SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Neef la Gowracay Geedo kama Waabto (Sheekha iyo Masar) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ariga markii la qalayo waa in aan la sii deyn oo la hayo madaxa iyo minjaha inta naftu ka baxayso. Haddaan saas la yeelin waxaad arkeysaa neefkii oo qalan oo inta booda jiira wax kasta oo ka horyimaada. Xitaa haddii carruur meeshaas ka agdhowdahay khatar bey ku jiraan. Khatarta ka sokoow wuxuu dhiiggu haleyn karaa agabyo yaal aqalka. Sidoo kale digaagga waa la hayaa ama baaf iyo wax la mid ah lagu gambiyaa marka qoorta laga jaro inta naftu ka dhaceyso. Digaaggu sida ariga ma ordayee wuu duulayaa intuu dhimanayo. 

Culumadu waa ka carari jirtay iney qaaddi noqdaan iska daa jago kale oo siyaasadeede. Waxay dhihi jireen qofkii jago loo dhiibo waa qof la gowracay mindi la’aan. Waxaa la sheegaa in mar Sufyaan Ath-Thowri Ilaahay ha u naxariistee oo ordaya usoo galay niman doon ku wata wabiga Furaat dabadeedna yiri war i qariya waxaan ka cararayaa qolya raba iney i bireeyaan mindi la’aan. Wuxuu ka cararay qolyihii Cabbaasiyiinta oo u magacaabay qaaddi. ALLAAHU AKBAR. Innaguna jagaan ugu carareynaa Jenyadi Frazer! 

Anigu waxaan ku jiray qolyihii isku dayey in kuwii Jibuuti tagay ee ismiidaamiyey oo is qalay aan wax ka qabto intay naftu ka baxayso si aysan dhiigga ugu haleyn shacabka Soomaaliyeed laakiin British Broadcasting Corporation (BBC-da) iyo taageerayaal faro-ku-tiris ah baa u gacanhaatiyey oo yiri waxba idin ma gaarine xal u keena ummadda Soomaaliyeed. Haddee waad fahmi kartaan waxa ka suuroobaa neef la gowracay oo la sii daayey! 

Maalintaan maqaalkan qorayo waxaa berri ii ah marka taariikhda Miilaadiga laga hadlayo 09/08/08 haddii Ilaah idmo. Waa labo-bil guuradii ka soo wareegtay saxiixii Jibuuti. Bil ka hor bey ahayd iney dhaqangasho xabbad-joojin dhex marta halgamayaasha iyo Tigreega. Laakiin waxaa iga yaabiyey oo aan marar badan ka hadlay sida qof u joojin karo qori uusan wadan? Soomaalidu arrintaan oo kale waxay ka baxsheen maahmaahyaha ugu xun oo xitaa aan ka xishoonayo inaan ummadda soo dhexdhigo. Ka warran haddii baabuur qof kale wato oo halkaas sii ordaya adoo bannaanka ka taagan aad damacdo inaad jiiro ku leexiso? Xitaa sixirloowgu ma awoodo. Waxaa sidoo kale ay dhaheen waxay sameynayaan guddi isku dhaf oo ka socda kooxda Mbagathi iyo kuwa Jibuuti. Ilaa hadda waxaa soo kordhay khilaafka kooxda Mbagathi. Haddaanan khaldaneyn, kooxda Mbagathi waxay iila muuqdaan ninkii inta xaabada soo uruursaday oo isku xirtay markuu damcay inuu qaado oo uu hinjinwaayey/qaadiwaayey uu inta xariggii ka furay kusii darsaday qoryo kale si uu u qaado! Marka ma fahmi karo sida Nuur-cadde isagoo ay isku dhagganyihiin odeygii soo doortay uu wax ula qeybsan karo kooxda Jibuuti. 

Dad baa i leh maxaa maqaalladeydu u bateen. Maxaa maqaalku iiga xirmi la’yahay. Haddaan xaqiiqda ka hadlo waxaan idiin sheegayaa qofkii raba inuusan wuxuu qoro waayin oo aan maqaal ka xirmin waa inuu runta iyo xaqa la jiraa. Arrin fudud ma aha. Waa arrin waqtigaaga, maskaxdaada iyo mararka qaarkood naftaada galaafaneysa. Waan awoodaa in maalin keliya qoro tobonnaan maqaal. 

Masar! Maxay ahayd Masar? Miyeysan Qaahira tegin hogaamiye-kooxeed hore? Ma iloownay Maxamed Abshir, Cali Mahdi iyo janankii Gabyoow? Ka warrama Xuseen Caydiid, C/hi Yuusuf iyo C/Raxmaan-tuur? Miyaan 2006-dii markii Maxkamaduhu heysteen inta badan Koonfurta Soomaaliya aan sheekh Xasan Daahir iyo wafti kale tegin Qaahira? Miyeysan Masar u jeedin sida Tigreega u qarribay Soomaaliya? Mise waxaan moodnay in Jendayi Frazer iyo Amxed Walad Cabdalla amri karaan Masar? 

Sayid Maxamed baa mar gumeysigii ay qiilqiil gasheen u qeyshaday reer Bari. Haddaanan khaldaneyn wuxuu geeraar ku yiri: 

  • kufraa noo cudud sheegtoo
  • muslim ciidan ka weynaye
  • yaa Cismaan Maxamuudeey

Laakiin sida Sayidku uga hadlayo khiyaamadii reer Barigu ku faleen ka akhriya ama dhegeysta gabaygiisa Jiinleyda. Hadda waxaad mooddaa in markii qolyaha Jibuuti jooga waagii ku beryey oo sheekadii Jendayi Frazer iyo Axamed Walad ay noqotay ceeryaamo ay cadceedi u soo baxay ayey qeylo afka ku shubteen iyagoo leh: Carabeey dartiin baa naloo colaadinayaa oo gaalaa noo tashatee noo soo dira ciidan! Waxaa intaas dheer waxaa ku hoos naban qolyo siyaasiyiin ah oo aanan fahmin waxay uga duwanyihiin siyaasiyiinta kale ilaa dadka qaarkiisba ay Maxkamadaha qabiil ku tiimbareeyeen. Runtii wey soo baxday qolada awalba qabiilka hoosta ku wadatay – waa qolyaha Jibuuti. Car arka siyaasiyiinta Qaahira jooga oo isku dhererinaya Abu Mansuur ama C/Raxiim Caddow ama Fu’aad Shangole ama Aadan Xaashi Ceyroow Allaha u naxariistee markuu noolaa. Sababahaan ayaa keenaya in sidii Sayidku ugu lug go’ay reer Bari ay Masaariduna wax ugu qabaneyn sheekh Shariif:  

  1. Masar waxaa horay u tagay hogaamiye-kooxyadii ugu xoog badnaa waddanka markaas sida kuwa aan kor ku xusay waxbana uma qaban marka ma filayo in sheekh keligiis ordaya oon cidna xukumin ay ciidan siinayaan.
  1. Markii Tigreegu Muqdisho iyo Koonfurta kalaba qabsaday ayey Soomaalidu u baahneyd hiilkii ugu weynaa waxbana kama soo bixin xagga Masar.
  1. Tan ugu muhiimsan waa Masaarida oo weligeed raadineysay wax iska horkeena Tigreega iyo Soomaalida. Muddo badan baa la arkayey siyaasiyiin Soomaaliyeed oo leh: Tigreega walaalaan nahay. Danta Masar ka leedahay Itoobiya iyo Soomaaliya ma ahan mid diimeed ama walaalnimo ee waa mid caaysh iyo biyaha Niil. Masar danteedaa ku jirta in Itoobiya daciifto oo laga naco Soomaaliya. Marka Itoobiya oo qilqiil ku jirta sina suurtogal uma ah in Masar ay caawiso xitaa haddii cadaadis kasta uga yimaado Mareykanka. Carabta kale waxay maqleysaa Masar.

Arrimahaas darteed ma filayo in ciidan iyo taageero kale oo Carbeed la filayo. Xitaa sida la sheegayo si bahdil ah ayey Masar u tiri arrinta ugu muhiimsan waa in la caawiyo dadkaas barokacay. Masar waxay si hoos ah ula jirtaa ciddii Tigreega la dagaaleysa. Micnuhu maaha dowladda Masar baa xaqa jecel laakiin dantooda bey ka arkaan. 

Ilaah baa mahad leh mar horaba noo sahlay inan soo gaarno labo-bil guuradii shirka Jibuuti waxaana ka baryeynaa Allaha awoodda leh inuu labada bilood ee kale iyo ka badanba na gaarsiiyo si aan shaahid ugu ahaanno ismiidaamiska iyo qar-iska-tuurka kuwa Jibuuti. Mar horaba Maraykanka iyo Yurub waa arkeen inaan qolyaha Jibuuti arrini gacan ugu jirin. Waxaa la sheegayaa in ay la xiriireen kuwa Asmara si ay ugu kala dabqaadaan qolyaha taladu ka go’do ee ka halgamaya gudaha Soomaaliya. Ceebta ugu daran ee Maraykanku falay waa isagoo arrimaha Soomaaliya ku fasaxay labo qof oo sideennoo kale madoow – Jendayi Frazer iyo Axmed Walad Cabdalla. Xitaa siyaasiyiinta cad cad sida Yates waa ka xishoodaan iney u hadlaan sida labadaas qof oo ah iney dhahaan kuwa Jibuutaa gar leh waxaa khaldan halgamayaasha iyo sheekh Xasan. Heer ay labadaas qof gaareen iney noo sharxaan dhibka heysta Soomaaliya sidii iyagoo naga badsha waddankeenna. Marka waxaa muuqata inaan dadkeenna madoow eynaan weli fahmin sida adduunku u shaqeeyo. 

Gowrac marka laga hadlayo waa ka duwan yahay neef xoolaa oo addin laga jabshay. Qofka siyaasiga ah waa ku sii jiri karaa siyaasadda hadduu sameeyo khalad fudud ama caadi ah laakiin haddii arrintu gaarto is-miidaamin siyaasadeed sidii ka dhacday Jibuuti waxay ku soo afjarmeysaa muddo gaaban. Haddii Ilaah idmo waxaan fileynaa in labada bilood oo soo socota ay ku dhammaan doonto ciyaarta u dhaxeysa C/hi iyo Nuur-cadde marka ma filayo wax ka soo naaso cad shirkii Jibuuti. Haddii sheekhu afka saaray oo taageero weydiistay Masar oo jabka Itoobiya u jecel sida Soomaalidu u jeceshay waxaan weli mala awaalayaa waa kee waddanka kale oo sheekhu weydiisan doonto ciidamo? Qolyaha Jibuuti jooga qaarkood ayaa bil ka hor sharaf ku lahaa Xamar laakiin Ilaahay wuxuu qaddaray in maanta ay sidii tuke cambaar leh noqdeen qaxooti. Marka adkeysiga saacadda ah wuxuu keenaa liibaan aakhiro iyo mid adduun.  

Waxaan Soomaalida kula talinayaa in qofkii heshiis raba uu iska soo siibo shaatiga gumeysiga. Waxaan aaminsanahay innagoo madaxbannaan inaan heshiin karno. Marka labada korneyl (C/hi iyo Nuur) kee hor garandoona kooxda talada ka go’do ee halgamayaasha ah oo usoo bandhigi doona iney heshiiyaan oo ka toobadkeenaan khiyaamada ay ka galeen shacabka Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in haddii labadaas nin iska dhaafaan sheekhada gumeysiga ay soo-dhoweyn ka helidoonaan kooxaha halgamaya. Teeda kale waxaan kula talinayaa dadkii culumada sheeganayey ee raacay kuwa Jibuuti iney ka soo noqdaan oo uusan Ibliis hargo u lulin. Waxaan shaki ku jirin inaan shacabka intiisa badan aysan waxaas raalli ka aheyn. Marka cafis weydiista Ilaahay. Dabadeedna sidoo kale walaalihiinna halganka ku jira ood docwareenteenna cafis weydiista oo ka soo noqda sheekada Jendayi Frazer iyo Axmed Walad Cabdalla. Haddii kale ku dhaca tubtii aan soo-noqodka lahayn ee dagaaloogayaasha.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Ash-Shabaab iyo Ash-Shayb (Korneylka) ma Wadashaqeynkaraan

Faafin: SomaliTalk.com |  August 9, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS