin.
 
Xisbiga uu xildhibaankani madaxda ka yahay iyo xisbi kale oo isaguna Orormo ah oo magaciisa loo soo gaabiyo ONC ayaa canbaareeyay dadka rayadka ah ee loo xidhxidhayo inay taageerayaal u yihiin Ururka OLF, iyadoo aan wax caddayn ah loo haynin.
 

25 September 2007

 

Axmed Gaal-Eri 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2007

Baarlamaanka DFKMG oo Hurdadii ka toosay, Kuna jira Orod aan horey looga baran
.Indha-Cadde oo loo magacaabay Xoghayaha G/Isbahaysiga
.Jendayi Frazer oo la filayo in ay timaado Baydhabo
.Warbixin dheeraad ah oo dagaalkii Qabuuraha Barakaat
.Labo ka tirsan ilaalada Dowladda Hoose oo lagu dilay Suuq
.DFKMG oo dooneysa in ay hubka ka uruuriso Mas’uuliyiinta
.C/llaalhi Yuusuf & Geedi oo Lagu wado in Baydhabo gaaraan
.Odoyaasha Beelaha Hawiye ee Baarlamaanka ku jira oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Sept 25

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com