Risaaladii ayeeyo Samawado - Lafoole, Lafoolihii hore ma tihid!!
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Markay maskaxdaada ku soo dhacdo halka lagu magacaabo Lafoole, waxaa
durbadiiba niyaddaada soo galaya in goobtaasi ay tahay goob waxbarasho,
waxayna kulansatay qaybaha waxbarashada Soomaaliyeed laga bilaabo
Dugsiga hoose ilaa iyo heer Jaamacadeed , waxaana dadkii ka qalinjabiyey
ay haatan si aad ah uga dhex muuqdaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda
kala duwan, Magacu iskama bixin, ee waa xasuus ma hadho ah , waxaana
Akhristayaal halku dhigaan u soo qaatay ay tahay si dadka u soo
xusuusiyo in goobtaan ay ahayd goob uu dagaal ku dhex maray Soomaali iyo
Talyaani xiligii Gumeysiga, dagaalkaasi waxa uu reebay Taariikh aysan
marnaba ka go’i Karin quluubta Bulshada Soomaaliyeed, waa dagaal uu
dhiig fara badani ku daatay oo jilibka la isku aastay, waxaana halkaasi
ka dhaxay in haada hilibkooda loo waro lagu Askar Talyaani ah oo
boqolaal gaareysay, waxa uuna dagaalkaasi ahaa mid aan waxba la iskula
harin, dadka deegaanka waxay ku dagaalamayeen Dhagax, Falaar, waran iyo
Qaanso, waxayna wacad ku mareen xiligaasi in uu deegaankaasi uusan cagta
soo dhigin qof Talyaani ah, wayna ka dhabeeyeen, waxayna ku khasbeen in
dib loogu celiyo goobihii uu ka yimid, waayo waxa uu Talyaanigu doonayey
in uu fariisto deegaanka Illaahay ku maneystay khayraadka ee Shabeeladda
Hoose, waxaase ka dhiidhiyey dadkii halkaasi degenaa oo isku xil saaray
sidii ay Talyaani uga difaaci lahaayeen Deegaankaasi.
Lafihii Talyaaniga mudo ayay halkaasi yiileen, waxaana u soo daawasho
tagi jiray dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi ay ku jiraan dad
Talyaani ah. Taariikhdaas lama ilaawaanka ah waa midda keentay in
halkaasi laga dhigo Goob waxbarasho, magacaasna “Lafoole” loogu yeero,
inkastoo halkaasi ku wanaagsaneyd in laga dhiso Taalo Taariikhi haddana
Dowladihii dalka soo maray ma aysan sameynin, balse waxaa loogu ekeeyey
oo keliya in loogu magAc daro goobihii Waxbarashada ee halkaasi laga
furay oo ay ugu horeysay Jaamacaddii Lafoole.
Goobta Talyaaniga lagu laayey ayaa waxaa 15-kii Bishan Agoosto Maalintii
Jimcaha ahayd ee aynu ka soo gudubnay waxaa lagu xasuuqay dad
Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaaryeyso 50 qof oo u badnaa Carruur iyo
Haween, waxaana xasuuqaasi gaystay ciidamada Itoobiya, markaan dul tagay
dadkaasi halkaasi lagu xasuuqay ayaan waxaa goostay in aan wax ka qoro,
Deegaanka Lafoole oo lagu yaqaanay iska Caabin iyo ka dhiidhin Gumeysi
dadkii waayadii hore ku noolaa ee la dagaalamay Talyaanigii horey
wadanka u gumeysanayey marka la barbardhigo kuwa haatan ku nool ee
hortooda lagu xasuuqay WalaAlahood waxaa ii soo baxday magaca Maqaalka
aan u bixiyey ee (Lafoole lafoolihii hore ma tihid).
Dadka maanta jooga inkastoo wax xooggaa dhiig Afka ah is geliyeen,
haddana waxa ay ka badin waayeen in ay ku dul baroortaan dadkii halkaa
lagu xasuuqay, waxaase arrinkaa ku diidan oo wax laga xumaado ku
tilmaamay Haweenay iyadu ka mid ahayd dadkii hore ee Lafoole laga soo
gaaray oo iyadu kuwa barooranayey dul istaagtay lehna “Dhiig idinkuma
jiro, ee deegaanka Magiciisa uun baad dooneysaan in aad ku dheeshaan,
Maaxaa Qoomkii idinka horeeyey falaar iyo Waran bay kala hor tageen kuwo
Hub ka culus watey maanta, waxay ahayd in mar kale loogu Waqlalo
Lafoolaha cusub si ay mar kale u qaadato magaca lafo Amxaaro”
Risaaladaas ay Ayeeyo Samawado soo gudbisay waxay ahayd mid u muuqatay
sidaas, balse lagama hoos qaadin oo cid waliba markii ay baroor
dhameysatay ayay Buushaashkoodii dib isaga laabteen, balse Ayeeyo
Samawado meeshaa hadalkii kuma ekeen oo xanaaq ka batay awgii ayay mar
kale u raacisay sidaan “Alla ma maantay Amxaaro Injiray na dhex
mushaaxeysaa, taasi ma dhacdeen ee waa kuwa maanta halkaan jooga ee
Soomaalida sheeganaya oo sidii Dooro biyo ku dhacday markay Amxaaro
arkaan iska da’aya, ee yaa dib Xabaalaha iiga soo qufa dadkii dad ahaa
cashar lama ilaawaanka ah siiyey Gaaladdii Cad-cadeed”.
Xasuuqii ka dhacay Lafoole waxa uu ka mid ahaa Tijaabooyinka lagu
kasbeynayo Ummadda Soomaaliyeed, waxaase qofkii Caqli u saaxiib ah garan
karaa sida Itoobiya laabta ugu hayso in dagaal ay kula jirto Soomaali oo
dhan oo u ek aargudasho dadka qaar loogu akhriyey dhan kale, kuwaas oo
Itoobiya ka sugaya in ay u dhiso Isbitaalo, Iskuulo. waxaa daliil kuugu
filan markii ay Ciidamada Itoobiya darbiyada Magaalada Muqdisho qaarkood
ku qoreen af Amxaari oronaya “Ma ilowdeen 77”, in badan ma dhuuxin
hadalkaas, Soomaaliduna waxay tiraahdaa (nin ku dilay Har kuuma jiido),
sidoo kale u dheh (Godinhayey ima Goyseen haddaan Gabalkey kugu
daabneen), “Soomaali oo wada jirta Itoobiya ma mushaaxdeen Muqdishana ma
timaadeen”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Carabey iska laba Canley...
Akhri..