SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay
W/Q Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com

Waxaa Geeska Afrika ka jirta dhibaato xoog leh oo si aad ah looga dheehanayo dhibaatadaas waxa sababta u ah dadyawga Geeska Afrika ku nooli way ogyihiin cida aan qirsanaynina way is diidsiinaysaa ama waysan ku baraarugin wayse aragtaa.
Waxa dhibka jira lagu xalin karo waa qadiyada Ogaadeenya hadaba si aan taas ahmiyad loo siinin shucuubta Geeska & indhaha caalamkana loo marin habaabiyo gumaysiga Itoobiya oo ku can baxay dhul badhaadhsi iyo dagaal joogto ah wuxuu ku faafay gayiga Soomaaliyeed isagoo u sii maray wadooyin dhawr ah oo ka dhashay burburkii qarankii Soomaaliyeed.

Taliska Adis ababa wuxuu gacanta ku dhigay in badan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka mid ah quluubtooda wuxuuna u carbiyay dhaqan xumada, maamuus, la’aanta & xishood yaraanta oo intuba isaga agtiisa tayo kaleh. Wuxuu tartansiiyay ficil kooda isagoo colaado dadban ka dhex huriyay si ay isugu mashquulaan isagana ay ugu sii dheeraato mudada uu shacabka Ogaadeenya ee keenadiidka ah sii gumaysan. Waxay ardaydiisu u baraatmeen Itoobiyaanimadii waagii hore laysku caayi jiray ee ay Soomaalidu isku odhan jirtay ruuxa la fogaynayo waa Amxaar Nin waliba wuxuu ku dhaqaaqay wixii loo diray si uu ugu raali noqdo Malas oo ah ninka ay talada maroorta ee Itoobiya & xasilooni daraduba gacantiisa ka soo fusho.

Arintaasi waxay Soomaalidii dhaxal siisay cawaaqib xumada maanta gacanta lagu hayo & mid wali lagu sii socdo Hadaan u dago ujeedada qoraalkan oo ku foorara dadka Ogaadeenya ee dhulkooda ku dulman iyo sida ay Soomaalida kale ula dhaqanto.
Kolka ay umadi geedi tahay waxaa jira dhibaatooyin & dhama badan oo hayaanku keeno sidaas darted dadka Ogaadeenya inay dadyawga dariskooda ah hagardaamo kala kulmaan waxaa sabab u ah raadinta gobanimada qaaliga ah oo ka shishaysa hirig faraabdan qasabna ay tahay in loo jiidho.

12 sano ayaa laga joogaa xiligii ay bilaabatay iibinta dadka Ogaadeenya arintani wagaas ay shacbka Ogaadeenya ku bilaabatay ka hor Soomaalida dhexdeeda kama jirijirin waxayse noqotay xiligaas wixii kadambeeyay wado furan oo loo maro dhogorta dadka Ogaadeenya sidii loo heli lahaa. Arinta waxaa jideeyay Maamulka W/Galbeed Soomaaliya oon ku hakanin kol & laba toona waxaana xaqiiqo ah inay dunuubta kadhalatay & ta kadhalan doontaba iyagu mas’uul ka yihiin aduun & aakhirba.

Waxaa 22 April 2008 wadadii loo jideeyay maray Maamulka W/Bari Soomaaliya oo cadawga macangaga ah Tigreega gacanta u galiyay mas;uuliyiin ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Arintan oo ahayd mid aan laqabsaday oon igu cusbayn kolkaan maqlay waxay ila ahyad dhacdo caadi ah oon filayay waxayna qalbigayga ku abuurtay inaan ku sii karaar qaato kuna dhiirado kaqayb qaadashada xoreynta Ogaadeenya si loo dadajiyo dhamaystirka guulaha aan la qarin karin ee halganka xaqa ah uu ku talaabsaday.

Waxay ahayd wax aad ii cadho galisay waxaanse isku qanciyay oon dib u xusuustay inay tahay wax horay noo soo martay dibana lagayaabo inay noo soo marto iyadoon ku saleeyay oo kaliya mid kamid ah falalka gumaysiga Itoobiya & gacanayrihiisa oon ogahay sida ay maanta u galayaan caruurta & hooyooyinkii Soomaaliyeed ee ku naafoobay colaadii sokeeye.

Intaas kolkaan anigu isku qanciyay waxaa soo baxday oo aan qaadan waayay in ay Maamulkii Garoowe ee ragga iibsaday dafiraan oo ay ku tilmaameen been aan waxba ka jirin arintan dafiraada ah ayaa iiga xanuun kulul dhiibistii hore.

Hadaba waa mucjiso aan hubo in ay igla midaysan yihiin dadka Ogaadeenya ee xalaasha ah ayna la reemayaan waa arin aan kabaxaynin maskaxda wadaniga Ogaadeenya taariikhina ah waa arin reer Garoowe book cusub oo madaw u furtay.

Soomaalidu way is dili jirtay waligeed maamulka Hargaysa ayaa soo kordhiyay is iibin
Maantana Maamulka Garoowe waxay iibintii ku soo kodhiyeen inkiraad hadaba waxaan qaadan la’ahay cid iga qancisana aanan wali helin sababta loo dafiray ragga cadawga loo dabray miyay qarsoomi karaan Ragga waawayn ee duhurka la iibiyay waxar ayaaba hadad qalato habeen gudcur ah aan raqdeeda laqarin karine sidee loo dadi karaa rag qoodh & xeraale ah. Mise maamulka Garoowe waxaan la siinin kharashkii lagula heshiiyay oo amaah ayay Mas’uuliyiintanadii ku bixiyeen oo sidaas darted ayaa loo dafiray? mise maamulka Garoowe wuxuu rabaa inuu ONLF & Tigreega labadaba kanabad galo?
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan foosha xun ee naloo caadaystay ee maalinba maalinta kadambaysa lakobcinyo waxaana lawada ogyahay maamulada kajira gobolada soomaaliya in aysan anaga & Itoobiya dhexdhexaad noo ahayn oo ay door bideen in naloo mijin qabto gumaysiga waana laxisaabtami sikastaba ha ahaatee reer W/Bari kol haday nadileen na iibsadeen hadana nadafireen wax u hadhay majiro Ogaadeenya ayay talo u taalaa.

Waxaan ka codsanyaa dadka Soomaaliyeed een iygu damiirkoodii dhiibin inay ka fikiraan waxa naloo gaysanayo & waxa aanu raadinayno waana muhiim in aad loo darso falalka dadka Ogaadeenya loo gayasnayo waxa kadambeeya & cida mas’uulka ka ah. Ninkii moodaya in halgankanaga loo leexin karo meelkale waxaanu u sheegaynaa in hadafaknagu yahay in aanu ka madax banaanaano gumaysiga aanaan waxba wadaagin ee doolka noogu yimid cidii xabada dhamacad ah ee wiilasha tigeega ah ku dhacaysa isaga dhigaysa waxaanu leenahay kajoog hadii ay maqli weyadna waxa laga hor joogaayi waa taraysada ay u adkaysan layihiin Aabsiiniyiintii ku riyoon jiray inay awood leeyihiin.

Waa wax cad oo taariikhda laga bartay in ay guushu kudambayso gacanta halgamaaga sharafta umadiisa difaaca guul darada & hooguna ay ku dambayso gumaysiga & dabo dhilifkiisa hadaba shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah & Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee hormuudka u ah waxaan kula dardaarmayaa in loo adkaysto maalmaha adadag ee imtaxaanka ah lana dardar galiyo halganka lagu xoreynayo ciida Ogaadeenya ee daahirka ah.

Cidkasta oo dhibaataysa shaacbka Ogaadeenya & halgankiisa xaqa ah way kadharagsantahay wayna filaysaa jawaabta loo soo wado.

Garoowe & Nasiibkeed

Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com