SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA LOOGU DOWGALAY, AADAN XAASHI FARAX (CEYROW) ?

Yusuf Shabac II
yusufshaba@yahoo.com

May 9, 2008


Macalin Adan Xashi Farax Ceyrow waxa kowdii bishan May lagu dilay magaalada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galgaduud. Waxa lala dilay wiil uu dhalay oo toban bilood jira iyo xaaskiisa Xaliimo Cabdi Ciise Yuusuf. Waxa isla meeshaas ku shahiidey walaalkiis iyo toddobo kale, waxana laysku waafaqay in ay ku dhaawacmeen dad aan ka yarayn afar qof. Waxa dilkaas iyo bur-burkaas gaystay ciidanka badda dalka Maraykanka oo halkaa ku dhuftey afar Misil oo laga soo tuurey markab Maraykanka u yaalay dalka Jabuuti. Haddaba waa ayo Cayrow? Maxaase loogu dowgalay?

Mathew Bryden oo ka tirsan, (International Crises Group) waxa uu sheegay in ay Maraykanku xansi ku ogaadeen in uu Sheekhu uu ka tagay waxbarashada isaga oo aad u da’yar duruufo dhaqaale awgeed, waxa uu noqday mid baabuurta dhaqa, waxana uu soo garaadsaday iyada oo uu dalku ka dillaacey dagaal sokeeye, waxa uuna ku biirey ururkii loo yaqaaney USC, ee uu hogaaminayey General Maxamed Farax Caydiid. Waxa uu toobad keenay ka dib markii ay isku jeesteen Cali Mahdi iyo Jeneraal Caydiid.

Waxa uu xubin buuxda uu ka noqday Ururkii Alitixaad (1992), waxa uuna aadey dhulalkaas maanta loo yaqaano Puntland isaga iyo hogaamiyihiisa xaga siyaasadda Shiikh Xasan Dahir Uweys. Markiiba, waxa uu dhalintii uga soo dhex iftiimey sida xidigtii Bari. Oo waxa uu halkaa uu ka soo qabtey darajooyin sare iyo xilal kala duwan. Waxa uuna ka mid ahaa dhalintii Garoowe ku qabatay mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed Yey iyo dhamaan Madaxdii Puntland. Inqilaabkaasna waxa fashiliyey Cabdulqaadir Gacamey (hogaamiyihii siyaasada ururka al itixaad) iyo la taliyihii Xuseen Cabdulle Codweyn oo aan ayagu lagala tashan inqilaabkaas isaga ah.

Markii uu ka bad-baadey aarsigii reer Puntland, waxa uu iska diiwaangeliyey saldhig caskari (Khalid bin Waliid-An-Islamic Military Camp)oo ku yiiley gobolka Gedo. Waxa markaa Gedo horror ku ahaa Generaal Caydiid oo markaa doonayey in uu xoog ku qabsado. Sida la xajiiyeyna magaaladaas waxa uu ka mid ahaa dadkii wax ka difaacey. Waxaa uu halkaa isaga cararey ka dib markii ay ciidankii Itoobiyaanka ahaa halkaa soo galaan, ka dibna ay cagta mariyeen qof kasta oo lagu tuhmayey wadaadnimo. Intaa ka dibna waxa uu wax ka bilaabiyey xeradii Caskariga ahayd ee laga furay Marka 1996kii. Xeradaan waxa furay oo maamuli jirey Col. Xasan Daahir Uweys. Waxaa mucaskarkaan loo yaqaaney Islamic Youth Camp.

Waxa ay yiraahdaan ciidanka sirdoonka Maraykanka xeradaan, waxaa maalgelin jirey hay’adda Alibraahimiya ee dalka Sacuudiga waxana bey yiraahdeen tababari jirey askarta laba nin oo ka soo dagaalantay dalka Afgaanistaan oo kala ah, “Fazul Abdallah Mohamed iyo Salah Ali Salah Nebhan” labadaan nin ee ajaanibta ah, waxa lagu eedaayaa in ay abaabuleen kana qaybqaateen qaraxyadii loo gaystay labada safaaradood ee dalka Maraykanka 1998, kuwaas oo ku yaalay Bariga Afrika Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo labadaan nin ay Maraykanku ku eedeeyaan in ay ka dambeeyeen qaraxyo lala beegsaday Hoteel ay Yuhuudu ku lahayd Mombasa halkaa oo ay ku dhinteen shan iyo toban qof.

Sida ay sheegeen dad u dhuun daloola dhaq-dhaqaaqa Macalin Aden Cayro, waxa ay yiraahdeen waxa uu aadey dalka Afgaanistaan dhamaadkii 2000. Waxana halkaa u direy Sheekh Xasan Daahir Uweys si uu usoo qaato tababar casriyeysan, oo laga faa’iideysan karo. Waxa qaraxdey dhibaatooyinkii 9/11, ka dibna Maraykanku waxa uu weeraray dalka Afgaanistaan xukunkiina waxa uu u dhiibey Xaamid Kharzaay oo ah nin u adeega danaha Maraykanka. Sheekh Adan waxa uu ku soo noqdey dalka bilowgii 2002da. Isaga iyo afhayeenka Alshabaab Mukhtar Cali Roobow. Joornaal kasoo baxay dalka Ingiriiska oo la yiraahdo the Guardian waxa uu daabacay June 10 2006 kii in uu Cayro, isaga oo kaashanaya dhowr qof oo wadaado ah in uu soo qufay qubuurihii Talyaanigaa, waxa uu lafahoodii uu ku daray badda, halkaana waxa uu ka dhisay Masjid iyo xero yar ee uu dhalinta ku bari karo waxyaabaha qarxa. Arintaan aad bey u caro gelisay jifada oo ka dhashay iyo dad badan oo uu dareenkoodu fiicnaa.

Maraykanka waxa ay u fureen fayl waxa ayna ku bilaabeen dabagal hor leh. Isla bishii labaad ee 2005ta waxa lagu eedeeyaa Macalin Aadan in uu gacantiisa uu ku dilay haween u shaqeeysa BBCda oo u timi dalka in ay akhbaarteena u gudbiso dunida.

:::QORMADII YUSUF SHABAC:::
shabacETOOBIYA WAA IN AY DALKA KA BAXDAA: Dareenka dadka Soomaaliyeed. Akhri...

Bishii Luulyo 2005, isaga oo taageero ka haysta meelo fara badan waxa u suuro gashay Sheekh Aden Cayro in uu diyaariyo illaa iyo 220 Askari oo wadaado Soomaali ah si ay ula dagaalamaan dawladda Yuhuudda dagaalkii Lubnaan iyo Yuhuuda. Waxaa la sheegaa in ay dalka ku soo noqdeen 80 oo kaliya. Lix bilood ka dibna waxa soo noqday 20 askari oo ay la socdaan afar lubnaanees ah.

Markii ay dhalintu kaceen 2006ta bishii July, waxa uu sheikh Xasan Dahir Uweys uu u magacaabey Sh. Aden in uu maamulo garabka Militariga si ku meel gaar ah. Markii ay dhalintii Maxkamadaha Islaamiga ay gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho, waxa usuuro gashay in uu keeno 10 million oo dollarka Maraykanka ah, dad xaaladaa ka warhayey waxa ay sheegeen in ay lacagtaasi tahay lacag si qaldan looga soo qaaday shirkadii Dalsan, maadaama uu u shaqayn jirey Sheekh Cayrow walaalkiis. In yar ka dibna shirkadii Dalsan waa ay khasaartey suuqiina waa ay ka baxdey.

Muddo haatan laga joogo dhowr bilood, ayey Shabaabku go’aansadeen in ay isaga haraan Maxkamadaha Islaamiga ah, maadaama ay Maxkamaduhu ku haminayaan in ay dawladda federaalka wax la qaybsato. Tani waxa ay keentay tafaraaruq hor, oo aan tanasulaad lahayn. Maxkamadaha waxa ay sidoo kale go’aansadeen in dagaalka iyo colaadaba lagu soo koobo Itoobiyaanka oo kaliya. Halka ay Shabaabku qabaan in lala dagaalamo qofkasta oo aan ayaga xambaarsanayn ra’yigooda.

Teresa Payton oo ah kalkaalisada guud ee wasaarada difaaca Maraykanka waxa ay sheegtay bishii Janaayo 17keedii ee sanadkan 2008., in ay Maraykanku duqeeyeen meelo ka mid ah dhoobeyda khaasatan magaalada Jiiro halkaas oo ay ku tuhmayeen Adan Xashi Ceyro iyo Xasan Turki., “waxa aan aaminsanahay in uu Ceyro ku dhaawacmay weerarkaas” ayey tiri iyada oo sii sharxaysa sida ay wax u dheceen. Laakin markii dambe waxa cadaatey in aan la dhaawicin.

Sarkaal u hadlayey wasaarada difaaca dalka Maraykanka, Major Sheri Reed waxa uu yiri ka dib markii uu hubsaday in ay madaafiicdii Maraykanka haleeleen halkii loogu talay, “In muddo ah, ayaan daba joogney Adan Hashi Ayro, inaga oo isticmaaleyna dad ay isku jifo ahaayeen, inaga oo sawiro joogto ah uga qaadayney saterlaaytka, iyo inaga oo si joogta ula soconay taleefankiisa” Mudane Mark Schroeder, oo lagala tashado arimaha amniga wadamada saxaaraha, waxa uu u sheegay wariyeyaasha caalamka dilka Macalin Adan in uusan tiir ka jabinayn dhaq-dhaqaaqa Islaamdoonka ee jira Soomaaliya, wuxuu intaa ku diray in ay si fudud shabaabku u bedeli doonaan.

Yusuf Shabac II
yusufshaba@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS