SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Risaaladii ayeeyo Samawado - Lafoole, Lafoolihii hore ma tihid!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Markay maskaxdaada ku soo dhacdo halka lagu magacaabo Lafoole, waxaa durbadiiba niyaddaada soo galaya in goobtaasi ay tahay goob waxbarasho, waxayna kulansatay qaybaha waxbarashada Soomaaliyeed laga bilaabo Dugsiga hoose ilaa iyo heer Jaamacadeed , waxaana dadkii ka qalinjabiyey ay haatan si aad ah uga dhex muuqdaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, Magacu iskama bixin, ee waa xasuus ma hadho ah , waxaana Akhristayaal halku dhigaan u soo qaatay ay tahay si dadka u soo xusuusiyo in goobtaan ay ahayd goob uu dagaal ku dhex maray Soomaali iyo Talyaani xiligii Gumeysiga, dagaalkaasi waxa uu reebay Taariikh aysan marnaba ka go’i Karin quluubta Bulshada Soomaaliyeed, waa dagaal uu dhiig fara badani ku daatay oo jilibka la isku aastay, waxaana halkaasi ka dhaxay in haada hilibkooda loo waro lagu Askar Talyaani ah oo boqolaal gaareysay, waxa uuna dagaalkaasi ahaa mid aan waxba la iskula harin, dadka deegaanka waxay ku dagaalamayeen Dhagax, Falaar, waran iyo Qaanso, waxayna wacad ku mareen xiligaasi in uu deegaankaasi uusan cagta soo dhigin qof Talyaani ah, wayna ka dhabeeyeen, waxayna ku khasbeen in dib loogu celiyo goobihii uu ka yimid, waayo waxa uu Talyaanigu doonayey in uu fariisto deegaanka Illaahay ku maneystay khayraadka ee Shabeeladda Hoose, waxaase ka dhiidhiyey dadkii halkaasi degenaa oo isku xil saaray sidii ay Talyaani uga difaaci lahaayeen Deegaankaasi.

Lafihii Talyaaniga mudo ayay halkaasi yiileen, waxaana u soo daawasho tagi jiray dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi ay ku jiraan dad Talyaani ah. Taariikhdaas lama ilaawaanka ah waa midda keentay in halkaasi laga dhigo Goob waxbarasho, magacaasna “Lafoole” loogu yeero, inkastoo halkaasi ku wanaagsaneyd in laga dhiso Taalo Taariikhi haddana Dowladihii dalka soo maray ma aysan sameynin, balse waxaa loogu ekeeyey oo keliya in loogu magAc daro goobihii Waxbarashada ee halkaasi laga furay oo ay ugu horeysay Jaamacaddii Lafoole.

Goobta Talyaaniga lagu laayey ayaa waxaa 15-kii Bishan Agoosto Maalintii Jimcaha ahayd ee aynu ka soo gudubnay waxaa lagu xasuuqay dad Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaaryeyso 50 qof oo u badnaa Carruur iyo Haween, waxaana xasuuqaasi gaystay ciidamada Itoobiya, markaan dul tagay dadkaasi halkaasi lagu xasuuqay ayaan waxaa goostay in aan wax ka qoro, Deegaanka Lafoole oo lagu yaqaanay iska Caabin iyo ka dhiidhin Gumeysi dadkii waayadii hore ku noolaa ee la dagaalamay Talyaanigii horey wadanka u gumeysanayey marka la barbardhigo kuwa haatan ku nool ee hortooda lagu xasuuqay WalaAlahood waxaa ii soo baxday magaca Maqaalka aan u bixiyey ee (Lafoole lafoolihii hore ma tihid).

Dadka maanta jooga inkastoo wax xooggaa dhiig Afka ah is geliyeen, haddana waxa ay ka badin waayeen in ay ku dul baroortaan dadkii halkaa lagu xasuuqay, waxaase arrinkaa ku diidan oo wax laga xumaado ku tilmaamay Haweenay iyadu ka mid ahayd dadkii hore ee Lafoole laga soo gaaray oo iyadu kuwa barooranayey dul istaagtay lehna “Dhiig idinkuma jiro, ee deegaanka Magiciisa uun baad dooneysaan in aad ku dheeshaan, Maaxaa Qoomkii idinka horeeyey falaar iyo Waran bay kala hor tageen kuwo Hub ka culus watey maanta, waxay ahayd in mar kale loogu Waqlalo Lafoolaha cusub si ay mar kale u qaadato magaca lafo Amxaaro” Risaaladaas ay Ayeeyo Samawado soo gudbisay waxay ahayd mid u muuqatay sidaas, balse lagama hoos qaadin oo cid waliba markii ay baroor dhameysatay ayay Buushaashkoodii dib isaga laabteen, balse Ayeeyo Samawado meeshaa hadalkii kuma ekeen oo xanaaq ka batay awgii ayay mar kale u raacisay sidaan “Alla ma maantay Amxaaro Injiray na dhex mushaaxeysaa, taasi ma dhacdeen ee waa kuwa maanta halkaan jooga ee Soomaalida sheeganaya oo sidii Dooro biyo ku dhacday markay Amxaaro arkaan iska da’aya, ee yaa dib Xabaalaha iiga soo qufa dadkii dad ahaa cashar lama ilaawaanka ah siiyey Gaaladdii Cad-cadeed”.

Xasuuqii ka dhacay Lafoole waxa uu ka mid ahaa Tijaabooyinka lagu kasbeynayo Ummadda Soomaaliyeed, waxaase qofkii Caqli u saaxiib ah garan karaa sida Itoobiya laabta ugu hayso in dagaal ay kula jirto Soomaali oo dhan oo u ek aargudasho dadka qaar loogu akhriyey dhan kale, kuwaas oo Itoobiya ka sugaya in ay u dhiso Isbitaalo, Iskuulo. waxaa daliil kuugu filan markii ay Ciidamada Itoobiya darbiyada Magaalada Muqdisho qaarkood ku qoreen af Amxaari oronaya “Ma ilowdeen 77”, in badan ma dhuuxin hadalkaas, Soomaaliduna waxay tiraahdaa (nin ku dilay Har kuuma jiido), sidoo kale u dheh (Godinhayey ima Goyseen haddaan Gabalkey kugu daabneen), “Soomaali oo wada jirta Itoobiya ma mushaaxdeen Muqdishana ma timaadeen”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Carabey iska laba Canley... Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS