SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

Gaashaanle Sare Nuur Cadde Ma Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ayuu Zenawi uga Mahad Celiyey?...

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Gaashanle Sare Nuur Cadde ayaa Arbacadii (Febraayo 6, 2008) waxaa kulan gaar ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi.

Zenawi waxa uu Nuur Cadde u sheegay in uu sii wadayo taageeradiisa uu siinayo DFKMG.

Zenawi waxa kale oo uu DFKMG ku ammaanay waxa uu ugu yeeray "Nidaam wanaagga ay DFKMG gaarsiiyeen Soomaaliya oo dhan." waa sida u dhigay'e, sida ay werisey saxaafadda ku hadasha afkiisa.

G/Saare Nuur Cadde oo saxaafadda Itoobiya la hadlay kaddib markii uu la kulmay Zenawi (Arbaca Feb 6, 08) ayaa waxa uu yiri: Waxaan ammaan u soo jeedinayaa Xukuumadda Itoobiya taageeradooda hagar la'aanta ah ee ay nabad iyo xasilooni ka dhalinayaan Soomaaliya." Hadalkaas oo loo qaatay in uu Itoobiya ku ammaanayo burburka, bililiqada iyo xasuuqa ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

G/Sare Nuur Cadde waxa uu hadalkaas yiri kaddib markii lagu fariisiyey kursigii la fariiseyey Cali Maxamed Geeddi oo jagadaas uga horeeyey, halkaas oo isaga Zenawi laga qaaday sawir uu Zinawi u fadhiyey qaabkii loola sawiray Geeddi (Eeg sawirada hoose)


G/sare Nuur Cadde iyo Zenawi, Addis Ababa, Feb 6, 2008
geeddi iyo zenawi
Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa xilligii uu ra'iisul wasaaraha u ahaa DFKMG

Hadalka ka soo yeeray G/Sare Nuur Cadde waxa uu u muuqdaa mid meesha ka saaraya aragtidii shacabka qaarkiis ka haysteen ee ahaa in uu yahay nin ka madax bannaanaan kara gacanta Zenawi.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa laba dal oo ay ka dhaxayso colaad soo jireen ah oo la xiriirta dhul ay Itoobiya ka gumeysato Soomaalida, dagaallo adagna soo dhex mareen, welina socdaan. Itoobiya cadaawadda ay Soomaalida u hayso waxay ku cadaysay qoraal ay soo saartay Wasaraddeeda Arrimaah Dibadda  (oo ay ugu magac dartay Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya), sidaas daraadeed nin kasta oo sheegta madax Soomaaliyeed ee ammaana Itoobiya xilligan waa nin is-yeel-yeelaya ama ah la hayste aan xor ahayn, oo aan si xor ah u dhiiban karin afkaastisa.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2008

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com