SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Xasuuqii Ciidamada Ethiopianku u geysteen culumadii tabliiqa iyo hadalladii laga yiri...

Waxaan la dafiri Karin wixii ka dhacay xaafadda Heliwaa magaalada muqdisho ee masaajidka alhidaaya lagu xasuuqay qaar ka mid ah culumadii tabliiqa oo uu ku jiray imaamkii masaajidka oo isaga irida ka furay markii ay soo garaacxeen albaabka masaajidka ciidamada Ethiopia oo wata taangiyadooda lana galay gudaha maasijidka.

Waxay isu jireen dadkaan lagu laayey gudaha masajidka imaamkii masaajidka sh:saciid yaxye Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, iyo Culumo kale oo lagu Xasuuqay Masjid Al Hidaaya kuwaas oo bulshada qiimo ku lahaa sida macalimiin duqsi quraan ardo diinta ku bari jirtay.

  • Xusuus: Sawiro aad u naxdin badan oo laga soo qaaday culimada la laayey, annaga oo xushmayneyna meydka iyo ehelka marxuumiinta ayaanaan soo daabicin wajiyada meydka, dhawrka sawir ee hoose ayaa muujinaya dhacdada foosha xun iyo xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya k ageysteen masjid Alhidaaya.


meydka wadaad ay dileen ciidamada Ethiopia ku dileen masjidka AlHidaaya


Meydka culumo ay Itoobiyaanku ku laayeen masjid Alhidaaya

Hadaba culumada lagu laayey ee tabliiqa waa culumo aan wax shaqo ah ku laheyn dagaal iyo siyasad kamana qeyb qaadan dagaaladii dalka dhacay waxaana saldhig u ah arimaha ay ka midka yihiin. barashada diinta, salaadda oo dadka lagu bararujiyo , xushemmeynta qofka Muslimka ah iyo faafinta diinta.

Dhacdadaan masaajidka alhidaaye maxaa laga yiri

Dowlada fadaraalka KMG ah side u aragtaa

Wasiirka arimaha dibeda ee DF “Masaajid ay ciidamada Itoobiya dad lagu laayeen ama xitaa ku dhaawaceen ma jiro”
Wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa been aan sal iyo raad toona laheyn oo warbaahintu ay buun-buunisay ku tilmaamay gowricii iyo dadkii faraha badnaa ee ay ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen, dadkii faraha badnaa ee ka mid ahaa kuwa rayidka ah ee degan xaafada Waxara cadde iyo culumaa’udiinkii ka tirsanaa masaajidka Al Hidaaya ee degmada Heliwaa intii ay socdeen dagaalo qaraar oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalka oo dhinac ah iyo dagaalyahano hubeysan oo ka soo horjeeda.

Maxkamadaha fakir sidee ah ayey ka qabaan

Sh. Max’uud Ibraahim Suuley “Nabadii uu Nuur cadde ku baaqayey waxay noqotay gowraca culumaa’idiinka iyo dadka Soomaaliyeed ee aan dagaalada ku jirin”

Afhayeenka dhinaca siyaasadda ee maxaakiimta Islamka Soomaaliyeed Sheekh Max’uud Ibraahim Suuley ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka iney xasuuq iyo gabood falo ka baxsan bani aadamnimada u geysteen dadka rayid ah iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed ku sugnaa guryaha iyo masaajiidada ku yaala goobaha ay dagaaladu ka socdeen ee agagaarka isbitaalkii SOS iyo xaafadda Waxara cadde ee degmada Heliwaa, wuxuuna xusay iney guud ahaanna joojiyeen wadahadalo

Ethiopia iyada oo aan ka hadlin wax kale waxay xiriirkii diblo maasiyadeed u jartay

Dowladda Itoobiya ayaa waxay xiriirka dibloosiyadeed u jartay Dowladda Qadar oo ka mid ah Dowladaha Khaliijka, iyadoona ay dalkeeda ka ceyrisay Safiirka Dowladdaas u fadhiyay Magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Ethiopia ayaa Xukuumada Doxa ku eedeeyay in ay taakuleyso Kooxaha Kacdoonada Soomaaliya, isla markaana Dowladda Qadar ay caqabad ku tahay ammaanka Geeska Afrika.

Ururka Carabta ayaa walaac weyn ka muujiyay, dagaalka sii xoogeysanaya ee Somalia, kaas oo keenay dil iyo dhaawac, iyo barakicin, rayid badan oo Soomaali ah, oo wax ay galabsadeen aaney jirin.

Ururka dalalka Carabtu wuxuu ugu baaqay beesha caalamku, in ay si dhakhsiya leh gacan u siiso hawlgalka nabad ilaalinta ee ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya, si hawshooda u gutaan, una sahlaan in ciidammada shisheeye ay ka baxaan dalka, sida ay qabaan qaraarrada Golaha ammaanka ee QM.

Ururku wuxuu dhinacyada dagaallamaya oo dhanna ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda militeri iyo ayna joojiyaan weerarrada aan loo aabba yeelin ee lagu qaadayo xaafadaha magaalada.

Arinta dalka somaliya waxay ku jirtaa isku dhiib dhiib waxaana ay u muuqatay in howshaani dhamaad u dhaweyn kala qeybsanaanta bulshada kala maanka ah ayaa ugu weyn caqabada hortaada in xal loo helo weerarada iyo iska caabinta in mudo ah ka socoto gudaha dalka somaliya samayna ku yeelatay dalalka dariska la ah

Tirada saxda ah lama haayo inta ku dhimatay burburkii dowladii milatariga markii ay xukumkeedii la riday sidoo kale inta dhawacyadu ka soo gaareen waxaan jira bulsho badan oo macno la.aan uga hayaamey dalka somaliya wxayna isugu jiraan kuwo haatan qaata dhalasho wadamo kale oo aan looga fadhiyin in ay dib u so laabtaan
Arimahaan oo dhan waxay fariin cad u yihiin bulshada somaliya waxa ku soo fol leh

Dalkeenu wuxuu u muuqdaa in caalamka intii kale uu ka go.ay waxaana isweydiin mudan intii dowlada Ethiopia ciidamadeedu soo galeen maxaa u qabsoomay somalida dalkeeda , maxaa horumar ah oo lagu amaani karaa Ethiopia in ay u qabatay dalka ay ciidamadeda garabka siinayaan ee somalida maanta

Meydka nin dhalin yaro ah oo Habeenkii Arbacada la dilay ayaa lagu arkay xaadafa kaawa goday dagmada wadajir ee magaalda muqdisho

Meydka ninkaan dhalinyarada ah oo garbaduub la isugu xiray kahor intii aan la dilin waxaana ay sheegayaan qaar ka tirsan dadka deegaanka oo indhahooda ku soo arkay waxaana xalay (Apr 23, 2008) saqdii dhexe la geeyey isaga oo nool oo ka xiran indhaha iyo gacmaha kadibna rasaas ooda uga qaadeen koxdii dilka geysatay oo aan la garaneyn heebtoo iyo sababtii dilkiisa ka danbeysay meydka ninkaan ayaan ilaa iyo hada la aqoonsan mana jirin cid ku so baxday markii la dilayey sababo amaan owgeed ,

Meydka ninkaan ayaa la geeyey masaajidka alkhalaf ee xafada kaawo goday.

Ma aha markii ugu horeysay ee la arko ruux sidaan oo kale loo dilo saqdhexe waana arin inta badan ku noqnoqoto bulshada dhexdeeda waxaana bishiir marso eek al hore qof sidaan oo kale luga iyo gacmaha ka xiran isla markaana shaarkiisa indhaha looga xiran oo meyd ah lagu arkay goob u dhow masaajidka cabdila xafiid ee xaafada dharkeynleyn magaalad amuqdisho

Dilalka qorsheysan ee siodaan oo kale ah ma jirto cid daba gal ku sameyso iyo maxkamad la soo taago waxaana ka hadlin mas.uuliyiinta maamula xafadaha ay ay ka dhacayaan


Ciidamda Ethiopia ee ee ka baxay sos oo dib ugu laabta Arbacadii

Ciidamadii Ethiopia ee ka tirnaa kuwii dagaalka kula galay xaafada waxaracade iyo agagaarka shineemo cabdi waayeel ayaa saaka dib ugu laabtay deegaanada sos
Waxana la soo sheegayaa in meydad hor leh lagu arkay goobihii ay daganaayeen maalmihiila soo dhafay

Iidamdaaan ayaa waxay dagaal kula galeen kooxaha ka soo hordeedo deegaanada heliwaa ,wxaracade,iyo soos ee magalada muqdisho waxaana lagu eedeynayaa in ay ka dad rayid ah u geysteen xasuuq ,

Ciidamadii Ethiopia ee dhawaan dagaalka kula galay kooxaha kacdoonka kawada gudaha somaliya isla markaana diidan joogitaanka ciidamda shishee waxayna saaka ka guureen deegaanda waxaracade iyo agagaarka shineemo cabdi waayeel oo u dhow ispitaalka sos

Cidamda Ethioipa ayaa waxay isugu soo uruureenisgoyska sos nawaaxiga inta u dhaxayso sos iyo warshada bastada oo fadhiisin milatari u ah

Deegaanda ay ka guureen saaka ee waxaracade ayaa waxaa la sheegayaa in lagu arkay meydad hor leh oo ay dileen ciidamada Ethipoia ee maamahaan ku sugnaa meydadkaan ayaa gaaraya ilaa lix meyd oo u muuqday in ay yihin dad shacab ah oo aan dagaal ku jirin sid aay xaqijiyeen dadka deegaanka oo saxafada la hadlayey iyaga oo sheegay in ay ciidamada Ethiopia isaga baxeen gobihii ay kula dagaalameen kooxihii ka soo horjeeday ee diidanaa joogitaanka cidamad ashisheeye ee gudaha somaliya

Ciidamad ayaa saaka ku sugan isgoyska balcad wadada isku xirta Ex controlkii balcad ilaa suuqa xoolaha warshadii bastada ,

Waxayna ka baxeen shineemo cabdi wayeel oo u dhow ispitaalka sos wadada laami ah ee waxaracade ee ada gubadley

Waxaana la filayaa in dhamaan goobihii ay ka guureen ciidamadaani ay dib ugu soo laban doonaa maadama aan awood cidan loga kicnin oo ay iyagu iskood uga baxeen waxaana la filayaa sidoo kale in meydadka lagu arkay goobaha ay cidamadu ka baxeen inta aka bataan

Meydadka ayaa ahaa kuwo aan la garan Karin oo uu isbedelay midabkoodu waxayna dadku tilmaamayaan in ay kumo yaaleen halkaa

Dagaalkii dhawaan ka dhacay dagmada heliwa ee gobolka banadir ee ay isaga horyimadeen cidamada Ehioiya iyo xoogaga ka so horjedo ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geystay inta u la egyahay waxaana ku jiray dadka ku waxyeeloobay qaar ka tirsanaa culumada dariiqada tabliiqa iyo dadka deegaanka sidoo kale waxaa la mid ahaa culumaa.udiin .macalimiin dugsi quraan , kooxaha dagaalku ka dhaxeeyo labada dhinacba qasaare ayaa ka soo garay sida ay shegayaan dad joobgoogayaal ahaa

Dagaalkaan ayaa waxaa cambaareeyey hay.adda u dooda xaquuqda aadanaha ,golaha dhaqanka iyo midnimda beelaha hawiye ,iyo qaar kale oo u ololeeya nabada iyaga oo tilmaamay indagaalkaa ay ka dhasheen qasaarooyin badan oo intooda badan gaaray dadka shacabka ah waxayana ku sheegeen in xasuuq ba.an ay geysteen dad shacab ah ciidamada Ethiopia

Ciidama Ethiopia ayaa sadxdii maalmood ee uu soconayey dagaalku waxay taangiyadooda la galeen amsaajidka Alhidaaya eek u yaal deegaanaka waxaracade ee magalad amuqdisho waxyana toogsho ku dileen dad rayid culumo ah oo ku sugnaa gudaha masjidkaa uuna ma mid ahaa imaamkii masaajidka oo isagu irida ka furay isla markiina xabado baas ah lagu furay waxayan gowraceen in ku dhow 11 qof oo dhamaantood ahaa dad aan hubeysneyn kuna sugnaa gudaha masajidka

Inta aka dib ciidamada ayaa kaxeystay 41 arday iyaga oo dilay macalinkii quraanka barayey mid ka mi dah culumaa.udiinka ayaa sheegay in cidamda Ethiopia ay ku so duuleen ciinta islaamka ayna doonayaan sidii ay u tirtiri lahaayeen diinta islaamka quluubta somalida

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaraha Soamlaiya
0025215576666
0025250907666


Kooxahaan burcad badeeda oo weera ku qaaday Markab laga leeyahay Jaapan...

Kooxahaan burcad badeeda ayaa waxa ay weera ku qaadeen markab laga magacaabo Takayama oo laga leeyahay dalka Japan, waxa uuna siday shidaal gaaraya in kabadan 250,000 oo tan isagoo gabi ahaanba uu ka daatay shidaalkaasi kadib markii ay dhaawac u gaysteen burcad badeeda waxa uuna hataan kusoo xirtay xeebta magaalada cadan ee dalka Yemen.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay meel xeebta cadan u jirta 90 mayl, waxa ayna saxaafda dalkaasi Yemen sheegtay in doonayah tahriibka keena markii ay dajiyaan dadka tahriibka oo ay dib uga laabtana xeebaha dalka yemen, ay ku shaqaystaan falal burcad badeednimo ah, oo hadii lala dagaalamayo burcad badeeda ay tahay in lala dagaalamo doonyaha tahriibka iyo kuwa burcad badeeda.

Kaptanka markabka waday ayaa ku madax adegay inuu joojiyo markabka kadib markii ay ku hareersadeen burcad badeeda kuwaasi oo dhaawac gaarsiiyey markabka.

Kaptanka ayaa waxa uu sheegay inay burcad badeeda ahaayeen kuwo soomaali ah oo uu sawiro ka qaaday xili ay markabka ku hareersanayeen oo ay ku amrayeen inuu joojiyo, waa sida uu hadalka u dhigaye Kaptankaasi Markabka.

Arinkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili maraakiib kale oo isugu jirta kuwo ganacsi iyo kuwo kaluumaysiga dhawaanahaan lagu afduubtay xeebaha dalka Somalia, kuwaasi oo qaarkood lagu soo daayay lacago madax furasho ah, halka kuwo kalena si dirqi ah lagu soo furtay.

Hase ahaatee arinkaan ayaa waxu uu sidoo kale ku soo beegmayaa xili kooxaha burcad baeeda ay kusoo badanayaan xeebaha dalka Somalia kuwaasi oo bilaabay hatan inay ka kaluumaystaan meela aad uga fog fog xeebaha dalka Somalia.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale
Mail:muxsin55@hotmail.com
TeL: +254-727965067
Somalitalk | Nairobi,Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com