SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Macnaha guusha iyo wadada loo maro

Macnaha erayga ‘guul’ waa mid qarniyadii tagay siyaabo kala duwan loo isticmaali jiray marka aad fiiriso dhanka Greek-ga (Nike) iyo dhanka Roman-ka (Victoria). Basle macnaha guud ee eraygaan wuxuu yahay: gaaritaanka ujeed aad horey u iclaantay.

Hadaba sidee lagu xaqiijin karaa in aad gaadhay ujeedkaagii? Waana su’aashaan midda micnaha erayga ‘guul’ aad u adkeysay.

Tusaale:
Dowlada Itoobiya waxay sheegatay guul in ay ka gaadhay dalka Somaliya. Dad badan waxay sheegeen Itoobiya in ay Somaliya kala kulantay guul-darro iyagoo markaa soo bandhigay sawiro muujinayo tirada ciidamda Itoobiya ee lagu dilay dalka Somaliya.
Waxaa halkaan kaaga muuqan karo in ay adag tahay mideynta argtida labo qeyb oo iska soo horjeeda ay ka qabaan guul ama guul-darro.

Xaqiijinta guusha
Hadaba xaqiijinta guusha yaa iska leh? Xafiis xaqiijiyo guulaha ma jiraa oo la tagi karo? Mararka qaar waxaad moodaa wargeysyada aduunka ugu weyn in ay yihiin xafiisyada xaqiijiya guusha. Iyagoo markaa u maarqaati kaco in Mareykanka uu guul ka gaaray dalka Ciraaq inkastoo dadka intooda badan ay qabaan in Ciraaq uu Mareykanka guul-darro kala kulmay.
Wargeysyada intooda badan hadda wey isku raaceen in Ciraaq aan guul laga gaarin, balse dowlada Mareykanka wali waxay ku adkeysaneysaa in ay guuleysteen.

Wargeysyada
Sandahaan dambe waxay siyaasiinta intooda badan adeegsadaan wargeysyada iyagoo markaa guul-darradooda u badalo guul. Mar hadii ay gurbaanka kuu tumaan wargeyso badan, dadka intooda badan waxay xaqiijin doonaan in aad guuleysatay madaama wargeysyo badan ay quushaada xaqiijiyeen.
Codka shacabka waa muqaddas marka la rabo in guul la xaqiijiyo. Waad la socotaa waji gabaxnimada uu madaxweynaha Mareykanka la kulmay markii uu kaligii ku adkeystay in uu Ciraaq iyo Afghanistan guul ka gaaray iyadoo shacabweynaha ay isku raaceen in uu guul-darrro la kulmay. Qofka sida joogtada ah u sheegto guulo uusan gaarin, waxaa hubaal ah in asxaabta u la shaqeeyo ee sportiga, siyaasada, dagaalka iyo masrax walba uu ka shaqeeyaba in ay iska fogeynayaan. Qofka nuucan ah intabadan waxaa lagu tilmaamaa qof xanuunsan oo hadalkiisa uusan sal lahayn.

Shuruudaha guusha ee qarnigaan:
Heysashada ujeed cad oo hore loo iclaanay
Gaadhista ujeedka
Sheegashada guusha
Wargeysyada oo durbaanka kuu tumo
Shacabka oo kuu ogolaado guusha

Muqaddas maahan in aad qodobadaan kor ku xussan aad la fulisid koox. Inkasta oo ay adag tahay, hadana waa suuragal in qof kaligii uu qodobadaan fuliyo.

Guul-darro iyo arimaha Somaliya
Marka hore aan si kooban kuugu dulmaro sababta arimaha Somaliya guul looga gaari la’yahay.
Sida aan qeybta kore ee maqaalka ku xussay, wey adag tahay in laba qeybood oo warran iyo gashaanka isla dhacaya ay isku raacaan qofka ay guusha raacday isla markaana uu mid xaqiijiyo guusha uu qofka kasoo horjeedo gaadhay. Hadaba siyaasiinta Somaliyeed waxay ku hawlan yihiin in arimaha Somaliya guul ka gaadhaan, iyagoo markaana rabo in guusha ay raali ka ahaadaan isla markaana xaqjiiyaan una marqaati furaan dalal ay Itoobiya ugu horeyso.
Runtii aad ayey u adag tahay in Somalida iyo dowladaha daris isku sheega ah ay ku midoobaan aragtida guul ama guul-darro marka laga hadlayo arimaha Somaliya, waayoo dowlada iyo horumarka ay rabaan shacabka Somaliya waa mid ay dowladahaan daris isku sheega ah aan raali galin. Itoobiya hore ayey si cad ugu sheegtay in Somaliya aysan ka hawl gali karin dowlad aan aheyn waxa ay ugu yeereen ‘friendly government’ oo ay ula jeedaan mid hoos timaada dowlada Itoobiya.

Marka qaladka kowaad waa qancinta iyo raali galinta dowladaha daris isku sheega iyo quwadaha maal galiyo oo uu Mareykanka ugu horeeyo. Ma dhici kartaa in dowlad ay cadaawad kala dhaxeyso Somaliya ay xaqiijiyaan guusha ay gaadhaan dadka ama dowlad Somaliyeed?

Qaladka labaadna waa maqnaasha codka shacabka Somaliya. Siyaasiinta waxay ilaabeen muhiimadda codka shacabka ay ‘maamulaan’ iyagoo har iyo habeen ku hawlan helida xaqiijin ‘guul’ oo ay ka helaan dowlado shiysheeye. Waxayna siyaasiintaan Somaliyeed safar cirka ah ku aadan 4ta jiho si ‘guusha’ ay gareen ay xaqiijin shisheeye ugu helaan. Siyaasiintaan Somaliyeed waxaad ku arkeysa gegida duyuuradaha caalamiga iyagoo duyuurad walba oo safreyso rabaan in ay ka dhax muuqdan. Qaarkood waxay habeen walba jiiftaan mid ka mid ah garoomada duyuuradaha ee Europe. Waxaana subixii halkaa ka eryo shaqaalaha garoomada, intaa kadina waxay iyagoo ilka ruman, wajigan iska dhaqin u tuugsi tagaan siyaasinta reer Europe iyagoo lacag iyo xaqiijin guuleed rabo in ay ka helaan.
Siyaasigaan marka uu dalka Somaliya ku laabto wuxuu qabanayaa shir jaraa’id, isagoo markaa ka faaloodo halka uu tagay, duyuurada uu raacay midibkeedi iwm ah.
Dhawr bilood ka hor waxaa dhacday in haweenay Kenya ku leh hotel ay afduubato
siyaasi Somaliyeed, oo ay ammartay in uusan ka bixi karin maqsinka uu ku jiro oo lagu qufulay. Arintaan waxey ka dambeysay kadib markii uu siyaasigaan waayey lacag uu ku bixiyo kharashkii ku baxay dhawrka bilood ee uu joogay hotelkaas. Sumcad-darrada ay siyaasiintaan ku hayaan Somaliya maahan mid loo dulqaadan karo!

Wadada guusha iyo arimaha Somaliya

Waa in la helo qof ama koox ujeed cad usoo bandhiga shacabka. Qofkaan ama kooxdaan waa in ay si dhab ah isug hawlaan sidii ay ujeedkooda uga rumayn lahaayeen, loomaha baahna sida siyaasiinta haatan jira, in subax walbo ujeed cusub la yeehso oo la dawakhiyo shacabka. Marka ay guusha garaan waxaa muqaddas ah in si wada jir ah guusha u sheegtaan isla markaana ay helaan shacab u ogolaado guusha una xaqiijyo iyo waliba wargeyso durbaanka u tumo oo xusso guusha ay kooxda gaadhay.
Ma’ahan oo kaliya qofkaan ama kooxdaan in xaqiijinta guushooda ay ku kooban tahay oo kaliya gobolka uu kasoo jeedo, ee waxaa loo baahan yahay in ogolaasho iyo xaqiijin uu ka haysto inta badan gobolada Somaliya.

Marka aad baarto qaabka ay Somaliya uga talaabtay xaaladihii adkaa ee soo maray, waxaad arkeysa in mar walba uu qof ama koox ay u istaagi jireen sidii guul lagu gaari lahaa. Waxaana marwalba istaagaan guusha loo istaago bilaabi jiray hal qof oo kaliya. Bal dib ugu noqo qaabka ay Somaliya guul uga gaadhay gumeysigii soo maray. Sidoo kale dib ugu noqo sida ay wadama Europe ku gareen guusha iyo nabada.

Wadan walba oo horumar iyo nabad ka jirto waxaad arkeysaa in dad ama shaqsiyaad gaara ay usoo dhibaatoodeen.

Ugu dambeyn
Wadad guusha maahan mid sahlan. Waa mid inta badan cadaw iyo colaad lagala kulmo. Waa mid u baahan karti, dulqaad iyo wada shaqeyn aaminaad ku saleysan.
Waxaase hubaal ah in wadada halka ay ku dhamaato kala kulmi doontid wax wanaagsan oo ku ilawsiiya cadawga iyo colaada aad la kullantay intii aad dhax kusoo jirtay. Safarka wadadaan waa mid u baahan dulqaad oo lala matali karo waraabinta geed aad abuurtay oo aad subax walbo waraabiso, si dhawr sano kadib cadceeda looga harsado.



C/wahaab Baajeey, Holland
Fadlan wixii feedback ah iigu soo hagaaji daacad2000@hotmail.com

Qoraaladi hore:
Burcad badeed?
Guul ama geeri!

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS