YAA UMAQAN
TAARIIKHDA SOOMAALIDA.
ETOOBIYA WAA IN AY DALKA KA BAXDAA: Dareenka dadka Soomaaliyeed.
Yusuf
Shabac II
yusufshaba@yahoo.com
Soomaaliya u talinteeda waxa marwalba ku lool tamayey illaa afar kooxood oo kala
duwan. Aqoonyahano uusan waxtarkoodu soo dhaafin (maanafeesto) shir la qabto iyo
in la soo saaro guddi iyo sharuuc. Shaqaalihii Maxamed Siyaad Barre. Col u
joogayaasha jabhadaha. Dhalinta Islaam doonka ah. Aqoonyahanada, ganacsatada iyo
siyaasiyiintii hore waxa soo maray fursad qaali ah, fursadaas oo lagu badbaadin
karay dalka oo dhan, laakin dadaalkoodii masoo dhaafin waraaqihii loo qoran
jiray Maxamed Siyaad Barre. Kooxihii u shaqayn jirey dawladdii Maxamed Siyaad
Barre ayagu marna ma quusan oo waa ku waa doortey Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dhalinyarada Islaamdoonka ahi, waxa soo martay fursad qaali ah, fursadaasna
raali kama aha dunida iyo wadamada dariska nala ahba, fursadaas oo ah in ay
dalka ku dhaqaan sharcigii uu Allaah ugu talo galay. Laakin dunidu waxa ay
fursad siiyey col u joogeyaasha (warlords) Iyagiina waxa ay ka hoos baxday
maalinkii ay u codeeyeen in dalka la
keeno cadawgiisa koowaad Itoobiya.
Laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 2006da, Itoobiya ficilada iyo falalka ay ka
gaysatay Soomaaliya ama ay u geysatay maatada guud waa uu ka soo darayey. Waa
aad la socotaan dhacdadii Masjidka Isniin 21kii bishan Abriil 2008., askar Itoobiyaan
ayaa waxa loo sheegay in ay Masjidkaasi ku jiraan dhalinyaro wadaado mucaaraad
ah. Itoobiyaankuna Masaajidkii waxa ay la galeen kabahoodii qurmuunaa,
dabadeedna waxa ay halkaa ku dileen lix Tabliiq ah (wadaadada qunyar socodka)
iyo afar u timi Masjidkaasi in ay ku cibaadeystaan, waa sida laygu waramay.
Itoobiya waa in ay dalka ka baxdaa inta ay goori goor tahay. Lixdii bilood ee la
soo dhaafey dawladda Federaalka ah awoodeedu waa ay sii wiiqmaysay. Illaa ay
gaartey in ay guddoomiyeyaasha Deegaanada iyo Goboladuba ay si toos ah
warbixinta u siiyaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan dhulkeena
muqaddaska ah. Mudane Cabdilaahi Yuusuf oo ah Madaxweyne dawladda ku meel gaar
ka ah oo dhowaan soo gaarey Maraykanka waxa uu muujiyey walaac fara badan ka dib
markii ay waraysateen dad ay aad isu xigaan, wuxuuna u sheegay in ay talo faraha
ka baxday. Wuxuu yiri, “Itoobiyaankuna ku guuleysan maayaan, Inaguna ku
guuleysan Mayno, wadaaduna looma ogolaan doono in ay ku guuleystaan”
Xiligii kuleylaha ee bishii Juun 2006da, waxa uu yiri wasiirka beeraha iyo
biyaha ee dalka Itoobiya Dr. Aberra Deressa, “ Soomaaliya, waxa inaga soo gala
illaa 2.5 million oo doolarka Maraykanka ah maalinkii, khaasatan xagga Jaadka,
raali ka noqon mayno umana dulqaadanayno in ay Maxkamad Islaami ah ka dhisnaato
Soomaaliya” Inkasta oo ay dhalinyaradii Islaamdoonka ahayd ku fududaadeen
waxyaabaha qaarkoo, haddana waxa uu qof walba ka dharagsan yahay nabaddi lagu
noolaa lixdii bilood oo ay dalka ka talinayeen. Haddii uu dhaqaalaha Itoobiya oo
ku xiran yahay in ay Soomaaliya bur-bursanaato, nabad sidee ah baanu ka filnaa
dunida. Waxa ay ii sheegaan dad Soomaali ah oo weli dalkii ku nool, in ay
askarta Itoobiyaanku ay marka ay ka tagayaan xeryahoodu in ay si ula kac ah uga
tagaan hub fudud, si markaa loo bililiqeysto oo ay shacbigu markasta hubka u
haystaan. Itoobiya waa in ay dalka ka baxdaa. Maxaa yeelay bur-bur dambe diyaar
uma nihin.
Waxa jira dad waxgaradka ah oo aaminsan in ay Itoobiyaanku ciyaaraan ciyaar
dagaal oo ay ayagu maamuli karaan nataajadiisa, sidaa awgeed Itoobiyaanka ayaa
ka dambeeya dhalinyaro munaafiqiin ah oo ku dhix jira Shabaabka, oo loo
isticmaalo in ay ku dhaqaaqaan ficilo aad u fool xun, tani waxa ay la mid tahay
xaalada ka taagan dalka Aljeeriya, oo ah in la xasuuqo maato dabadeedna lagu
eedeeyo dadka ehelu diinka ah. Itoobiyaanku waxa ay kobciyaan khilaafka u
dhexeeya dawladda federaalka dhexdiisa khaasatan Madaxweynaha iyo
Raa’isulwasaaraha. Waxa ay hubiyaan kala fogaanshaha Maxkamada Islaamiga iyo
Shabaabka. Waxa ay wis-wis ku beeraan ganacsata iyo kuwa wax ka iibsada. Waa
ciyaaro uskag ah, oo qofka aan ogeyni uu ku hafan karo. Dhibka ay Itoobiya ka
waddo caasimadeena waxa dhaanta xuriyo aan dawlad lahayn. Sidaan awgeed waa in
ay Itoobiya inooga baxdaa dalkeena.
Yusuf
Shabac II
yusufshaba@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2008
Xusuustii Xanuunka reebtay ee Wadaadadii la toogtay 1975 & Gawraca 2008 |