Shirka Jabuuti : Wuxuu noqdey Virus wax Qaybiya
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Nin odey ah oo aan maalin Maqaayad aan ku wada sheekaysanayay ayaan isla soo
qaadnay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna markiiba la soo booday in
shirka dib u heshiisiinta ee Jabuuti ka socda uu yahay Virus wax kala qaybiyey,
waxaana weydiiyay, waxa uu heerkaas u gaarsiinayo arrinta, inta uu qoslay ayuu
igu yiri, “Waxaa kuu caddeynaya in uu Virus yahay sidaan”.
“Mareykan iyo Qaramada Midoobey hadda ka hor waxay yeesheen kulan iyagoo ka wada
hadlay arrimaha Soomaaliya, waxa uuna Mareykan markiiba u yeerayay wakiilka
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmadou Ould Abdalla, waxa uuna ku yiri ‘waxaan
dooneynaa in aan wax ka qabanayo arrimaha Soomaaliya’ wakiilkuna waxa uu
Mareykanka u sheegay qaabka ugu haboon ee arrimaha Soomaaliya loo wajihi karo,
waxa uuna Mareykan markiiba sheegay in uu wax walba diyaar la yahay ee Ahmadou
laga rabo in uu shir qabanqaabiyo la isugu keenayo Mucaaradka iyo Dowladda, waxa
uuna Wakiilka Qaramada Midoobey Mareykanka ku iri “Waxaa lagaa doonayaa in aad
shirka magac bixin u sameysid’, inkastoo Ahmedou Ould Abdalla uusan ka warqabin
ujeedooyinka qarsoon ee Mareykanka ee ah in uu kala qaybqaybiyo dhamaan kooxaha
isku haya Soomaaliya, haddana waxaa shirkii loo bixiyey shirka dib u
heshiisiinta ee Jabuuti.
Wakiilka Qaramada Midoobey isaga oo aan iska fiirin ujeedooyinkaas qarsoon ee
Mareykanka ayuu soo booday isaga oo wata Virus-kii Mareykanka, waxa uuna
markiiba kulan la qaatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna ku yiri ‘waxaan
doonayaa in aan idin heshiisiiyo idinka iyo Dowladda’, Sheekhuna Sabcan-Wadaacan
Gacmo furan ayuu ku soo dhaweeyay, maalinkaas ayaa waxaa bilowday in uu Faafo
virus-kii, isagoo kala qaybin ku riday hogaankii isbahaysiga dib u xoreynta
kuwaas oo ku kala jabay labo garab (Casmara iyo Jabuuti).
Dowladda Federaalka Jariidka dambe ayay ka qososhay, aad ayay u daneynaysay in
ay kala qaybsanaan ku yimaado Isbahaysiga, hase yeeshee ma ogeyn in iyadu uu ku
soo wajahan yahay Virus-ku, waxa uuna Virus-ku markaa dhex joogay Isbahaysiga
iyo waliba kooxaha Muqaawamada ee gudaha, waxayna la kala safteen garabyadii uu
Virus-ku u kala qaybiyey ee Casmara iyo Jabuuti, waxaa xitaa soo baxay koox kale
oo ka madax banana isbahaysiga labadiisa garab oo uu afhayeen u yahay Max’ed
Aadan Koofi, waxaa kale oo soo baxay Mucaskar la yiraahdo Raas Kamboodi,
Jabhatul Islaami iyo kooxo kale, oo dhamaantood abuurmay Virus-kii Mareykan
kadib, waxaa kale oo uu Virus-kaan saameyn ku yeeshay culama’udiinka
Soomaaliyeed oo iyana kala qaybsanaan soo wajahday taasina waxay keentay in
culuma’udiinkii ay ku wareeraan in ay wax isku soo dhaweeyaan, balse waxaaba
timid sii kala fogaansho.
Virus-ka oo weli dhex muquuranaya kooxaha Mucaaradka, waxa uuna u gudbay
Magaalada Baladweyne oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Mucaaradka, waxaana soo
wajahday kala qaybsanaan iyo in gacanta la isula tago oo weliba ay dhintaan qaar
ka mid ah mas’uuliyiinta ugu waaweyn Maxaakiimta, sidoo kale Virus-kaas waxa uu
soo gaaray Magaalada Jowhar, waxaana halkaas ka dhashay kala qaybsanaan iyo in
ay la kala saftaan Casmara iyo Jabuuti, Virus-ku waxaa kale oo uu gudbay
Magaalada Guriceel oo uu ka dhacay dagaal dhex maray Shabaab iyo Ahlu-Sunna
WalJamaaca, waayo Ahlu Sunna waxay taageero u muujisay shirka uu garwadeenka u
yahay Sheekh Shariif, waxa uuna Virus-kaas gaaray Guriceel sababay in ay dad
badani ku dhintaan dad badanna ay ku barakacaan.
Qosolka iyagoo sii wata kooxda Federaalka oo uu virus-ku dhex muquuranayo
Mucaaradka ayaa Virus-kii soo wajahay dhanka Federaalka isagoo dhexda uga soo
dhacay, inkastoo uu Virus-ku ka dhex jiray Federaalka, haddana waxa uu si toos
ah u soo muuqday Cudur-Siduhu maalinkii xilka laga qaaday Max’ed Cumar Xabeeb
(Max’ed Dheere), waayo Max’ed Dheere waxa uu ka soo horjeeday go’aanadii shirkii
dib u heshiisiinta Jabuuti, hase yeeshee Federaalku waa ay yareestay virus-ka
bilowgiisii, waxa uuna Virus-kii jugo-jugeyn ku bilaabay Ra’isul Wasaare Nuur
Cadde oo iska casileen 13 Wasiir, Virus-kii ayaa la damcay in lagu daaweeyo
Magaalada Adis-Ababa, hase yeeshee taasi way socon weysay, sidoo kale waxaa la
damcay in lagu daaweeyo Nairobi, iyana waa ay socon weysay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo doonayey in uusan Cudurku soo gaarin, oo uu ku
ekaado Nuur Cadde ayuu Nuur Cadde waxa uu bilaabay in uu kaalmaati u raadsado
Virus-kaas, waxa uuna taageero ka helay Golaha Baarlamaanka, hase yeeshee
C/llaahi Yuusuf kaalmaatigaas aad ayuu uga carooday waxa uuna go’aansaday in
cudurka uu hayo Nuur Cadde iyo isagaba jirdaha u wada siibo, waxa uuna
magacaabay Ra’isul Wasaare Max’ed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), hase yeeshee
Nuur Cadde isagoo weli kaalmaati ka helaya Golaha Baarlamaanka ayuu isu
muujinayaa in uu cudurka iska difaacay, hase yeeshee Baarlamaanka ayaa digniin
kulul u jeediyey C/llaahi Yuusuf Axmed oo ah in uu ka soo jawaabo eedeeyo loo
jeediyey, waxa uuna xaalku u eg yahay isna C/llaahi cudurku saameeyo oo meesha
ka soo baxdo dowlad leh labo Ra’isul Wasaare, labo Madaxweyne iyo Labo
Guddoomiye Baarlamaan.
Virus-ka shirka Jabuuti waxaa isna saameeyey maamulka Puntland, waxaa ka dhacay
banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee
dhinac ayaa iyana taageero u muujiyey Nuur Cadde, waxa uuna Madaxweyne Cadde
Muuse ku tilmaamay shirka Jabuuti mid ay Qabiilo gaar ah ku heshiiyeen.
Cudurku waa uu sii fiday Beelaha Digil iyo Mirifle ayuu ku riday kala
qaybsanaan, qaar waa uu taageeray shirka Jabuuti, qaarna waa ay ka soo
horjeesteen, sidoo kale waxa uu Virus-kaan kala qaybsanaan ku riday dhamaan
beelaha Soomaaliya oo maalin walba aad maqlaysid qaylo dhaanta ka soo yeereysa.
Dowladda Mareykanka oo virus-kaan u soo dhiibtay Wakiilka Qaramada Midoobey ee
Soomaaliya ayaad aad ugu faraxsan halka uu xaalku marayo, hase yeeshee waxay
dooneysaa in Virus-kaas uu gaaro ururka Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa muuqda in
Al-Shabaab ay digtooni ka muujineyso, soo gelitaanka Cudurkaas waxayna ka qaadey
Firfircaani iyo xoog , maadaama ay ku sii biirayaan garabyo horey uga tirsanaa
Midowga Maxaakiimta”.
Sheekada Odeyga waxaa ka dhex dhadhansan kartaa in Virus-kani yahay mid dhab
ah oo la soo dhiibay wakiilka Qaramada midoobey ee soomaaliya , waayo intaan
shirka Jabuuti la furin ka hor qaybaha uu hadda saameeyey Virus-ka waxay
ahaayeen kuwo bedqaba, haatanse waxaa la wada arki karaa in Virus-kaani u sii
qoto dheer ugu guuleystay in uu lafaha ka galo Qolo walba oo isku feker ahaa,
waxaase isweydiin mudan sida ay Al-Shabaab uga badbaadi doonaan Virus-kaan,
maadaama ay yihiin kooxda keliya ee weli aan laga dhex dareemin in cudurku
saameeyey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Anigaa wax kaa
dhigay........ Akhri...
Faafin: Somalitalk.com | Dec 22, 2008
|