Annaga Maxkamadaha ah baa ugu Badneyn wixii Kismaayo Qabsaday
(Ibraahim Shukri iyo Indho-cadde)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Cinwaankaas waxaan wareysi ahaan u siiyey idaacad ku taal Muqshisho
laakiin Ilaah ma qaddarin in waqtigii loogu talogalay la baahiyo –
23/08/08. Sababta la iima sheegin.
Marka hore waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay
dagaalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ka dhaca oo Kismaayo ku jirto.
Wixii dhintay Allaha u naxariisto, wixii dhaawacmeyna Allaha caafiyo.
Iyadoon weli waqti loo helin in isbitaalka la geeyo dadkii dhaawaca
ahaa oo dhan sidoo kalana aan la dhameystirin in la duuggo dadkii ku
dhintay dagaalkaas ayaa nimankaas aan kor ku xusay idaacadaha ka
sheegeen inaan Ash-Shabaab keliya qabsan Kismaayo ee ay Maxkamaduhu uga
badnaayeen ciidankii magaaladaas qabsaday! Inkastoo Ibraahim Shukri
sheegtay inuu Maxkamadaha ka mid yahay haddana wuxuu xusay Jubbooyinka,
Gedo iyo sheekh Xasan Turki. Yuusuf Indho-cadde hadalkiisa waxaa laga
fahmayey inuu Maxkamadaha ku jiro maaddaama uu sheegay in sheekh
C/Qaadir Cali Cumar iyo go’aamadii laga soo saaray Jalalaqsi uu
ayidsanyahay. Yuusuf wuxuu saxaafadda uga dhigay iney dhahaan
Ash-Shabaab keliyaa qabsaday Kismaayo. Sidii Ibraahin Shurki oo kale
ayuu sheegtay in ciidankii halkaas galay ay kuwa Maxkamaduhu u
badnaayeen. Shukri wuxuu joogay Xamar waxaan filayaa in Yuusufna uusan
Kismaayo joogin.
Maxaa Ash-Shabaab iyo Abu Mansuur lagu galay? Marka saxaafaddu ka
hadleyso Ash-Shabaab intooda badan kama wadaan koox gooni ah ee
magacaasi wuxuu inta badan lagu beddelaa kan Maxkamadaha ama xitaa kan
Jabhadda Islaamigaa. Howl kasta oo qolo ka mid ah kooxahaasi ay Xamar ka
fuliso waxaa inta badan u hadla sheekh C/Raxiim Ciise Caddow ama Abuu
Mansuur sidoo kale howlgallada ka dhaca Shabeelaha Hoose, Baay iyo
Bakool waxaa inta badan ka hadla Abu Mansuur ama sheekh C/Raxiim ciddii
seddexdaas ka mid ah oo rabta ha fulisee.
Marar badan oon wareysi bixinayo ama aan wax qorayo waxaan
isticmaalaa dal-xoreeyayaal markaan ka hadlayo Muqaawamada anoo arka
kooxaysigaas jira. Marna waxaan dhahaa Ash-Shabaab anoo sheega inaan
kulli ka hadlayo. Mar marna waxaan ku soo koobaa Ash-Shabaab anoo
kulligood u dan leh. Waxaa saas loo yeelayaa seddexda kooxood waa isku
mabda’. Wey iska dhinacdagaalaan waana isu hadlaan.
Tan kale marna Abu Mansuur ma oran Ash-Shabaab keliyaa qabsaday
Kismaayo marka waxay ahayd inaan la degdegin oon walaalkaas magaciisa la
isticmaalin. Maaddaama sheekh Mukhtaar Rooboow uu meesha joogay uuna ka
mid yahay afhayeennada seddexdaas kooxood waa gar inuu meeshaas ka
hadlo. Jabhadda Islaamku waa fahantay arrintaas oo marna far iyo carrab
toona kuma fiiqin Abuu Mansuur. Maxaa qolyaha Maxkamaduhu u degdegeyaan?
Maxay igu deynwaayeen afhayeenkii sheekh C/Raxiim inuu ka hadlo
arrintaas weyn ee soo korortay? Shaki ma leh in saxaafaddu soo
weerareyso qofkii mas’uul sheegta laakiin isagaa laga rabaa inuu ka
dabaasho laakiin wixii warbixin iyo go’aan ah uu u daayo afhayeenka.
Haddii afhayeenku khalad galo isagey kula xisaabtamayaan kuwii u dhiitay
iyo shacabkuba. Ilaahay mahaddi, sheekh C/Raxiim firqo-ka-hadal kuma
degdegin.
Halka Abu Mansuur guul ka hadlayey ayaa labadaasi nin
firqo-magacaabid galeen! Waxaa intaas dheer labadaa nin khalad hore bey
galeen oo ah iney tageen Asmara oo wax ka soo unkeen magacaabiddii la
siiyey qolyaha Jibuuti jooga. Abu Mansuur si toos ah ayuu u diiday
shirka Asmara waana ku saxsanaa. Labada nin khalad kale ayey ku dhaceen
iyagoo dadka ku salaamay baridda iney jiraan firqooyin kala duwan oo
iska dhinacdagaalamayey! Arrintaasi ma lahayd mudnaan ah in shacabka la
tuso firqooyinkaas?
Sida Kismaayo u tahay magaalada seddexaad ee ugu weyn Soomaaliya.
Xagga istiraatijiyadda iyo kheyraadkana ay dhici karto iney ugu horreyso
Soomaaliya ayaa xalkeedu uusan sahlaneyn. Khalad bey ahayd in iyadoo
duugiddii dadka lagu jiro oon xitaa la gaarin kulumo looga arrinsado
maamul u-sameynta in firqooyin laga hadlo. Kismaayo waa magaaladii
labaad ee ugu dagaal badneyn Koonfurta Soomaaliya marka Xamar laga
reebo. Sidoo kale waxay rabtaa in si tartiib ah loo furdaamiyo. Waxaan
oran karaa haddii la sameeyo guddi fiican, nabadgelyada xoog la saaro,
dadkana loo abuuro shaqooyin sidoo kalana ganacsiga xoog la saaro in
shacabku arki fahmi doono in iyaga loo shaqeynayo ayna ka reysan doonaan
dagaaloogayaasha. Waxaa dhici doonta haddii Ilaah idmo in shacabku soo
ceshado qaran-jacaylkii la arki jiray iyo iney gartaan cadowgooda. Waxaa
dhacday in dhowr sano ka hor dadku u qabay in cadowga Itoobiya iyo waxa
badada ka wada ay goobayaan wadaado keliya. Markii wadaaddadu ka baxeen
Xamar ayaa Tigreega iyo kuwa u shaqeeya iska soo qaadeen waddooyinka soo
gala Xamar. Xitaa dadka qaarkiis waxay ku soo dhoweeyeen caleemo qoyan
iyagoo isleh iyaga lama taabanayo. Maxaa dhacay? Waxaa rasaastii leeftay
carruur, hooyooyin, odayaal iyo culumadii kale. Waxaa bannaanka la tubay
dad gaaraya 1 malyan oo qof oo dadkaas kore u badan. Marka haddii
shacabka Kismaayo si fiican loogu shaqeeyo waxaa dhacaysa in haddii
cadow soo weeraro ay difaaci doonaan magaaladooda iyagoo arkay waxa ku
dhacay shacabkii Xamar. Sida nin la yiraahdo C/hi Jaamac oo Kismaayo
jooga uu sheegay waa inaan dal-xoreeyayaashu xoogga saarin qof baa
sigaar cabbaya ama qaad cunaya ee ay xoogga saaraan in dadka la tuso in
diintooda iyo dalkooda ay iyagu leeyihiin ee aysan cidna uga marti
ahayn. Shaki ma leh in wixii balwad leh ay si tartiib ah iskaga dhaafi
doonaan iyagoon lagu khasbin markii la waayo wax ku caawiya. Marka xal
la raadinayo waa inaan xoogga la saarin dhibka muuqda laakiin xoogga la
saaro waxa keenaya dhibkaas ee ka dambeeya.
Dal-xoreeyayaashu waxay ku doodi karaan inay dagaalooge ka saareen
Kismaayo halka kuwa Jibuuti jooga ay la shirayaan dagaaloogayaashii ugu
xumaa Soomaaliya. Waxaa ka sii daran halka kuwa Kismaayo jooga ay
suuliyeen dhibkaas; kuwa Jibuuti jooga waxayba dagaaloogayaashii ka
dhigeen kuwa ka mid noqda guddiga ka arriminaya ammaanka Soomaaliya! Yaa
fahmi kara arrintaas?
Waxaa kale oo dal-xoreeyayaashu ku doodi karaan in Nuur-cadde oo
Tigreega u shaqeeya uu siyaasaddooda ka koobiyeynayo markuu ceyrshay
Maxamed-dheere. Sidoo kale waxaa la sheegaa in Nuur-cadde uu mindiyaha u
lisanayey taliyaasha ciidamada Mbagathi oo u badan dagaaloogayaal.
Dharbaaxada kale oo ku dhacday kuwa Jibuuti waa iyagoo xitaa Nuur-cadde
kaga dheereeyey soo-jiidashada shacabka markuu u sheegay inuu ka
ceyrshay Maxamed-dheere halka kuwa Jibuuti shacabka ku leeyihiin waxaan
idiin heynaa Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish.
Talada aan u jeedinayo kooxda Maxkamaduhu waa iney iska-garab hadalka
iyo degdegga joojiyaan. Waa la fahmi karaa waxa Ash-Shabaab iyo Jabhadda
Islaamiguba uga go’een Maxkamadaha. Waa Maxkamadahoo shalay markii
waddanka badankiisu gacanta ugu jiray diidday iney la hadlaan
dagaaloogayaasha maanta leh waa la shireynaa. Nimankii shalay u yaacay
Asmara oo dagaaloogayaal., kuwa baarlamaan sheeganaya oo Tigree waddanka
soo gashay, iyo kuwa dibad ka yimid oo jago u baahnaa wax ku darsaday.
Iyo iyagoo haddeer dadkii baraya in firqooyin jiraan. Marka dadka
Ilaahay baa leh oo qof gooni ah meel uguma xirna. Marka waxaa dhacaysa
in dadka idin ka go’ay ay xoogga saaraan iney dadka u shaqeeyaan si
shacabka loo tuso in loo shaqeynayo. Waxaan jeclaan lahaa iney bixiyaan
raalli gelin ku aaddan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo walaalkood
Abuu Mansuur oon marna xusin firqo iyo in kooxdiisa kaliya wax qabsatay.
Ash-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiguba waxay muujiyeen qiimaha ay leedahay
kala-dambeyntu waana la arkaa ineysan iska dhinac hadal halka
Maxkamadaha ay intaasi oo qof u hadlaan xitaa kuwa Jibuuti iyo Asmara
kala jooga. Waa la ogyahay in dagaalkii sokeeye kaddib ay Muqdhisho
gacanta u gashay niman dagaaloogayaal ah oon is maqleyn marka yaan
khaladkaas oo kale Maxkamaduhu ku dhicin.
Qofkii raba inuu saxaafad la hadlo ama wax qoro sidayada oo kale ha
iska madaxbannaanaado. Ugu dhowaan maalin kasta wax baan soo qoraa.
Haddaan khalad sameeyo waa mid igu kooban ileyn cidna uma hadlee.
Laakiin qofka cid metela waa inuu ka fiirsadaa hadalladiisa. Teeda kale
dadka tuhun baa gelaya. Ma afhayeenkii sheekh C/Raxiim baa laga shakiyey
inuu qolo kale ku xiranyahay? Ma iyagoo qolyo kale ku xiran oo wax
qasaya? Ma iyagaa…,. Marka tartiibtaa fiican.
F.G.
Kooxaha aan ka hadlayo waa dad aad iskugu duuban oo dhiigga isu hura.
Keliya waxaan diidayaa sheeg-sheegid iyo is-magacoow aan faa’iido
keeneyn ee yaan shacabku u qaadan inuu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Laguye C/hi iyo Nuur-cadde waa kala Jiraan Halka Qolyaha Jibuuti,
Cabdi Qeybdiid iyo Darwiishna wada Jiraan.. Akhri..