SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Annaga Maxkamadaha ah baa ugu Badneyn wixii Kismaayo Qabsaday (Ibraahim Shukri iyo Indho-cadde)

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cinwaankaas waxaan wareysi ahaan u siiyey idaacad ku taal Muqshisho laakiin Ilaah ma qaddarin in waqtigii loogu talogalay la baahiyo – 23/08/08. Sababta la iima sheegin. 

Marka hore waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ka dhaca oo Kismaayo ku jirto. Wixii dhintay Allaha u naxariisto, wixii dhaawacmeyna Allaha caafiyo. 

Iyadoon weli waqti loo helin in isbitaalka la geeyo dadkii dhaawaca ahaa oo dhan sidoo kalana aan la dhameystirin in la duuggo dadkii ku dhintay dagaalkaas ayaa nimankaas aan kor ku xusay idaacadaha ka sheegeen inaan Ash-Shabaab keliya qabsan Kismaayo ee ay Maxkamaduhu uga badnaayeen ciidankii magaaladaas qabsaday! Inkastoo Ibraahim Shukri sheegtay inuu Maxkamadaha ka mid yahay haddana wuxuu xusay Jubbooyinka, Gedo iyo sheekh Xasan Turki. Yuusuf Indho-cadde hadalkiisa waxaa laga fahmayey inuu Maxkamadaha ku jiro maaddaama uu sheegay in sheekh C/Qaadir Cali Cumar iyo go’aamadii laga soo saaray Jalalaqsi uu ayidsanyahay. Yuusuf wuxuu saxaafadda uga dhigay iney dhahaan Ash-Shabaab keliyaa qabsaday Kismaayo. Sidii Ibraahin Shurki oo kale ayuu sheegtay in ciidankii halkaas galay ay kuwa Maxkamaduhu u badnaayeen. Shukri wuxuu joogay Xamar waxaan filayaa in Yuusufna uusan Kismaayo joogin. 

Maxaa Ash-Shabaab iyo Abu Mansuur lagu galay? Marka saxaafaddu ka hadleyso Ash-Shabaab intooda badan kama wadaan koox gooni ah ee magacaasi wuxuu inta badan lagu beddelaa kan Maxkamadaha ama xitaa kan Jabhadda Islaamigaa. Howl kasta oo qolo ka mid ah kooxahaasi ay Xamar ka fuliso waxaa inta badan u hadla sheekh C/Raxiim Ciise Caddow ama Abuu Mansuur sidoo kale howlgallada ka dhaca Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool waxaa inta badan ka hadla Abu Mansuur ama sheekh C/Raxiim ciddii seddexdaas ka mid ah oo rabta ha fulisee.  

Marar badan oon wareysi bixinayo ama aan wax qorayo waxaan isticmaalaa dal-xoreeyayaal markaan ka hadlayo Muqaawamada anoo arka kooxaysigaas jira. Marna waxaan dhahaa Ash-Shabaab anoo sheega inaan kulli ka hadlayo. Mar marna waxaan ku soo koobaa Ash-Shabaab anoo kulligood u dan leh. Waxaa saas loo yeelayaa seddexda kooxood waa isku mabda’. Wey iska dhinacdagaalaan waana isu hadlaan.  

Tan kale marna Abu Mansuur ma oran Ash-Shabaab keliyaa qabsaday Kismaayo marka waxay ahayd inaan la degdegin oon walaalkaas magaciisa la isticmaalin. Maaddaama sheekh Mukhtaar Rooboow uu meesha joogay uuna ka mid yahay afhayeennada seddexdaas kooxood waa gar inuu meeshaas ka hadlo. Jabhadda Islaamku waa fahantay arrintaas oo marna far iyo carrab toona kuma fiiqin Abuu Mansuur. Maxaa qolyaha Maxkamaduhu u degdegeyaan? Maxay igu deynwaayeen afhayeenkii sheekh C/Raxiim inuu ka hadlo arrintaas weyn ee soo korortay? Shaki ma leh in saxaafaddu soo weerareyso qofkii mas’uul sheegta laakiin isagaa laga rabaa inuu ka dabaasho laakiin wixii warbixin iyo go’aan ah uu u daayo afhayeenka. Haddii afhayeenku khalad galo isagey kula xisaabtamayaan kuwii u dhiitay iyo shacabkuba. Ilaahay mahaddi, sheekh C/Raxiim firqo-ka-hadal kuma degdegin. 

Halka Abu Mansuur guul ka hadlayey ayaa labadaasi nin firqo-magacaabid galeen! Waxaa intaas dheer labadaa nin khalad hore bey galeen oo ah iney tageen Asmara oo wax ka soo unkeen magacaabiddii la siiyey qolyaha Jibuuti jooga. Abu Mansuur si toos ah ayuu u diiday shirka Asmara waana ku saxsanaa. Labada nin khalad kale ayey ku dhaceen iyagoo dadka ku salaamay baridda iney jiraan firqooyin kala duwan oo iska dhinacdagaalamayey! Arrintaasi ma lahayd mudnaan ah in shacabka la tuso firqooyinkaas? 

Sida Kismaayo u tahay magaalada seddexaad ee ugu weyn Soomaaliya. Xagga istiraatijiyadda iyo kheyraadkana ay dhici karto iney ugu horreyso Soomaaliya ayaa xalkeedu uusan sahlaneyn. Khalad bey ahayd in iyadoo duugiddii dadka lagu jiro oon xitaa la gaarin kulumo looga arrinsado maamul u-sameynta in firqooyin laga hadlo. Kismaayo waa magaaladii labaad ee ugu dagaal badneyn Koonfurta Soomaaliya marka Xamar laga reebo. Sidoo kale waxay rabtaa in si tartiib ah loo furdaamiyo. Waxaan oran karaa haddii la sameeyo guddi fiican, nabadgelyada xoog la saaro, dadkana loo abuuro shaqooyin sidoo kalana ganacsiga xoog la saaro in shacabku arki fahmi doono in iyaga loo shaqeynayo ayna ka reysan doonaan dagaaloogayaasha. Waxaa dhici doonta haddii Ilaah idmo in shacabku soo ceshado qaran-jacaylkii la arki jiray iyo iney gartaan cadowgooda. Waxaa dhacday in dhowr sano ka hor dadku u qabay in cadowga Itoobiya iyo waxa badada ka wada ay goobayaan wadaado keliya. Markii wadaaddadu ka baxeen Xamar ayaa Tigreega iyo kuwa u shaqeeya iska soo qaadeen waddooyinka soo gala Xamar. Xitaa dadka qaarkiis waxay ku soo dhoweeyeen caleemo qoyan iyagoo isleh iyaga lama taabanayo. Maxaa dhacay? Waxaa rasaastii leeftay carruur, hooyooyin, odayaal iyo culumadii kale. Waxaa bannaanka la tubay dad gaaraya 1 malyan oo qof oo dadkaas kore u badan. Marka haddii shacabka Kismaayo si fiican loogu shaqeeyo waxaa dhacaysa in haddii cadow soo weeraro ay difaaci doonaan magaaladooda iyagoo arkay waxa ku dhacay shacabkii Xamar. Sida nin la yiraahdo C/hi Jaamac oo Kismaayo jooga uu sheegay waa inaan dal-xoreeyayaashu xoogga saarin qof baa sigaar cabbaya ama qaad cunaya ee ay xoogga saaraan in dadka la tuso in diintooda iyo dalkooda ay iyagu leeyihiin ee aysan cidna uga marti ahayn. Shaki ma leh in wixii balwad leh ay si tartiib ah iskaga dhaafi doonaan iyagoon lagu khasbin markii la waayo wax ku caawiya. Marka xal la raadinayo waa inaan xoogga la saarin dhibka muuqda laakiin xoogga la saaro waxa keenaya dhibkaas ee ka dambeeya. 

Dal-xoreeyayaashu waxay ku doodi karaan inay dagaalooge ka saareen Kismaayo halka kuwa Jibuuti jooga ay la shirayaan dagaaloogayaashii ugu xumaa Soomaaliya. Waxaa ka sii daran halka kuwa Kismaayo jooga ay suuliyeen dhibkaas; kuwa Jibuuti jooga waxayba dagaaloogayaashii ka dhigeen kuwa ka mid noqda guddiga ka arriminaya ammaanka Soomaaliya! Yaa fahmi kara arrintaas? 

Waxaa kale oo dal-xoreeyayaashu ku doodi karaan in Nuur-cadde oo Tigreega u shaqeeya uu siyaasaddooda ka koobiyeynayo markuu ceyrshay Maxamed-dheere. Sidoo kale waxaa la sheegaa in Nuur-cadde uu mindiyaha u lisanayey taliyaasha ciidamada Mbagathi oo u badan dagaaloogayaal. Dharbaaxada kale oo ku dhacday kuwa Jibuuti waa iyagoo xitaa Nuur-cadde kaga dheereeyey soo-jiidashada shacabka markuu u sheegay inuu ka ceyrshay Maxamed-dheere halka kuwa Jibuuti shacabka ku leeyihiin waxaan idiin heynaa Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish. 

Talada aan u jeedinayo kooxda Maxkamaduhu waa iney iska-garab hadalka iyo degdegga joojiyaan. Waa la fahmi karaa waxa Ash-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiguba uga go’een Maxkamadaha. Waa Maxkamadahoo shalay markii waddanka badankiisu gacanta ugu jiray diidday iney la hadlaan dagaaloogayaasha maanta leh waa la shireynaa. Nimankii shalay u yaacay Asmara oo dagaaloogayaal., kuwa baarlamaan sheeganaya oo Tigree waddanka soo gashay, iyo kuwa dibad ka yimid oo jago u baahnaa wax ku darsaday. Iyo iyagoo haddeer dadkii baraya in firqooyin jiraan. Marka dadka Ilaahay baa leh oo qof gooni ah meel uguma xirna. Marka waxaa dhacaysa in dadka idin ka go’ay ay xoogga saaraan iney dadka u shaqeeyaan si shacabka loo tuso in loo shaqeynayo. Waxaan jeclaan lahaa iney bixiyaan raalli gelin ku aaddan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo walaalkood Abuu Mansuur oon marna xusin firqo iyo in kooxdiisa kaliya wax qabsatay. Ash-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiguba waxay muujiyeen qiimaha ay leedahay kala-dambeyntu waana la arkaa ineysan iska dhinac hadal halka Maxkamadaha ay intaasi oo qof u hadlaan xitaa kuwa Jibuuti iyo Asmara kala jooga. Waa la ogyahay in dagaalkii sokeeye kaddib ay Muqdhisho gacanta u gashay niman dagaaloogayaal ah oon is maqleyn marka yaan khaladkaas oo kale Maxkamaduhu ku dhicin. 

Qofkii raba inuu saxaafad la hadlo ama wax qoro sidayada oo kale ha iska madaxbannaanaado. Ugu dhowaan maalin kasta wax baan soo qoraa. Haddaan khalad sameeyo waa mid igu kooban ileyn cidna uma hadlee. Laakiin qofka cid metela waa inuu ka fiirsadaa hadalladiisa. Teeda kale dadka tuhun baa gelaya. Ma afhayeenkii sheekh C/Raxiim baa laga shakiyey inuu qolo kale ku xiranyahay? Ma iyagoo qolyo kale ku xiran oo wax qasaya? Ma iyagaa…,. Marka tartiibtaa fiican. 

F.G. Kooxaha aan ka hadlayo waa dad aad iskugu duuban oo dhiigga isu hura. Keliya waxaan diidayaa sheeg-sheegid iyo is-magacoow aan faa’iido keeneyn ee yaan shacabku u qaadan inuu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Laguye C/hi iyo Nuur-cadde waa kala Jiraan Halka Qolyaha Jibuuti, Cabdi Qeybdiid iyo Darwiishna wada Jiraan.. Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS