SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani "Waa in la soo magacaabaa Golo Wasiiro cusub…"

...Waxaa lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Dalka Kenya.....

Waxaa isku soo dubaridey
Maxaamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Xildhibaan Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani oo ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Gedo iyo Galgaduud ayaa qoraal uu kaga hadlayo habka Ansixinta Xukuumada cusub iyo khaladaad ay gashey soo gaarsiiyey Somalitalk.

GaaniXildhibaan Sharma’arke waxaa uu qoraalkiisa ku sheegey “Kalsoonisiinta Xukuumada Xeer-hoosaadka qodobkiisa (34)aad farqadiisa (4)aad waxaa ay leedahay, Wasiirka Koobaad marka Golaha shacabku ogolaado magacaabistiisa wuxuu marayaa dhaarta, taas waxaa la mid ah in Wasiirka Koobaad uu soo magacaabo Golaha Wasiiradda ay soo maraan Golaha Shacabka, kadib marka ay ogolaansho siiyaan, sida uu u maray Wasiirka Koobaad waa in ay dhaarta maraan, taasina ma dhicin ee dhaarta ayaa la hor mariyey, tanina waxay cadeyn u tahay in la jebiyey dastuurkii iyo Xeer-hoosaadka lagu soo heshiiyey” ayuu ku sheegey qoraalkiisa Xildhibaanku.

Qoraalkii Xildhibaan Sharma’arke Max’ed Xaashi Gaani waxa uu u qornaa sidan:

Waxaan Wariyayaasha iyo Beesha Caalamkaba u sheegayaa in lagu xadgudbay Dastuurkii lagu soo qoray Dalka,Kenya, Qodobada kala ah sidan:

1. Charter-ka Article (3) Farqadiisa (1) waxaa ay leedahay sidan: Jamhuuriyada Federalka ku meel gaarka ah ee Soomaliya waxay ku dhisan tahay "Sareynta Sharciga",waxaana lagu dhaqi doonaa si waafaqsan Axdiga.

2.Ref Charter-ka Article (33) Farqadiisa (G) waxaa uu leeyahay sidatan: Waajibaadka Golaha Shacabka Farqadiisa (G) Baaris Arin kasta oo "dan guud ah"

3.Ref. Xeer Hoosaadka Qodobkiisa (30)aad Farqadiisa (4)aad iyo kan 6aad lala akhriyo Xeer-Hoosaadka Qodobka (35)aad Farqadiisa 2aad.Hadaba waa sidan:

 Qod.30aad,Far,4aad, Gudoomiyuhu wuxuu u soo bandhigayaa soo jeedinta Golaha,hadii aysan soo jeedintu ka hor-imaaneynin Axdiga,Shuruucda Dalka ama Xeer-Hoosaadka Golaha, ka dibna wuxuu oggolaanayaa in laga doodo. Farqada (6)aad, waxaa ay leedahay Hadii ay muuqato in aan soo jeedintu waafaqsaneyn Axdiga, Shuruucda Dalka ama Xeer-Hoosaadka Golaha,loo qeybin-maayo Golaha,lagana doodi maayo soo jeedinta.

Xeer-Hoosaadka qod,(35)aad,Farqadiisa (2)aad waxaa ay leedahay sidatan: Codka  Kalsooni Darrada Xukuumada ee ka dambeeya soo jeedinta wuxuu noqonayaa mid Qarsoodi ah,wuxuuna ku Ansaxayaa aqlabiyad hal dheeri ah (50%+1) iyadoo tirada xubnaha Golaha laga reebayo Kuraasta banaan (vacant seats).

Qodobka (40)aad ee Xeer-Hoosaadka Farqadiisa (1)aad iyo Farqada (3)aad waxaa ay leedahay sidatan: Farqada (1)aad waxaa ay leedahay A.Codbixin Qarsoodi ah.

Farqada (3)aad waxaa ay leedahay sidatan: Hadii (13) Xubnood oo ka mid ah Golaha ama wax ka badan ay soo jeediyaan in cidbixint gacantaag ah laga dhigo Qarsoodi,waxaa mudnaanta la siinaya codsiga "Qarsoodiga ah.

 Hadaba isku soo duuduub Kalsooni-Siinta Xukuumada Xeer-Hoosaadka Qodobkiisa (34)aad Farqadiisa (4)aad waxaa ay leedahay sidatan: Wasiirka Kowaad iyo Golahiisa Wasiiradu waxay dhaaranayaan marka Goluhu siiyo codka kalsoonida sida ku cad Qodobka  (49)aad ee Axdiga Farqadiisa (1)aad sidatan: Wasiirka Kowaad marka Golaha Shacabku ogolaado Magacaabistiisa wuxuu marayaa dhaarta,hadaba waxaa taas la mid ah in wasiirka kowaad,Golahiisa Wasiirada marka uu soo magacaabo ay soo maraan Golaha Shacabka in ay Ogaolaansho siiyan ka dibna ay dhaarta maraan uu Wasiirka Kowaad maray,Hadaba taas ma dhicin ee dhaarta ayaa la hormariyey ka dibna waxaa la rabaa in ay keenaan Golaha shacabka taas oo ah in la jabiyey Dastuurka iyo Xeer-Hoosaadka lagu soo heshiiyey.

Waa in la soo magacabaa Golaha Wasiirada ka dibna la horkeeno Golaha Shacabka oo ay siiyaan (Seal of Approval),Markaas ka dib ayaa loo dhaarin karaa Xilalka loo kala magacaabay, Hada waxaan heynaa bil cagsigeeda.

 Wado shaqeyn wacan

Xildhibaan: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com