SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Anigaa wax kaa dhigay

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, ayaa waxaan u kuurgalay qaab dhameedka Bulshada Soomaaliyeed runtii dadka Soomaaliyeed haatan waxay noqdeen dad aflagaado badan, been badan, qiyaano badan, amaanada ku liita iyo waxyaabo kale oo fara badan. Tusaale nin baa ka toobad keenaya waxyaabo uu horey ugu jiray waxa uuna isku dayayaa in uu wax faro bulshada, isagoo uga digaya waxyaabihii hore ee uu sameeyey, markiiba dadka qaar ayaa la soo boodaya “Ma kii Mooryaanka ahaan jiray baa hadda wax noo sheegaya, war hadaladaa nagala tag”. Dadka Soomaaliyeed inta badan ma aaminsanna in qofku soo hanuuni karo Allana u toobad keeni karo.

Nin baa qamri cabi jiray, waa uuna ka toobad keenay waqti dambe, waxa uuna noqday wadaad dadka wax u sheega, xumaanta uga diga samaantana fara, marka uu wacdiga dhameysto ayaa la daba dhigayaa xan sida iyadoo dadku leeyihiin “Ma kii qamriga cabi jiray, muxuu naga wacdinayaa waan naqaanaa wixii uu ku jiri jiraye”.

Intaas oo dhan marka laga soo tago, waxaa soo baxay ereyga aan cinwaanka uga dhigay maqaalka ee ah “Anigaa wax kaa dhigay”. Oo aan ogaadey midka maanta halkaa na dhigay Xiligii ay dagaalamayeen Caydiid iyo Cali Mahdi, Caydiid ayaa waxa uu yiri “Ma Cali Mahdi oo aan aniga wax ka dhigay ayaa maanta doonaya in uu iduudsiiyo wax aan juhdi u soo maray, anagoo og in uu ahaa nin iska ganacsato ah oo uu Baar u furan yahay dhawaanna soo galay Siyaasadda”, taasina waxay keentay in kumaan qof oo Soomaali ah ay ku nafwaayeen markay xaaladdu gaartay Gaw iyo Gash ma leh.

Waxaa isku dhacay Shaar Guduud iyo Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isku dhinac ah, mar la wareystay Shaar Guduud ayaa wax laga weydiiyey labadaasi nin, waxa uuna ku jawaabay “Anigaa wax ka dhigay maxay ahaayeen, Xaabsade Booyadda biyaha u keeni jirtay RRA ayuu wadi jiray, Aadan Madoobana waa ninkii Qur’aanka u akhrin jiray Jabhadda, ma siyaasadday wax ka og yihiin”

Waxaa isku dhacay Caydiid iyo Caato, waxayna ahaayeen markii hore dad si aad ah isugu dhawaa, hase yeeshee markii uu dagaalku dhex maray ayaa Cismaan Caato waxa uu yiri “Muxuu yahay Caydiid, Waa Askari xun oo soo jabahadeeyey, balse markaan maal iyo hanti siiyey ayuu aniga igu soo jeestay, aniga ayaana wax ka dhigay, ma maantuu damcay inuu xaqeyga qaato ma aha mid laga yeelayo”.

Muuse Suudi iyo Cumar Finish ayaa iyana isku dhacay, Muuse Suudi ayaa wax laga weydiiyey khilaafkooda intii uusan gacan ka hadalku dhex maray waxa uuna yiri “Ma wiilkii yaraa ee hoostayda ka shaqeyn jiray ayaa ila tirsanaya, wallee anigaa isku keenay, laakiin wuxuu iga helo ayuu leeyahay, ma markaan wax ka dhigay ayuu sheekadan la yimid”.

Waxaa kale oo iyana isku dhacay Sheekh Cali Dheere iyo Cali Mahdi, waayo Sheekh Cali Dheere waxa uu yeeshay shacbiyad badan, kadib markii uu Waqooyiga Muqdisho ku soo rogay shareecadda Islaamka, markii uu Sheekh Cali Dheere uu mudo shaqaynayey waxna kala fahmay ayaa isaga iyo Cali Mahdi waxaa ka dhex oogmay khilaaf, Cali Mahdi ayaa laga hayaa “Wadaadkii igu soo hoos koray, ee aan wax ka dhigay ayaa manta damacsan in uu iga hor yimaado”, waxaana bilowday in lagu kiciyo Sheekha Maleeshiyooyin si meesha looga saaro.

Waxaa iyana iska hor yimid C/llaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu yiri “Waxaa is waalaya ma Jaamac Cali Jaamacaa, waa I yaqaan in aan ahay nin dagaal yahan ah oo birta calaalsha, waana garanayaa”, waxay kaloo isku dhaceen C/llaahi Yuusuf nin haatan Madaxweynaha ka ah Puntland Cadde Muuse, waxa uuna C/llaahi Yuusuf yiri “Cadde Muuse waan aqaan oo saacad isma hayneyno, maxaa yeelay anigaa wax ka dhigay oo siyaasadda ku soo daray, waxa uu ahaa nin iska Bayshin ah oo meelaha warwareega.

Waxaa iyana is hardiyey Barre Hiiraale iyo Morgan, Morgan ayaa waxa uu yiri “Waxa igu soo duulaya ma Barre Hiiraalaa mise waa cid kale, haddii uu Barre Hiiraale yahay waan aqaan oo anigaa ciidanka qalabka sida u qalqaaliyey oo anigaa wax ka dhigay, waxa uuna ahaa nin meelaha iska joog jooga, marka waxaan kala helno loo wada joogee”, waxaana labadaasi nin dhex maray dagaalo ay ku hoobtay dad fara badan, sida ay kuwii horaba u dhex mareen dagaalada noocaan oo kale oo dhamaantood ku qotoma “anigaa wax kaa dhigay”.

Max’ed Dheere ayaa waxa uu ka hor yimid Siyaasaddii Cali Mahdi, kadibna waxa uu u soo gudbay dhinaca Koonfurta oo uu ku sugnaa Caydiid, waxayna markaa dadku Waqooyiga muqdisho ku magacaabeen “Max’ed Dheere iyo kooxdiisii soo goosatay”,“Facaa Tuug”, hase yeeshee markii dambe saaxiibaddii uu ku lahaa Koonfurta ayuu ka hor yimid oo ugu horeeyey Xuseen Caydiid, mar la wareystay Xuseen Caydiid waxa uu yiri “Anigaa wax ka dhignay Max’ed Dheere, isaga oo la eryanayo ayaan soo dhaweenay, maanta ayuuse nagu caasi garoobay”.

Max’ed Qanyare Afrax oo isagu siyaasaddiisu tahay mid is rogroganta ayaa dagaalkii dhex maray Caydiid iyo Cali Mahdi waxa uu u goostay dhinaca Cali Mahdi Qanyare , kadibna waxa uu heshiis la galay Caydiid, hase yeeshee Cali Mahdi oo wax laga weydiiyey ka tagista Qanyare ayaa yiri “Anagaa shalay soo dhaweynay oo wax ka dhignay, marka maanta la yaab ma leh in uu hadba meel u cararo, oo aan ku naqaan laba wajiileyntaas”.

Maxamed Dheere oo mar ka hor yimid Siyaasadii SNA ee uu hogaaminayey Marxuum Caydiid ayaa qaar ka mid ah taageerayaasha SNa waxay yiraadeen” Ma ninkii aan wax ka dhigney baa maanta nagu kibrey ma oga miyaa dadkiisa ay yiraahdeen Facaa tuug” sidoo kale mar ay isku dhaceen Cali Maxamed Geedi iyo Maxamed Dheere ayaa laga soo xigtey Maxamed Dheere” Ma ninkii aan kursiga xildhibaanimo uga kacay baa maanta iga horimaanay anaa markii hore wax ka dhigey oo siyaasadda ku soo darey” Mar sidoo kale ay iska horyimaadeen Cabdulaahi Yuusuf Maxamed Dheere ayaa yiri “isaga oo meel uu aado garan la’oo iskana wareegaya Nairabi baan ku soo dhaweeyey Jawhar marka waan aqaanaa Odey Daarood oo ciyaal Suuq ah anigaa markii hore wax ka dhigey

Waxaa iyana iska hor yimid Mowliid Macaane iyo Max’ed Ramaan Arbow iyagoo isku haystay jagada Ururka SAMO, mar la wareystay Max’ed Ramadaan Arbow Allaha u naxariistee ayaa wax laga weydiiyey Mowliid Macaane waxa uuna yiri “Wuxuu ahaa garsoore K/cagta ah, muxuu ka yaqaanaa Siyaasad, waxaan dhihi lahaa firinbiga isaga laabo, wax kuu dhaama helimayside”.

C/raxmaan Tuur oo hogaaminayay ururkii SSNM ee dagaalka ka waday waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa ka hor ymid rag kale oo ay isku khilaafeen siyaasadda taasi waxay keentay in uu u soo cararo dhinaca Magaalada Muqdisho oo uu xiriir la sameeyo Gen. Max’ed Faarax Caydiid, mar la wareystayna waxa uu yiri “Waxaan ahay ninkii ugu horeeyey ee duurka u gala xoreynta waqooyiga Soomaaliya, maanta la yaabi maayo in ay iga hor yimaadaan rag aan anigu wax ka dhigay”, hase yeeshee C/raxmaan Tuur isaga oo u danqanaya dadkiisa ayuu iskala joogay Gen. Caydiid taasina waxay keentay in uusan wax mucaarad ah ku kicin ama wax jabhado ah hanaankii siysaadeed ee ka jiray Waqooyiga Soomaali, waxaana ku tilmaami karnaa in uu yahay nin u tanaasuley shacabkiisa.

Mudadaan dambe waxaa soo baxay Ururo Islaami ah, oo markii hore hal jiho lahaa, balse hadda u xuubsiibtay dhowr qaybood, iyadoo qayb kasta ay qaybta kale aan la dhacsaneyn, waxaana hadaladooda ka muuqda ama laga dhadhamin karaa in qaybiba qaybta kale u aragto in ay iyadu wax ka dhigtay.

Sheekh Shariif oo isagu hogaamiya Maxaakiimta Islaamiga ah, isla markaana Heshiis la gaarey Dowladda Federaalka ayaa qaar ka mid ah ururada Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya u arkaan fikirkiisa mid qaldan oo marin-habaabinaya ujeedkooda, waxayna leeyihiin “Ma hadafkii aan dhiiga badan u daadinay oo aan guryaheena uga barakacnay, isla dhiiggaasina uu Sheekh Shariif wax ku noqday ayaan si fudud ku ilownaa oo aan hoos tagnaa Gaalo iyo Daba-dhilifkood”.

Isku soo wada duuboo halka ay maanta siyaasaddu mareyso weli waxa ay ku socotaa waddadii ahayd ‘Aniga ayaa wax kaa dhigay’.

W/D A amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Geedi Shaambowgii Mareykanka oo laga guuleystay... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS