SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA....

  • .....Khilaafkii Yusuf iyo Geedi (DFKMG) waxa uu meeshii ugu darayd gaarey markii Geeddi qaatay $32 million oo doolar oo Sucuudigu u soo dhiibey si loogu maareeyo dib u heshiisiinta Soomaalida. Markaas ayaa Maraykanku soo dhex galay. Waxaa Geeddi looga yeeray Addis Ababa, markaas ayaa Saraakiil Maraykan iyo Itoobiyaan ahi waxay la yeesheen wadahadal socdey laba maalmood. In uu iska casilo Ra'iisul wasaaraha waxa uu (Geeddi) bedelkeeda helay in loo dhaafo lacagtii Sucuudiga intii ka hartay iyo in Maraykanku siiyo magan gelyo (asylum)... Saraakiil Maraykan ah ayaa wada-xaajood la yeeshay Jaamacadda Kaliforniya ee Los Angeles si uu uga helo boos.... Waxa uu Guri ka iibsadey Los Angeles....  Waxaa sidaas maanta (February 9, 2008) daabacday Jariidada The Independent......

Warbixin dheer oo Maanta (Sabti Feb 9, 2008) ay qortay jariidada The Independent ee ka soo baxda dalka Ingriiska ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay meesha masiibada ugu weyni ka jirto marka la eego dunida oo dhan.

Warbixinta jariidada oo soo xiganeysey Qaramada Midoobey waxa ay tiri: Masiibada ugu daran ee Afrika meesha ay ka socotaa ma aha Kenya, ma aha xitaa Darfur. Soomaaliya ayaa ah dalka ugu qaxootiga badan dunida oo dhan.

Qormada jariidada oo aad u dheer oo xustay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dawlad ah oo shaqayneysa laga soo bilaabo 1991, waxa kale oo ay aad ugu dheeraatay heerarkii ay soo mareen dhibaatooyinka ka dhacaya Soomaaliya iyo duulaankii Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya iyo duqayntii ka dhacday Soomaaliya.

Warbixintu waxay xustay in dib u heshiisiintii aan wax laga qaban sabatoo ah khilaaf kala dhex galay madaxweyanaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisul wasaarahiisii hore Cali Maxamed Geeddi.

Jariidada The Independent oo ka hadleysey Khilaafka DFKMG waxay qortay: Arrintii kama dambasta ahayd (ee khilaafka DFKMG) waxa uu ahaa markii lacag dhan $32 million oo doolar oo Sucuudigu ku bixiyey dib u heshiisiinta uu Geeddi badan keedii qaatay. Arrintii is-marin-waaga ahayd ee dhex taaley DFKMG markii ay dhacday ayaa Maraykanku xaaladda majaraha u qabtay. Waxaa Geeddi looga yeeray Addis Ababa halkaas oo lagula yeeshay wadahadal xiriir ah oo socdey laba maalmood oo ay la yeesheen Saraakiil Maraykan iyo Itoobiaan ah.

Jariidada oo warkeeda sii wadata waxay qortay: In uu iska-casilo jagada waxaa loogu bedeley in Geeddi magan gelyo laga siiyo Maraykanka iyo in loo ogolaado in uu haysto inta ka hartay lacagtii Sucuudiga ($32 million). Waxa uu guri ka iibsadey magaalada Los Angeles, waxaana saraakiil Maraykan ahi ay wada-xaajood la galeen Jaamacadda University of California ee Los Angeles sidii uu boos uga heli lahaa.

Divisions within the TFG have also hampered reconciliation efforts. President Yusuf and his prime minister, Ali Mohammed Gedi, never really got on. The final straw was a row over a donation of $32m Saudi Arabia made to the government for a national reconciliation conference. Gedi kept most of the money for himself. Frustrated by the impasse, the Americans took control. Gedi was summoned to Addis Ababa where he spent two days locked in meetings with US and Ethiopian officials.

In return for stepping down, Gedi was given asylum in the United States and was allowed to keep the remains of the Saudi money. He has bought a house in Los Angeles and US officials have negotiated a position for him at the University of California in Los Angeles.
Read More at: www.independent.co.uk

Jariidada oo qormadeedii sii wadata waxay tiri: Ma jirto cid lacag ay Los Angeles ku tagto ka bixineysa Xaawa Cali Cabdi. Waxay ku nooshahay geed hoostiis iyada iyo ninkeeda iyo laba carruur ah, laba-sano-jir Xuseen iyo saddex-bilood-jir Faadumo. Waxay ka soo carartay Muqdisho bishii Oktoobar (2007) kaddib markii raxan raxan Itoobiyaan ay weerar soo qaadeen si ay u saaraan kooxaha iska caabinta.

Hadda waxay (Xaawa Cali Cabdi) joogtaa Afgooye oo 40km u jira Muqdisho, oo qayb ka ah meesha dadka soo barakacay ee dunida ugu badan ay ku xoonsan yihiin. Ma jiraan cunto iyo biyo. Ma jirto meel loo aado musqulo iyo meel gabbaad laga dhigto habeenkii. Xuseen (wiilka 2-jirka ah) waxaa la soo deristey nafaqa darro aad u daran waxaana hadda lagu daweeyaa bukaan-socod-eegto ay maamulaan dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn. Bukaan-socod-eegtada waxaa asaastay Dr. Xaawa Cabdi oo ah dhakhtarad Soomaaliyeed oo wax kusoo baratay Ruushka oo ku noolayd kana shaqayneysey Soomaaliya 17-sano oo ciqaab ah.

"Dhammaan xaaladahii ka jirey Soomaaliya maanta ayey ugu daran tahay. Ma jiraan cunto, ma jiraan daawo, ma jiraan waxbarasho, ma jirto shaqo, ma jirto rajo. Dadku maalin kasta waa dhimanayaan. Waa Xasuuq si tartiiba loo cirib tirayo. Hadda waa rajo dhignay, Rajo ma jirto" ayey tiri Dr. Xaawa Cabdi.

Qoraalka jariidada oo aad u dheer ka akhri halkan (English)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com