Zenawi Ergo ma u Diri Doonaa Jibuuti
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Waxaan filaaya inaan cinwaankaasi u baahneyn fasiraad laakiin
markii la eego dhaqanka Soomaalida waxaa la arkayaa in C/hi uu
yahay dabo-dhilaf Tigree halka Nuur-cadde yahay muwaadin
Soomaaliyeed xitaa iyadoo labadaba looga yeerayo Addis Ababa!
Wixii aan nagu qabiil ahayn baa dabo-dhilif ah! Hadda boggag
Soomaaliyeed oo iska dhigi jiray iney taageeraan kacdoonka
shacabka baa bilaabay iney dhahaan jananka Gabre baa u soo
jeestay in Soomaaliya qaran noqoto halka korneyl C/hi murtad
yahay! Waxaysan xisaabta ku darin waa C/hi ninka Nuur-cadde
meesha keenay. Waana Zenawi ninka C/hi keenay. Qofkii caqli
saliim ah lihi wuu ogaanaya in Zenawi si dadban ama toos ahba u
xukumo Nuur-cadde. Miyuusan Nuur-cadde ku jirin dadka ka soo
“cimreysta” Addis Ababa? Qofkii shaki uga jiro hadda ha arko.
Weligiis wixii Zenawi raadinayey oo shacabka Soomaaliyeed
looga digi jiray maantuu hayaa. Zenawi wuxuu awal arki jiray
dagaaloogayaal ka sugaya ishaaro halkii ay weerar ku qaadi
lahaayeen laakiin maanta waxaa u suurtogashay in qolyo culumo
sheeganayaa u fadhiyaan ciddii uu u soo diri lahaa ileyn isagaa
xukuma qolyaha Mbagathi ka yimide. Zenawi ergo ma u diri doonaa
“culumada” Jibuuti ku sugeysa? Anigu waxaan isleedahay waxaa u
furan Zenawi arrimahan:
- Zenawi waxaa ku weyn burburka qaranimada iyo shacabka
Soomaaliyeed. Si khilaafka Soomaaliya cirka isagu shareero
waxaa u fiican inuu la hadlo C/hi Yuusuf iyo baarlamaanka oo
dhaho faraha ka qaada Nuur-cadde si uu ula shaqeeyo kuwa
Jibuuti jooga. Maaddaama kuwa Jibuuti jooga aysan awood
ciidan lahayn oo aysan cidna xukumin micno ma sameyneyso
haddii Nuur-cadde iyo kooxdiisu ku biiraan. Guusha u soo
hoyaneysa Zenawi waa in Nuur-cadde oo isna aan heysan ciidan
badan iyo korneylku sii kala fogaadaan. Markaas xalka
Soomaaliya waa sii durkayaa. Arrintan waxaa kaloo jecel
Jendayi Fraser iyo Axmed Walad Cabdalla. Is-urursigan wuxuu
kooxo kooxo uga dhowyahay arrimo qabiil. Inkastoo dad kale
ku jiraan laakiin sheekh Shariif iyo C/Qaasim iyo Nuur-cadde
iyo Axmed C/Salaan maxaa lagu fasiri karaa? Sidoo kale C/hi
Yuusuf iyo Jaamac-jangeli maxaa la oran? Maxkamadaha
halganka ka wada Soomaaliya waa ka duwanyihiin oo iyagu qaab
qabiil kuma shaqeeyaan. Maxkamaduhu makala jecla Xasan
Abshir iyo C/Qaasim laakiin waa kuwa Jibuuti jooga waxa ka
cararaya Dr Cumar Iimaan halka ay soo dhoweysteen C/Qaasim
weliba iyadoon Tigreegu dan ka lahayn C/Qaasim. Halkii ay
Tigreegu wadaado Tabliiq ah ku xasuuqayeen Xamar marna dan
kama lahayn C/Qaasim xitaa mey xirin. Waa jirtaa iney
guriiga baarteen. Yaan shacabku ku kadsoomin sheekada
C/Qaasim ee ku aaddan Itoobiya. Haddii Tigreegu khatar u
arko C/Qaasim wey la xaali lahaayeen. Khilaafyadaas horta
leh iyo qabyaaladdaas waxay keeneysaa inuu ka faa’iideysto
Zenawi waa hadduu siyaasi ruugcaddaa ah yahay.
- Waa dhici karta Zenawi oo arrintaas kore arka inuu is
yiraahdo wuxuu ciqaabayaa ciddii hadal ku soo celisa. Hadduu
u arko in Nuur-cadde ka warwareegayo addeecidda Zenawi ayaa
laga yaabaa inuu sheekh Aadan-madoobe ku fasaxo iney inta
baarlamaanka hor geeyaan xilka ka qaadaan. Haddii taasi
dhacdo waxaa daaqadda ka baxaya shirka Jibuuti labo sababood
awgood. Tan hore awalba Nuur-cadde iyo qolyaha Jibuuti wax
bay is tuseen ooy isku ogaayeen marka haddii saaxiibkood
meesha ka baxayo iyaguna waa la baxayaan. Tan labaad oo ah
markaas C/hi Yuusuf bey u ooleysaa cidduu u diri lahaa
qolyahaas. Hadduu rabo C/hi, qaar ka mid ah kuwa Jibuuti
jooga buu ku leeyahay waa argagixiso si uu uga xanaajiyo oo
uu u kala diro.
Tii uu Zenawi yeelaba waa u guul. Maaddaama ay qolyaha
Jibuuti wax kasta u ceshaan Beesha Caalamka halkii la rabay iney
u ceshaan Rabbiga Caalamka ayey maanta marti u yihiin Zenawi.
Haddii Zenawi kala dhantaaliwaayo qolyaha Jibuuti jooga waxaa
muuqaneysa in Zenawi dantiisa ka dhex arko kooxdaas. Waxaa
arrintaas xaqiijinaya dad taageersan qolyaha Jibuuti iyo
Nuur-cadde ayaa mar horaba bilaabay ammaanta Gabre iyo Zenawi
halka ay C/hi iyo waxa raacsan ay murtadiin ku sheegaan? Mar
horaba dadkii waa laga jeediyey dhagarta Tigreega oo waxay
xoogga saareen C/hi iyo dagaaloogayaal horay loo ogaa
dhibkooda.
Maaddaama awoodda Ilaah leeyahay ayey dhici kartaa in Zenawi
qaato qodobka labaad. Inkastoo qodobka labaad uusan ula miisaan
ahayn Zenawi kan koowaad laakiin haddana wuxuu halaag ku yahay
qolyaha Jibuuti. Hadday taasi dhacdo waxaa baalasha laga rifayaa
Nuur-cadde waxayna keenaysa qolyaha Jibuuti oo dhulka ka kici
waaya. Si dhaqso ah bey u soo daahirtaa khiyaamooyinka lala galo
shisheeyaha. Sida kuwa Jibuuti jooga uga hadlaan Beesha Caalamka
ayaa horay dagaaloogayaashu lacag uga haleen maamulka Maraykanka
si ay ula dagaalaan wadaadadii laakiin waa la ogaa halka arrini
ku dambeysey. Marka haddii kuwa Jibuuti jooga moodeen in guul
lagu gaaro dilka Aadan Xaashi, Xasan-turki, Fu’aad, Abuu Mansuur
iyo C/Raxiim Caddow hadda ha ogaadeen Ilaah baa wax dila. Teeda
kale Ashahaado-la-dirir baa meel ku gaari lahaa. Haddii Zenawi
qodobka koowaad qaato waxaa hankiisu dhacayaa korneyl C/hi oo
siyaasaddiisa ku soo xiraya isagoo deyro ka noqda qolyuhuu isku
halleynayey. Taasi waxay cibro u noqoneysaa qof kasta oo
shisheeye ka daya ciso iyo sharaf. Laakiin haddii qodobka labaad
uu Zenawi qaato waxay keeneysaa in sheekada qolyaha Jibuuti
jooga ay u dhammaato. Waqtigan aan maqaalka qorayo waxaa qolyaha
Jibuuti marti u yihiin Zenawi. Mana filayo iney jirto dullinimo
intaas ka badan. Marka mar horaba waxaa Ilaahay baday liidnimo
iyo waxaysan xisaabta ku darsan. Waxay qolyaha Jibuuti wax kasta
ka jecel yihiin in Zenawi u hiilliyo Nuur-cadde si ay u sii
ceyshaan. Marka nimankii iska dhigayey iney diiddanyihiin iney
Jibuuti kula kulmaan Gabre ayaa maanta loo ciriiri geliyey
taageero ka timaadda Gabre iyo Zenawi. Marka bal aan fiirinno
meesha arrini ku dambeyso iyo in Zenawi ergo u diri doono
Jibuuti.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Neef la
Gowracay Geedo kama Waabto (Sheekha iyo Masar)..
Akhri..