SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad Shahaadooyin lagu guddoon siinayey Arday oo ka dhacday Laascanood


Laascaanood (Somalitalk) waxaa Dec 8, 2008 lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Kulan oo ku yaal magaalada laascaanood, xaflad si aad u wanaagsan loo soo agaasimay hadaba xafladaasi ayaa waxaa ka soo xaadiray xubno ka socday qaybaha kala duwan bulshada ha noqoto culimaa u diin, aqoon yahanno, ururada bulshada, ganacsato iyo maamulba, waxaana xafladda lagu guddoon siiyay hurintii ugu horraysay ee ka qalin jebisa machadka culuumta computerrada iyo iwm ee KASMO NET.

Waxaa halkaasi ka hadlay sheekul beledka magaalada Sheekh C/naasir X. Axmed, shiikha ayaa aad ugu hadlay faa'iidada cilmiga isagoo sheegay in diinteenna xanifka ah aad inoogu adkaystay barashada cilmiga isagoo ku ugu duceeyay ardayda in ay ay dhanka wanaagsan uga faa'iidaystaan tecnolajiyadda ee diintu ogoshay isla markaana ku dadaalaan cilmiga.

Sidoo kale waxa halkaasi isna ka hadlay G/xigeenka Jaamacadda Nugal University Dr. C/naasir Maxamed Barre (Abu sheybe) isagoo ku hadlayay magaca jaamacadda ayuu ardaydii halkaasi lagu guddon siinayay shahaadooyinka ku guubaabiyay inay waxbarashada halkaasi ka wadaan oo aanay ka daalin horumarkuna uu ku xidhan yahay tacliinta.


Maareeyaha machadka KASMO NEt College of Computer science-Cabdi Samed Axmed Dabayl, ayaa xog warran faah-faahsan ka bixiyay machadka iyo heerarka uu soo maray isagoo tibaaxay in ardayda maadooyina computer ka ee ay baraan ay ka mid yihin barashada computerka ee aasaasiga ah ee loo yaqaan (Software programme), barashada cilad saarista iyo furfurka computerka ee loo yaqaan (Hardware programme) oo loo yaqaan +A Certification wuxuu kaloo intaa ku ladhay in ay soo kordhin donaan maadooyin kale oo la xidhiidha barashada cilmiga computerka sida barnaamija badbaadada ee loo yaqaan (Security programme) taasoo oo uu sheegay ina adeegsadaan sharaa'iggu.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay rag u hadlay maamulka hadda ka arrimaha deeganka sool, waxaa kaloo iyanaa khudbado wacdaro leh soo bandigay oo ku baxaysay afka ingiriisiga qaar ka mid ah ardayda wax ka baratay meeshaas Aadan Maxamed Cabdi Aw Nuur (Aadan Roore) oo ka mid ah ardaydii shahaadooyinka la guddoon siiyay ayaa ii sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin shahaadooyinka la guddoon siiyay wuxuuna sheegay in ay sii wadi donaan barashada aaladdan technlogiyadda casriga ah ee IT ga (Information Technology).

Si kastaba ha ahatee, xafladdii ayaa ku soo gebe gabawday jawi aad u sareeya iyadoo ay aad uga mabsuudsanaayeen macalamiintii, ardaydii iyo ka soo qayb galayaashiiba guushan taarikhiga ah ee ay ardaydu gaadhay.


Subeyr Cismaan Idiris

subeyr1425@hotmai.com 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS