SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XILBEEG

X I L B E E G

Ardaa Bulsheed Dan Bida Tan Guud.
_________________ 
“Guuguulihiiyow haddaad gu’ga u ooyayso, Oo aad mooday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gabooyahan ku madhan gama' la'aan diiday, Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo' laysay,
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo …”
Abwaan Ismaaciil Mire. 

______________________________ 

Duulduulka Cadde, iyo Damanaanta Dadka Puntland. 
 

Arar 

Kani waa milicsi sababaha keenay aafada dul hoganaysa Puntland. 

Dhiraandhirin kadib, haddii aan dheeganay tan ka taagan maanta Puntland, waxaa soo baxay sife ah in uu yahay xukuumada dhicis ah, hogaan dhimmane ah, iyo ummad uu daashaday diihaal. 

Saddex masalo oo iftiiminaya guuldarada xukuumada Puntland ee ay garwadeenka ka yihiin M/weyne Cadde iyo ku xigeenkiisa Afqudhac ayaan qoraalka ku darsi doonaa. 

    1. Tixgelin la’aan dastuur/sharci,

    2. Hawlgab hay’daha dawliga ah,

    3. Ku takrifal hanti bulsheed.

Dadku waa dadkii. Dalku waa dalkii. Hogaankuse ma aha kii. Mana aha mid geya geyigeen.  

Taariikhda dhaw ee caalamka, inta hogaamiye awood leh ee soo martay, qaarkood iyaga oo taagan ayaa dharaar cad la daldalay, qaarna awoodii lagala wareegay. Tusaale ahaan Julies Caecer oo la yiraadho dunida oo dhan ayaa uu mar xukumay, dharaar cad ayaa golxof lagu wanjalay isaga oo hortaagan golaha guurtida ee looga talin jiray Rome. Margaret Thatcher oo lagu naanaysi jiray “Iron Lady – gabadhii birta ahayd” iyada oo barooranaysa ayaa galab magribkii ay ka huleeshay aqalka looga taliyo Britain (10 Downing Street). Ceauşescu, bartamaha Bucharest ayaa medkiisii lagu kidfay. Saddam Xuseen oo mar ahaa cududa milatari ee ugu mudan Khaliijka Carbeed god ku dhex yiil beer digaag isaga oo ku dhuumaalaysanaya ayaa dhawr iyo labaatan lugta soo jiiday. Samuel Doe, Mabutu Sese Seko, Iidi Amin, Siyaad Barre iyaga warkood daa. 

Intuba waxaa ay eersadeen nidaamkii dawliga ahaa ee iyaga awooda siinayey oo jirridda ka daxalaystay, ummaddii oo ka aamin baxday, hay’adihii dawliga ahaa oo awood beelay, iyo hay’adihiii amniga oo iska danaystay.

Tu taa la mid ah ayaa maanta Puntland ka taagan. Waana tan keentay in dhawr gaban oo xirfad, xoolo iyo xeelad toona aan lahayni ay gelin kasta sidii ay rabaan ay dadka ugu afduubtaan bad iyo berri carro Puntland – afduubka oo ka caaganaa Puntland, ayaa hadda noqday il dhaqaale oo maangaabku naawilo, oo xitaa ilaalada Madaxtooyada Boosaaso la tuhmayo in ay qayb ka yihiin! 

Tixgelin La’aan Dastuur/Sharci 

Marka ay luri timaado, laba wadiiqo ayaa loo maraa xal u helideeda: Hab dhaqan bulsheed, ama hab sharciyeed. Puntland waxaa ay ku baraartay isku dhafka labada, oo marka midi ragaado, kan kale loo laabto. Horaa loo ogaa in Cadde aanu garrami aqoon, hab dhaqanka bulsheedna aanu aqoontiis lahayn, waase gad cusub oo uu la soo baxay mar haddii uu garawsan waayo hab sharciyeedka dawliga ah. Tusaale ahaan, golaha garsoorka ayaa su’aalo ka keenay go’aamo uu qaatay Cadde Muuse oo la xiriiray heshiisyo ay xukuumadu la gashay sharikaad ajaanib ah, Cadde isaga oo aan xeerinayn kaalinta uu goluhu ku leeyahay maamulka dawlada ayaa uu ku dhiiraday in uu shaqada ka eryo guddoonka golaha tiro ka laba jeer. Muran ayaa ka dhashay golakaha deegaanka Bosaso, Cadde waa uu kala diray. Muran ayaa ka dhashay golaha deegaanka Galkacyo, Cadde waa uu kala diray.  

Baarlamaanka Puntland ayaa xisaab hor dhigay Cadde, Afqudhac, Gaagaab iyo taliyayaasha ciidanka Puntland. Jawaabo kaafiya mudanayaasha baarlamaanku waa halkooda e, Cadde waxaa uu amar ku bixiyey in baarlamaanka la xiro, mudanayaashuna ay kala tagaan – hadda u fiirso tubta uu ku joogo – waa tii uu ku kala eryey golayaasha deegaanka Bosaso iyo Galkacyo.  

"... Shimbir duulis badanoow, haddaad degi aqoon weydo,

Mar uun baad libaax labadiisa daan, dalaq tiraahdaaye …" Abwaan Cali-Dhuux Adam. 

Gafka ugu horeeya ee ay eersatay tan maanta taagani waa mid dastuuri ah, waana gaf uu bulshada ka galay Cadde, tiisuna ay tahay gardaro garab og. Waxay taasi sababtay in Cadde uu ku hor kufo golaha sharci dejinta Puntland, markii uu intii kale ningaxii isu hayey uu wada jaray, uuna kala saari kari waayo golihiisa xukuumada ee uu garwadeenka ka yahay iyo kan sharci dejinta ee turxaanbixinta kan hore. Cadde xisaab ayaa la hor dhigay, halkii ay ka ahayd in uu gar naqsado, uuna xisaab baxo, ayaa uu amar ku bixiyey in hawlaha golaha wakiilada la joojiyo. 

Haddii aad dheegato dastuurka u deggan Puntland iyo kan asalka u ah golayaasha deegaanka, midina awoodda intaa le’eg uma siinayo Cadde. Haddii uu ahaan lahaa madaxa shirkad gaar ah, sidaa waa uu yeeli kari lahaa (wallow saamileydu aanay ka yeesheen), mase aha, ooyoo ay isaga sidaa la tahay.  

Cadde waxaa uu u dhacay ubucda nidaamka dawliga ah ee u degan Puntland, waxaana uu ku guulaystay in uu si sahlan dhidibada ugu siibo hawl ay bulshadu ku tiir iyo tacab beeshay 10-kii sano ee la soo dhaafay. Waa ay adag tahay sida nidaam lagu dhisaa, waase ay sahlan tahay si lagu burburiyaa --- waxaana marag u ah sida sahlan ee Puntland ay u noqotay halaq galeen aan la isku aamini karin.  

Masiibada ugu weyni waxaa ay tahay in Cadde aanu garawsanayn xajmiga dhaawaca uu gaystay, uuna ku indha adag yahay in “mar la arko” wax la arkaa wanaagsan yihiin. Qirasho la’aanta gafafka maamul ee Cadde waxaa ay sii fogaynaysaa xal u hellida cilladaha maamul ee jira. 

Hawlgab Hay’daha Dawliga ah 

Hay’adaha dawliga ah ee Puntland waa wada hawlgab, haba ugu horeeyaan kuwa ciidanka oo gebi ahaanba awoodoodii ay wiiqantay. Waxaana tusaale u ah falal dambiyeedka in dhawaale ka dilaacay bad iyo berri carro Puntland – markab la afduubo ama qof ajnabi ah oo madax furasho loo qafaasho, iyada oo isla xukuumaddii Cadde oo qayb ka noqotay nidaamkan cusub iyo lacag kala wareejinta afduubayaasha lagu laaluushayo. La yaab ma aha in mid ka mid ah afduubayaashii shalay uu maanta baararka Dubai kaga faano “lacagta Cadde uu u soo dhiciyey”, uuna $70,000 (US dollar) ee CARE ay madax furashada u bixisay uu Dubai ugu dhex mushaaxo!

Waxaa murugo leh in mar kasta oo ay afka kala qaadaan Cadde/Afqudhac/Gaagaab ay halhays ka dhigteen in uu jiro cadow duulaan ku ah Puntland, oo doonaya in Puntland la burburiyo. Nooga qaata marka aan niraahno in caddowga keliya ee ay Puntland leedahay uu yahay Cadde/Afqudhac/Gaagaab iyo inta ku xeeran. Aan idiin bayaaminee, haddii awoodii ciidanka Daraawiishta la wiiqay, inta joogtaana ay dayac iyo darxumo ku joogaan, qoodhiin iyo xeradiine ma cadow iyo dhabar jab taa ka weyn ayaa jira? Haddii ciidanka boolisku aanay helin amkaaniyaadka ay u baahan yihiin si ay ula legdamaan saqajaan magaaleedka, qoodhiin iyo xeradiine ma arax jab taa ka weyn ayaa jira? Haddii beelihii ku bahoobay Puntland midba maalin godob laga galay, qoodhiin iyo xeradiine ma aafo taa ka weyn ayaa jirta? 

Karti darrida iyo liidnimada Cadde/Afqudhac/Gaagaab darteed ayaa laba gobol oo ka mid ah Puntland ay u gacan galeen maamulka goosanka ah ee Somaliland, labo kalena ay baylah yihiin, halka midina uu hoy u noqday burcad badeed iyo mid berri oo noloshii dadku ay qiilqiil ku jirto.  Cadde/Afqudhac-na waxaa ay har iyo habeen ku afgobaadsadaan in ‘mar la arko’ rayi caalamka la qaldo oo been laga sheegayo amniga Puntland --- cakuye maan gab! Horaase loo yidhi “Yaa u sheega, ismoog aqalkiibay aslaysaa, ismana oga…”  

Waxaan xusid mudan in maalintii Laascaanood la qabsaday habeenkeedii ay Cadde iyo Afqudhac hadba qof ugu yeeraan qolka shirarka Madaxtooyada Garoowe. In kasta oo aysan mucjiso ahayn, haddana waxaa mucjiso noqotay in dadka loo yeerayo oo la waraysanayo casar illaa habeen aysan ku jirin hal sarkaal oo ciidamada Daraawiishta Puntland ka mid ah, ama kuwii dagaalka subaxaas ku jiray. Waxaa ka sii daran, in inta la waraysanayo uusan ku jirin hal qof oo karti u yeeshay inuu Cadde iyo Afqudhac weydiiyo, “Saraakiishii ciidamadu meeye, yaadse ka aragteen?”.  

Intaas haddaysan awal horay u dhicin, u mallayn mayno in xilqaade kale oo Puntland ahi maanta, su’aalo kale waa meeshooda e, uu karti u leeyahay su’aasha ah, “Maxaa M/weyne ku xigeenka ku kallifay in uu isku dayo in uu burburiyo shirkii Boocame II?” Ama la weydiiyo, “Maxaa M/weyne kugu kallifay inaad maalin walba iska horkeento saraakiisha iyo ciidamada Daraawiishta Puntland?” 

Taasi ha joogta e, waxaa soo ifbaxay tuhun ah in kooxaha Al-Itixad ee ay mataanaha yihiin Al-Shabaab ay ku milmeen hogaanka Puntland, ayna kaabiga u saaran yihiin in ay hantaan hogaanka Puntland (qoraal dambe ayaan ku iftiimin doonaa maadadan curdanka ah!)  

Ku takrifal Hanti Bulsheed 

Dhacdooyin argagax leh oo qofkii damiir leh uu ka gilgisho ayaa in dhawaale la soo gudboonaaday Puntland. 

Waxaa la tuhunsanaa in muddo ah in xukuumada Cadde ay hantida dawliga ah ugu takrifasho si u dhiganta tan gaarka ah, waxayse wara’adii ugu weyneyd ay dhacday markii uu is hayn kari waayey mid ka mid ahaa wasiirada xukuumada Puntland oo si cad u sheegay in hantida iyo dakhliga ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha ee Puntland ay si toos ah ugu dhacaan xisaab uu leeyahay Cadde (Dahabshiil – Cadde’s personal account) - waa maado ugub, caqli galna aan ahayn dhinac kasta oo laga dheegto. Waxaa ka sii daran in Gaagaab, Wasiirkiisa Maaliyaddu la ogyahay fal dambiyeedkaas, markii looga baahdana uu isla xisaabtaas ama mid Dubai uga furan uu ugu shubo Cadde hadba wixii lacag markaas laga soo dalbo.  

Waxaan la is weydiin, hantidii loogu talagalay dacaytirka jidadka iyo tii ka timid hay’adaha duulimaadka ee loogu talagalay dib-u-dhiska madaarka Gaalkacyo.  

Waxaan la is weydiin lacagtii dawlada Federaalka ah ka timid ee lagu talagalay mushahaar-bixinta ciidamada. Mid loogu talagalay hirgelinta dhawr mashruuc oo ay ka mid yihiin dhamaystirka madaarada Bosaso iyo Garowe, iyo dekedda Laasqoray. 

Waxaa mudan in la is weydiiyo gurigii M/weyne Cadde ee madaarka Shaariqa, lagana gaday isla lacagahaas.  

Ma la is weydiiyey cidda soo dhicin doonta 3 milyan (US dollars) ee hantida ummadeed ah ee uu ina Xaaji Khayr Cadde ka dhacay, kuna tamashleeyo Dubai? 

Waxaa mudan in la is weydiiyo “Scholorships” loogu talagalay ardayda Puntland ee Cadde iyo isla Wasiirkiisa Maaliyaddu ay caruurtooda iyo eheladooda si gaar ah ugu suntadeen (caruurta ayaan qaarkood aysanba qaangaar ahayn, jaamacad iyo “scholarship” haba joogta e!), wixii ka soo harana la beecgeeyo, iyada oo ardaydii xaqa u lahayd ay tuban yihiin magaalo kasta oo Puntland ah. Ma la is weydiiyey halka ay mareen ‘Scholorships” hore ee Sudan iyo Masar? Bal adba!  

Waa mucjiso kalo e, canshuuraadka laga soo ururiyo Buuhoodle illaa Laascaanood waa meesheeda e, iyo in aynu is weydiino sababta keentay in Madaxtooyada lagu maamulo e, maxaa sababay in maamulka Sool, kii Laascaanood iyo saamigii beesha Sool & Cayn ee Puntland uu ku koobnaado jifo hoosaadka Madaxweyne ku-xigeenka.   

Dhinac kale haddii aan ka tusaalayno, isku celcelis, Cadde muddada uu dalka gudihiisa ku sugan yahay, iyo inta uu ka maqan yahay waxaa badan inta uu dalka ka maqan yahay. Waa hogaamiyaha ay ka suurtawday in iyada oo habeenimadii la miray Dhahar uu duhurkii Dubai u dhoofo. Marka Laascaanood la qabsaday Cadde dalka waa uu ka maqnaa – shidanaaba shidan! Safar kasta oo uu galo waxaa ku weheliya ku dhawaad labaataneeyo qof, waxaana ku baxa kharash lacag adag oo aan la xisaabi karin. Ma la is weydiiyey, kharashka intaa le’eg cidda bixisa? Mase ka go’daa shacabka Puntland? 

Intaas oo la wada ogyahay, oo ‘naga daaya!’ looga sii jeestay, waxaa ka sii daran in bishii December 2007 dhammadkeedii uu isla Wasiirkiisa Maaliyaaddu, asagoo dabadhigaya wiil uu dhalay iyo kuwo uu adeer u yahay, uu u diro Dubai si lacag ‘difaaca Puntland’ loogu magac daray looga soo ururiyo ganacsatada Puntland ee reer Dubai. Waaba moog yihiin in laga war hayo! 

In uu jiro musuqmaasuq baahay, iyo ku takrifal hantiyeed hore ayaa loo tuhunsanaa, marnabase laguma hamiyin in uu heerkaa gaarsiisan yahay. Mee hanti-dhawrkii? Meeye hay’adihii dawliga ahaa ee u xil saarnaa dhawridda dhakhliga iyo illaalinta hantida ummadda? 

Gunaanad 

Madaxda Puntland ee xilligani uma dhalan karti iyo hufnaan, mana laha astaamo halyeey. Ma aha aamin. Ma laha dulqaad, mana xamili karaan dhibka iyo qaxarka ay tahay in ay la lagdamaan, sidaa darted waa gardarro in taa laga sugaa.  

Sida ka muuqata shaxda hogaamineed ee Puntland, ma jiro hal qof oo la is odhan karo waxaa uu leeyahay tayo hogaamineed, dareen bulsho, sife halyey ama dabeecad hage. Kuma jiro hal qof oo bulshadu ay maanta u dihin tahay, sababtuna ay tahay in hortooda sidii geel ka cabaajistii dhiiga laga jaqay.  

Sida muuqata Cadde waxaa uu dhumiyey kalsoonidii ay u haystay bulshadu, waxaana uu ku guul daraystay in uu ku qanciyo bulshada in tubta uu hayaa ay tahay mid badbaado, sidaa darteed ayaa ay tahay in uu garawsado wanaag kasta oo uu ku hamiyayey in uu ka dhigan yahay hal bacaad lagu lisay. Ummaddu mar haddii ay kaa aamin baxdo, ka shakido qorshe kasta oo aad hindisto, su’aal ka keento go’aan kasta oo aad qaado, caqliga saliimka ahi waa uu dalbayaa in aad dib isugu laabato.  

Waxaa marag ma doonta ah in mar uun Cadde uu wanaag la rabay Puntland, mase noqon. Sideedana mar haddii ficilkaaga iyo farriintaadu ay is buriyaan, iska hor yimaadaan, aanayna isla saanqaadayn, taadu waa siyaasad dhicis ah, hogaamiyaha caqli lihina taa waa uu garawsadaa --- dhaqamada qaar waaba ay is deldelaan. 

Ma waxaan ku moodnay, waxaad noqotay, mise wax aan loo noqon doonin? Waxaan ku moodnay lagu hirte madi ah. Waxaad noqotay baaqimo weyd ah oo cad iyo caano toona aan loogu xilan. Waxaan loo noqon doonin in hawlgab dambe xil bulsheed lagu aamino. 

Qiil kasta oo aad damacdo in aad u samayso madaxda Puntland, waxay isugu soo arooraysaa in ay fashilantay. Waxaana ay isugu soo biyashubanaysaa in Cadde/Afqudhac/Gaagaab ay ku guul-darraysteen hoggaanka ummadda (iyo waliba kii beesha nin walbaa ka dhashay!), sidaa darteedna aanay ka fursanayn in ay xilka wareejiyaan. 

Bulshadu waa ay ugu mahadniqi doontaa haddii ay sidaa yeelaan, waayuhu waa ay xusi doontaa, haddiise ay ku indha-adaygaan, burbur mooyee, baraare ha ka sugin.  

Waxaan ku soo gunaanadi lahayn, Cadde/Afqudhac/Gaagaab “Noogu hambeeya, Sidii aan idiin ku lisnay”, haddii aan nahay shacabka Puntland, abaal ayaan idiin ku hayn doonaaye. 

Haddii taa lagaa waayo, bulshada waxaan kula talin lahayn in ay iska samraan 12-ka bilood ee soo socota, ilayn hal 30 qadday hal kuma dari waydo e, ayna u toog hayaan bisha Janaayo ee sannadda 2009-ka. Waa hubaal, 8-da Janaayo ee 2005-tuna, maalintii Cadde/Afqudhac la doortay, ay taariikhda Puntland ka noqon doonto maalin madow oo la soo maray, dibse aan loogu noqon doonin. 

_______________________ 
 Tixraac: 

  • [1] Dhacdadii aqalka golaha wakiilada ee 18-ka December 2007,

  • [2] Afduubka suxufi Gwen LeGouil, Shimbiraale, December 2007,

  • [3] Isku day afduub suxufi Zoe Aslop, Galkacyo, December 2007,

  • [4] Afduub 2 ka mid ah shaqaalaha MSF-Spain, Bosaso, December 2007,

  • [5] Burcad badeed ka qadhaabta xeebaha Puntland, Jan 2005 - Present,

  • [6] Qabsashadii Laascaanood, Oct 2007,

  • [7[ Shirkii Boocame II ee Beelaha Sool & Cayn,

  • [8] Dastuurka DG Puntland, July 2001,

  • [9] Warbaahinta maxalliga ah, 2003-2007. 
     

_______________________ 
* Afeef – Ujeedadu ma aha in la ihaaneeyo maamulka hadda jira, ceebaakiisa lagu maadaysto, balse waa tusaalayn looga golleeyahay in kafado la saaro maamulka caynaanka u haya Puntland.
______________________ 
** Xilbeeg waa urur bulsheed u taagan faafreebka galdaloolooyinka maamul, goobana horumarka fog ee Puntland, lehna aragti siyaasadeed u nugul danta guud.  
 

“Cindi laawe, Ha Cawarine, Caymi” Hal kudhegga XILBEEG. 
 

Guddiga Xiriirka Bulsho ee XILBEEG
xilbeeg@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraagackusaxiixan

Qoraalkii hore ee Xilbeeg: Puntland: Dhankii loo Saraba waa Boog  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com