Anigaa wax kaa dhigay
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, ayaa waxaan u kuurgalay qaab
dhameedka Bulshada Soomaaliyeed runtii dadka Soomaaliyeed haatan waxay noqdeen
dad aflagaado badan, been badan, qiyaano badan, amaanada ku liita iyo waxyaabo
kale oo fara badan. Tusaale nin baa ka toobad keenaya waxyaabo uu horey ugu
jiray waxa uuna isku dayayaa in uu wax faro bulshada, isagoo uga digaya
waxyaabihii hore ee uu sameeyey, markiiba dadka qaar ayaa la soo boodaya “Ma kii
Mooryaanka ahaan jiray baa hadda wax noo sheegaya, war hadaladaa nagala tag”.
Dadka Soomaaliyeed inta badan ma aaminsanna in qofku soo hanuuni karo Allana u
toobad keeni karo. Nin baa qamri cabi jiray, waa uuna ka toobad keenay waqti dambe, waxa uuna
noqday wadaad dadka wax u sheega, xumaanta uga diga samaantana fara, marka uu
wacdiga dhameysto ayaa la daba dhigayaa xan sida iyadoo dadku leeyihiin “Ma kii
qamriga cabi jiray, muxuu naga wacdinayaa waan naqaanaa wixii uu ku jiri
jiraye”. Intaas oo dhan marka laga soo tago, waxaa soo baxay ereyga aan cinwaanka uga
dhigay maqaalka ee ah “Anigaa wax kaa dhigay”. Oo aan ogaadey midka maanta
halkaa na dhigay Xiligii ay dagaalamayeen Caydiid iyo Cali Mahdi, Caydiid ayaa
waxa uu yiri “Ma Cali Mahdi oo aan aniga wax ka dhigay ayaa maanta doonaya in uu
iduudsiiyo wax aan juhdi u soo maray, anagoo og in uu ahaa nin iska ganacsato ah
oo uu Baar u furan yahay dhawaanna soo galay Siyaasadda”, taasina waxay keentay
in kumaan qof oo Soomaali ah ay ku nafwaayeen markay xaaladdu gaartay Gaw iyo
Gash ma leh. Waxaa isku dhacay Shaar Guduud iyo Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isku
dhinac ah, mar la wareystay Shaar Guduud ayaa wax laga weydiiyey labadaasi nin,
waxa uuna ku jawaabay “Anigaa wax ka dhigay maxay ahaayeen, Xaabsade Booyadda
biyaha u keeni jirtay RRA ayuu wadi jiray, Aadan Madoobana waa ninkii Qur’aanka
u akhrin jiray Jabhadda, ma siyaasadday wax ka og yihiin” Waxaa isku dhacay Caydiid iyo Caato, waxayna ahaayeen markii hore dad si aad ah
isugu dhawaa, hase yeeshee markii uu dagaalku dhex maray ayaa Cismaan Caato waxa
uu yiri “Muxuu yahay Caydiid, Waa Askari xun oo soo jabahadeeyey, balse markaan
maal iyo hanti siiyey ayuu aniga igu soo jeestay, aniga ayaana wax ka dhigay, ma
maantuu damcay inuu xaqeyga qaato ma aha mid laga yeelayo”. Muuse Suudi iyo Cumar Finish ayaa iyana isku dhacay, Muuse Suudi ayaa wax laga
weydiiyey khilaafkooda intii uusan gacan ka hadalku dhex maray waxa uuna yiri
“Ma wiilkii yaraa ee hoostayda ka shaqeyn jiray ayaa ila tirsanaya, wallee
anigaa isku keenay, laakiin wuxuu iga helo ayuu leeyahay, ma markaan wax ka
dhigay ayuu sheekadan la yimid”. Waxaa kale oo iyana isku dhacay Sheekh Cali Dheere iyo Cali Mahdi, waayo Sheekh
Cali Dheere waxa uu yeeshay shacbiyad badan, kadib markii uu Waqooyiga Muqdisho
ku soo rogay shareecadda Islaamka, markii uu Sheekh Cali Dheere uu mudo
shaqaynayey waxna kala fahmay ayaa isaga iyo Cali Mahdi waxaa ka dhex oogmay
khilaaf, Cali Mahdi ayaa laga hayaa “Wadaadkii igu soo hoos koray, ee aan wax ka
dhigay ayaa manta damacsan in uu iga hor yimaado”, waxaana bilowday in lagu
kiciyo Sheekha Maleeshiyooyin si meesha looga saaro. Waxaa iyana iska hor yimid C/llaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, C/llaahi
Yuusuf ayaa waxa uu yiri “Waxaa is waalaya ma Jaamac Cali Jaamacaa, waa I yaqaan
in aan ahay nin dagaal yahan ah oo birta calaalsha, waana garanayaa”, waxay kaloo isku dhaceen C/llaahi Yuusuf nin haatan Madaxweynaha ka
ah Puntland Cadde Muuse, waxa uuna C/llaahi Yuusuf yiri “Cadde Muuse waan aqaan
oo saacad isma hayneyno, maxaa yeelay anigaa wax ka dhigay oo siyaasadda ku soo
daray, waxa uu ahaa nin iska Bayshin ah oo meelaha warwareega. Waxaa iyana is hardiyey Barre Hiiraale iyo Morgan, Morgan ayaa waxa uu yiri
“Waxa igu soo duulaya ma Barre Hiiraalaa mise waa cid kale, haddii uu Barre
Hiiraale yahay waan aqaan oo anigaa ciidanka qalabka sida u qalqaaliyey oo
anigaa wax ka dhigay, waxa uuna ahaa nin meelaha iska joog jooga, marka waxaan
kala helno loo wada joogee”, waxaana labadaasi nin dhex maray dagaalo ay ku
hoobtay dad fara badan, sida ay kuwii horaba u dhex mareen dagaalada noocaan oo
kale oo dhamaantood ku qotoma “anigaa wax kaa dhigay”. Max’ed Dheere ayaa waxa uu ka hor yimid Siyaasaddii Cali Mahdi, kadibna waxa uu
u soo gudbay dhinaca Koonfurta oo uu ku sugnaa Caydiid, waxayna markaa dadku
Waqooyiga muqdisho ku magacaabeen “Max’ed Dheere iyo kooxdiisii soo
goosatay”,“Facaa Tuug”, hase yeeshee markii dambe saaxiibaddii uu ku lahaa
Koonfurta ayuu ka hor yimid oo ugu horeeyey Xuseen Caydiid, mar la wareystay
Xuseen Caydiid waxa uu yiri “Anigaa wax ka dhignay Max’ed Dheere, isaga oo la
eryanayo ayaan soo dhaweenay, maanta ayuuse nagu caasi garoobay”. Max’ed Qanyare Afrax oo isagu siyaasaddiisu tahay mid is rogroganta ayaa
dagaalkii dhex maray Caydiid iyo Cali Mahdi waxa uu u goostay dhinaca Cali Mahdi
Qanyare , kadibna waxa uu heshiis la galay Caydiid, hase yeeshee Cali Mahdi oo
wax laga weydiiyey ka tagista Qanyare ayaa yiri “Anagaa shalay soo dhaweynay oo
wax ka dhignay, marka maanta la yaab ma leh in uu hadba meel u cararo, oo aan ku
naqaan laba wajiileyntaas”. Maxamed Dheere oo mar ka hor yimid Siyaasadii SNA ee uu hogaaminayey Marxuum
Caydiid ayaa qaar ka mid ah taageerayaasha SNa waxay yiraadeen” Ma ninkii aan
wax ka dhigney baa maanta nagu kibrey ma oga miyaa dadkiisa ay yiraahdeen Facaa
tuug” sidoo kale mar ay isku dhaceen Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Dheere ayaa
laga soo xigtey Maxamed Dheere” Ma ninkii aan kursiga xildhibaanimo uga kacay
baa maanta iga horimaanay anaa markii hore wax ka dhigey oo siyaasadda ku soo
darey” Mar sidoo kale ay iska horyimaadeen Cabdulaahi Yuusuf Maxamed Dheere ayaa
yiri “isaga oo meel uu aado garan la’oo iskana wareegaya Nairabi baan ku soo
dhaweeyey Jawhar marka waan aqaanaa Odey Daarood oo ciyaal Suuq ah anigaa markii
hore wax ka dhigey Waxaa iyana iska hor yimid Mowliid Macaane iyo Max’ed Ramaan Arbow iyagoo isku
haystay jagada Ururka SAMO, mar la wareystay Max’ed Ramadaan Arbow Allaha u
naxariistee ayaa wax laga weydiiyey Mowliid Macaane waxa uuna yiri “Wuxuu ahaa
garsoore K/cagta ah, muxuu ka yaqaanaa Siyaasad, waxaan dhihi lahaa firinbiga
isaga laabo, wax kuu dhaama helimayside”. C/raxmaan Tuur oo hogaaminayay ururkii SSNM ee dagaalka ka waday waqooyiga
Soomaaliya ayaa waxaa ka hor ymid rag kale oo ay isku khilaafeen siyaasadda
taasi waxay keentay in uu u soo cararo dhinaca Magaalada Muqdisho oo uu xiriir
la sameeyo Gen. Max’ed Faarax Caydiid, mar la wareystayna waxa uu yiri “Waxaan
ahay ninkii ugu horeeyey ee duurka u gala xoreynta waqooyiga Soomaaliya, maanta
la yaabi maayo in ay iga hor yimaadaan rag aan anigu wax ka dhigay”, hase
yeeshee C/raxmaan Tuur isaga oo u danqanaya dadkiisa ayuu iskala joogay Gen.
Caydiid taasina waxay keentay in uusan wax mucaarad ah ku kicin ama wax jabhado
ah hanaankii siysaadeed ee ka jiray Waqooyiga Soomaali, waxaana ku tilmaami
karnaa in uu yahay nin u tanaasuley shacabkiisa. Mudadaan dambe waxaa soo baxay Ururo Islaami ah, oo markii hore hal jiho lahaa,
balse hadda u xuubsiibtay dhowr qaybood, iyadoo qayb kasta ay qaybta kale aan la
dhacsaneyn, waxaana hadaladooda ka muuqda ama laga dhadhamin karaa in qaybiba
qaybta kale u aragto in ay iyadu wax ka dhigtay. Sheekh Shariif oo isagu hogaamiya Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaana
Heshiis la gaarey Dowladda Federaalka ayaa qaar ka mid ah ururada Islaamiga ah
ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya u arkaan fikirkiisa mid qaldan oo
marin-habaabinaya ujeedkooda, waxayna leeyihiin “Ma hadafkii aan dhiiga badan u
daadinay oo aan guryaheena uga barakacnay, isla dhiiggaasina uu Sheekh Shariif
wax ku noqday ayaan si fudud ku ilownaa oo aan hoos tagnaa Gaalo iyo
Daba-dhilifkood”. Isku soo wada duuboo halka ay maanta siyaasaddu mareyso weli waxa ay ku socotaa
waddadii ahayd ‘Aniga ayaa wax kaa dhigay’. W/D A amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Geedi Shaambowgii Mareykanka oo laga guuleystay...
Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com |
December 2, 2008
|