SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa saatiroow masaanaa ciidan dowladeed ah' Waxaad aragta dil waxaad aragta dhac hadii la rabana halagu dilo

(Faalo uu qoray Saxafiga Albashiir)

Malahan Nadaam ciidan waxa ay udhaqmaan sida maleeshiyo beeleed, Runtiina waa yihiin maleeshiyo beeleed marka lafiiro sida ay ugu badan yihiin qabiilooyin gaar ah,waxaa hadba magaalada muqdisho lasoo galiyaa kuwa lagu leeyahay itoobiyaa lagu soo tababaray magac ahaan dadka muqdisho waxa ay uyaqaanaan koobi amxaaro, calal uus iyo magacyo kale, marka laga tago kuwa dhar cagaaran wata inta kale waxa ay ku dhar yihiin oo aan laga aqoon ciidamada itoobiya ee wadanka jooga, waxa kaliya ee ay ka mideysan yihiin waa naxariis la'aanta iyo habdhaqanka aan wanaagsaneyn ee ay bulshada kula dhaqmaan, gaajada iyo diifta ka muuqata ma ahan mid qofkii arkaa uu ku tilmaamayo ciidan dowladeed,cunista qaadka iyo daraagisyada kasii daran waa qeybta ugu muhiimsan noloshooda, argagaxa ka muuqda wajiyadooda oo ay mar marka qaarkood iyaga xataa iska shakinayaan waa cuqdada ugu weyn ee heysata mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa uu isku heystaa in uu dakano galay, inta magac beeleed ciidamadan ku galay maahee inta kale hadii la weydiiyo waxa ugu jira ka mid ahaanshahooda nafsadooda xataa ugama jawaabi karaan.

Majiro mushaar lagu xisaabtamo iskaba daa gunooyin kale oo dheeri ahe waxaa intaas usii dheer iyagoo xataa maskaxda ku haya in waxii yar ee loosoo dhiibo ee madaxda sare ka yimaada aysan soogaareen,waayo taliyayaashoodii ayaaba baahan, taliye kastaa waa jaaniska ugu fiican ee soomara in la yiraahdo xoogaagan ciidamadaada u qeybi waxa uu ku ridayaa meel aan kasoo laabata laheyn kaba sii darane wuu hubaa in aysan jirin cid dib danbe usoo weydiinysa, tababarka kaliya ee lasoo siiyay waa sida qoryaha loo rido waxna loo toogto warkiis maba jiro tababar dhinaca dishibiliinka ah iyo hab dhaqanka bulshada, askariba askariga uu ka naxariis daran yahay wuu kaga qiima badan yahay guutadiisa, marka ay xiryaha kasoo baxayaan dardaaranka kaliya ee la soo siiyo waa muqaawimada iska ilaaliya laakiin iyaga dadka muqdisho oodhan beyba muqaawimo uyaqaanaan, marka aad rabto in aad ka mid noqoto ma jirto wax shuruud ah oo kugu xiran oon ka aheyn in aad daacad u tahay itoobiya necebtahayna waxa kasoo horjeeda majiro shuruudo dhinaca jirka iyo caafimaadka ah ama jirranoow ama jiis ahoow waad ka mid noqon kartaa kaliya ha gurguuran oo nin socon karo ahoow, ha lahaan sunooyin kaa muuqda salaadana ha badsan siiba xiliyada aad la joogto ciidamada itoobiya, Hadaad dhimato isweydiin malaha, hadaad qof rayid ah disho isweydiin malaha, hadaad askari kale dishana waxaa ka heshiinaya labadiina beelood kaliya hawaayid odayaal kaala xaala odayaasha askariga kale waxaad sameysay shaqadaada kuma waayeysid kaliya ka feejignow aargudasho kaaga timaada cida askariga aad dishay hadii uu reer looma ooyaan yahayna nasteexo iyo naruuraad dareemeysaa.

Waqtiyada ugu xun ee soomara waa marka ay howlgalada la sameynayaan ciidamada itoobiya Cabsida kooxaha muqaawimada marka laga tago waxaa jirta cabsi kale oo aan dhamaan oo kaga timaada ciidamada itoobiya, hadii laga dareemo in aysan sidooda oo kale unaxariis darneyn waa halis, hadii aysan si toos ah utoogan dadkana waa halis, hadii ay fiirfiiriyaan ciidamada itoobiya ee aagaga kula jirana waa halis, hadii xiliyada howlgaladana ay mobailo usoo dhacaana waa halis, hadii qof maxbuus loo qabtay ama ciidamada kasoo horjeeda ha ahaado ama qof rayid ah ha ahaado il naxariis leh ku eegaana waa halis, hadii meydadka dadka ay iyaga iyo ciidamada itoobiya howlgalkaas ku dilaan ay dib ufiirfiiriyaan ama laga garto in ay wax ka aqoonsadaana waa halis, markasta waa in ay furinta uga danbeeyaan ciidamada itoobiya, hadii ay baqo carar timaadana waa in aysan ku hor ordin, markaa in caro darteed iyaga dhabarka laga toogtana waa halis, midkii uu ciidamada itoobiya dilana dib danbe la iskuma weydiiyo, dilkiisu waxa uu la mid yahay dilka muqaawimada iyo shacabka.

In dadka shacabkaa la iska dilo waa caadadooda, in hantida shacabka la boobo waa caadadooda, waliba jaaniska ugu macaan ee soomara waa markii ay howlgalo ka sameynayaan goobaha ganacsiga sida suuqyada, waa ay ogyihiin in waxii ay boobaan aan cidi usoo raacaneyn waana marka ay bililiqeystaan xoogaa dhaqaalo ah oo ay ayaan ku noolaadaan, Askarigii xiliyada howlgalada arka qof uu ciil shaqsiyadeed ama mid qabiil u qabay waa xiliga ugu haboon ee uu ka aarsan karo, kaliya dilkiisa waxaa ku filan muqaawimuu ahaa.

Malahan kalsooni lagu qabi karo, madaxda dowladu waxa ay u aqoonsan yihiin kuwa liita oo aan cadow ka dhicin karin majiro mas'uul dowladeed oo nafsadiisa ku aamini kara, kaliya waa iigama darayaan ileyn majiro ciidan itoobiya oo markasta daba soconayee, mas'uulkasta waxa uu wataa kuwa beeshiisa ee awalba ilaalada u ahaa dowlada ka hor kii aan xiligaas jirina hada ayuu sameystay, kaliya waxaad ciidamada dowlada uga dhigi kartaa in aad tuute ugaliso, farxadooda waa kaliya in aad qaadkooda meel saarto.

Calaamadahaas iyo kuwa ka badan waa staanta ciidamada dowlada dadka muqdisho iyo gobalada ay ku sugan yihiin joogana waxa ay u naceen sida ay unecebyihiin ciidamada itoobiya oo kale meeshii ay soo maraana si dag dag ah ayaa looga kala yaacaa.

Si kastaba arinta ha haatee ciidamadan waxa ay noqdeen astaanta koowaad ee sharaftii dowladaas dhulka la galay waxa ayna shacabka soomaaliyeed iyo caalamkaba tuseen in aysan meesha dowladi oolin dhacdadii ugu xumeyd ee ay ku ceeboobeen ee taariikhda ugashay waxa ay aheyd bililiqadii ay kal hore ugeysteen suuqa weyn ee bakaara taasoo sawiro looga soo qaaday iyagoo jawaano dhabarka ku sita, maalin kasta waxa ay dil, dhac, iyo kufsi ugeystaan shacabka masaakiinta ah ee awalba ladaalaadhacayay madaafiicda iyo xasuuqa itoobiya waana dhab in ay kasii nidaam xun yihiin maleeshiyooyinkii hogaamiye kooxeedyada, waana dhab in ay maalin un mari doonaan halkii ay ku danbeeyeen maleeshiyooyinkii hogaamiye kooxedyada ee inta iyaga hada ka mid ah maahee intoodii kale lagu arkay wadamada gees afrika ilaa S/afrika iyagoo wareegaya oo la' meel ay ciirsadaan kadib markii ay soomaliya kasoo ceyriyeen xoogagii maxaakimta waana xaqiiq in uu nabsigu soo daahiri doono.

Waxa qoray:-Bashiir maxamed warsame (albashiir)

Qaahira Masar

albashiir88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS