SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Xafiiska Senator Norm Colman iyo Ururka Qalinleyda & Hal-Abuurka Soomaaliyeed oo Wada Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Minneapolis, (February 21, 2008) - Afka ayaa ah astaanta kaliya ee ay qowmiyaduhu isku af-gartaan isla markaana summad u ah is-fahamka iyo is dhax-galka bulsho kasta oo ku nool dunidan. Sidaa daraadeed ayay Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan waxbarashada, sayniska & dhaqanku waxa ay shirkeedii guud ee sannadkii 1999kii ku go’aamisey in sannad walba bisha February 21keeda loo garto Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, si loo xusuusto loona xoojiyo jiritaanka afka hooyo oo in badan oo ka mid ahi dabar go’een ama ay waddadii dabar go’a ku socdaan, iyada oo weliba la gartay in afka Soomaaligu ka mid yahay kuwa waddadaas cagta ku sii haya.

Hadaba iyada oo taas laga amba-qaadayo ayaa Mudane Maxamuud Wardheere oo ka tirsan Xafiiska Senator-ka Xisbiga Jamhuuriga ah ee ka soo baxa Gobolka Minnesota Senator Norm Colman iyo Ururka Qalinleyda & Hal-Abuurka Soomaliyeed (Somali Speaking-PEN) waxa ay si wadajir ah u qabteen xaflad lagu xusayo Afka Hooyo (Soomaaliga), iyada oo ay xafladdaasi ka dhacday xafiiska Senator-ka ee St. Paul, MN.

Goobta ay munaasibadu ka dhacday oo lagu xardhay in badan oo ka mid ah qalabka lagu yaqaan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxa isugu yimid Soomaali fara-badan oo isugu jirtay Aqoonyahanno, Qalinley, Abwaaano, Macallimiin, Fannaaniin, Mas’uuliyiin ka socotey waaxda Waxbarshada ee Gobalka Minnesota iyo Arday wax ka barata jaamacadaha gobolka Minnesota.


Wakiilka SomaliPen  Anwar Maxamed Diiriye & Senator Norm Coleman

Ugu horreyntiiba waxa munaasibadda furay Senator Norm Colman oo ah mas’uul saaxiib hoose la ah jaalliyadda isla markaana u dhuun-daloola xaalahada ay Soomaalidu ku sugan tahay hadii ay ahaan lahayd gobolkan iyo Soomaaliyaba. Mudane Colman oo hadalkiisa ku bilaabay sida uu ula dhacsanyahay sida ay Soomaalidu uga dhex-muuqato bulshada gobolkan isaga oo yiri “waxaad gobalkan ku soo biiriseen dhaqan cusub oo aad u qaali ah, waxaadna buuxiseen kaalin kasta oo wax ku’ool u ah bulshada sida ganacsiga iyo waxbarashada, waxaadna la timaaddeen howl-karnimo lagu faani karo.”Senator-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa dulmaray sida ay muhiimka u tahay maamuusidda af-hooyo oo kastaa isla markaana waxa uu ku dardaarmay in la xoojiyo Af-Soomaliga ugu danbeyntiina waxa uu dhambaal tacsiya guddoonsiiyay fannaanada caanka ah Hibo Maxamed Hudoon (HIBO NUURA) isaga oo fannaaniinta, suugaanyahannada iyo dhammaan shacbiga Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Abwaaan Xasan Sheekh Muumin.


Abwaan Cismaan Ducale Daahir, Senator Coleman, Anwar Maxamed Diiriye & Siciid Saalax Axmed

Intaa kaddib waxa hadalka lagu soo dhaweeyay qoraaga da’da yar oo ilaa hadda soo bandhigay ilaa saddex buug oo ku qoran Soomaali iyo English, isla markaana ah wakiilka Ururka Qalinleyda & Hal-Abuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking-PEN) Mudane Anwar Maxamed Diiriye, oo isaguna si kooban u dul-maray, ujeedka maalinta afka hooyo & is-baddaladii uu soo maray qoritaanka afka hooyo.

“Soomaalidu ma ahayn mid weligeed habeeno-maskaxeed qabta, waxa ayna lahayd muhindisiin had iyo goor ku taammi jirey, dadaalna ugu jirey sidii ay mar u ebyi lahaayeen far afkoodu yeesho oo ay ku qortaan sooyaalka & dhaxal-reebka ummaddooda, hadalku ragaadiyey gudbinta dhaxalka jiilashooda” ayuu Anwar yiri.


Wariye Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ‘Rochester Somali TV’, Macallin Siciid Saalax, Hibo Maxamed Nuura, Senator Coleman & Cadar Axmed Kaahin.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu daliil cad u soo qaatay taariikhda ay baadidoonkii ay far afka lagu qoraa soo martay, isaga oo si aad ah u sharxay yirina “Qarnigii 13aad ama 14aad midkood ayuu SheekhYuusuf Al-Kownayn isku deyey in uu allif-ba’da Carabiaga uu ku qoro afka, waana inta la og yahay markii ugu horeysay ee jiritaanka isku daygaas la ogaadey, inkasta oo aanay meel fog gaarin. Haddana, goor kale qarnigii 18aad ayey Xaaji Cali Cabdiraxman iyo Sheekh Aweys Baraawe ay si kala gooni -gooni ah ugu qoreen allif-ba’dii Carabiga qasiidooyin, sheekooyin & suugaan kale oo Soomaaliyeed. Balse 1920kii ayuu Cismaan Yuusuf Keenadiid bilaabay hindisaada fartiisii Cismaaniyada “Far-Soomaali”, waxana uu ebyey oo soo bandhigay 1922kii. Toban & dhawr sanno kabacdi, waxaa isna far uu hindisey soo bandhigay 1936kii Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi oo reer Saylac ahaa. Fartaas waxa markii hore la oran jiray Saylici, dabadeedna waxa ay u xuub-siibatay oo ay baaqi ku ahaatay Fartii Borama.

Waxa isna 1954kii, far-guri kale oo uu hindisey soo bandhigay Xuseen Axmed Kaddare, waxana uu u bixiyey fartiisa KADDARIYA. Xog-warrankani waa dul-xaadis ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa iyaguna xilliyo kala duwan si kala madax bannaan u hindisey far-gurriyo cusub ama kuwo laga soo min-guuriyey fartii Carabiga am tii Latiinka. Si kastaba ha u dalaa-dhacdee bishii October 21keedii sanadkii 1972kii ayuu xukunkuu askariga ahaa ku dhawaaqay in la qaatay farta Laatiinka ayna maalinkaa wixii ka dambeeya noqonayso farta afka Soomaaliga lagu qorayo. Astaanta caynkaa ahi waa guushii ugu mudnayd ee laga dhaxlo dhammaan wixii maamullo kala duwan dalka soo maray ilaa waagii xorriyadda la hantiyey, waxayna mudan tahay xusuus & maanka oo sidii khaddii oo kale loogu tiro. Halgankaas ayuu far-u-hellidda afkeennu soo maray ayuu Anwar uga baxay hadalkiisii.

Ugu dambeyntii waxa hadalkii lagu soo dhaweeyey Abwaan/Macallin Siciid Saalax Axmed isla markaana ah qoraa wax badan qoray. Siciid waxa uu isna guud-maray Taariikhda Guud ee afka Soomaaliga & meesha uu ka soo jeedo isaga oo u sameeyay Abtiirsimo Afka Soomaaliga una dhigay in uu asal ahaan ka mid yahay afafka la isku yiraahdo “Hemato/Semitic uu oo ka sii noqday Afro/Asiatic kana siiyahay Cushitic aakhirkiina uu ka sii noqday Eastern Cushitic oo ay iyana ka mid yihiin afafka Oromada, Soomaaliga iyo Canfartu.”ayuu Saciiid Saalax yiri. Saciid oo halalkiisa sii wata ayaa Af-Soomaaliga ku qeexay in uu yahay af qadiimi ah balse aanay dad badan ku hadlin sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la xafido

Dhibaatooyinka Af-Soomaaliga Haysta

Afka hooyo oo ah mid ay dad kooban ku hadlaan (15-20 Milyan) ayaa haddana waxa ku xeeran caqabo sii suullinaya haddii aan lagu baraarugin oo aan wax laga qaban. Dhibaatooyin ka ugu waaweyn ee soo wajahay afkan waxa ka mid ah iyada oo ay luntay habkii manaahijta dalka wax loogu barayay ardayda ama jiilka cusub dowlad la'aanta awgeed iyada oo baddalkeedu noqday goobo wax barasho oo lagu dhigo manhaj ka soo jeedda dowlada caawiya hay'addaha maamula goobahaas waxbarasho ee ka furan Soomaaliya islamarkaana laga mamnuucay in wax lagu dhigo Afkii Hooyo laguna badalay afaf kale oo shisheeye si aan dhuunta dhaqaalle ee laga helayaa u go’in.

Qodabka labaad ee halista ku ah Af-Soomaaliga ayuu macallin Siciid Saalax ku macneeyay kumanaanka Soomalida ah ee dibdada ku soo qaxday oo afkii ka sii suulayo iyaga iyo u badkoodiiba, taas oo ay sabab u tahay badweynta lagu soo dhexdhacay ee aan sida sahlan looga dabbaalanm karin.


Senator Coleman oo warqadda baroor-diiqda Xasan Sheekh Muumin guddoonsiinaya Hibo Maxamed Nuura & Abwaan Cismaan Ducaale Daahir oo dhex taagan 
 
Sidee Loo Badbaadin Karaa Af-Soomaaliga.

”Waa iyada oo la sameeyo wacyi-galin baahsan joogtana ah isla markaana la badiyo dhiganayaasha ku dhigan afka hooyo; waxa iyana mudan in qoys walba oo Soomaliyeed madaxiisa mayrax ku duubto oo guryaha lagu baro carruurta ku hadalka & dhigaalka afkaba” ayuu ku taliyey qoraaga Anwar Maxamed.

Waxa isna socda dadaal loogu jiro in lagu daro afka Soomaliga maaddooyinka laga barto Jaamacadaha Minnesota. Iyada oo ay qorshahan riixayaan aqoonyahanno iyo macallimiin Soomaaliyeed oo ku nool gobalkan oo ay ka mid yihiin koox arday ah, Saciid Saalax & Maxamed Alla-bari oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Waxbarashada ee Gobalka Minnesota sida uu ii xaqiijiyay Abwaan Saciid Saalax oo laftiisu ka mid ah Macalliinta wax dhigta Dugsiyada Magaalada Minneapolis.

Gabagabadii munaasibaddan waxa uu ku dhammaaday jawi aad u macaan iyada oo ay goobtana joogeen dad u dhashay dalkan Mareykanka balse ku hadla afka Soomaaliga, oo ay ka mid ahaa Professor Phil Lowry oo bara macluumaadka siyaasadda iyo afka Carabiga, haddana barta Af-Soomaliga isaga oo Hibo Nuura iyo Cadar Axmed Kaahin oo goobjoog ahaa ka codsaday in ay maqashiiyaan heesihii looga bartay kadibna waxay hablaha hobalada Waabari ku gunaanadeen munaasibaddii hees tii “Alif La Kordhabay” ee uu sameeyay Abwaan Saciid isla markana ka mid ahaaan jirtey heesihii higgaadda Soomaaliga lagu bari jiray bushada. 
 
Abdifatah Mahamed Abdinur
Abdifatah_7@hotmail.com

Sen. Coleman iyo naadiga qalinlayda iyo hal abuurka (SomaliPEN) oo si wada jir ah u xusay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo

Maanta oo ah Febtuary 21 waa maalin UNESCO u aqoonsatay maalinta afka hooyo ee caalamiga waxaa Minnesota ka dhacday xaflad heer sare ah oo gu xusayo afka Soomaaliga. Waxaa lagu qabtay Xafiiska senator Norm Coleman. Waxaa xafladdan si wada jir ah usoo wada qabanqaabiyey sanadkan 2008 Senator Norm Coleman oo isagu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu marti gliyo xuska af Soomaaliga iyo Naadiga qalinlayda iyo hal abuurka SomaliPEN.

Magaca SomaliPEN waxaa ku hadlay wakiilkooda Minnesota oo ah qoraaga weyn ee Anwar Maxamed Diiriye oo ka warbixiyey sida ay ku timid in February 21 loo aqoonsado maalinta caalamaiga ee afka hooyo. Waxaa kale oo goobta ka hadlay abwaanka weyn ama macalinka weyn ee Siciid Saalax oo ka war bixiyeye taariikhdii iyo iyo halgankii uu soo maray qoraalka afka Soomaaliga iyo habaca hadda ku yimid.

Senator Coleman waxaa uu rasmi ah tacsi ku saabsan abwaanka weyn ee dhowaan geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Xasan Sheekh Muumin ugu gudbiyey fanaanadda weyn ee Hibo Nuura oo uu adeer u yahay iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Caruurtii ay dhaleen abwaanada Soomaaaliyeed ee ku nool Minnesota oo kala ah Deeqo Maxamed Ali Kaariye iyo Absame Maxamuud Cabdillaahi Ciise Sangub ayaa aad u taageeray xuska maalinta afka hooyo iyo dhamaan dhaqanka soomaaliyeed

Xogta: Xafiiska Senator Norm Coleman

Xafiiska Senator Colman iyo Sanad Guuradii Farta Soomaaliga

Xaflad si qurux badan loo soo maamuusay ayaa waxa lagu qabtay xafiiska Senator Norm Colman ee kuyaala magaala madaxda gobolaka Minnesota ee Saint Paul. Ujeedada xafladaas ayaa waxa ay ku saabsanayd XUSID la xusayey maalintii farta Soomaaliga laga diiwaan geliyey UNSCO oo ku beeganta bisha February 21.

Xusidaas farta Soomaaliga lagu xusayey ayaa waxa ka soo qayb galay Soomaalida degan gobalka Minnesota ayna horkacayeen Abwaano, Aqoonyahano, Macalimiin, Arday, iyo Siyaasiyiin. Xafladaas oo uu soo qabanqaabiyey Maxamuud Nuur Wardheere oo isagu ka shaqeeya xafiiska Senator Norm Colman. Wardheere ayaa waxa uu ku soo dhaweeyey dadkii halkaas isugu yimid qalbi furan iyo hadalo ku saabsan xusida farta Soomaaliga. Soo dhaweyntii Wardheere ka dib, waxa uu ku soo dhaweeyey Senator Colman oo runtii ku amaanay Soomaalida sida ay dhaqankooda ugu dhagan yihiin iyo muhiimada ay leedahay luuqada la qoro. Waxa kale oo Senator Colman uu gudoonsiiyey warqad tacsi ah Hibo Nuura, ka dib markii abwaankii weynaa ee Xasan Sheekh Muumin ee ku geeriyooday Sweden uu soo koriyey adeerna u ahaa. Tacsidaa ka bacdi, Senator Colman waxa uu hadalo ka dhageystey arday ka timid Normandale Community College oo ka codsaday Senator Colman in ay ku casuumaan in uu yimaado Normandale Community College.

Intii Senator-ka joogey goobtaas ayaa waxa qudbad gaaban ka jeedisey gabadh cadaan ah oo baratay afka Soomaaliga iyo Macalin wax ka dhiga Normandale oo isna qudbad ku qoran afsoomaali ka akhriyey xaflada. Waxa xaflada ka qudbadeeyey oo runtii ka hadlay taariikhda farta Soomaaliga, Abwaan Siciid Saalax iyo qoraaga weyn ee Anwar Mohamed Diiriye oo isagana ka socday hay’ada weyn ee lagu magacaabo SomaliPen. Sidoo kale waxa xaflada goobjoog ka ahaa Wariyaha caanka ah ee VOA Cali Xaraare, wariye Abdifataax oo ka socday Rochester, iyo wariyayaasha TV-yada gobalka Minnesota oo halkaas duubayey.

Gebogabadii, ayaa gabar yar oo ku dhalatay gobalka Minnesota uuna dhalay Maxamuud Nuur Wardheere, ku qudbadeysey qudbad ku qoran afka Soomaaliga, taasoo runtii dadkii halkaa isugu yimid ku baraarujisey in la baro ciyaalka ku dhashay Maraykanka in ay akhriyi karaan farta Soomaaliga.

Abdimalik Askar Somali Media aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2008

BAARID | SEARCH


 

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com